Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Boqorradii Kowaad 17:8-16

Naagtii Carmalka Ahayd Ee Joogtay Sarefta

Markaasaa waxaa isagii u yimid Eraygii Rabbiga oo leh, Kac oo waxaad tagtaa Sarefta oo ay reer Siidoon leeyihiin, oo halkaas iska deg; oo bal eeg, naag carmal ah oo halkaas joogta waxaan ku amray inay ku quudiso. 10 Sidaas daraaddeed wuu kacay, oo wuxuu tegey Sarefta, oo markuu magaaladii iriddeedii yimid waxaa halkaas joogtay naag carmal ah oo xaabo guranaysa; oo intuu u yeedhay ayuu ku yidhi iyadii, Waan ku baryayaaye, wuxoogaa biyo ah weel iigu keen aan cabbee. 11 Oo markay u sii socotay inay u keento ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye waxaad gacanta iigu soo qaaddaa in yar oo kibis ah. 12 Iyana waxay tidhi, Waxaan Rabbiga Ilaahaaga ah noloshiisa ugu dhaartay inaanan kibis haysan innaba, laakiinse waxaan haystaa sacab muggiis oo jidhiidh ah oo weel ku jira, iyo in yar oo saliid ah oo kusad ku jirta, oo bal eeg, laba qori baan u guranayaa si aan intaan gurigayga galo ugu diyaariyo aniga iyo wiilkayga, dabadeedna aan cunno oo aan dhimannee. 13 Markaasaa Eliiyaah ku yidhi iyadii, Ha cabsane tag oo yeel sidaad tidhi, laakiinse marka hore ii soo samee in yar oo kibis ah oo ii keen, dabadeedna u samee adiga iyo wiilkaaga. 14 Waayo, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weelka jidhiidha ahu idlaan maayo, kusadda saliidda ahuna idin gabi mayso ilaa maalinta Rabbigu dhulka roob ku soo daayo. 15 Markaasay tagtay oo waxay yeeshay sidii Eliiyaah ku yidhi, oo iyadii iyo isagii iyo reerkeediiba maalmo badan bay wax cunayeen. 16 Oo weelkii jidhiidha ahaa ma uu idlaan, kusaddii saliidda ahaydna ma ay gabin, oo waxay ahaatay siduu ahaa eraygii Rabbigu u soo dhiibay Eliiyaah.

Sabuurradii 146

146 Rabbiga ammaana.
Naftaydoy, Rabbiga ammaan.
Intaan noolahay oo dhan Rabbiga waan ammaani doonaa,
Oo ammaan baan Ilaahay ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
Ha isku hallaynina amiirrada
Iyo binu-aadmiga aan waxba caawimi karin.
Naftiisu way ka baxdaa, oo wuxuu ku noqdaa dhulkiisii.
Oo isla maalintaas ayaa fikirradiisu baabba'aan.
Waxaa faraxsan ninkii ay caawimaaddiisu tahay Ilaaha reer Yacquub,
Oo rajadiisuna ay ku xidhan tahay Rabbiga Ilaahiisa ah,
Oo sameeyey cirka iyo dhulka,
Iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,
Oo runtana dhawra weligiisba,
Oo kuwa la dulmay u garsoora,
Oo kuwa gaajaysanna quud siiya.
Rabbigu maxaabiistuu furaa.
Rabbigu indhahuu u bixiyaa indhoolayaasha,
Oo kuwa gotana Rabbigaa toosiya,
Oo kuwa xaqa ahna Rabbigu waa jecel yahay.
Rabbigu waa ilaaliyaa kuwa qariibka ah,
Oo isagaa taageera agoonta iyo carmallada,
Laakiinse jidka kuwa sharka leh wuu qalloociyaa.
10 Rabbigu xukun buu haysan doonaa weligiis,
Siyoonay, Ilaahaagaa boqor ah tan iyo ab ka ab.
Rabbiga ammaana.

Cibraaniyada 9:24-28

24 Masiixu ma uu gelin meel quduus ah oo gacmo lagu sameeyey, oo u eg tan runta ah, laakiin wuxuu galay jannada qudheeda inuu hadda Ilaah hortiisa inooga muuqdo. 25 Weliba uma uu gelin inuu marar badan isbixiyo, sida wadaadka sare meesha quduuska ah sannad walba ula galo dhiig uusan lahayn. 26 Haddii kale lagamamaarmaan bay ahayd inuu marar badan xanuunsado tan iyo aasaaskii dunida; laakiin haatan oo dhammaadkii wakhtiga ah isaga mar keliya ayaa la muujiyey inuu dembiga ku baabbi'iyo allabarigiisa. 27 Waxaa dadka looga dhigay inay mar dhintaan, taas dabadeedna la xukumo, 28 sidaas oo kalena Masiix, isagoo mar loo bixiyey inuu qaado dembiyada kuwa badan, ayuu dembila'aan mar labaad badbaadin ugu muuqan doonaa kuwa isaga sugaya.

Markos 12:38-44

Ciise Wuxuu Ka Digay Culimmadii(A)

38 Markuu wax barayay wuxuu ku yidhi, Iska jira culimmada oo doonaya inay khamiisyo dhaadheer ku socdaan, oo jecel salaanta suuqa, 39 iyo kursiyada hore oo sunagogyada, iyo meelaha hore oo diyaafadaha. 40 Waxay yihiin kuwa wada laasta guryaha carmallada, oo tukashooyin dhaadheer ayay istusid u tukadaan. Kuwaas waxay heli doonaan xisaab aad u daran.

Sadaqadii Carmalka(B)

41 Ciise wuxuu fadhiistay meel ka hor jeedda khasnaddii, oo wuxuu eegayay sida dadku lacagta ugu ridayo khasnaddii. Qaar badan oo hodon ah ayaa wax badan ku riday. 42 Markaasaa waxaa yimid carmal miskiin ah. Iyadu waxay ku ridday laba lacag ah oo yaryar oo qiimadood beesad tahay. 43 Markaasuu xertiisii u yeedhay oo ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Carmalkan miskiinta ah waxay ku ridday wax ka badan wixii ay dhammaan ku ridayaan khasnaddii. 44 Waayo, kulligood waxay kaga rideen waxoodii badnaa, iyaduse miskiinnimadeeday kaga ridday wixii ay lahayd oo dhan, xataa wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya