Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 134

Gabayga meelokoridda.

134 Bal eega, Rabbiga ammaana, Rabbiga addoommadiisa oo dhammow,
Kuwiinna goor habeennimo ah guriga Rabbiga dhex taaganow.
Gacmaha u taaga macbudka xaggiisa,
Oo Rabbiga ammaana.
Rabbigu Siyoon ha idinka soo barakeeyo,
Kaasoo ah kii sameeyey samada iyo dhulkaba.

Maahmaahyadii 8:32-9:6

32 Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla;
Waayo, waxaa barakaysan kuwa jidadkayga xajiya.
33 Edbinta dhegaysta, oo caqli yeesha,
Oo ha diidina.
34 Waxaa barakaysan ninka i maqla,
Oo maalin kasta irdahayga igu dhawra,
Oo albaabbadayda igu suga.
35 Waayo, ku alla kii i helaa wuxuu helaa nolol,
Oo Rabbiguna raalli buu ka ahaan doonaa.
36 Laakiinse kii igu dembaabaa naftiisuu wax yeelaa,
Kuwa aniga i neceb oo dhammu waxay jecel yihiin dhimasho.

Casuumaddii Xigmadda Iyo Tii Nacasnimada

Xigmaddu gurigeeday dhisatay,
Toddobadeedii tiirna way xaradhay.
Neefafkeedii ayay qashay, oo waxay isku dartay khamrigeedii;
Miiskeediina way diyaarisay.
Oo gabdhaheedii midiidinnada ahaa ayay dirtay, oo waxay ka qaylinaysaa
Magaalada meelaha ugu sarreeya, iyadoo leh,
Ku alla kii garaaddaranu, halkan ha u soo leexdo.
Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,
Kaalaya oo kibistayda wax ka cuna,
Oo khamriga aan isku darayna wax ka cabba.
Garaadlaawayaashow, nacasnimada iska daaya, oo noolaada,
Oo jidka waxgarashadana mara.

1 Butros 2:1-3

Dhagaxa Nool Iyo Quruunta Quduuska Ah

Haddaba sidaas daraaddeed iska wada fogeeya xumaan oo dhan, iyo khiyaano oo dhan, iyo labawejiilenimo, iyo hinaaso, iyo cay oo dhan, oo sida carruur dhallaan ah u jeclaada caanaha ruuxa ee saafiga ah, si aad ugu kortaan xagga badbaadada, haddii aad dhadhamiseen in Rabbigu raxmad leeyahay,

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya