Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
19 Samooyinku waxay caddeeyaan ammaanta Ilaah,
Cirkuna wuxuu muujiyaa sancadii gacantiisa.
2 Maalinba maalinta ka dambaysaa waxay ku hadashaa hadal,
Oo habeenba habeenka ka dambeeyaa wuxuu caddeeyaa aqoon.
3 Ma jiro hadal ama af
Aan codkooda laga maqlin.
4 Codkoodii wuxuu dhex maray dhulka oo dhan,
Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu dambaysa.
Oo dhexdooda wuxuu taambuug u dhigay qorraxda,
5 Taasoo la mid ah aroos qolladdiisii ka soo baxaya,
Oo waxay u faraxdaa sida nin xoog leh oo baratamaya.
6 Waxay ka soo baxdaa samada darafkeeda,
Oo waxay ku soo wareegtaa hareeraheeda,
Oo kulaylkeedana wax ka qarsoonu ma jiraan.
7 Sharciga Rabbigu waa kaamil, oo nafta wuu soo celiyaa,
Maragfurka Rabbigu waa aamin, oo garaadlaawaha ayuu u caqliyeeyaa.
8 Qaynuunnada Rabbigu waa hagaagsan yihiin, oo qalbiga ayay ka farxiyaan,
Amarka Rabbigu waa daahir oo indhaha ayuu nuuriyaa.
9 Cabsida Rabbigu waa nadiif, weligeedna way raagtaa,
Xukummada Rabbigu waa run, waana wada xaq dhammaantood.
10 Iyagu waa wax xataa dahab laga sii jeclaado, haah, xataa dahab badan oo saafi ah,
Oo weliba way ka sii macaan yihiin malab iyo awlallada malabka.
11 Oo weliba addoonkaagana iyagaa loogu digay,
Oo xajintoodana waxaa ku jira abaalgud weyn.
12 Bal yaa qaladdadiisa garan kara?
Rabbow, iga nadiifi dembiyo qarsoon.
13 Anoo addoonkaaga ah iga hay waxyaalo aan ku kibro,
Oo yaanay ii talin,
Oo markaas kaamil baan ahaan doonaa,
Oo xadgudub weynna daahir baan ka ahaan doonaa.
14 Rabbiyow, xooggayga iyo bixiyahaygiiyow,
Erayada afkayga iyo fikirka qalbigaygu ha ahaadeen kuwo hortaada lagu aqbalo.
16 Oo maalintii saddexaad, markuu waagii beryay, waxaa dhacay onkod iyo hillaac, oo daruur qaro weyn baa buurtii soo dul joogsatay, oo waxaa yeedhay buun codkiisu aad iyo aad u weyn yahay, kolkaasay dadkii xerada ku jiray oo dhammu wada gariireen. 17 Markaasaa Muuse dadkii xeradii ka soo bixiyey inay Ilaah la kulmaan aawadeed; kolkaasay waxay istaageen buurta salkeedii. 18 Oo Buur Siinay dhammaanteed way qiiqaysay, maxaa yeelay, Rabbi baa dusheeda ku soo degay, isagoo dab ku dhex jira, oo qiiqeediina kor buu u baxay sida qiiq foorno oo kale, oo buurtii oo dhammuna aad bay u gariirtay. 19 Oo markii buunkii codkiisii aad iyo aad u sii weynaaday ayaa Muuse hadlay, Ilaahna kolkaasuu cod ugu jawaabay. 20 Markaasaa Rabbigu wuxuu ku soo kor degay Buur Siinay, oo wuxuu yimid buurta dusheedii. Kolkaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ugu yeedhay buurta dusheedii; oo Muusena kor buu u baxay. 21 Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Hoos u deg, oo dadka u dig, waaba intaasoo ay Rabbiga xaggiisa u soo xadgudbaan inay fiirsadaan, oo ay qaarkood badanu halligmaane. 22 Oo weliba wadaaddada Rabbiga u soo dhowaanaya quduus ha iska dhigeen, waaba intaasoo Rabbigu uu halligaaye. 23 Kolkaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, Dadku Buur Siinay sooma fuuli karaan, waayo, waxaad nagu amartay, oo nagu tidhi, Buurta soohdin ku wareeji, oo quduus ka dhig. 24 Markaasaa Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Orod oo hoos u deg; oo dabadeedna soo fuul adigoo Haaruun wata; laakiinse wadaaddada iyo dadku yaanay kor u soo xadgudbin xagga Rabbiga, waaba intaasoo uu halligaaye. 25 Haddaba Muuse hoos buu u degay oo dadkii u tegey, una sheegay.
Ciise Muuqiisu Waa Isbeddelay(A)
2 Lix maalmood dabadeed Ciise wuxuu waday Butros iyo Yacquub iyo Yooxanaa; oo wuxuu keligood geeyey buur dheer, hortoodana ayuu ku beddelmay. 3 Dharkiisu aad buu caddaan ula dhalaalay sidii midka dhulka wax ku caddeeya aanu u caddayn karin. 4 Markaasaa waxaa iyaga u muuqday Eliyaas iyo Muuseba, waxayna la hadlayeen Ciise. 5 Markaasaa Butros la hadlay oo Ciise ku yidhi, Macallimow, waxaa inoo wanaagsan inaynu halkan joogno. Saddex waab aannu ka dhisno, mid adaan kuu dhisaynaa, midna Muuse, midna Eliyaas. 6 Waayo, ma uu garanaynin wuxuu ku jawaabo, maxaa yeelay, aad bay u baqeen. 7 Kolkaasaa waxaa timid daruur oo iyaga hadhaynaysa, daruurtiina waxaa ka yimid cod leh, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay ee maqla isaga. 8 Dhaqsiba goortii ay hareerahooda fiiriyeen, mar dambe ma ay arkin cid kale oo iyaga la joogta Ciise keliya maahee.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya