Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
8 Oo weliba kuwa dhulka meelaha ugu fog deggan waxay ka cabsadaan calaamooyinkaaga,
Oo adigu waad ka farxisaa meelaha ay subaxda iyo fiidkaba ka baxaan.
9 Dhulka waad soo booqataa, oo waad biyaysaa,
Oo aad baad u barwaaqaysaa,
Webiga Ilaahna biyaa ka buuxa,
Waxaad iyaga siisaa hadhuudh, markii aad dhulka sidaas u diyaarisay.
10 Adigu beerta jeexjeexeeda aad baad u waraabisaa,
Oo waxaad dejisaa jeexjeexa tuurahooda,
Oo tiixtiix baad ku jilcisaa,
Oo waxa ka soo baxana waad barakaysaa.
11 Sannadda waxaad taaj uga dhigtaa wanaaggaaga,
Oo waddooyinkaagana waxaa ka tifqa subag.
12 Waxay ku tifqaan daaqa cidlada,
Oo buuruhuna waxay guntadaan farxad.
13 Berrimmada daaqu waxay huwadaan tirooyin adhyo ah,
Dooxooyinkana waxaa qariya hadhuudh,
Markaasay farxad la qayliyaan, oo weliba gabyaan.
37 Yacquubna wuxuu qaatay dhengedo qoyan oo ah geedihii la odhan jiray libneh iyo yicib iyo carmon, kolkaasuu diiray oo xariijimo cadcad ku sameeyey. 38 Markaasuu dhengedihii uu diiray adhigii hor dhigay oo ku riday dararkii berkedaha oo adhigu ka cabbi jiray; wayna rimeen markay soo arooreen. 39 Adhigiina dhengedihii hortooda ayuu ku rimay, wuxuuna dhalay maqal xariijimo iyo dhibicyo iyo barbaro leh. 40 Markaasuu Yacquub naylihii ka soocay oo wuxuu adhigii u jeediyey xagga kuwii xariijimaha lahaa iyo intii madmadoobayd oo dhan ee adhigii Laabaan; markaasuu gooni u soocay goosankiisii, kumana uu darin adhigii Laabaan. 41 Markii adhiga intiisii xoogga lahayd rintay ayaa Yacquub dhengedihii adhiga indhihiisa hor dhigay intuu dararkii ku riday, inay dhengedihii ku dhex rimaan; 42 laakiinse adhiga qaarkii caatada ahaa, uma uu dhex gelin jirin; sidaas daraaddeed intii caatada ahayd waxaa lahaa Laabaan, intii xoogga lahaydna waxaa lahaa Yacquub. 43 Ninkiina aad buu u xoolo batay, wuxuuna lahaa adhi badan, iyo naago addoommo ah, iyo niman addoommo ah, iyo geel, iyo dameerro.
Hubka Masiixiyiinta
10 Ugu dambaysta waxaan idinku leeyahay, Ku xoogaysta Rabbiga iyo xoogga itaalkiisa. 11 Oo hubka Ilaah oo dhan qaata, si aad u awooddaan inaad sirta Ibliiska hor istaagtaan. 12 Waayo, innagu lama legdanno bini-aadan, laakiinse waxaynu la legdannaa kuwa madaxda ah iyo kuwa amarka leh iyo taliyayaasha dunida gudcurka ah iyo ruuxyada sharka ah oo samooyinka ku jira. 13 Haddaba sidaas daraaddeed hubka Ilaah qaata si aad u awooddaan inaad maalinta sharka iyaga is-hor taagtaan, oo markaad saas oo dhan yeeshaan aad awooddaan inaad istaagtaan. 14 Haddaba istaaga idinkoo runta dhexda ku xidhan, oo laabtana laabdhawrka xaqnimada ku xidhan, 15 oo cagahana gashan isu-diyaarinta injiilka nabadda, 16 oo weliba waxaa kaloo aad qaadataan gaashaanka rumaysadka, kaas oo aad ku awoodaysaan inaad ku wada demisaan kan sharka leh fallaadhihiisa ololaya oo dhan. 17 Oo waxaad qaadataan koofiyada badbaadada iyo seefta Ruuxa oo ah erayga Ilaah. 18 Mar kasta Ilaah wax kaga barya Ruuxa baryo iyo duco kastaba, oo taas ku dhawra adkaysasho oo dhan iyo u-ducaynta quduusiinta oo dhan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya