Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 122

Gabayga meelokoridda oo Daa'uud tiriyey.

122 Waan farxay markay igu yidhaahdeen,
Ina keena, aan guriga Rabbiga tagnee.
Yeruusaalemay, cagahayagu
Waxay taagan yihiin irdahaaga gudahooda,
Yeruusaalem waxaa loo dhisay
Sida magaalo isku wada dheggan,
Halkaasay qabiilooyinka, oo ah qabiilooyinka Rabbigu kor ugu baxaan
Inay Israa'iil u marag furaan,
Iyo inay magaca Rabbiga ku mahadnaqaan.
Waayo, waxaa yaalla carshiyo garsoorid loo dhigay,
Waana carshiyadii reerka Daa'uud.
Yeruusaalem nabad ugu duceeya.
Kuwa ku jecelu way barwaaqoobi doonaan.
Nabadu ha ku jirto derbiyadaada gudahooda,
Barwaaqona ha ku jirto daarahaaga dhaadheer.
Walaalahay iyo rafiiqyadayda daraaddood
Ayaan hadda waxaan odhanayaa, Nabadu gudahaaga ha ku jirto.
Rabbiga Ilaahayaga gurigiisa daraaddiis
Ayaan wanaaggaaga u doondooni doonaa.

Esteer 7

Haamaan Oo La Deldelay

Haddaba boqorkii iyo Haamaan waxay u yimaadeen inay Boqorad Esteer martiqaadkeedii ka qayb galaan. Oo haddana maalintii labaad intii la fadhiyey martiqaadkii khamriga ayaa boqorkii Esteer ku yidhi, Boqorad Esteeray, baryadaadu waa maxay? Waa lagu siinayaaye. Maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay, waa laguu yeelayaaye. Markaasaa Boqorad Esteer jawaabtay oo waxay tidhi, Boqorow, haddaad raalli iga tahay oo aad ku faraxdid, baryadayda aawadeed naftayda ha la ii bixiyo, oo weyddiisashadayda aawadeedna dadkaygu ha ii badbaado, waayo, aniga iyo dadkaygiiba waxaa loo iibiyey in nala baabbi'iyo, oo nala laayo oo aan halaaganno. Laakiinse haddii naloo iibiyey inaan ahaanno rag iyo dumar addoommo ah, waan iska aamusi lahaa, in kastoo cadowgu aanu boqorka khasaaradiisa ka xaq marin karin. Markaasaa Boqor Ahashwerus wuxuu Boqorad Esteer ku yidhi, Yuu yahay, xaggee buuse joogaa, kan ku dhaca oo qalbigiisa sidaas kaga fikiray inuu waxaas yeelo? Markaasaa Esteer waxay tidhi, Cadow iyo col waxaa ah Haamaankan sharka leh. Markaasaa Haamaan boqorkii iyo boqoraddii hortooda ku cabsaday. Kolkaasaa boqorkii isagoo cadhaysan, ka kacay martiqaadkii khamriga, oo wuxuu u baxay xagga beerta hoyga boqorka; oo Haamaan ayaa u istaagay inuu Boqorad Esteer naftiisa u baryo, waayo, wuxuu arkay in boqorku belaayo la damacsan yahay. Markaasaa boqorkii beertii ka soo noqday oo galay meeshii martiqaadka khamriga lagu dhigay, Haamaanna wuxuu ku sii dhacayay sariirtay Esteer fuushanayd. Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Xataa ma boqoradduu hortayda ku xoogayaa iyadoo guriga joogta? Oo isla markii eraygaasu boqorka afkiisii ka soo baxay ayaa Haamaan wejigiisii la deday. Kolkaasaa Xarboona oo ahaa boqorka midiidinnadiisa midkood oo boqorka hortiisa joogay ayaa yidhi, Weliba bal eeg, waxaa Haamaan gurigiisa ag qotoma qoriga deldelaadda oo dhererkiisu yahay konton dhudhun, oo Haamaan u sameeyey inuu ku deldelo Mordekay oo boqorka wax wanaagsan kaga hadlay. Markaasaa boqorkii yidhi, Halkaas ku deldela. 10 Sidaas daraaddeed Haamaan waxaa lagu deldelay meeshii deldelaadda oo uu u diyaarshay inuu Mordekay ku deldelo, oo markaasaa boqorkii cadho baxay.

Muujintii 1:9-20

Riyadii Masiixa Lagu Arkay

Anigoo Yooxanaa ah oo walaalkiin ah iyo mid idinkala qayb galay dhibaatada iyo boqortooyada iyo dulqaadashada ku jira Ciise, waxaan gasiiradda Batmos la yidhaahdo u joogay erayga Ilaah iyo u markhaatifuridda Ciise aawadood. 10 Maalintii Rabbiga waxaan ku jiray Ruuxa, oo waxaan meel iga dambaysa ka maqlay cod weyn oo ah sidii buun oo leh, 11 Wixii aad aragtid buug ku qor, oo waxaad u sii dirtaa toddobada kiniisadood; kuwaas oo ah tan Efesos, iyo tan Simurna, iyo tan Bergamos, iyo tan Tu'ateyra, iyo tan Sardis, iyo tan Filadelfiya, iyo tan La'odikiya.

12 Oo anna dib baan u jeestay inaan arko codkii ila hadlay, oo markii aan dib u jeestay waxaan arkay toddoba laambadood oo dahab ah. 13 Oo laambadaha badhtankooda waxaan ku arkay mid u eg bini-aadan oo qaba khamiis dheer, oo laabtana waxaa ugu xidhnaa suun dahab ah. 14 Oo madaxiisa iyo timihiisuna waxay u caddaayeen sida suuf cad iyo sida baraf oo kale; oo indhihiisuna waxay ahaayeen sida dab ololkiis, 15 oo cagihiisuna waxay u ekaayeen naxaas dhalaalaysa sidii iyadoo foorno lagu safeeyey, codkiisuna wuxuu u ekaa codka biyo badan. 16 Oo gacantiisa midigtaana wuxuu ku haystay toddoba xiddigood, oo afkiisana waxaa ka soo baxay seef soofaysan oo laba af leh, jaahiisuna wuxuu u ekaa qorraxda oo xoog u dhalaalaysa. 17 Oo markii aan arkay ayaan ku hor dhacay sidii mid dhintay. Oo markaasuu gacantiisii midigta ahayd i saaray, oo wuxuu igu yidhi, Ha cabsan. Anigu waxaan ahay kan ugu horreeyey iyo kan ugu dambeeya, 18 iyo kan nool. Anigu waan dhintay, oo bal eeg, waan noolahay tan iyo weligayba, oo waxaan haystaa furayaasha dhimashada iyo [a]Haadees. 19 Haddaba waxaad qortaa waxyaalahaad aragtay iyo waxyaalaha hadda jira iyo waxyaalaha hadda ka dib dhici doona. 20 Toddobada xiddigood oo aad ku aragtay gacantayda midigtaa iyo toddobada laambadood oo dahabka ah qarsoodigooda micnihiisu waxaa weeye sidan, toddobada xiddigood waxaa weeyaan malaa'igaha toddobada kiniisadood, toddobada laambadoodna waxaa weeyaan toddobada kiniisadood.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya