Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 12

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha oo waxaa lagu luuqeeyaa Shemiiniid.

12 Rabbiyow, dadkaaga caawi, waayo, nin cibaado leh waa la waayayaa,
Waayo, binu-aadmiga intii aaminka ahayd way ka dhammaadeen.
Mid walba deriskiisa wuxuu kula hadlaa been,
Oo waxay ku hadlaan bushimo sasabasho miidhan ah iyo laba qalbi.
Rabbigu wuxuu wada baabbi'in doonaa bushimaha sasabashada badan oo dhan,
Iyo carrabka waxyaalaha waaweyn ku hadlaba.
Kuwaasu waxay yidhaahdeen, Annagu waxaan ku adkaan doonnaa carrabkayaga,
Oo bushimahayagana annagaa iska leh. Haddaba bal yaa annaga sayid noo ah?
Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu haatan waxaan u kacayaa
Masaakiinta la dhacayo, iyo kuwa baahan taahiddooda daraaddood,
Oo kan ay fudaydsanayaanna waan ammaan gelinayaa.
Rabbiga erayadiisu waa erayo daahir ah,
Oo waa sida lacag foorno kulul oo dhulka ku taal lagu kala miiray,
Oo toddoba jeer la safeeyey.
Rabbiyow, waad dhawri doontaa,
Oo qarnigan ayaad iyaga ka xannaanayn doontaa weligood.
Markii nijaasta binu-aadmiga dhexdiisa lagu jecel yahay,
Kuwa sharka lahu waxay ku socdaan dhinac kasta.

Maahmaahyadii 14:12-31

12 Waxaa jirta waddo dadka la hagaagsan,
Laakiinse dhammaadkeedu waa waddooyinka dhimashada.
13 Qalbigu xataa qosol waa ku murugoodaa,
Oo farxad dhammaadkeeduna waa caloolxumo.
14 Kii xaqnimada qalbigiisa dib ugaga noqdaa jidkiisuu ka dhergi doonaa,
Oo ninkii wanaagsanuna wuxuu ka dhergi doonaa naftiisa.
15 Kii garaaddaranu eray kasta wuu rumaystaa,
Laakiinse kii miyir lahu socodkiisa aad buu u fiiriyaa.
16 Ninkii caqli lahu waa cabsadaa, oo sharka wuu ka noqdaa;
Laakiinse nacasku waa ciishoodaa, wuuna isku kalsoon yahay.
17 Kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu wax ku sameeyaa,
Oo ninkii sharnimo hindisana waa la neceb yahay.
18 Garaadlaawayaashu nacasnimay dhaxlaan,
Laakiinse kuwii miyir leh waxaa madaxa loo saaraa taaj aqoon ah.
19 Kuwa sharka lahu kuwa wanaagsan hortooda ayay ku foororsadaan,
Oo kuwa xunxunna waxay ku foororsadaan irdaha kuwa xaqa ah.
20 Miskiinka xataa deriskiisu waa neceb yahay,
Laakiinse taajirku saaxiibbo badan buu leeyahay.
21 Kii deriskiisa quudhsadaa wuu dembaabaa,
Laakiinse kii miskiinka u naxariistaa waa barakaysan yahay.
22 Kuwa sharka ku fikiraa sow ma qaldamaan?
Laakiinse kuwa wanaagga ku fikira waxaa u ahaan doona naxariis iyo run.
23 Hawl kasta faa'iidaa ku jirta,
Laakiinse hadalka bushimuhu wuxuu keenaa caydhnimo keliya.
24 Kuwa caqliga leh taajkoodu waa maalkooda,
Laakiinse nacasyada nacasnimadoodu waa nacasnimo keliya.
25 Markhaatigii run ahu nafuu samatabbixiyaa,
Laakiinse kii been sheegaa waa khaayin.
26 Rabbiga ka cabsashadiisu waxay leedahay kalsoonaan xoog leh,
Oo carruurtiisuna waxay lahaan doonaan meel ay magangalaan.
27 Rabbiga ka cabsashadiisu waa il nololeed,
Si dabinnada dhimashada looga leexdo.
28 Sharafta boqorku waxay ku jirtaa dadka badnaantiisa,
Laakiinse baabba'a amiirku wuxuu ku jiraa dadka yaraantiisa.
29 Kii cadhada u gaabiyaa waa garasho badan yahay;
Laakiinse kii degdeg u cadhoodaa nacasnimuu sarraysiiyaa.
30 Qalbigii degganu waa nolosha jidhka,
Laakiinse hinaaso waa qudhunka lafaha.
31 Kii miskiinka dulmaa wuxuu caayaa Kan sameeyey,
Laakiinse kii ka baahan u naxariistaa wuu murweeyaa.

Falimaha Rasuullada 4:1-12

Butros Iyo Yooxanaa Waxaa La Hor Keenay Shirka

Intay dadkii la hadlayeen ayaa wadaaddadii iyo sirkaalkii macbudka iyo Sadukiintii u yimaadeen, iyagoo ka xumaaday, maxaa yeelay, waxay dadkii bareen oo Ciise ku ogeysiiyeen sarakicidda kuwii dhintay. Markaasay qabqabteen oo xabbiseen ilaa maalintii ku xigtay, maxaa yeelay, durba fiidkii bay ahayd. Laakiin qaar badan oo hadalkii maqlay waa rumaysteen; oo tiradii nimanku waxay noqotay abbaaraha shan kun.

Markaasaa waxaa dhacday in maalintii dambe taliyayaashoodii iyo waayeelladoodii iyo culimmadoodii ay Yeruusaalem isugu soo wada urureen; waxaana joogay Annas oo ahaa wadaadkii sare, iyo Kayafas, iyo Yooxanaa, iyo Aleksanderos, iyo in alla intii wadaadka sare xigaalo la ahayd. Oo intay dhexda soo taageen bay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Xooggee ama magacee baad waxan ku samayseen? Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow, haddii maanta naloo imtixaamayo falimihii wanaagsanaa oo loo sameeyey nin xoogdaran iyo sidii ninkan loo bogsiiyey, 10 dhammaantiin ogaada, idinka iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhammu, in magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, oo aad iskutallaabta ku qodobteen, oo Ilaah ka sara kiciyey kuwii dhintay, daraaddiis ninkanu isagoo bogsaday halkan hortiinna ah ku taagan yahay. 11 Isagu waa dhagixii idinkoo wax dhisa aad diiddeen, oo noqday madaxa rukunka. 12 Mid kale badbaadada lagama helo, maxaa yeelay, ma jiro magac kale samada hoosteeda oo dadka dhexdooda loo bixiyey oo waajib inoo ah inaynu ku badbaadno.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya