Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Daanyeel 7:9-10

Waxaan fiirinayay ilaa carshiyo meel la dhigay, oo waxaa ku fadhiistay mid da' weyn; oo dharkiisu wuxuu u caddaa sida barafka cad, timaha madaxiisuna waxay u ekaayeen sida suuf saafi ah, carshigiisu wuxuu ahaa olol dab ah, giringirihiisuna waxay ahaayeen dab wax gubaya. 10 Oo waxaa hortiisa ka soo dareeray oo ka soo baxay durdur dab ah; oo waxaa u adeegayay kumaan kun iyo kumaan kun, hortiisana waxaa taagnaa toban kun oo min toban kun ah; oo xukunkiina waa la dhigay, kitaabbadiina waa la furay.

Daanyeel 7:13-14

13 Riyadii habeennimada waxaan ku arkay mid u eg wiilkii aadan aha oo ku yimid daruuraha samada, oo wuxuu u yimid, kii da'da weynaa, oo waa loo soo dhoweeyey oo hortiisaa la soo taagay. 14 Oo waxaa la siiyey dowladnimo iyo ammaan iyo boqortooyo, inay dadyowga, iyo quruumaha, iyo kuwa kala afka ahu u wada adeegaan. Dowladnimadiisu waa dowladnimo weligeed jiraysa, oo aan dhammaanayn, boqortooyadiisuna waa mid aan la baabbi'in doonin.

Sabuurradii 93

93 Rabbigaa taliya, oo wuxuu huwan yahay haybad,
Rabbigu waa huwan yahay, oo wuxuu dhexda ku xidhay xoog,
Duniduna waxay u dhisan tahay si aan la dhaqaajin karin.
Carshigaagu wuxuu dhismay waa hore,
Oo adiguna waxaad jirtay tan iyo weligaa.
Rabbiyow, webiyadii kor bay u kaceen,
Webiyadii codkooday kor u qaadeen,
Oo webiyadii waxay kor u qaadeen hirarkoodii.
Biyaha badan codkooda,
Iyo mawjadaha badda oo waaweynba
Waxaa ka sii xoog badan Rabbiga sare.
Rabbiyow, markhaatifurkaagu waa hubaal,
Oo weligaaba waxaa gurigaaga ku habboon quduusnimo.

Muujintii 1:4-8

Anigoo Yooxanaa ah waxaan waxyaalahan u soo qorayaa toddobada kiniisadood oo Aasiya ku yaal. Nimco iyo nabadu ha idiinka yimaadeen kan jira oo jiray oo iman doona, iyo xagga toddobada ruux oo carshigiisa hor jooga, iyo xagga Ciise Masiix oo ah markhaatiga aaminka ah, iyo curadka kuwii dhintay, iyo amiirka boqorrada dhulka. Kan ina jecel oo dembiyadeenna dhiiggiisa inagaga furay, oo boqortooyo inaga dhigay inaynu wadaaddo u ahaanno Ilaaha ah Aabbihiis, isaga ammaanu ha u ahaato iyo dowladnimo weligiis iyo weligiisba. Aamiin. Bal eega, wuxuu la imanayaa daruuraha, oo waxaa isaga arki doona il kasta iyo kuwii isaga wareemay; oo qabiilooyinka dhulka oo dhammuna isagay u barooran doonaan. Haah, saas ha ahaato. Aamiin.

Rabbiga Ilaaha ahu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, oo ah kan jira oo jiray oo iman doona, iyo Qaadirka.

Yooxanaa 18:33-37

33 Bilaatos haddaba guriga taliyaha ayuu mar kale galay oo Ciise u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, Adigu ma waxaad tahay Boqorka Yuhuudda? 34 Ciise ayaa ugu jawaabay, Ma adaa iska odhanaya waxaas, mise kuwa kalaa iiga kaa sheegay? 35 Bilaatos ayaa ugu jawaabay, Ma Yuhuudi baan ahay? Quruuntaadii iyo wadaaddadii sare ayaa ii soo kaa gacangeliyeye. Maxaad samaysay? 36 Ciise ayaa ugu jawaabay, Boqortooyadaydu tan dunidan ma aha. Haddii boqortooyadaydu tan dunidan tahay, midiidinyadaydu waa ii diriri lahaayeen inaan Yuhuudda la ii gacangelin. Imminkase boqortooyadaydu tan halkan ma aha. 37 Sidaa daraaddeed Bilaatos ayaa ku yidhi, Haddaba ma boqor baad tahay? Ciise ayaa ugu jawaabay, Waad tidhaahdaa inaan boqor ahay. Taas ayaan u dhashay, oo taas ayaan dunida u imid, inaan marag u furo runta. Mid kasta oo kan runta ah wuu maqlaa codkayga.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya