Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 122

Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.

122 Waan farxay markay igu yidhaahdeen,
Ina keena, aan guriga Rabbiga tagnee.
Yeruusaalemay, cagahayagu
Waxay taagan yihiin irdahaaga gudahooda,
Yeruusaalem waxaa loo dhisay
Sida magaalo isku wada dheggan,
Halkaasay qabiilooyinka, oo ah qabiilooyinka Rabbigu kor ugu baxaan
Inay Israa'iil u marag furaan,
Iyo inay magaca Rabbiga ku mahadnaqaan.
Waayo, waxaa yaalla carshiyo garsoorid loo dhigay,
Waana carshiyadii reerka Daa'uud.
Yeruusaalem nabad ugu duceeya.
Kuwa ku jecelu way barwaaqoobi doonaan.
Nabadu ha ku jirto derbiyadaada gudahooda,
Barwaaqona ha ku jirto daarahaaga dhaadheer.
Walaalahay iyo rafiiqyadayda daraaddood
Ayaan hadda waxaan odhanayaa, Nabadu gudahaaga ha ku jirto.
Rabbiga Ilaahayaga gurigiisa daraaddiis
Ayaan wanaaggaaga u doondooni doonaa.

Esteer 9:1-5

Guushii Yuhuudda

Haddaba bishii laba iyo tobnaad, oo ahayd bisha Adaar, maalinteedii saddex iyo tobnaad, markii boqorka amarkiisii iyo naadadiisii ay soo dhowaadeen in la oofiyo, maalintaas oo ahayd maalintii Yuhuudda cadaawayaashoodii ay rajaynayeen inay Yuhuudda u taliyaan, laakiin loo beddelay oo ay noqotay maalintii ay Yuhuuddii u taliyeen kuwii iyaga nebcaa, ayaa Yuhuuddii iska soo wada urursadeen magaalooyinkoodii ku yiil gobolladii Boqor Ahashwerus oo dhan inay gacan u qaadaan kuwii doonayay inay iyaga wax yeelaan; oo mana jirin nin iyaga hor istaagi karay, maxaa yeelay, cabsidoodii baa ku dhacday dadyowgii oo dhan. Oo waxaa Yuhuuddii caawiyey amiirradii gobollada oo dhan, iyo saraakiishii, iyo taliyayaashii, iyo kuwii boqorka hawshiisii qaban jiray oo dhan, maxaa yeelay, iyagu waxay ka cabsanayeen Mordekay. Waayo, Mordekay wuxuu ku weynaa gurigii boqorka, oo warkiisuna wuxuu wada gaadhay gobollada oo dhan, maxaa yeelay, ninkii Mordekay ahaa aad iyo aad buu u sii weynaaday. Oo Yuhuuddiina cadaawayaashoodii oo dhan waxay la dhaceen seef, wayna laayeen, oo baabbi'iyeen, oo waxay iyagii ku sameeyeen wixii ay doonayeen inay kuwa iyaga neceb ku sameeyaan.

Esteer 9:18-23

Fuuriim Oo Loo Dabbaaldegay

18 Laakiinse Yuhuuddii Shuushan joogtay way isa soo wada urursadeen bishaas, maalinteedii saddex iyo tobnaad, iyo maalinteedii afar iyo tobnaad, oo isla bishaas, maalinteedii shan iyo tobnaadna way nasteen, oo waxay ka dhigeen maalin iid ah oo farxad badan. 19 Haddaba Yuhuuddii tuulooyinka joogtay oo degganayd magaalooyinka aan derbiga lahayn, bisha Adaar, maalinteeda afar iyo tobnaad, waxay ka dhigaan maalin farxadeed oo iid ah, oo maalin wanaagsan ah, iyo maalin waxyaalo wanaagsan mid ba midka kale u diro.

20 Markaasaa Mordekay waxyaalahaas oo dhan qoray, oo wuxuu warqado u diray kulli Yuhuuddii joogtay Boqor Ahashwerus gobolladiisa oo dhan, kuwii dhowaa iyo kuwii fogaaba, 21 oo wuxuu ku amray iyagii inay sannad walba bisha Adaar, afar iyo tobankeeda iyo shan iyo tobankeeda, dhawraan, 22 oo ay ka dhigaan maalmihii Yuhuuddii ay cadaawayaashoodii ka raysteen iyo bishii xaggooda ay murugtii farxad u beddelantay, baroortiina maalin wanaagsan; inay ka dhigaan maalmo iid ah oo farxad badan, oo mid ba midka kale waxyaalo wanwanaagsan u diro, oo masaakiintana hadiyado la siiyo.

23 Oo Yuhuuddiina waxay aqbaleen inay sameeyaan wixii ay bilaabeen, iyo sidii Mordekay uu iyaga u soo qoray,

Luukos 12:4-12

Kuwii Laga Baqi Lahaa(A)

Waxaan idinku leeyahay, saaxiibbadayow, Ha ka baqina kuwa jidhka dila, oo aan dabadeed wax kale samayn karin. Laakiin waxaan idinkaga digayaa kaad ka baqi lahaydeen. Ka baqa kan kolkuu dilo dabadeed amar u leh inuu jahannamada ku tuuro. Runtii, waxaan idinku leeyahay, Kaas ka baqa. Shan shimbirrood miyaan laba beesadood lagu iibin? Oo midna lagama illaawin Ilaah hortiisa. Laakiin timaha madaxiinna oo dhan waa tirsan yihiin. Ha baqina; waad ka qiima badan tihiin shimbirro badan. Weliba waxaan idinku leeyahay, Mid walba oo igu qirta dadka hortiisa, ayaa Wiilka Aadanahu ku qiran doonaa malaa'igaha Ilaah hortooda. Laakiin kii igu diida dadka hortiisa, malaa'igaha Ilaah hortooda ayaa lagu diidi doonaa, 10 oo mid walba oo ku hadla hadal Wiilka Aadanaha ka gees ah, waa loo cafiyi doonaa, laakiin kii caaya Ruuxa Quduuska ah looma cafiyi doono. 11 Goortay idin hor keenayaan sunagogyada, iyo taliyayaasha, iyo kuwa amarka leh, ha ka welwelina sidii iyo wixii aad ku jawaabi doontaan ama waxaad odhan doontaan, 12 waayo, Ruuxa Quduuska ah ayaa saacaddaas idin bari doonaa wixii aad leedihiin inaad tidhaahdaan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya