Revised Common Lectionary (Complementary)
106 Rabbiga ammaana.
Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay,
Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.
2 Yaa sheegi kara Rabbiga falimihiisa waaweyn?
Amase yaa muujin kara ammaantiisa oo dhan?
3 Waxaa barakaysan kuwa xukunka dhawra,
Oo xaqnimada ka shaqeeya wakhti kastaba.
4 Rabbiyow, igu soo xusuuso naxariista aad dadkaaga u qabto,
Oo igu soo booqo badbaadintaada,
5 Inaan arko kuwaaga aad dooratay barwaaqadooda,
Oo aan ku reyreeyo farxadda quruuntaada,
Iyo inaan la faano dadka dhaxalkaaga ah.
6 Waxaannu la dembaabnay awowayaashayo,
Xumaanna waannu samaynay, oo si shar ah ayaannu wax u samaynay.
7 Awowayaashayo ma ay garan yaababkii aad dalka Masar ku samaysay.
Oo ma ay xusuusan badnaantii naxariistaada,
Laakiinse way ku ag caasiyoobeen badda, taas oo ah Badda Cas.
8 Habase yeeshee wuxuu iyagii u badbaadiyey magiciisa daraaddiis,
Inuu xooggiisa weyn ka dhigo mid la yaqaan.
9 Oo weliba Badda Cas ayuu canaantay, kolkaasay engegtay,
Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku hor kacay moolka dhexdiisii sidii iyagoo maraya cidlada dhexdeeda.
10 Oo wuxuu iyagii ka badbaadiyey kii iyaga necbaa gacantiisii,
Oo wuxuu ka furtay gacantii cadowga.
11 Biyihiina waxay qariyeen cadaawayaashoodii.
Xataa mid qudhahu kama hadhin.
12 Markaasay rumaysteen erayadiisii,
Oo ammaantiisay ku gabyeen.
Gabdhihii Selaafexaad
27 Markaas waxaa soo dhowaaday gabdhihii Selaafexaad ina Heefer ina Gilecaad oo ahaa ina Maakiir ina Manaseh, oo ahaa reer Manaseh ina Yuusuf; oo magacyadii gabdhihiisiina waa kuwan: Maxlaah iyo Nocaah iyo Xoglaah iyo Milkaah iyo Tirsaah. 2 Oo iyana markaasay is-hor taageen Muuse, iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa, iyo amiirradii iyo shirka oo dhan, xagga iriddii teendhada shirka, oo waxay yidhaahdeen, 3 Aabbahayo wuxuu ku dhintay cidladii, laakiinse isagu kuma uu jirin kooxdii is-urursatay oo Rabbiga geesta ka ahayd, oo kooxdii Qorax ahayd, illowse isagu wuxuu u dhintay dembi uu isagu lahaa, oo isagu wiilalna ma uu lahayn. 4 In kastoo uusan wiilal lahayn magicii aabbahayo maxaa qabiilkiisa looga dhex baabbi'inayaa? Haddaba aabbahayo walaalihiis dhul dhaxal ah nagu dhex sii. 5 Markaasaa Muuse arrintoodii keenay Rabbiga hortiisa. 6 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, 7 Gabdhaha Selaafexaad wax qumman bay ku hadleen. Haddaba hubaal waa inaad dhul dhaxal ah aabbahood walaalihiis ka dhex siisaa, oo waa inaad iyaga aabbahood ka dhaxalsiisaa. 8 Oo waa inaad reer binu Israa'iil la hadashaa, oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Haddii nin dhinto oo uusan wiil lahayn, markaas waa inaad gabadhiisa dhaxalsiisaan. 9 Oo hadduusan gabadhna lahayn, markaas waa inaad dhaxalsiisaan walaalihiis. 10 Oo hadduusan walaalo lahaynna markaas waa inaad adeerradiis dhaxalsiisaan. 11 Oo hadduusan aabbihiis walaalo lahaynna markaas waa inaad dhaxalsiisaan mid xigtadiisa ah oo isagu ha lahaado. Oo taasu qaynuun xukun ah bay u ahaan doontaa reer binu Israa'iil, sida Rabbigu Muuse ku amray.
Waxa Ilayska Laga Barto(A)
33 Ma jiro nin, goortuu ilays shido, dhiga meel qarsoon ama weel hoostiisa, laakiin wuxuu saaraa meeshii ilayska si ay kuwa soo galaa iftiinka u arkaan. 34 Ilayska jidhkaagu waa ishaada, ishaaduna markay hagaagsan tahay, jidhkaaga oo dhammu waa iftiimaa, laakiin goortay xun tahay, jidhkaaguna waa gudcur. 35 Haddaba iska jir si iftiinka kugu jiraa aanu gudcur u ahaan. 36 Haddaba haddii jidhkaaga oo dhammu iftiimo, aanuna lahayn meel gudcur ah, waa wada iftiimaa, sida goortii ilayska dhalaalayaa uu kuu iftiimiyo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya