Old/New Testament
Biqilka Ka Soo Bixi Doonaa Yesay
11 Oo jiridda Yesay biqil baa ka soo biqli doona, oo xididdadiisana laan baa ka soo dhalan doonta, 2 oo waxaa ku dul joogi doona Ruuxa Rabbiga oo ah ruuxa xigmadda iyo waxgarashada, iyo ruuxa talada iyo xoogga, iyo ruuxa aqoonta iyo ka cabsashada Rabbiga. 3 Wuxuuna ku farxi doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa, oo isagu wax uma xukumi doono siduu wax u arko, oo siduu wax u maqlana innaba uma gar gooyn doono, 4 laakiin masaakiinta wuxuu ugu gar qaybin doonaa xaqnimo, oo dhulka kuwiisa hooseeyana wuxuu ugu gar gooyn doonaa caddaalad, oo wuxuu dhulka ku dhufan doonaa usha afkiisa, oo kan sharka lehna wuu ku dili doonaa neefta bushimihiisa. 5 Wuxuu dhexda ku xidhan doonaa xaqnimo, miskihiisana wuxuu ku xidhan doonaa aaminnimo. 6 Oo yeydu waxay la joogi doontaa baraarka, shabeelkuna wuxuu la jiifsan doonaa waxarta, oo weysha iyo dhasha libaaxa iyo neefka buuranu way wada joogi doonaan, oo waxaa iyaga hor kici doona ilma yar. 7 Oo waxaa wada daaqi doona saca iyo orsada, oo ubadkooduna way isla wada jiifsan doonaan, oo libaaxuna sida dibiga oo kale caws buu u cuni doonaa. 8 Oo caanonuuggu wuxuu ku dul cayaari doonaa godka jilbiska, ilmaha naaska laga gudhiyeyna wuxuu gacantiisa saari doonaa hogga abeesada. 9 Oo buurtayda quduuska ah oo dhan, waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi'in doonaan, waayo, dhulka waxaa ka buuxsami doona aqoonta Rabbiga, siday biyuhu badda uga buuxaan.
10 Oo maalintaas xididka Yesay ayaa dadyowga calan u ahaan doona. Isagay quruumuhu doondooni doonaan, oo rugtiisuna ammaan bay ahaan doontaa.
11 Oo maalintaas ayuu Sayidku gacantiisa mar labaad u soo fidin doonaa inuu dadkiisa hadhay ka soo celiyo Ashuur iyo Masar, iyo Fatroos, iyo Kuush, iyo Ceelaam, iyo Shincaar, iyo Xamaad, iyo gasiiradaha baddaba. 12 Oo calan ayuu quruumaha u taagi doonaa, wuxuuna soo shirin doonaa masaafurisyadii dadka Israa'iil, oo wuxuu isu soo ururin doonaa oo dhulka afartiisa daraf ka soo kaxayn doonaa kuwa kala firdhay oo dadka Yahuudah. 13 Oo weliba hinaasada reer Efrayim wuu idlaan doonaa, oo kuwa dadka Yahuudah dhibana waa la jari doonaa, reer Efrayim kuma hinaasi doonaan dadka Yahuudah, oo dadka Yahuudahna reer Efrayim ma dhibi doonaan. 14 Way duuli doonaan oo ku degi doonaan garbaha reer Falastiin xagga galbeed jooga, oo waxay wadajir u dhici doonaan dadka reer bari, gacantooday saari doonaan reer Edom iyo reer Moo'aab, oo reer Cammoonna iyagay addeeci doonaan. 15 Oo Rabbigu wuxuu dhammaantiis wada baabbi'in doonaa carrabka badda Masar, oo gacantiisa oo dabayl xoog leh wadata ayuu ku kor ruxi doonaa Webiga, oo intuu wax ku dhufto ayuu toddoba faraq u kala qaybin doonaa, oo wuxuu ka dhigi doonaa in dadku kabo kaga gudbaan. 16 Oo dadkiisa hadhay waxaa u jiri doona jid weyn oo ka yimaada xagga Ashuur, sidii uu reer binu Israa'iilba ugu jiray waagii ay dalkii Masar ka soo baxeen.
Gabayo Ammaan Ah
12 Oo maalintaas waxaad odhan doontaa, Rabbiyow, waan kuu mahadnaqayaa, waayo, in kastoo aad ii cadhaysnayd, cadhadaadii way iga rogmatay oo waad i qalbi qaboojisay. 2 Bal eega, Ilaah waa badbaadadayda! Waan isku hallayn doonaa, mana baqi doono, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa xooggayga iyo gabaygayga, oo weliba wuxuu ii noqday badbaadadayda. 3 Haddaba farxad baad biyo kaga dhaansan doontaan ceelasha badbaadada. 4 Oo maalintaas waxaad odhan doontaan, Rabbiga u mahadnaqa, oo magiciisa ku barya, falimihiisana ka caddeeya dadyowga dhexdooda, oo xusuusiya inuu magiciisu weyn yahay. 5 Rabbiga u gabya, waayo, waxyaalo waaweyn ayuu sameeyey, dunida oo dhanna taas ogeysiiya. 6 Kuwiinna Siyoon degganow, aad u qayliya oo dhawaaqa, waayo, Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil ee dhexdiinna joogaa wuu weyn yahay.
Wax Sii Sheegid Ka Gees Ah Baabuloon
13 Kanu waa warka culus ee Baabuloon ku saabsan oo uu Ishacyaah ina Aamoos arkay. 2 Buurta dheer calan ka taaga, codkana iyaga kor ugu qaada, oo u gacanhaadiya inay irdaha kuwa gobta ah galaan. 3 Waxaan amray kuwaygii gooni la iigu dhigay, oo weliba waxaan cadhadayda aawadeed ugu yeedhay kuwayga xoogga badan, waxaana weeye kuwa sarrayntayda ku reyreeya. 4 Waxaa la maqlayaa bulxanka dadka badan oo buuraha ka yeedhaya sida dad fara badan! Waxaana la maqlayaa buuqa boqortooyooyinkii quruumaha isa soo wada urursaday! Rabbiga ciidammadu wuxuu soo ururinayaa ciidanka dagaalka. 5 Waxay ka imanayaan waddan fog iyo samada darafka ugu shisheeya inay dalka oo dhan baabbi'iyaan, waana Rabbiga iyo hubkii dhirifkiisaba. 6 Baroorta, waayo, maalintii Rabbigu way dhow dahay, oo waxay u iman doontaa sida baabbi'in xagga Ilaaha Qaadirka ah ka timid. 7 Haddaba sidaas daraaddeed gacmo oo dhammu way taag gabi doonaan, oo nin kastaba qalbigiisu wuu dhalaali doonaa. 8 Wayna nixi doonaan, oo waxaa qaban doona xanuun iyo murug, oo waxay u xanuunsan doonaan sida naag foolanaysa. Oo midkoodba kan kaluu la yaabi doonaa, oo wejigooduna wuxuu noqon doonaa sida olol oo kale. 9 Bal eega, maalinta Rabbigu way imanaysaa iyadoo nac weyn oo ka buuxda cadho iyo xanaaq kulul si dhulka cidla looga dhigo oo dembilayaasha oo dhan dhexdiisa looga baabbi'iyo. 10 Waayo, xiddigaha samada iyo ururkooduba ma iftiimi doonaan. Qorraxduna way madoobaan doontaa markii ay soo baxdo, oo dayaxuna ma iftiimi doono. 11 Oo dunida sharkeeda aawadiis ayaan u ciqaabi doonaa, oo kuwa sharka lehna xumaantooda aawadeed ayaan u ciqaabi doonaa, oo kuwa kibrana kibirkooda waan joojin doonaa, oo kuwa laga cabsadona madaxweynaantooda hoos baan u soo dejin doonaa. 12 Waxaan dadka ka dhigi doonaa wax dhif ah oo ka qaalisan dahabka wanaagsan, oo binu-aadmigana waxaan ka dhigi doonaa wax aan badnayn sida dahabka saafiga ah ee Oofir. 13 Haddaba sidaas daraaddeed maalinta Rabbiga xanaaqiisa kululu iman doono ayaan samooyinka gariirin doonaa, dhulkuna meeshiisuu kaga dhaqaaqi doonaa cadhada Rabbiga ciidammada. 14 Oo sida deero la eryay iyo sida ido aan ciduna soo ururin ayaa midkood kastaaba dadkiisa ku noqon doonaa, oo mid kastaaba dalkiisa u carari doonaa. 15 Mid kasta oo la helo waa la dooxi doonaa, oo mid kasta oo la qabto seef baa lagu dili doonaa. 16 Oo dhallaankoodana dhulkaa lagu tuuri doonaa iyagoo arkaya, guryahoodana waa la dhici doonaa, naagahoodana waa la kufsan doonaa. 17 Bal eega, waxaan iyaga ku soo kicin doonaa reer Maaday oo aan innaba lacag ka fikirayn oo aan dahabkana ku farxin. 18 Qaansooyinkoodu waxay baabbi'in doonaan barbaarrada, oo midhaha maxalkana innaba uma ay naxariisan doonaan, oo carruurtana uma ay tudhi doonaan. 19 Oo Baabuloon oo ah sharaftii boqortooyooyinka iyo quruxdii kibirka reer Kaldayiin waxay noqon doontaa sidii markii Ilaah Sodom iyo Gomora afgembiyey. 20 Oo weligeed innaba lama degi doono oo tan iyo ab ka ab laguma dhex hoyan doono, oo Carabkuna halkaas teendho kama dhisan doono, oo adhijirraduna halkaas adhigooda ma daajin doonaan. 21 Laakiinse halkaas waxaa jiifsan doona dugaagga lamadegaanka, oo guryahoodana waxaa ka buuxsami doona guumeyso, oo waxaa ku hoyan doona gorayo, waxaana ku dhex cayaari doona xayawaan dhogor dheer leh. 22 Oo yeey baana guryahooda cidloobay qaylo isugu jawaabi doona, oo daarahooda qurqurxoonna dawacooyin baa ka dhex qaylin doona, oo wakhtigeediina kol dhow buu iman doonaa, oo cimrigeedana lama sii dheerayn doono.
Yeedhista Ilaah Iyo Midownimada
4 Haddaba sidaas daraaddeed anigoo maxbuus ku ah Rabbiga, waxaan idinka baryayaa inaad yeedhistii laydiinku yeedhay ugu socotaan si istaahil ah, 2 idinkoo leh is-hoosaysiin iyo qalbiqaboobaan oo dhan iyo samir, oo midkiinba midka kale jacayl ugu dulqaadanayo. 3 Ku dadaala inaad midownimada xagga Ruuxa ku xajisaan xidhiidhka nabadda. 4 Haddaba waxaa jira jidh keliya iyo Ruux keliya, xataa sida idinka laydiinkugu yeedhay rajo keliya xagga yeedhistiinnii. 5 Oo waxaa jira Rabbi keliya iyo iimaan keliya iyo baabtiis keliya, 6 iyo Ilaah keliya oo kulli Aabbe u ah, oo wax walba ka sarreeya, oo wax walba ka dhex shaqeeya, oo wax walba ku jira. 7 Laakiinse midkeen kastaba nimcada waxaa laynoo siiyey sida ay tahay qiyaasta hadiyadda Masiixa. 8 Sidaas daraaddeed wuxuu yidhi,
Markuu kor u baxay ayuu wuxuu qabtay oo kaxeeyey kuwii maxaabiista ahaan jiray,
Wuxuuna dadka siiyey hadiyado.
9 Haddaba, kor buu u baxay, micneheedu waa maxay haddayan ahayn inuu isagu hoos ugu degtay meelaha dhulka ugu hooseeya? 10 Waa isla kii hoos u degtay kan haddana kor u baxay oo samooyinka oo dhan ka sara maray si uu isaga buuxiyo wax kastaba. 11 Oo qaar wuxuu ka dhigay inay ahaadaan rasuullo, qaarna nebiyo, qaarna wacdiyayaal, qaarna kuwo kiniisadda dhaqaaleeya, iyo macallimiin. 12 Sababtuna waa kaamilidda quduusiinta xagga shuqulka adeegidda, iyo xagga dhisidda jidhka Masiixa, 13 ilaa aynu wada gaadhno midnimada rumaysadka iyo aqoonta Wiilka Ilaah oo aynu noqonno dad waaweyn xagga qiyaasta koridda ee buuxnaanta Masiixa. 14 Waa inaynaan mar dambe ahaan carruur rogrogmanaysa oo lagu kaxaysto dabayl kasta oo cilmi ah xagga dulanka dadka iyo khiyaanada iyo sirta qaladka. 15 Laakiinse innagoo si jacayl ah runta ugu hadlayna aynu wax walba ku korno xaggiisa, kan madaxa ah oo ah Masiixa, 16 kaas oo jidhka oo dhammu si wanaagsan isugu haysto oo isugu wada xidhan yahay caawimaadda xubin kastaaba keento sida xubin kastaaba u shaqayso qiyaasteeda oo ugu kordhiso jidhka inuu jacayl ku dhismo.
Noloshii Hore Iyo Tan Cusub
17 Haddaba sidaas daraaddeed Rabbiga waan idiinkugu markhaati furayaa, oo waxaan idinku leeyahay, Mar dambe ha ugu soconina sida dad aan Ilaah aaminin ugu socdaan xumaanta maankooda. 18 Waxgarashadoodii way madoobaatay, oo jaahilnimada iyaga ku jirta aawadeed iyo qalbi engegnaantooda aawadeed ayay ajanabi uga noqdeen nolosha Ilaah. 19 Iyagoo xishood beelay waxay isu daayeen nijaas inay wasakh kasta hunguriweynaan ku sameeyaan. 20 Laakiinse idinku Masiixa sidaas kuma aydnaan baran, 21 hadday run tahay inaad isaga maqasheen oo isaga laydinku baray sida runtu Ciise ugu jirto. 22 Waa inaad iska xoortaan dabiicaddii hore, oo ku saabsanayd socodkiinnii aad ku socon jirteen, taas oo kharribanta xagga damacyada khiyaanada; 23 oo waa inaad ku cusboonaataan ruuxa maankiinna, 24 oo aad huwataan dabiicadda cusub oo loo abuuray inay Ilaah ugu ekaato xaqnimada iyo quduusnimada runta.
Amarrada Ku Saabsan Nolosha Masiixiyiinta
25 Sidaas daraaddeed beenta iska fogeeya, oo midkiin waluba deriskiisa run ha kula hadlo, waayo, innaga midkeenba midka kale wuxuu u yahay xubnihiisa. 26 Haddaad cadhootaan, ha dembaabina. Qorraxdu yay idinka dhicin idinkoo cadhaysan. 27 Ibliiskana meel ha siinina. 28 Kii wax xadi jiray yuusan mar dambe wax xadin, laakiinse ha hawshoodo isagoo gacmihiisa ku shaqaynaya oo wax wanaagsan samaynaya si uu u haysto wax uu siiyo ka wax u baahan. 29 Hadal qudhun ahu yuusan afkiinna ka soo bixin, laakiinse ku hadla waxa u wanaagsan dhisidda loo baahan yahay inay nimceeyaan kuwa maqla. 30 Ha calool xumaynina Ruuxa Quduuska ah oo Ilaah oo laydiinku shaabadeeyey maalinta madaxfurashada. 31 Haddaba qadhaadh iyo dhirif iyo cadho iyo qaylo iyo cay oo dhammi ha idinka fogaadeen iyo xumaan kastaaba; 32 oo idinka midkiinba midka kale ha u roonaado, oo ha u qalbi jilicsanaado, idinkoo iscafiyaya sidii Ilaahba Masiixa idiinku cafiyey.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya