Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.
29 Kuwiinna carruurta Ilaah ahow, Rabbiga ammaana,
Rabbiga ka sheega ammaan iyo xoog.
2 Rabbiga ku ammaana ammaanta magiciisu mudan yahay,
Rabbiga ku caabuda quruxda quduuska ah.
3 Rabbiga codkiisu wuxuu dul joogaa biyaha,
Ilaaha ammaantu wuu onkodaa,
Oo xataa Rabbigu wuxuu ka kor onkodaa biyo badan.
4 Rabbiga codkiisu waa xoog badan yahay,
Rabbiga codkiisu waa haybad badan yahay.
5 Rabbiga codkiisu wuxuu jebiyaa geedaha kedarka ah,
Haah, oo Rabbigu wuxuu kala jebjebiyaa geedaha kedarka ah oo Lubnaan.
6 Oo weliba wuxuu iyaga ka dhigaa inay u boodboodaan sida weyl oo kale,
Lubnaan iyo Siryonba wuxuu ka dhigaa sida gisi yar.
7 Rabbiga codkiisu wuxuu googooyaa ololka dabka.
8 Rabbiga codkiisu wuxuu ruxruxaa cidlada,
Rabbigu wuxuu ruxruxaa cidlada Qaadeesh.
9 Rabbiga codkiisu wuxuu dhaliyaa deerooyinka,
Oo kayntana caleemaha wuu ka daadiyaa,
Oo wax kasta oo macbudkiisa ku jiraana waxay yidhaahdaan, Ammaan.
10 Rabbigu wuxuu dul fadhiyaa daadka,
Haah, oo Rabbigu wuxuu weligiisba u fadhiyaa sida boqor oo kale.
11 Rabbigu dadkiisuu xoogayn doonaa,
Oo Rabbigu nabad buu dadkiisa ku barakayn doonaa.
WACDIYAHII
Wax Walba Waa Wax Aan Micne Lahayn
1 Kuwanu waa erayadii wacdiyihii ahaa ina Daa'uud oo Yeruusaalem boqorka ku ahaa.
2 Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn. 3 Bal maxaa faa'iido ah oo nin ka hela hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan? 4 Qarni baa taga, oo qarni kalena wuu yimaadaa, laakiinse dhulku weligiisba wuu waaraa. 5 Oo qorraxduna way soo baxdaa, oo haddana way dhacdaa, oo waxay ku degdegtaa meeshii ay ka soo baxdo. 6 Dabayshu waxay tagtaa xagga koonfureed, oo haddana waxay u soo rogmataa xagga woqooyi, oo had iyo goorba way wareegtaa, oo dabayshu waxay ku soo noqotaa wareeggeedii. 7 Webiyaasha oo dhammu waxay ku shubmaan badda, oo weli badduna ma buuxsanto, oo webiyaashu meeshii ay ku socdaan ayay haddana ku sii socdaan. 8 Wax kastaaba waa daal miidhan, dadku ma sheegi karo innaba. Ishu wax arag kama dheregto, dhegtuna waxmaqlid kama buuxsanto. 9 Wixii hore u jiri jiray waa waxa dibna u jiri doona, oo wixii la sameeyeyna waa waxa hadda ka dib la samayn doono, oo inta qorraxda ka hoosaysana wax cusub laguma arko. 10 Miyey jiraan wax la odhan karo, Bal eeg, waxanu waa cusub yihiine? Way jiri jireen tan iyo waayihii inaga horreeyey. 11 Waxyaalihii hore lama xusuusto, oo waxyaalaha iman doonana innaba laguma xusuusan doono kuwa dabadeed iman doona.
Xoogga Iskutallaabta
18 Waayo, hadalka ku saabsan iskutallaabtu waa u nacasnimo kuwa lumaya, laakiin waa u xoogga Ilaah kuweenna badbaadaya. 19 Maxaa yeelay, waxaa qoran,
Xigmadda kuwa xigmadda leh waan baabbi'in doonaa,
Oo garashada kuwa garashada leh ayaan diidi doonaa.
20 Meeh kan xigmadda lihi? Meeh kan culimmada ka mid ahi? Meeh kan wakhtigan muranka badani? Ilaah miyaanu nacasnimo ka dhigin xigmadda dunida? 21 Dunidu Ilaah kuma ay garanaynin xigmaddeeda, laakiin Ilaah xigmaddiisa aawadeed ayuu ku farxay inuu kuwa rumaysta ku badbaadiyo nacasnimadii wacdiga. 22 In kastoo ay Yuhuuddu calaamooyin doonaan oo Gariigtuna ay xigmad doonaan, 23 annaguse waxaannu dadka ku wacdinnaa Masiix oo iskutallaabta lagu qodbay, oo u ah xagga Yuhuudda wax lagu turunturoodo, xagga Gariigtana u ah nacasnimo. 24 Xagga kuwa loo yeedhayse, ha ahaadeen Yuhuudda ama Gariigta, Masiix baa u ah xoogga Ilaah iyo xigmadda Ilaah. 25 Waayo, nacasnimada Ilaah waa ka xigmad badan tahay xigmadda dadka, oo itaaldarrada Ilaahna waa ka itaal badan tahay itaalka dadka.
26 U fiirsada waxa laydiinku yeedhay, walaalayaalow, sidaan loogu yeedhin qaar badan oo xigmad leh xagga jidhka, ama qaar badan oo xoog leh, ama qaar badan oo gob ah, 27 laakiinse Ilaah wuxuu doortay waxyaalaha nacasnimada ah ee dunida inuu ceebeeyo kuwa xigmadda leh, oo Ilaah baa doortay waxyaalaha itaalka daran inuu ceebeeyo waxyaalaha itaalka leh. 28 Waxyaalaha hoose iyo waxyaalaha la fududaystana Ilaah baa doortay, xataa waxyaalaha aan jirin, inuu waxyaalaha jira wax aan wax tarin ka dhigo, 29 si aan qofna ugu faanin Ilaah hortiisa. 30 Laakiin xaggiisa waxaad ku jirtaan Ciise Masiix kan inoo noqday xigmadda xagga Ilaah, iyo xaqnimada, iyo quduusnaanta, iyo madaxfurashada, 31 in sida qoran, Kii faanaa, Rabbiga ha ku faano.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya