Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 76

Kanu waa sabuur gabay ah oo Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.

76 Ilaah baa reer Yahuudah lagu dhex yaqaan,
Oo magiciisuna reer binu Israa'iil dhexdooda waa ku weyn yahay.
Oo taambuuggiisu wuxuu ku yaal Saalem,
Hoygiisuna wuxuu ku yaal Siyoon.
Oo halkaas wuxuu ku jejebiyey fallaadhihii qaansada,
Iyo gaashaankii, iyo seeftii, iyo dagaalkiiba. (Selaah)
Adigu waxaad ka ammaan iyo haybad badan tahay buuraha ugaadha leh.
Kuwii qalbiga adkaa waa la dhacay, oo hurdadoodii ayay wada gam'een,
Oo raggii xoogga badnaana midkoodna gacmihiisii waxba kuma samayn.
Ilaaha Yacquubow, canaantaadii aawadeed
Ayaa gaadhifardood iyo fardoba waxay kula dhex dheceen hurdo weyn.
Adigase waa in lagaa cabsadaa,
Bal yaa hortaada istaagi kara mar haddaad cadhootid?
Waxaad ka dhigtay in xukun samada laga maqlo,
Oo dhulkiina waa baqay, oo wuu aamusay,
Markuu Ilaah xukunka u sara kacay
Inuu badbaadsho kuwa camalka qabow oo dhulka jooga oo dhan. (Selaah)
10 Hubaal waxaa ku ammaani doonta dadka cadhadiisa,
Oo waxaad dhexda ku xidhan doontaa cadhada inteeda hadhay.
11 Rabbiga Ilaahiin ah wax u nidra, oo u oofiya,
Inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhammu isaga hadiyado ha u keeneen kan ay waajibka tahay in laga cabsado.
12 Isagu wuxuu gooyn doonaa amiirrada ruuxooda,
Boqorrada dunidana wuu u cabsi badan yahay.

Daanyeel 7:19-27

19 Dabadeedna waxaan jeclaaday inaan ogaado runtii ku saabsanayd bahalkii afraad, oo ka duwanaa dhammaantood, oo aad iyo aad cabsida u lahaa, oo ilkihiisu birta ahaayeen, oo ciddiyahiisuna naxaasta ahaayeen; oo wax cunayay, oo waxna burbursanayay, intii hadhayna ku tumanayay, 20 iyo tobankii gees oo madaxiisa ku yiil, iyo geeskii kale oo soo baxay oo hortiisa ay saddexdu ka dhaceen, kaasu waa geeskii indhaha lahaa, iyo afka waxyaalaha waaweyn ku hadlayay, oo araggiisu kuwa kale ka xoog badnaa. 21 Waan fiiriyey, oo isla geeskaas ayaa quduusiinta la diriray; wuuna ka adkaaday; 22 ilaa uu kii da'da weynaa yimid, oo xukunkii la siiyey quduusiintii Ka ugu Sarreeya, oo uu yimid wakhtigii ay quduusiintu yeelan lahayd boqortooyada. 23 Sidan buu yidhi, Bahalka afraad wuxuu ahaan doonaa boqortooyo afraad o dunida ka kici doonta, taasu waa ka duwanaan doontaa boqortooyooyinka kale oo dhan, oo waxay cuni doontaa dunida oo dhan, wayna ku tuman doontaa, oo burburin doontaa. 24 Tobanka gees xaggoodana, waxaa boqortooyadaas ka kici doona toban boqor, dabadeedna mid kalaa kici doona iyaga ka dib, oo isagu waa ka duwanaan doonaa kuwii hore, oo saddex boqor buu dejin doonaa. 25 Oo hadal ka gees ah Ka ugu Sarreeya ayuu ku hadli doonaa, wuxuuna aad u dhibi doonaa quduusiinta Ka ugu Sarreeya, oo wuxuu ku fikiri doonaa inuu beddelo wakhtiyada iyo sharciga, oo gacantiisaana loo gelin doonaa ilaa wakhti iyo wakhtiyo iyo wakhti badhkiis. 26 Laakiinse xukunku wuu ahaan doonaa, oo waxaa laga qaadi doonaa dowladnimadiisa, si loo dhammeeyo oo loo baabbi'iyo ilaa ugudambaysta. 27 Markaasaa boqortooyada iyo dowladnimada, iyo weynaanta boqortooyooyinka samada ka hooseeya oo dhan, waxaa la siin doonaa dadka quduusiinta Ka ugu Sarreeya. Boqortooyadiisu waa boqortooyo weligeed jiraysa, oo dowladaha oo dhammuna isagay u adeegi doonaan oo addeeci doonaan.

Muujintii 11:1-14

Labada Markhaati

11 Markaasaa waxaa lay siiyey cawsduur ul u eg, oo waxaa laygu yidhi, Sara joogso, oo qiyaas macbudka Ilaah, iyo meesha allabariga, iyo kuwa Ilaah ku caabuda meeshaas. Oo barxadda macbudka dibaddiisa ku taal iska daa, oo ha qiyaasin; waayo, iyada waxaa la siiyey quruumaha; oo magaalada quduuska ahna waxay ku tuman doonaan intii laba iyo afartan bilood ah. Oo labadayda markhaati waxaan siin doonaa xoog ay wax ku sii sheegaan kun iyo laba boqol iyo lixdan maalmood, iyagoo jawaanno qaba. Oo kuwanu waa labada geed oo saytuunka ah iyo labada laambadood oo hor taagan Rabbiga dhulka. Oo haddii nin damco inuu wax yeelo, dab baa afkooda ka soo bixi doona oo gubi doona cadaawayaashooda; oo haddii nin damco inuu wax yeelo, waa in saas loo dilo. Kuwanu waxay leeyihiin amar ay samada ku xidhaan, si aan roob u di'in inta ay wax sii sheegayaan, oo waxay kaloo leeyihiin amar ay biyaha dhiig kaga dhigaan oo ay dhulkana ugu soo dejiyaan belaayo kasta mar alla markii ay doonayaan.

Oo markii ay dhammeeyaan markhaatifuridda waxaa la diriri doonaa bahalka yamayska ka soo bixi doona, oo wuu ka adkaan doonaa, wuuna dili doonaa iyaga. Oo meydadkoodu waxay oolli doonaan jidka magaalada weyn oo xagga ruuxa laga yidhaahdo Sodom iyo Masar, halkaasoo Rabbigooda iskutallaabta lagu qodbay. Oo saddex maalmood iyo badh ayaa waxaa meydadkooda daawan doona dad ka yimid dadadka iyo qabiilooyinka iyo afafka iyo quruumaha; oo umana ay oggolaan doonaan in meydadkooda qabri la geliyo. 10 Oo kuwa dhulka degganuna way ku farxi doonaan oo rayrayn doonaan, oo midkoodba midka kale wuxuu u diri doonaa hadiyado; maxaa yeelay, labadan nebi waxay saxariiriyeen kuwa dhulka deggan. 11 Oo saddex maalmood iyo badh dabadeed waxaa iyaga soo gashay neeftii nolosha oo xagga Ilaah ka timid, markaasay cagahoodii ku istaageen; oo kuwii iyaga daawadayna waxaa ku soo degtay cabsi weyn. 12 Oo waxay samada ka maqleen cod weyn oo ku leh, Halkan soo fuula. Markaasay samada tegeen iyagoo daruur ku dhex jira, oo cadaawayaashoodiina way arkeen. 13 Oo saacaddaasna waxaa dhacay dhulgariir weyn, oo magaaladii toban meelood oo meel ayaa duntay; oo dhulgariirkii wuxuu dilay toddoba kun oo qof, oo intoodii kalena way cabsadeen, oo waxay ammaaneen Ilaaha samada.

14 Oo hooggii labaadna wuu dhammaaday; oo bal eeg, hooggii saddexaadna dhaqsuu u imanayaa.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya