Revised Common Lectionary (Complementary)
5 Rabbigu sidaasuu kaga leeyahay nebiyada dadkayga qalda, oo qaniina oo haddana ku qayliya, Nabad, oo ku dhawaaqa in lala diriro ku alla kii aan afkooda wax ku ridin. 6 Haddaba sidaas daraaddeed waxay idiin noqon doontaa habeen, waxbana laydinma tusi doono, oo waxay idiin noqon doontaa gudcur, mana aad faalan doontaan, oo qorraxdu way dhici doontaa nebiyada oo jooga, oo maalintuna way ku madoobaan doontaa iyaga. 7 Oo kuwa wax arka way ceeboobi doonaan, oo faaliyayaashuna way isku wareeri doonaan, haah, oo dhammaantood waxay dabooli doonaan bushimahooda, waayo, ma jirto jawaab Rabbiga ka timid. 8 Laakiinse sida runta ah aniga waxaa iga buuxa xoog iyo caddaalad iyo itaal uu Ruuxa Rabbigu i geliyey si aan reer Yacquub xadgudubkiisa ugu sheego, oo aan dadka Israa'iil dembigiisa ugu sheego. 9 Madaxda reer Yacquub iyo taliyayaasha dalka Israa'iilow, waan idin baryayaaye, waxan maqla, kuwiinna caddaaladda neceb oo qummanaanta qalloociya. 10 Siyoon dhiig bay ku dhisaan, Yeruusaalemna xumaan bay ku dhisaan. 11 Madaxdoodu laaluush bay wax ku xukumaan, wadaaddadooduna kiro bay dadka wax ku baraan, oo nebiyadooduna lacag bay u faaliyaan, oo weliba Rabbiga bay ku tiirsadaan iyagoo leh, Sow Rabbigu dhexdayada ma joogo? Belaayo innaba naguma degi doonto. 12 Haddaba sidaas daraaddeed idinka aawadiin Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sida meelaha sare ee kaynta ku yaal oo kale.
43 Ilaahow, ii gar soor, oo dacwadayda kala muddac quruun aan cibaado lahayn,
Iga samatabbixi ninka khiyaanada badan oo xaqa daran.
2 Waayo, waxaad tahay Ilaaha xoogga ii ah, bal maxaad ii xoortay?
Dulmiga cadowga daraaddiis bal maxaan ula sii cabaadaa?
3 Nuurkaaga iyo runtaada ii soo dir, oo ha i hoggaamiyeen,
Oo ha i keeneen buurtaada quduuska ah, iyo taambuugyadaada.
4 Oo markaasaan tegi doonaa meesha allabariga Ilaah,
Iyo Ilaaha ah farxaddayda weyn,
Ilaahow, Ilaahaygiiyow, kataaradda waan kugu ammaani doonaa.
5 Naftaydoy, bal maxaad u murugaysan tahay?
Oo bal maxaad gudahayga ugu rabshaysan tahay?
Ilaah ku kalsoonow, waayo, weli waxaan ammaanayaa
Isagoo ah caawimaadda wejigayga iyo Ilaahay.
9 Waayo, waad xusuusan tihiin, walaalayaalow, sidaannu dhib iyo daal ugu shaqaynay habeen iyo maalinba, inaannan midkiinna culaysin, oo waxaannu idinku wacdinnay injiilka Ilaah. 10 Idinkuna markhaati baad ka tihiin, Ilaahna wuu ka yahay, sidaannu daahir iyo xaq iyo ceebla'aan kula macaamiloonnay kuwiinna rumaysan. 11 Sidaad og tihiin waxaannu midkiin kastaba kula macaamiloonnay sida aabbe carruurtiisa ula macaamiloodo, annagoo idin waaninayna oo idin dhiirigelinayna oo idiin markhaati furayna, 12 inaad u socotaan si istaahisha Ilaaha idiinku yeedhay boqortooyadiisa iyo ammaantiisa.
Silec
13 Oo sababtaas daraaddeed ayaannu joogsila'aan Ilaah ugu mahadnaqnaa in, markii aad naga hesheen ereygii Ilaah oo aad naga maqasheen, aydnaan u aqbalin sidii dad hadalkiis laakiin siduu run u yahay ereygii Ilaah oo haddana idinka dhex shaqeeya kuwiinna rumaysan.
Ciise Wuxuu Canaantay Culimmadii Iyo Farrisiintii(A)
23 Dabadeed Ciise ayaa dadkii badnaa iyo xertiisii la hadlay, 2 oo wuxuu ku yidhi, Culimmada iyo Farrisiinta waxay ku fadhiistaan kursiga Muuse. 3 Haddaba wax walba oo ay idiin sheegaan inaad dhawrtaan, dhawra oo yeela, laakiin siday sameeyaan ha samaynina, waayo, wax bay yidhaahdaan, mana sameeyaan. 4 Waxay isku xidhxidhaan culaabo culculus oo waxay saaraan dadka garbihiisa, laakiin iyagu dooni maayaan inay fartooda ku dhaqaajiyaan. 5 Laakiin shuqulkooda oo dhan waxay u sameeyaan in dadku arko, waayo, xirsiyadooda way ballaadhiyaan, oo faraqa dharkoodana way weyneeyaan; 6 waxay jecel yihiin meelaha hore oo diyaafadaha, iyo kursiyada hore oo sunagogyada, 7 iyo salaanta suuqa, iyo in dadku ugu yeedhaan, Macallin. 8 Laakiin yaan laydiinku yeedhin, Macallin, waayo, mid baa macallinkiinna ah, idinkuna kulli walaalo baad tihiin. 9 Ninna dhulka ha ugu yeedhina aabbe, waayo, mid baa Aabbihiin ah, kaasu waa kan jannada ku jira. 10 Yaan laydiinku yeedhin sayiddo, waayo, mid baa sayidkiinna ah, kaasu waa Masiixa. 11 Laakiin kan idiinku weyn waa inuu ahaado midiidinkinna. 12 Oo ku alla kii isa sarraysiiya waa la hoosaysiin doonaa, oo ku alla kii is-hoosaysiiyana waa la sarraysiin doonaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya