Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 36:5-10

Rabbiyow, raxmaddaadu samooyinkay ku jirtaa,
Aaminnimadaaduna daruurahay gaadhaa.
Xaqnimadaadu waa sida buuraha Ilaah,
Oo xukummadaaduna waa mool dheer,
Rabbiyow, waxaad nabad gelisaa dadka iyo duunyadaba.
Ilaahow, raxmaddaadu qaalisanaa!
Oo binu-aadmiguna wuxuu magangalaa hooska baalashaada.
Aad bay uga dhergi doonaan barwaaqada gurigaaga,
Oo waxaad iyaga ka waraabin doontaa webiga farxaddaada.
Waayo, isha noloshu aday kula jirtaa,
Oo iftiinkaagaannu iftiin ku aragnaa.
10 Raxmaddaada ugu sii wad kuwa ku yaqaan,
Oo xaqnimadaadana kuwa qalbigoodu qumman yahay.

Yeremyaah 3:19-25

19 Waxaan idhi, Sidee baan wiilasha kuu dhex geeyaa, oo aan dal wacan kuu siiyaa, kaasoo ah dhaxalka ugu wanaagsan ee quruumaha? Oo haddana waxaan idhi, Waxaad igu yeedhi doontaan, Aabbahayow, oo igama aad jeesan doontaan. 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sida xaqiiqada ah naag khaa'inad ahu siday ninkeeda uga tagto oo kale ayaad idinkuna khiyaano igula macaamilooteen. 21 Cod baa ka yeedhaya meelaha dhaadheer dushooda, waana oohin iyo baryootankii dadka Israa'iil, waayo, jidkooday qalloociyeen, oo waxay iska illoobeen Rabbigii Ilaahooda ahaa. 22 Carruurta dib u noqotayay, soo noqda, oo dibunoqoshadiinna ayaan bogsiin doonaa. Bal eeg, haatan waannu kuu nimid, waayo, waxaad tahay Rabbiga Ilaahayaga ah. 23 Sida runta ah waa rajo been ah in badbaadinta kuraha iyo buuraha badan laga sugo. Sida runta ah badbaadadii dadka Israa'iil waxay ka timaadaa Rabbiga Ilaahayaga ah. 24 Laakiinse tan iyo yaraantayadii waxa ceebta ah ayaa baabba' ka dhigtay wixii awowayaashayo ku hawshoodeen oo dhan, xataa adhyahoodii iyo ishkinkoodii, iyo wiilashoodii iyo gabdhahoodiiba. 25 Ceebtayada aannu la jiifsanno oo sharafdarradayaduna ha na dul saarnaato, waayo, tan iyo yaraantayadii iyo ilaa maantadan la joogo annaga iyo awowayaashayoba waxaannu ku dembaabnay Rabbiga Ilaahayaga ah, oo codkii Rabbiga Ilaahayaga ahna ma aannu addeecin.

1 Korintos 7:1-7

Arrimaha Ku Saabsan Guurka Iyo Guurla'aanta Iyo Furidda

Waxyaalahaad ii soo qorteen xaggooda, Waxaa nin u wanaagsan inuusan qof dumar ah taaban. Laakiin si aan loo sinaysan, nin kastaa afadiisa oo qudha ha haysto, naag kastaana ninkeeda oo qudha ha haysato. Ninku afada waxa ku qumman ha siiyo, sidaas oo kale afaduna ninka waxa ku qumman ha siiso. Afadu jidhkeeda uma taliso, laakiin ninkaa u taliya, sidaas oo kale ninku jidhkiisa uma taliyo, laakiin afadaa u talisa. Ha isdiidina, wakhti aad ku heshiisaan inaad soon iyo tukasho u goosataan mooyaane, oo aad haddana isu timaadaan, si aan Shayddaanku idiin duufin iscelinla'aantiinna aawadeed. Laakiin taas fasax ahaan ayaan u leeyahay ee amrise maayo. De waxaan jeclaan lahaa in nimanka oo dhammu ay sidayda oo kale yihiin. Laakiin nin kastaaba hadiyad gooni ah ayuu Ilaah ka helaa, midkan sidan, kaasna sidaas.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya