Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 73

Kitaabka Saddexaad

Sabuurrada 73-89

Kanu waa sabuur Aasaaf tiriyey.

73 Hubaal Ilaah waa u roon yahay reer binu Israa'iil,
Iyo xataa kuwa qalbigoodu daahirka yahay.
Laakiinse anigu waan turunturoon gaadhay,
Oo tallaabooyinkayguna waxay u dhowaadeen inay simbiriirixdaan.
Waayo, waxaan ka hinaasay kuwa qabka weyn,
Markaan arkay barwaaqada ay kuwa sharka lahu haystaan.
Waayo, geeridoodu xanuun ma leh,
Laakiinse xooggoodu waa adag yahay.
Iyagu dhib kuma jiraan sida dadka kale,
Oo sida dadka kalena uma belaayaysna.
Sidaas daraaddeed kibir wuxuu yahay sida silsilad qoorta u sudhan,
Oo dulmi bay sida maro u huwan yihiin.
Indhahoodu baruur bay la bararsan yihiin,
Oo waxay haystaan in ka sii badan waxa qalbigoodu doonayo.
Wax bay ku qoslaan, oo xumaan daraaddeed dulmi bay ku hadlaan,
Waxay hadlaan iyagoo kor isu qaadaya.
Afkoodii waxay gaadhsiiyeen samooyinka,
Oo carrabkooduna wuxuu dhex maraa dhulka oo dhan.
10 Sidaas daraaddeed dadkiisii halkanay ku soo noqdaan,
Oo koob biyo ka buuxa ayay madhsadeen.
11 Oo waxay yidhaahdaan, Ilaah sidee buu wax u yaqaan?
Kan ugu sarreeyana aqoonu ma ku jirtaa?
12 Bal eeg, kuwanu waa kuwa sharka leh,
Oo mar kasta iyagoo istareexsan ayay hodantinimadoodu sii korodhaa.
13 Hubaal wax aan micne lahayn ayaan qalbigaygii ku nadiifshay,
Oo aan ku faraxashay anigoo aan eed lahayn,
14 Waayo, maalintii oo dhan waa lay dhibayay,
Oo subax kastana waa lay edbinayay.
15 Haddaan odhan lahaa, Sidaasaan ku hadli doonaa,
Bal eeg, waan khiyaanayn lahaa farcanka carruurtaada.
16 Markaan ku fikiray si aan tan ku ogaado,
Aad bay iigu xanuun badnayd,
17 Ilaa aan galay meesha quduuska ah ee Ilaah,
Oo aan ka fiirsaday ugudambaystooda.
18 Hubaal waxaad iyaga ku taagtaa meelo sibiibix ah,
Oo waxaad hoos ugu tuurtaa si ay u baabba'aan.
19 Sidee bay daqiiqad ugu noqdeen meel cidla ah!
Dhammaantood waxay ku baabba'een cabsi.
20 Sayidow, sidii mid riyo ka toosay
Markaad toostid, waxaad quudhsan doontaa ekaantooda.
21 Waayo, qalbigaygu wuu murugooday,
Oo waxaa layga muday kelyaha,
22 Waxaan ahaa doqon iyo jaahil,
Oo hortaada waxaan ku ahaa sidii xoolo oo kale.
23 Habase yeeshee had iyo goorba waan kula joogaa,
Oo waxaad i qabatay gacanta midig.
24 Waxaad igu hoggaamin doontaa taladaada,
Oo dabadeedna waxaad igu dhowayn doontaa ammaanta.
25 Bal, yaan samada ku leeyahay adiga mooyaane?
Oo dhulkana laguma arko mid aan kaa jeclahay.
26 Jiidhkayga iyo qalbigayguba waa itaal darnaadeen,
Laakiinse Ilaah wuxuu weligiis ii yahay xooggii qalbigayga iyo qaybtayda.
27 Waayo, bal eeg, kuwa kaa fogu way halligmi doonaan,
Oo waad wada baabbi'isay kuwii kaa caasiyoobay oo dhan.
28 Laakiinse aniga waxaa ii roon inaan Ilaah u soo dhowaado,
Waayo, Sayidka Ilaahaa waxaan ka dhigtay magangalkayga,
Inaan ka sheekeeyo shuqulladaada oo dhan.

Ayuub 40:6-14

Markaasaa Rabbigu Ayuub uga dhex jawaabay dabaysha cirwareenta ah, oo wuxuu ku yidhi,
Haddaba sidii nin rag ah dhexda u gunto,
Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa.
War ma xukunkaygaad burinaysaa?
Oo ma waxaad ii xukumaysaa inaad xaq noqotid?
Adiguse ma waxaad leedahay Ilaah gacantiisa oo kale?
Oo codkiisa oo kale miyaad ku onkodi kartaa?
10 Haddaba waxaad isku sharraxdaa sarraysnaan iyo derejo,
Oo waxaad huwataa sharaf iyo haybad.
11 Haddaba cadhadaada buuxdhaafkeeda soo daadi,
Oo waxaad fiirisaa mid kasta oo kibir leh, oo isaga hoos u soo deji.
12 Mid kasta oo kibir leh soo fiiri oo hoosaysii,
Oo kuwa sharka ah meel alla meeshay istaagaan ku joogso.
13 Dhammaantood ciidda ku qari,
Oo wejigoodana meel qarsoon ku xidh.
14 Oo anna markaas waxaan kuu qiran doonaa
In gacantaada midig ay ku badbaadin karto.

Ayuub 42:1-6

Ayuub

42 Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
Waan ogahay inaad wax walba kartid,
Iyo inaan qasdigaaga innaba la joojin karin.
Bal waa ayo kan aan aqoonta lahayn oo talada qariyaa?
Haddaba anigu waxaan ku hadlay wax aanan garanayn,
Oo ah waxyaalo aad iiga yaabiyey oo aanan innaba aqoon.
Waan ku baryayaaye i maqal aan kula hadlee,
Oo wax baan ku weyddiinayaaye ii sheeg.
Markii hore ayaan wax kugu saabsan dhegaha ku maqlay,
Laakiinse haatan indhahaan kugu arkayaa,
Sidaas daraaddeed waan isnacayaa,
Waanan toobadkeenayaa anigoo boodh iyo dambas ku fadhiya.

Luukos 22:31-33

Butros Dafiriddiisii Horaa Loo Sii Sheegay(A)

31 Simoonow, Simoonow, ogow, Shayddaanka ayaa ku doonay inuu kuu haadiyo sida sarreen, 32 laakiin waan kuu baryootamay si aanu rumaysadkaagu u baabbi'in, adiguna goortaad hadaysantid walaalaha adkee. 33 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sayidow, diyaar baan u ahay inaan kuu raaco xabsiga iyo dhimashadaba.

Luukos 22:54-62

Butros Waa Dafiray Ciise(A)

54 Markaasay isagii qabteen oo kaxeeyeen, oo wadaadkii sare gurigiisa ayay geliyeen. Laakiin Butros baa meel fog ka daba socday, 55 oo goortay barxadda dhexdeeda dab ka shideen, oo ay wada fadhiisteen, ayaa Butros dhexdooda fadhiistay. 56 Laakiin gabadh baa intay aragtay isagoo dabka iftiinkiisa fadhiya, aad bay u dayday oo tidhi, Kanuna waa la jiray isagii. 57 Isaguse waa dafiray oo ku yidhi, Naag yahay, anigu garanba maayo isagii. 58 Waxoogaa yar dabadeed qof kale ayaa arkay oo yidhi, Adiguna midkood baad tahay. Butros baase yidhi, Nin yahow, anigu ma ihi. 59 Goortii saacad dhaaftay mid kale ayaa adkeeyey isagoo leh, Run weeye, kanuna waa la jiray, waayo, waa reer Galili. 60 Laakiin Butros wuxuu ku yidhi, Nin yahow, anigu garan maayo waxaad leedahay. Kolkiiba intuu weli hadlayay, diiqii baa ciyey. 61 Markaasaa Rabbigu soo jeestay oo Butros eegay; Butrosna wuxuu xusuustay ereygii Rabbiga siduu ku yidhi, Maanta intaanu diiqu ciyin, saddex kol ayaad i dafiri doontaa. 62 Markaasuu dibadda u baxay oo aad u ooyay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya