Revised Common Lectionary (Complementary)
8 Dadyahow, Ilaaheenna ammaana,
Oo codka ammaantiisa ha la maqlo,
9 Kaasoo nafteenna nolol ku haya,
Oo cagaheennana aan u oggolayn in la dhaqdhaqaajiyo.
10 Waayo, Ilaahow, adigu waad na imtixaantay,
Oo waxaad noo tijaabisay sida lacagta loo tijaabiyo.
11 Waxaad na gelisay shabagga dabinka ah,
Oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn.
12 Dad baad madaxa naga saartay,
Oo waxaannu dhex galnay dab iyo biyo,
Laakiinse ugudambaysta waxaad na keentay meel barwaaqo ah.
13 Haddaba anigu gurigaaga waxaan la soo geli doonaa allabaryo la gubo,
Oo waxaan kuu oofinayaa nidarradaydii
14 Bushimahaygu ay ku hadleen,
Oo afkaygu sheegay markii aan dhibaataysnaa.
15 Oo waxaan allabaryo la gubo kuugu soo bixinayaa xoolo buurbuuran
Iyo wanan iyo fooxood,
Oo waxaan kuu soo bixin doonaa dibiyo iyo orgiyo. (Selaah)
16 Kulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla,
Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye.
17 Isagaan afkayga ugu qayshaday,
Oo waxaan ku ammaanay carrabkayga.
18 Haddaan dembi qalbigayga ku arkay,
Sayidku ima uu maqleen,
19 Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay,
Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.
20 Mahad waxaa leh Ilaaha
Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin.
7 Oo Rabbigu wuxuu Nuux ku yidhi, Adiga iyo dadka gurigaaguba soo gala doonnida; waayo, waxaan arkay adigoo qarnigan xaq ku ah hortayda. 2 Xoolaha daahirka ah toddoba iyo toddoba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis; xoolaha aan daahirka ahaynna laba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis; 3 haadda hawadana toddoba iyo toddoba ka qaad, lab iyo dhaddig: si farcan ugu sii noolaado dhulka dushiisa oo dhan. 4 Waayo, waxaa weli hadhay toddoba maalmood, dabadeedna afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan roob ku soo dayn dhulka; oo wax kasta oo nool oo aan sameeyey waan ka baabbi'in doonaa dhulka dushiisa. 5 Nuuxna wax kasta sidii Rabbigu ugu amray ayuu u sameeyey.
6 Nuuxna wuxuu jiray lix boqol oo sannadood markii daadka biyuhu dhulka dul joogay. 7 Nuuxna doonniduu galay, isagii iyo wiilashiisii iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisii ee la jiray oo dhan, waxayna ka soo galeen biyihii daadka. 8 Xoolihii daahirka ahaa, iyo xoolihii aan daahirka ahayn, iyo haaddii iyo wax kasta oo dhulka gurguurtaba 9 Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii, lab iyo dhaddig, sidii Ilaah ugu amray Nuux. 10 Waxaana dhacday, in toddobadii maalmood dabadeed, ay biyihii daadka ahaa dhulka dul joogeen. 11 Sannaddii uu Nuux lix boqol oo sannadood jiray, bisheedii labaad, maalintii toddoba iyo tobnaad oo bisha, isla maalintaas ayaa ilihii moolka weyn biyo ka buqdeen, dariishadihii samadana la furay. 12 Roobkuna wuxuu dhulka ku da'ayay afartan maalmood iyo afartan habeen. 13 Isla maalintaas Nuux wuxuu galay doonnidii, isagii iyo Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed, oo ahaa wiilashii Nuux, iyo naagtii Nuux, iyo saddexdii naagood oo wiilashiisa ee la jiray; 14 iyagii, iyo dugaag kasta caynkiisa, iyo xoolo kasta caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, iyo haad kasta caynkiisa, iyo shimbir kasta oo cayn kasta ah. 15 Wax kasta oo jidh leh oo neefta noloshu ku jirtaba Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii. 16 Oo kuwii galay waxay ahaayeen lab iyo dhaddig oo wax kasta oo jidh leh, sidii Ilaah ku amray isagii: oo Ilaahna waa ku xidhay isagii. 17 Daadkiina afartan maalmood buu dhulka dul joogay; biyihiina way sii kordheen, oo doonnidii bay kor u qaadeen, oo waxaa iyadii kor looga qaaday dhulka. 18 Biyihiina way xoogaysteen, oo dhulkay aad ugu kordheen; doonnidiina waxay dul socotay biyihii. 19 Biyihiina aad bay ugu xoogaysteen dhulka; oo dhammaan buurihii dhaadheeraa oo samada oo dhan ka hooseeyey way qarsoomeen. 20 Shan iyo toban dhudhun baa biyihii xagga sare xoog ugu kaceen; buurihiina way qarsoomeen. 21 Oo wax kasta oo jidh leh oo dhulka ku dul dhaqaaqaaba way dhinteen, haaddii, iyo xoolihii, iyo dugaaggii, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta, iyo dadkii oo dhanba. 22 Wax walba oo dhulka engegan joogay oo dulalka sankiisa ay neefta ruuxa nolosha ku jirtay, way wada dhinteen. 23 Waxaa la wada baabbi'iyey wixii dhulka dushiisa ku noolaa oo dhan, xataa dadkii, iyo xoolihii, iyo wixii gurguuran jiray, iyo haaddii cirka; kulli waa laga wada baabbi'iyey dhulka; oo waxaa hadhay Nuux oo keliya, iyo kuwii doonnidii kula jiray isagii. 24 Biyihiina boqol iyo konton maalmood ayay dhulka xoog ku lahaayeen.
13 Oo kolkii dabayshii koonfureed tartiib u socotay ayay waxay u maleeyeen inay qasdigoodii heleen, kolkaasay barroosinkii qaadeen, oo waxay ag mareen Kereetee. 14 Laakiin wakhti aan dheerayn dabadeed ayaa waxaa ka soo kacay duufaan weyn oo magiciisa la yidhaahdo Yurokludoon; 15 oo markii doonnidii la qabsaday oo ay wejiga siin kari weyday dabaysha, ayaannu iska dhiibnay, kolkaasay na kaxaysatay. 16 Oo waxaannu ku orodnay gasiirad yar oo Kalawda la yidhaahdo dugsigeed, oo annagoo aad u dhibtoonnay ayaan waxaan awood u helnay inaan huurigii aad u xidhno; 17 Oo kolkii ay kor u soo bixiyeen ayay waxay ku isticmaaleen xadhko wax tara oo doonnidiina way adkeeyeen, oo iyagoo ka cabsanaya inay Surtis oo bacaad ah ku dhacaan, ayay waxay dejiyeen shiraaqii, oo sidaasaa loo kaxaystay. 18 Oo sidii aannu duufaankii aad ugu hawshoonaynay, ayay maalintii dambe shixnaddii badda ku tuureen. 19 Oo maalintii saddexaadna waxay gacmahoodii ku tuureen alaabtii doonnida. 20 Oo markii intii maalmo badan ah ayan qorraxdii iyo xiddigihii toona ifin, oo duufaan aan yaraynuna uu nagu dhacayay, ayaa rajadii aannu badbaado ku rajaynaynay oo dhan nalaga qaaday.
21 Oo kolkii ay wakhti dheer cuntola'aan sii joogeen ayaa Bawlos dhexdooda istaagay, oo wuxuu ku yidhi, Niman yahow, waxaa idinku habboonayd inaad i maqashaan oo aydaan Kereetee ka soo dhoofin oo helin waxyeelladan iyo khasaaradan toona. 22 Haddaba waxaan idinku waaninayaa inaad kalsoonaataan; waayo, midkiinna nafta waayi maayo, laakiin waxaa keliyahoo dumaya doonnida. 23 Waayo, xalayto ayaa waxaa i soo ag istaagtay malaa'igtii Ilaaha i leh oo aan weliba u adeego. 24 Waxay igu tidhi, Bawlosow, ha cabsan; waayo, waa inaad Kaysar hortiisa istaagtaa; oo weliba bal eeg, Ilaah wuxuu adiga ku wada siiyey kuwa kula socda oo dhan. 25 Haddaba, niman yahow, kalsoonaada, waayo, anigu Ilaah waan rumaysanahay inay noqon doonto sidii la ii sheegay. 26 Habase yeeshee waa inaynu ku dhacno gasiirad.
27 Laakiin intii badda Adriya hore iyo gadaal nalagu kaxeeyey, kolkii habeenkii afar iyo tobnaad la gaadhay, goor habeenbadhkii ku dhow, ayaa baxriyiintii waxay u maleeyeen inay dhul ku soo dhowaanayeen; 28 kolkaasay moolkii badda qiyaas ka qaadeen, oo waxay heleen inuu yahay labaatan baac, oo haddana kolkay in yar socdeen ayay mar kale qiyaas qaadeen, oo waxay heleen inuu yahay shan iyo toban baac. 29 Waxay ka cabsadeen inaannu ku dhacno meelo dhagaxyo leh, markaasay waxay doonnida xaggeeda dambe ka tuureen afar barroosin, oo waxay aad u jeclaysteen in maalin noqoto. 30 Oo baxriyiintii ayaa waxay damceen inay doonnida ka baxsadaan, oo waxay badda qarsoodi ugu dejiyeen huurigii sidii iyagoo barroosinno ka tuuraya doonnidii xaggeeda hore. 31 Markaasaa Bawlos boqol-u-taliyihii iyo askartii ku yidhi, Kuwanu haddayan doonnida sii joogin, idinku badbaadi kari maysaan. 32 Markaasaa askartii xadhkaha huuriga ka jareen oo ay huurigii sii daayeen inuu dhaco.
33 Oo intii waagu soo beryayay, ayaa Bawlos wuxuu dadkii oo dhan ka baryay inay wax cunaan, oo wuxuu yidhi, Maanta waa maalintii afar iyo tobnaad intii aad sugayseen oo aad iska soomanaydeen, oo aydnaan waxba qaadan. 34 Haddaba waxaan idinka baryayaa inaad cunto qaadataan, waayo, taasu waa caafimaadkiinna aawadiis; maxaa yeelay, midkiinna tin keliyahu ka go'i maayo madaxiisa. 35 Oo markii uu saas yidhi, ayuu wuxuu soo qaatay kibis, oo dadkii oo dhan hortooda ayuu Ilaah ugu mahadnaqay, oo intuu kala jebiyey ayuu bilaabay inuu wax cuno. 36 Markaasay wada dhiirranaadeen dhammaantood, oo iyagiina wax bay cuneen. 37 Oo intayadii doonnidii ku jirtay oo dhammu waxaannu ahayn laba boqol iyo lix iyo toddobaatan qof. 38 Oo markii ay cuntada ka dhergeen, ayay doonnidii fududeeyeen, oo sarreenkiina waxay ku tuureen badda.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya