Revised Common Lectionary (Complementary)
Sabuur
98 Rabbiga gabay cusub ugu gabya,
Waayo, isagu wuxuu sameeyey waxyaalo yaab badan,
Gacantiisa midig iyo dhudhunkiisa quduuska ahuna waxay keeneen badbaado.
2 Rabbigu wuxuu dadka ogeysiiyey badbaadadiisii,
Oo xaqnimadiisiina wuxuu bayaan ugu muujiyey quruumaha hortooda.
3 Oo wuxuu soo xusuustay naxariistiisii iyo aaminnimadiisii uu u qabay reerka binu Israa'iil,
Dadka dhulka darfihiisa jooga oo dhammu way wada arkeen badbaadinta Ilaaheenna.
4 Inta dhulka joogta oo dhammay, Rabbiga farxad ugu qayliya,
Dhawaaqa, oo farxad ku gabya, oo ammaan ku gabya.
5 Rabbiga ammaan ugu gabya idinkoo kataarad haysta,
Kataarad iyo codka heeska ugu gabya.
6 Boqorka Rabbiga ah hortiisa farxad kaga dhawaajiya
Turumbooyin iyo buunan.
7 Badda iyo waxa ka buuxaaba ha guuxeen,
Dunida iyo kuwa dhex deggan oo dhammuna ha dhawaaqeen,
8 Webiyadu ha sacbiyeen,
Oo buuruhuna dhammaantood farxad ha kaga gabyeen Rabbiga hortiisa,
9 Waayo, isagu wuxuu u imanayaa inuu dhulka xukumo,
Wuxuu dunida ku xukumi doonaa xaqnimo,
Dadyowgana caddaalad.
5 Oo haddaba Rabbigii uurka hooyaday iga soo sameeyey inaan isaga addoon u noqdo si aan reer Yacquub isaga ugu keeno, oo reer binu Israa'iilna ay isaga ugu soo wada ururaan, wuu ila hadlay, (waayo, anigu Rabbiga hortiisa waan ku sharaf badnahay, Ilaahayguna wuxuu ii noqday xoog iyo itaal) 6 Oo isagu wuxuu leeyahay, Inaad addoonkaygii ahaatid, oo aad qabiilooyinka reer Yacquub soo kicisid, iyo inaad kuwii reer binu Israa'iil ka hadhay soo celisid waa wax fudud, oo weliba quruumahaan iftiin kaaga dhigi doonaa, si ay badbaadintaydu dhulka darafkiisa u gaadho.
Butros Iyo Korneeliyos
10 Haddaba waxaa Kaysariya joogay nin la odhan jiray Korneeliyos, oo taliye u ahaa boqol askari oo la odhan jiray Ciidankii Talyaaniga. 2 Ninkaasu nin cibaadaysan buu ahaa, oo Ilaah buuna ka cabsan jiray, isaga iyo gurigiisuba, dadkana sadaqooyin badan buu siin jiray, oo had iyo goorna Ilaah buu baryi jiray. 3 Abbaaraha sagaalka saacadood oo maalmeed wuxuu riyo bayaan ugu arkay malaa'igtii Ilaah oo u soo gelaysa oo ku leh isaga, Korneeliyosow. 4 Markaasuu aad u fiiriyey isagoo cabsanaya oo wuxuu ku yidhi, Waa maxay, Rabbiyow? Markaasay ku tidhi, Baryooyinkaaga iyo sadaqooyinkaaga waxay Ilaah hortiisa u baxeen xusuus. 5 Haddaba waxaad niman u dirtaa Yaafaa inay u soo yeedhaan Simoon kan la yidhaahdo Butros. 6 Wuxuu marti u yahay nin Simoon la yidhaahdo oo megdeeye ah oo gurigiisu ku yaal badda dhinaceeda. 7 Oo kolkii malaa'igtii isaga la hadashay ka tagtay, wuxuu u yeedhay laba midiidin iyo askari cibaadaysan oo ka mid ah kuwa had iyo goorba u adeegi jiray; 8 oo markuu wax walba u sheegay, ayuu wuxuu u diray Yaafaa.
9 Haddaba maalintii dambe intay safrayeen oo magaalada ku soo dhowaanayeen, ayaa Butros wuxuu tegey gurigii dushiisa inuu ku tukado abbaaraha saacaddii lixaad, 10 waana gaajooday oo wuxuu doonayay inuu wax cuno; laakiin intay wax u diyaarinayeen ayuu riyooday, 11 wuxuuna arkay samada oo furantay, oo waxaa soo degayay weel sida shiraaq weyn oo kale oo afartiisa geesood loogu soo dejinayo dhulka; 12 oo waxaana ku jiray jinsi kasta oo xayawaan afar lugood leh iyo waxa dhulka gurguurta iyo haadda cirka. 13 Oo waxaa isaga u yimid cod leh, Kac, Butrosow; gowrac oo cun. 14 Laakiin Butros wuxuu yidhi, Saas yaanay noqon, Rabbiyow, maxaa yeelay, weligay ma aan cunin wax xaaraan ah oo aan nadiif ahayn. 15 Mar labaad codkii baa u yimid isagoo leh, Wixii Ilaah nadiifiyey, xaaraan ha ka dhigin. 16 Taasuna waxay dhacday saddex goor; markiibana weelkii waa loo qaaday samada.
17 Haddaba Butros intuu si aad ah ugu wareersaday riyadii uu arkay waxay micneheedu ahayd, bal eega, nimankii Korneeliyos soo diray, iyagoo mar weyddiistay gurigii Simoon, ayay waxay istaageen albaabka hortiisa, 18 waxayna u yeedheen oo weyddiisteen in Simoon, kan la yidhaahdo Butros, uu meeshaas marti ku yahay iyo in kale. 19 Oo Butros intuu riyadii ka fikirayay ayaa Ruuxu wuxuu ku yidhi, Bal eeg, saddex nin baa ku raadinaysa. 20 Haddaba kac oo hoosta tag oo raac, adoo aan shaki lahayn, maxaa yeelay, anaa soo diray. 21 Markaasaa Butros nimankii hoos ugu tegey, oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, anigu waxaan ahay kaad raadinaysaan. Waa maxay sababta aad u timaadeen? 22 Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Korneeliyos oo boqol askari u taliya oo nin xaqa ah, Ilaahna ka cabsada, oo quruunta Yuhuudda oo dhammuna wanaaggiisa u markhaati furto, waxaa u digay isaga malaa'ig quduus ah inuu gurigiisa kuugu yeedho, hadallona kaa maqlo. 23 Sidaas aawadeed ayuu gudaha ugu yeedhay oo marti geliyey.
Maalintii dambe ayuu kacay oo iyagii la baxay, walaalihii Yaafaa joogana qaarkood ayaa raacay isagii. 24 Maalintii dambe waxay soo galeen Kaysariya. Korneeliyosna iyaguu sugayay isagoo isugu yeedhay xigtadiisii iyo saaxiibbadiisii u dhowaa. 25 Markuu Butros soo galay, ayaa Korneeliyos ka hor yimid, lugihiisana ku dhacay, waana caabuday. 26 Laakiin Butros baa kiciyey oo ku yidhi, Istaag; aniga qudhayduba nin baan ahay. 27 Oo intuu isagii la hadlayay, ayuu soo galay, oo wuxuuna arkay kuwo badan oo isu yimid; 28 markaasuu ku yidhi iyagii, Idinka qudhiinnu waa og tihiin inay xaaraan u tahay nin Yahuudi ah inuu ku darmado ama u dhowaado nin quruun kale ah; hase ahaatee Ilaah baa i tusay inaanan ninna ku sheegin nin xaaraan ah ama aan nadiif ahayn; 29 sidaas aawadeed, markii la ii yeedhay, waxaan imid diididla'aan. Saas darteed waxaan idin weyddiinayaa sababtii aad iigu soo yeedheen. 30 Markaasaa Korneeliyos wuxuu ku yidhi, Afar maalmood oo hore, saacaddan oo kale, ayaan joogay anoo gurigayga saacaddii sagaalaad ku tukanaya; oo bal eeg waxaa i hor istaagay nin qaba dhar dhalaalaya, 31 oo wuxuu yidhi, Korneeliyosow, baryadaadii waa la maqlay, sadaqooyinkaagiina Ilaah hortiisa waa laga xusuustay. 32 Sidaas darteed Yaafaa cid u dir oo u yeedho Simoon, kan Butros la yidhaahdo. Wuxuu marti ku yahay guriga Simoon megdeeye oo badda dhinaceeda yaal. 33 Sidaas darteed markiiba cid baan kuu soo diray; oo si wanaagsan baadna u samaysay inaad timid. Haddaba sidaa darteed dhammaantayo halkan waa wada joognaa Ilaah hortiisa, inaannu maqalno waxyaalihii Rabbigu kugu amray oo dhan.
Butros Wacdigiisii
34 Markaasaa Butros afkiisa kala qaaday oo wuxuu yidhi, Runtii waxaan garanayaa Ilaah inuusan dadka u kala eexan:
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya