Revised Common Lectionary (Complementary)
BED
9 Bal nin dhallinyaro ahu muxuu jidkiisa ku nadiifiyaa?
Waa inuu aad ugu fiirsado si eraygaaga waafaqsan.
10 Waxaan kugu doondoonay qalbigayga oo dhan,
Yaanan amarradaada ka leexan.
11 Waxaan eraygaagii qalbigayga ugu kaydsaday
Si aanan kuugu dembaabin.
12 Rabbiyow, adigaa mahad leh,
Haddaba qaynuunnadaada i bar.
13 Waxaan bushimahayga ku sheegay
Xukummadii afkaaga oo dhan.
14 Waxaan ku reyreeyey jidka markhaatifurkaaga,
Sidaan ugu rayrayn lahaa taajirnimada oo dhan.
15 Waxaan aad ugu fiirsan doonaa amarradaada,
Oo jidadkaagaan dhawri doonaa.
16 Qaynuunnadaada waan ku farxi doonaa,
Eraygaagana ma illoobi doono.
Ballanqaadkii Ammaanta Guriga Cusub
2 Oo haddana bishii toddobaad maalinteedii kow iyo labaatanaad ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, oo wuxuu yidhi, 2 Hadda waxaad la hadashaa Serubaabel ina Salaatii'eel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, iyo Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo ah wadaadka sare, iyo dadka intiisa hadhayba, oo waxaad ku tidhaahdaa, 3 Yaa hadhay oo idin dhex jooga oo gurigan ammaantiisii hore arkay? Haatanse sidee buu idiinla eg yahay? Sow meel aan waxba ahayn idiinlama eka? 4 Haddaba Rabbigu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, xoog yeelo. Yashuuca ina Yehoosaadaaq oo wadaadka sare ahow, xoog yeelo. Dadkiinna dalka jooga oo dhammow, xoog yeesha oo shaqeeya, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan idinla joogaa, 5 sidaan idiin ballanqaaday waagii aad Masar ka soo baxdeen, oo ruuxaygiina wuu idin dhex joogaa, haddaba ha cabsanina. 6 Waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Weli wakhti yar oo gaaban baa ii hadhay, oo dabadeedna waxaan gariirin doonaa samooyinka, iyo dhulka, iyo badda, iyo berrigaba. 7 Oo quruumaha oo dhanna waan gariirin doonaa, oo waxa ay quruumaha oo dhammu jeclaystaan way iman doonaan, oo anna gurigan waxaan ka buuxin doonaa ammaan, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay. 8 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Lacagta anigaa leh, oo dahabkana anigaa leh. 9 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaanta gurigan dambe waa ka sii weynaan doontaa tan kii hore. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan dhexdeeda ayaan nabad ku siin doonaa.
Serubaabel Waa Shaabaddii Rabbiga
20 Markaasaa mar labaad eraygii Rabbigu u yimid Nebi Xaggay, taasuna waxay ahayd bisha maalinteedii afar iyo labaatanaad, oo wuxuu ku yidhi, 21 La hadal Serubaabel oo ah taliyaha dalka Yahuudah, oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaan gariirin doonaa samooyinka iyo dhulkaba, 22 waanan afgembiyi doonaa carshiga boqortooyooyinka, oo waan baabbi'in doonaa xoogga boqortooyooyinka quruumaha, waanan afgembiyi doonaa gaadhifardoodyada iyo kuwa fuushanba, oo fardaha iyo kuwa ku joogaaba way dhici doonaan, oo mid kastaaba wuxuu ku dhiman doonaa seefta walaalkiis. 23 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Serubaabelow, Addoonkaygiiyow, ina Salaatii'eelow, maalintaas waan ku qaadan doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay, oo waxaan kaa dhigi doonaa sidii shaabad oo kale, waayo, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu waan ku doortay.
34 Haddaba dadkii badnaa waxay ugu jawaabeen, Waxaannu sharciga ka maqallay in Masiixu weligiis jiri doono. Sidee baad u leedahay, Wiilka Aadanaha waa in kor loo qaado? Waa ayo Wiilka Aadanahu? 35 Ciise haddaba ayaa ku yidhi, Weli in yar nuurka ayaa idinla jiraya. Socda intaad nuurka haysataan, si aan gudcurku idiin soo gaadhin. Kan gudcurka ku socdaana ma yaqaan meeshuu u socdo. 36 Intaad nuurka haysataan, rumaysta nuurka, inaad noqotaan wiilasha nuurka.
Qaar Badan Baa Rumaysan Waayay, Laakiin Qaar Baa Si Qarsoon U Rumaystay
Waxyaalahaas Ciise ayaa ku hadlay, markaasuu ka tegey oo ka dhuuntay iyaga. 37 Laakiin in kastuu calaamooyin badan ku sameeyey hortooda, weli ma ay rumaysan isaga; 38 inuu noqdo hadalka nebi Isayos oo uu ku hadlay,
Rabbiyow, yaa warkayagii rumaystay,
Oo yaa gacantii Rabbiga loo muujiyey?
39 Sidaa aawadeed ayay rumaysan kari waayeen, waayo, Isayos ayaa haddana yidhi,
40 Wuu indhatiray, qalbigoodana ayuu engejiyey,
Si aanay indhahooda wax ugu arkin, oo aanay qalbigoodana wax ugu garan,
Oo aanay u soo noqon,
Oo aanan u bogsiin.
41 Waxyaalahaas Isayos ayaa yidhi, maxaa yeelay, ammaantiisuu arkay, wuuna ka hadlay isaga. 42 Hase ahaatee qaar badan oo taliyayaasha ka mid ahaa way rumaysteen, laakiin Farrisiintii aawadood ma ay qiran si aan sunagogga looga saarin, 43 waayo, waxay ammaanta Ilaah ka jeclaayeen ammaanta dadka.
Ciise Waxbariddiisii La Soo Koobay
44 Ciise ayaa ku dhawaaqay oo yidhi, Kii i rumaystaa, ima rumaysto, wuxuuse rumaystaa kan i soo diray. 45 Kii i arkaana, wuxuu arkaa kan i soo diray. 46 Waxaan dunida u imid inaan nuur u ahaado, in mid kasta oo i rumaystaa uusan gudcurka ku sii jirin. 47 Nin uun hadduu erayadayda maqlo oo uusan xajin, xukumi maayo, waayo, uma iman inaan dunida xukumo, waxaanse u imid inaan dunida badbaadiyo. 48 Kii i diida oo aan erayadayda aqbalin, wuxuu haystaa mid xukuma; ereygaan ku hadlay baa xukumi doona isaga maalinta u dambaysa. 49 Waayo, anigu amarkayga kuma hadlin, laakiinse Aabbihii i soo diray isagaa i amray waxaan idhaahdo iyo waxaan ku hadloba. 50 Oo waanan garanayaa inuu amarkiisu yahay nolosha weligeed ah. Sidaa daraaddeed waxaan ku hadlayaa, sidii Aabbuhu igu yidhi, sidaasaan ku hadlayaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya