Revised Common Lectionary (Complementary)
Gabayga meelokoridda.
126 Markii Rabbigu soo celiyey maxaabiistii Siyoon,
Waxaynu noqonnay sida kuwa riyooda.
2 Markaasaa afkeenna waxaa ka buuxsamay qosol,
Carrabkeennana gabay,
Kolkaasaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi,
Rabbigu waxyaalo waaweyn ayuu iyaga u sameeyey.
3 Rabbigu wuxuu inoo sameeyey waxyaalo waaweyn,
Oo aynu ku faraxsan nahay.
4 Rabbiyow, maxaabiisnimada mar kale nooga soo celi
Sida durdurrada koonfureed.
5 Kuwa ilmada wax ku abuurtaa, farxad bay ku goosan doonaan.
6 Kii iska taga isagoo ooyaya oo abuurkiisa sita,
Wuxuu soo noqon doonaa isagoo faraxsan oo xidhmooyinkiisa sita.
Badbaadiyaha Keliya Ee Israa'iil
43 Laakiinse haatan, reer Yacquubow, Rabbigii idin uumay wuxuu leeyahay, oo reer binu Israa'iilow, kii idin sameeyey wuxuu leeyahay, Ha cabsanina, waayo, anigaa idin soo furtay, oo magiciinna idiin bixiyey, oo kuwayga baad tihiin. 2 Markaad biyaha dhex maraysaan waan idinla jiri doonaa, oo markaad webiyaasha dhex qaadaysaanna idinma qarqin doonaan, markaad dabka ku dhex socotaanna, ma guban doontaan, ololkuna idinma qabsan doono. 3 Waayo, waxaan ahay Rabbiga Ilaahiinna ah oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil iyo Badbaadiyihiinna. Masar baan furashadiinnii u bixiyey, oo Itoobiya iyo Sebaana beddelkiinnii. 4 Indhahayga hortooda waxaad ku ahaydeen kuwa qaali ah, oo sharaf badan, waanan idin jeclaaday, oo sidaas daraaddeed niman baan idinku doorsan doonaa, oo dad badan baan naftiinna ku soo beddelan doonaa. 5 Ha cabsanina, waayo, waan idinla jiraa, oo farcankiinnana xagga bari baan ka keeni doonaa, oo xagga galbeed baan idinka soo ururin doonaa, 6 oo waxaan woqooyi ku odhan doonaa, Soo daa, oo koonfurna waxaan ku odhan doonaa, Ha celin, wiilashayda meel fog ka soo kexee, oo gabdhahaygana dhulka darafkiisa ka soo kexee, 7 waana mid kasta oo magacayga loogu yeedho, oo aan u uumay sharaftayda aawadeed. Anigaa sameeyey, oo anigaa suubbiyey.
Timoteyos
19 Laakiinse waxaan Rabbi Ciise ka rajaynayaa inaan dhowaan idiin soo diro Timoteyos si aan aniguna ugu farxo markii aan xaaladdiinna ogaado. 20 Waayo, ma aan hayo nin isaga la mid ah oo xaaladdiinna si dhab ah uga welwelaya. 21 Waayo, iyagu waxay kulligood doonayaan waxyaalahooda, mana aha waxyaalaha Ciise Masiix. 22 Laakiinse idinku waad taqaaniin xaqiiqadiisa in sida ilmo aabbihiis ugu adeego uu isagu iigula adeegay xagga injiilka. 23 Sidaas daraaddeed waxaan rajaynayaa inaan haddiiba isaga idiin soo diro markii aan arko sida ay xaaladdaydu u socoto. 24 Laakiinse Rabbigaan ku kalsoonahay inaan aniga qudhayduna dhowaan idiin iman doono.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya