Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 78:1-4

Kanu waa sabuur Maskiil ah oo Aasaaf tiriyey.

78 Dadkaygiiyow, sharcigayga dhegaysta,
Oo dhegahana u dhiga erayada afkayga.
Afkayga waxaan ku furi doonaa masaal,
Oo waxaan ku dhawaaqi doonaa xujooyin hore,
Kuwaasoo aynu maqalnay oo aynu niqiin,
Oo ay awowayaasheen inoo sheegeen.
Ka qarin mayno carruurtooda,
Laakiin waxaynu farcanka soo socda u sheegaynaa Rabbiga ammaantiisa,
Iyo xooggiisa, iyo shuqulladiisii yaabka badnaa oo uu sameeyey.

Sabuurradii 78:12-16

12 Waxyaalo yaab badan ayuu awowayaashood ku hor sameeyey,
Markay joogeen dalkii Masar iyo berrinkii Socan.
13 Isagu badduu kala gooyay, oo iyagii dhex marsiiyey,
Oo biyihiina wuxuu ka dhigay inay sidii taallo u taagnaadaan.
14 Oo weliba maalinnimadii wuxuu ku hoggaamiyey daruur,
Oo habeennimadii oo dhanna wuxuu ku hoggaamiyey dab iftiinkiis.
15 Wuxuu kala jebiyey dhagaxyadii cidlada,
Oo wuxuu iyaga ka siiyey cabniin aad u badan oo ah sidii kan moolka laga helo.
16 Oo weliba wuxuu dhagaxa weyn ka soo faruuray durdurro,
Oo wuxuu biyo u qulquliyey sidii webiyada oo kale.

Ishacyaah 48:17-21

17 Rabbiga ah Bixiyihiinna oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil, wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo idin bara waxa idiin wanaagsan oo idinku hoggaamiya jidkii aad mari lahaydeen. 18 Haddaad amarradayda maqli lahaydeen, nabaddiinnu waxay noqon lahayd sidii webi oo kale, oo xaqnimadiinnuna waxay noqon lahayd sidii hirarka badda oo kale, 19 oo farcankiinnuna wuxuu ahaan lahaa sidii cammuudda oo kale, oo carruurtiinnuna waxay ahaan lahayd sidii ciidda oo kale. Magacooda lama gooyeen oo hortaydana lagama baabbi'iyeen.

20 Idinku Baabuloon ka soo baxa, oo reer Kaldayiin ka soo carara, oo waxan hees ku naadiya oo sheega. Waxaad ka sheegtaan xataa dhulka darafkiisa, oo waxaad tidhaahdaan, Rabbigu wuxuu soo furtay addoommadiisii reer Yacquub. 21 Oo markuu lamadegaannada dhex marsiiyeyna ma ay oomin, oo dhagaxa ayuu biyo uga soo daayay, oo isagu dhagaxii ayuu kala dillaaciyey, oo markaasay biyihii ka soo butaaceen.

Yacquub 4:11-16

11 Xumaan ha iskaga hadlina, walaalayaalow. Kii xumaan walaalkiis kaga hadlaa ama walaalkiis xukumaa, sharciga ayuu xumaan kaga hadlaa, sharcigana wuu xukumaa. Haddaad sharciga xukuntid, adigu ma ihid mid sharciga yeela, laakiin waxaad tahay mid isaga xukuma. 12 Waa mid keliya kan sharciga bixiyaa oo wax xukumaa, oo waa kan kara inuu wax badbaadiyo oo uu wax dumiyo. Laakiin adigu yaad tahay, kan deriskiisa xukumow?

Kadigidda Faanka Taajiriinta

13 Bal kaalaya hadda, kuwiinnan yidhaahda, Maanta ama berri waxaannu tegi doonaa magaalo, oo halkaasaannu sannad joogi doonnaa, waannu baayacmushtari doonnaa oo faa'iidaysan doonnaa, 14 kuwiinnan aan garanaynin waxa berri dhici doona. Noloshiinnu waa maxay? Waayo, idinku waxaad tihiin ceeryaamo, tan wakhti yar muuqata dabadeedna libidha. 15 Waa inaad tidhaahdaan, Haddii Rabbigu doonayo, waannu noolaan doonnaa oo waxaannu samayn doonnaa tan ama taas. 16 Laakiin idinku haatan waxaad ku faanaysaan isla weynaantiinna. Faanka caynkaas ah oo dhammu waa shar.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya