Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 33:12-22

12 Waxaa barakaysan quruunta Ilaaheedu Rabbiga yahay,
Taasoo ah dadka uu isagu u doortay dhaxalkiisa.
13 Rabbigu samaduu wax ka soo fiiriyaa,
Oo wuxuu arkaa binu-aadmiga oo dhan,
14 Oo meesha isaga rugta u ah
Ayuu wuxuu ka soo fiiriyaa kuwa dhulka deggan oo dhan,
15 Waa isaga kan qalbiyadooda oo dhan sameeya,
Oo shuqulladooda oo dhan u wada fiirsada.
16 Ma jiro boqor ku badbaada ciidan weyn,
Ninkii xoog badanuna iskuma samatabbixiyo xoog badan.
17 Faras waa waxmatare in badbaado laysugu halleeyo,
Oo weliba ninnaba kuma samatabbixiyo xooggiisa badan.
18 Bal eega, Rabbiga ishiisu waxay la jirtaa kuwa isaga ka cabsada,
Waana kuwa naxariistiisa rajeeya,
19 Inuu naftooda dhimashada ka samatabbixiyo,
Iyo inuu wakhtiga abaartaa sii nooleeyo iyaga.
20 Nafteennu waxay sugtay Rabbiga,
Waayo, isagu wuxuu inoo yahay caawimaad iyo gaashaan.
21 Haddaba qalbigeennu isaguu ku rayrayn doonaa,
Maxaa yeelay, innagu waxaynu isku halleeynay magiciisa quduuska ah.
22 Rabbiyow, naxariistaadu ha noogu soo degto,
Sidii aannu kaa rajaynay.

Ayuub 37:1-13

37 Oo weliba taas aawadeed qalbigaygu wuu gariiraa,
Oo meeshiisiina wuu ka dhaqaaqaa.
Haddaba dhegaysta qaylada codkiisa
Iyo sanqadha afkiisa ka baxaysa.
Wuxuu taas u diraa inta samada ka hoosaysa oo dhan,
Oo hillaaciisana wuxuu u diraa dhulka darfihiisa oo dhan.
Dabadiisna wax baa aad uga sanqadha,
Isagu wuxuu ku onkodaa haybaddiisa codkeeda;
Oo markii codkiisa la maqlona iyaga ma uu joojiyo.
Ilaah si yaab ah ayuu codkiisa ugu onkodaa,
Oo wuxuu sameeyaa waxyaalo waaweyn oo aynan garan karin.
Waayo, wuxuu barafka cad ku yidhaahdaa, Dhulka ku da';
Oo sidaasoo kaluu ku yidhaahdaa roobka yar
Iyo roobkiisa weynba.
Isagu wuxuu shaabadeeyaa nin kasta gacantiisa,
In nin kasta oo uu sameeyeyba ogaado.
Markaasaa bahalladu hogag galaan,
Oo waxay iska joogaan boholahooda.
Koonfurta waxaa ka soo baxa duufaanka,
Oo qabowguna wuxuu ka yimaadaa woqooyiga.
10 Barafku wuxuu ku yimaadaa Ilaah neeftiisa,
Oo biyaha ballaadhanuna way barafoobaan.
11 Daruurta qarada weyn ayuu ka buuxiyaa qoyaan,
Oo wuxuu kala firdhiyaa daruurta hillaaciisa,
12 Oo waxaa lagu soo wareejiyaa hoggaamintiisa,
Inay sameeyaan wax alla wixii uu kugu amro
Dunida la dego dusheeda oo dhan,
13 Hadday tahay hagaajin aawadeed, ama dalkiisa aawadiis,
Ama naxariis aawadeed, kolleyba wuxuu ka dhigay inay kuwaasu noqdaan.

1 Korintos 15:50-57

50 Waxaan leeyahay, walaalayaalow, Jidhka iyo dhiiggu ma dhaxli karaan boqortooyada Ilaah. Qudhunkuna ma dhaxli karo qudhunla'aanta. 51 Eega, waxaan idiin sheegayaa wax qarsoon. Dhammaanteen ma wada dhiman doonno, laakiin dhammaanteen waa layna beddeli doonaa, 52 dhaqsiba, intaan il laysku qaban, markii buunka ugu dambeeya la yeedhiyo; waayo, buunku waa dhawaaqi doonaa oo kuwii dhintayna qudhunla'aan baa la sara kicin doonaa, waana layna beddeli doonaa. 53 Waayo, kan qudhmayaa waa inuu gashado qudhunla'aanta, oo kan dhimanayaana waa inuu gashado dhimashola'aanta. 54 Markii kan qudhmayaa uu gashado qudhunla'aanta, oo kan dhimanayaana uu gashado dhimashola'aanta, markaas hadalka qorani wuu noqon doonaa ee ah, Dhimashadii waxaa liqday libtii. 55 Dhimashoy, meeday libtaadii? Dhimashoy, meeday micidaadii? 56 Micida dhimashadu waa dembiga, oo xoogga dembiguna waa sharciga. 57 Laakiin Ilaah baa mahad leh kan libta inagu siiya Rabbigeenna Ciise Masiix.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya