Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Muutlabbeen.
9 Qalbigayga oo dhan ayaan Rabbiga ugu mahadnaqi doonaa,
Waxaan muujin doonaa shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
2 Waan kugu farxi doonaa oo kugu rayrayn doonaa,
Kaaga ah kan ugu sarreeyow, magacaaga ayaan ammaan ugu gabyi doonaa.
3 Cadaawayaashaydu markii ay dib u noqdaan,
Way kufaan, oo waxay ku halligmaan hortaada.
4 Waayo, adigu xaqaygii iyo dacwadaydiiba waad ilaalisay,
Carshigaad ku fadhiday adigoo si xaq ah wax u xukumaya.
5 Quruumaha ayaad canaanatay, oo kuwa sharka lehna waad baabbi'isay,
Oo magacoodiina waad tirtirtay weligiis iyo weligiis.
6 Cadaawayaashii way dhammaadeen, oo weligoodba waa baabba',
Oo magaalooyinkii aad afgembidayna
Xataa xusuustoodii waa baabba'day.
7 Laakiinse Rabbigu wuxuu weligiis u fadhiyaa sida boqor,
Oo carshigiisiina wuxuu u diyaarsaday garsoorid.
8 Oo dunida xaqnimuu ku xukumi doonaa.
Oo dadyowgana qummanaan buu ugu garsoori doonaa.
9 Oo weliba Rabbigu wuxuu kuwa la dulmay u noqon doonaa magangal.
Oo kolkii ay dhibaataysan yihiinna magangal buu u ahaan doonaa,
10 Oo kuwa magacaaga yaqaanna way isku kaa hallayn doonaan,
Waayo, adigu Rabbiyow, ma aad dayrisid kuwa ku doondoona.
11 Rabbiga Siyoon deggan ammaan ugu gabya,
Oo waxyaalahuu sameeyey dadka dhexdiisa ka caddeeya.
12 Waayo, waxaa iyaga xusuusta ka dhiigga ka aarguda,
Oo isagu ma illoobo qaylada masaakiinta.
13 Rabbiyow, ii naxariiso,
Bal eeg dhibaatada ay kuwa i necebu igu hayaan.
Waxaad kor iiga qaaddaa irdaha dhimashada,
14 Si aan u muujiyo ammaantaada oo dhan,
Badbaadadaada aawadeed ayaan ugu farxi doonaa irdaha Siyoon.
Ayuub
16 Markaasaa Ayuub u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
2 Anigu waan maqlay waxyaalo badan oo caynkaas ah.
Idinku dhammaantiin waxaad tihiin qalbiqabowjiyayaal qalqalloocan.
3 Hadal dabayl ahu miyuu dhammaadaa?
Balse maxaa kaa dhirfinaya oo aad u jawaabaysaa?
4 Haddii naftiinnu ahaan lahayd naftayda,
Anigu waan u hadli kari lahaa sidiinna oo kale,
Oo hadal waan idinku kor tuuli kari lahaa,
Oo madaxaygana waan idinku ruxruxi kari lahaa.
5 Laakiinse anigu afkayga waan idinku xoogayn lahaa,
Oo tacsiyaynta bushimahayguna way idin qalbi qabowjin lahayd.
6 Anigu haddaan hadlo xanuunkaygu igama yaraado,
Oo haddaan iska aamusona miyaan in ka yar xanuunsadaa?
7 Laakiinse haatan wuu i daaliyey,
Oo guutadaydii oo dhan cidlo baad ka dhigtay.
8 Waad i qabsatay, taasuna waa marag iga gees ah,
Oo waxaa igu kaca macluulkayga, oo fool ka fool ayuu igu markhaati furaa.
9 Isagoo cadhaysan ayuu i dildillaacsaday, oo wuu i silciyey,
Wuuna igu ilko jirriqsaday,
Oo cadowgaygii indhuhuu igu caddeeyey.
10 Iyagu afkay ii kala qaadeen,
Oo quudhsasho ayay dhabanka igaga dharbaaxeen,
Oo dhammaantoodna way isu kay wada urursadaan.
11 Ilaah wuxuu gacantooda i geliyaa cibaadalaawayaasha,
Oo wuxuu igu dhex tuuraa gacmaha kuwa sharka ah.
12 Anigoo iska istareexsan ayuu i kala jejebiyey,
Oo intuu surka i qabtay ayuu i kala burburiyey,
Oo weliba intuu meel i qotomiyey ayuu goolibaadh iga dhigtay.
13 Qaansoolayaashiisii ayaa i hareereeya,
Oo kelyahaygii ayuu kala googooyaa,
Oo xammeetidaydiina dhulkuu ku daadshaa.
14 Isagu wuu i jejebiyaa oo nabarba nabar buu iiga kor mariyaa;
Oo sidii nin xoog badan ayuu orod igula soo kacaa.
15 Korkayga waxaan ku tolay joonyad,
Oo xooggaygiina ciiddaan ku riday.
16 Wejigaygii oohin buu la beddelmay,
Oo indhaha daboolkoodana waxaa ii jooga hooskii dhimashada,
17 In kastoo aanay xaqdarro ku jirin gacmahayga,
Oo uu baryootankayguna daahir yahay.
18 Dhulkow, dhiiggayga ha qarinin,
Oo qayladayduna yaanay meelay ku nasato lahaan.
19 Oo hadda bal eeg, markhaatigaygii wuxuu joogaa samada,
Oo kii ii dammiintaana xagga saruu joogaa.
20 Saaxiibbaday way igu qoslaan,
Laakiinse indhahaygu ilmo bay u daadiyaan xag Ilaah.
21 Bal muu jiro mid dadka Ilaah ula hadla,
Siduu nin deriskiisa ugu hadlo oo kale.
Masaalka Ku Saabsan Addoommadii Aaminka Ahaa Iyo Kuwii Aan Aaminka Ahayn(A)
45 Haddaba yuu yahay addoonka aaminka ah oo caqliga leh, kan sayidkiisu dadka gurigiisa u sarreeysiiyey inuu cuntada siiyo wakhtigeeda? 46 Waxaa barakaysan addoonkaas kan sayidkiisu goortuu yimaado uu helayo isagoo sidaas samaynaya. 47 Runtii waxaan idinku leeyahay, Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarreeysiin doonaa isaga. 48 Laakiin haddii addoonkaas sharka leh qalbigiisa ka yidhaahdo, Sayidkaygu waa raagay, 49 oo uu bilaabo inuu garaaco kuwii la shaqayn jiray, oo uu wax la cuno oo wax la cabbo kuwa sakhraanka ah, 50 addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn iyo saacad aanu ogayn, 51 oo waa kala jeexi doonaa oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela labawejiilayaasha. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya