Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, si wax loogu xusuusto.
70 Ilaahow, soo dhaqso oo i samatabbixi,
Rabbiyow, soo dhaqso oo i caawi.
2 Kuwa doondoonaya inay naftayda iga qaadaan
Ha ceeboobeen oo ha wareereen,
Oo kuwa waxyeelladayda ku farxaana
Dib ha u noqdeen oo ha sharaf beeleen.
3 Kuwa Ahaa, Ahaa, lahu,
Ceebtooda dib ha ula noqdeen.
4 Kuwa adiga ku doondoona oo dhammu ha reyreeyeen oo ha kugu farxeen,
Oo kuwa badbaadintaada jeceluna had iyo goorba ha yidhaahdeen,
Ilaah ha la weyneeyo.
5 Laakiinse miskiin iyo mid baahan baan ahay,
Ilaahow, ii soo dhaqso,
Waxaad tahay caawimaaddayda iyo samatabbixiyahayga.
Rabbiyow, ha iga raagin.
Israa'iil Oo Lagu Yeeray Markhaatiyaal Ka Gees Ah
3 Reer binu Israa'iilow, bal maqla eraygan Rabbigu idinkaga hadlay. Waxaan kaga hadlay dadkii aan dalka Masar ka soo bixiyey oo dhan, anigoo leh, 2 Idinka oo keliya ayaan idinka iqiin qolooyinka dhulka deggan oo dhan, haddaba xumaatooyinkiinnii oo dhan ayaan idiin ciqaabi doonaa. 3 Laba qof miyey wada socdaan haddaanay heshiis ahayn? 4 Aar miyuu duudda ka ciyaa, hadduusan raq haysan? Aaran libaax miyuu bohoshiisa ka qayliyaa, hadduusan waxba soo qaadan? 5 Shimbiru miyey dabin dhulka ku kor yaal ku dhici kartaa, haddaan siriq loo dhigin? Dabin miyuu dhulka ka boodda isagoo aan innaba wax qabsan? 6 Haddiise magaalo buun laga dhex afuufo, miyaan dadku cabsan? Miyaa belaayo magaalo ku dhacdaa, haddaan Rabbigu saas ku samayn? 7 Sida xaqiiqada ah Sayidka Rabbiga ahu waxba ma samayn doono, inuu qarsoodiga u muujiyo addoommadiisa nebiyada ah mooyaane. 8 Aarkii waa ciyey, haddaba bal yaan cabsanayn? Sayidka Rabbiga ahu waa hadlay, haddaba bal yaa wax sii sheegi waayaya?
9 Warkan ka dhex naadiya daaraha waaweyn ee Ashdood ku yaal iyo daaraha waaweyn ee dalka Masar ku dhex yaalba, oo waxaad tidhaahdaan, War waxaad ku soo shirtaan buuraha Samaariya korkooda, oo bal eega buuqa weyn oo halkaas ku jira, iyo dulmiga ku dhex jira. 10 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa daarahooda waaweyn ku soo urursadaa wixii xoog iyo tuugnimo lagu soo dhacay ma ay gartaan si ay wax qumman u sameeyaan. 11 Haddaba Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Cadow baa dalka hareerayn doona, oo isna xooggiinna wuu idinka qaadi doonaa, oo daarihiinna waaweynna waa la wada dhici doonaa. 12 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida adhijirku afka libaaxa uga badbaadiyo laba lugood, amase dheg go'eed, saasoo kalaa loo badbaadin doonaa dadka Israa'iil ee Samaariya deggan oo ku fadhiya sariirta rukunkeeda iyo gogosha barkimaheeda xariirta ah.
13 Oo haddana waxaa ka dhawaajisay malaa'igtii lixaad, markaasaan maqlay cod ka yeedhaya geesihii girgirihii allabariga oo dahabka ahaa oo Ilaah hor yaal, 14 oo ku lahaa malaa'igtii lixaad oo buunka haysatay, Fur afarta malaa'igood oo ku ag xidhan webiga weyn oo Yufraad. 15 Markaasaa waxaa la furay afartii malaa'igood oo loo diyaariyey saacadda iyo maalinta iyo bisha iyo sannadda inay laayaan dadka saddex meelood oo meel. 16 Oo tiradii ciidankii fardooleyda ahaa waxay ahayd labaatan kun oo meelood oo min toban kun ah; oo anigu waan maqlay tiradoodii. 17 Oo sidaasaa waxaan tusintii ku arkay fardihii iyo kuwii fuushanaa oo qaba laabdhawr u eg dab iyo dhagax yakintos iyo baaruud; oo fardaha madaxyadooduna waxay u ekaayeen madaxyo libaax; oo afafkoodana waxaa ka soo baxayay dab iyo qiiq iyo baaruud. 18 Oo dadkii saddex meelood oo meel waxaa lagu dilay saddexdan belaayo oo ah dabka iyo qiiqa iyo baaruudda afkoodii ka soo baxay. 19 Waayo, fardaha xooggoodu wuxuu ku jiray afkooda iyo dabadooda, waayo, dabadoodu waxay u ekayd abeesooyin, oo waxay lahaayeen madaxyo, oo kuwaasay dadka wax ku yeeli jireen.
20 Oo dadkii hadhay oo aan lagu dilin saddexdaas belaayo, kama ay toobadkeenin shuqulladii gacmahooda, si ayan u caabudin jinniyo, iyo sanamyo dahab ah, iyo kuwo lacag ah, iyo kuwo naxaas ah, iyo kuwo dhagax ah, iyo kuwo qoryo ah, oo aan wax arki karin, waxna maqli karin, soconna karin; 21 kamana ay toobadkeenin diliddoodii iyo saaxirnimadoodii iyo sinadoodii iyo tuugnimadoodii.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya