Revised Common Lectionary (Complementary)
Kanu waa mid dhibaataysan baryootankiis markuu taag darnaado, oo uu Rabbiga u cawdo.
102 Rabbiyow, baryootankayga maqal,
Qayladayduna ha ku soo gaadho.
2 Wejigaaga ha iga qarin maalinta aan dhibaataysnahay,
Dhegta ii dhig,
Oo maalinta aan ku baryo, dhaqso iigu soo jawaab.
3 Waayo, maalmahaygu waxay u dhammaadaan sida qiiq oo kale,
Oo lafahayguna waxay u gubtaan sida qori ololaya oo kale.
4 Wadnahayga wax baa lagu dhuftay, sida caws oo kalena wuu engegay,
Waayo, waan iska illoobaa inaan kibistayda cuno.
5 Codkii taahiddayda daraaddiis
Ayaa lafahaygu jidhkayga ku dhegaan.
6 Anigu waxaan la mid ahay haad cantalyaa ah oo cidlada joogta,
Oo waxaan la mid noqday haad guumays ah oo lamadegaanka dhex joogta.
7 Waan soo jeedaa, oo waxaan noqday
Sidii shimbir yar oo keligeed guri dhaladiis saaran.
8 Maalinta oo dhan cadaawayaashaydu way i caayaan,
Oo kuwa ii cadhaysanuna magacaygay ku caytamaan.
9 Waayo, dambas baan u cunay sidii kibis oo kale,
Oo cabniinkaygiina waxaan ku darsaday ilmadaydii.
10 Sababtuna waa dhirifkaagii iyo cadhadaadii aawadood,
Waayo, kor baad ii qaadday, dabadeedna waad i xoortay.
11 Cimrigaygu waa sida hoos sii libdhaya,
Oo waxaan u engegay sida caws oo kale.
12 Laakiinse Rabbiyow, adigu weligaaba waad sii jiri doontaa,
Oo waa lagu sii xusuusan doonaa ka ab ka ab.
13 Waad sara joogsan doontaa, oo Siyoon baad u naxariisan doontaa,
Waayo, waa wakhtiga iyada loo jixinjixo, haah, oo wakhtigii la ballamay waa yimid.
14 Waayo, addoommadaadu waxay u bogaan dhagaxyadeeda,
Oo waxay u jixinjixaan ciiddeeda.
15 Haddaba quruumuhu waxay ka cabsan doonaan magaca Rabbiga,
Boqorrada dunida oo dhammuna ammaantaada,
16 Waayo, Rabbigu wuxuu dhisay Siyoon,
Oo wuxuu ka dhex muuqday ammaantiisii,
17 Wuxuu u fiirsaday kuwa dan daraysan tukashadoodii,
Oo baryadoodiina ma uu quudhsan.
5 Qalbigaaga dhammaantii Rabbiga ku aamin,
Oo waxgarashadaadana ha isku hallayn.
6 Jidadkaaga oo dhan isaga ku qiro,
Oo isna waddooyinkaaguu toosin doonaa.
7 Ha isla weynaan;
Rabbiga ka cabso; oo sharka ka fogow.
8 Taasu waxay xundhurtaada u noqon doontaa caafimaad,
Oo lafahaagana waxay u noqon doontaa dhuux.
9 Rabbiga ku murwee maalkaaga
Iyo midhaha ugu horreeya waxa kuu kordha oo dhan;
10 Sidaasay maqsinnadaadu barwaaqo uga buuxsami doonaan,
Macsarooyinkaaguna waxay la buuxdhaafi doonaan khamri cusub.
11 Wiilkaygiiyow, Rabbiga edbintiisa ha quudhsan,
Oo canaantiisana ha ka daalin,
12 Waayo, Rabbigu ninkuu jecel yahay wuu canaantaa
Sida aabbe u canaanto wiilkii uu ku faraxsan yahay.
44 Awowayaasheen waxay cidlada ku hayeen taambuuggii maragga, sidii kii Muuse la hadlay ugu amray isaga inuu u sameeyo sidii qaabkii uu arkay. 45 Kaas ayaa awowayaasheen markoodii la soo qaadeen Yashuuca markay galeen oo qaateen dhulkii quruumihii Ilaah awowayaasheen hortooda ku eryay, ilaa waagii Daa'uud. 46 Daa'uudna Ilaah hortiis ayuu wanaag ka helay, oo wuxuu weyddiistay inuu Ilaahii Yacquub u helo meel uu dego. 47 Laakiinse Sulaymaan baa guri u dhisay.
48 Hase ahaatee Kan ugu sarreeya ma dego guryo gacmo lagu sameeyo; sida nebigu leeyahay,
49 Samadu waa carshigayga,
Dhulkuna waa meeshaan cagaha saarto,
Rabbigu wuxuu leeyahay, Guri caynmaad ii dhisi doontaan?
Ama maxay tahay meeshaan ku nastaa?
50 Miyaan gacantaydu samayn waxyaalahan oo dhan?
51 Idinkan madaxa adag oo aan qalbiga iyo dhegaha laga gudinow, weligiinba Ruuxa Quduuska ah waad hor joogsataan. Sidii awowayaashiin yeeli jireen oo kale ayaad idinna yeeshaan. 52 Bal nebiyada kee baan awowayaashiin silcin? Xataa iyagu waxay dileen kuwii hore u sheegay imaatinka Kan xaqa ah; kan idinku aad haatan gacangeliseen oo disheen. 53 Waxaad sharciga u hesheen sidii wax malaa'igahu hagaajiyeen, laakiinse ma aydnaan xajin.
Dhimashadii Istefanos
54 Haddaba markay waxyaalahaas maqleen way ka xanaaqeen oo u ilka jirriqsadeen isaga. 55 Laakiin isagoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxo ayuu samada aad u fiiriyey, oo wuxuu arkay ammaanta Ilaah iyo Ciise oo midigta Ilaah taagan, 56 oo wuxuu yidhi, Bal eega, waxaan arkayaa samooyinkii oo la furay iyo Wiilkii Aadanaha oo midigta Ilaah taagan.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya