Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Gabaygii Sulaymaan 6-8

Saaxiibadaha Hadlayaa

Taada naagaha u qurxoonay,
Xaggee gacaliyahaagii tegey?
Aannu kula goobnee,
Xaggee buu gacaliyahaagii u leexday?

Gacalisada Hadlaysaa

Gacaliyahaygii wuxuu u dhaadhacay beertiisa, iyo beer qaybaheed oo dhir udgoon ah
Inuu adhigiisa soo daajiyo beeraha dhexdooda, oo uu soo urursado ubaxshooshanno.
Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga, oo gacaliyahayguna waa kaygii,
Oo wuxuu adhigiisa daajiyaa ubaxshooshannada dhexdooda.

Gacaliyaha Hadlayaa

Taan jeclahayay, waxaad u qurux badan tahay sida Tirsaah oo kale,
Oo waxaad u suurad wacan tahay sida Yeruusaalem oo kale,
Waxaana lagaaga cabsadaa sida ciidan calammo sita oo kale.
Indhahaaga iga sii jeedi,
Waayo, way iga adkaadeen.
Timahaagu waa sida riyo
Buur Gilecaad ka muuqda.
Ilkahaaguna waa sida laxo
Ka soo baxay meeshii lagu soo maydhay,
Oo middood kastaaba mataano dhashay,
Oo aan dhexdooda lagu arag mid dhicisay.
Oo dhafoorradaada indhashareertaada ku qarsoonuna waa sida xabbad rummaan ah jeexeed.
Waxaa jira lixdan boqoradood, iyo siddeetan naagood oo addoommo ah,
Iyo gabdho aan tiro lahayn.
Laakiinse qoolleydayda, iyo tayda sanu waa mid qudha.
Iyadu waa tan keliya ee hooyadeed,
Oo waa tan daahirsan ee tii iyada dhashay.
Gabdhuhu iyaday arkeen oo waxay ku sheegeen mid barakaysan,
Oo xataa boqoradihii iyo naagihii addoommaha ahaaba way ammaaneen.

Saaxiibadaha Hadlayaa

10 Waa tuma tan u soo muuqata sida kaaha waaberiga,
Oo sida dayaxa u qurxoon,
Ee sida qorraxda u daahirsan,
Oo haddana looga cabsado sida ciidan calammo sita oo kale?

Gacaliyaha Hadlayaa

11 Waxaan ku dhaadhacay beertii yicibta
Inaan soo arko geedaha cagaarka ah ee dooxada,
Iyo inaan soo arko bal in canabkii magoolay,
Oo uu rummaankii ubxiyey iyo in kale.
12 Anigoo aan garanayn ayaa nafsaddaydu iga dhigtay sida gaadhifardoodkii Cammiinaadiib oo kale.

Saaxiibadaha Hadlayaa

13 Tan reer Shuuleemay, soo noqo, soo noqo,
Aan ku daawannee soo noqo, soo noqo.

Gacaliyaha Hadlayaa

Bal maxaad u daawanaysaan tan reer Shuuleem
Sida cayaarta Maxanayim?

Gabadha amiirku dhalayay, cagahaagu qurux badanaa markay kabo illan yihiin,
Bowdooyinkaagu waa sida dahab
Nin saanac ahu gacantiisa ku sameeyey.
Xudduntaadu waa sida fijaan goobaaban
Oo aan innaba khamri ka dhinnanayn,
Oo xaluskaaguna waa sida sarreen meel tuunsan
Oo ubaxshooshanno lagu wareejiyey.
Labadaada naasna waa sida laba gibin
Oo mataano ah oo cawl dhashay.
Qoortaaduna waa sida munaarad foolmaroodi ah,
Oo indhahaaguna waa sida ballidii Xeshboon oo ku ag yaal iridda Batrabbiim.
Oo sankaaguna waa sida munaaradda Lubnaan
Oo xagga Dimishaq u jeeda.
Madaxaagu sida Buur Karmel oo kale wuu dheer yahay,
Oo timaha madaxaaguna waa sida guduud oo kale,
Oo boqorkuna wuu ku xidhan yahay.
Taan jeclahayay, qurux badnidaa!
Fiicnaan badnidaa! Aad baad iiga farxisaa!
Sarajooggaagu waa sida geed baar ah,
Oo naasahaaguna waa sida rucubyo canab ah.
Waxaan is-idhi, Geedka baarka waan fuuli doonaa,
Oo waxaan qabsan doonaa laamihiisa.
Naasahaagu ha ahaadeen sida rucubyo canab ah,
Oo sankaaga neeftiisuna ha u carafto sida midho tufaax ah.
Oo afkaaguna ha ahaado sida khamri wanaagsan.

Gacalisada Hadlaysaa

Si qumman oo macaan ha ugu socda gacaliyahayga,
Oo kuwa hurda bushimahooda ka hadliya.
10 Anigu waxaan ahay tii gacaliyahayga,
Oo damaciisuna xaggayguu soo jiraa.
11 Gacaliyahaygow, kaalay, aynu duurka isla tagnee,
Oo aynu tuulooyinka ku soo dhaxnee.
12 Aynu aroor hore beercanabyada tagnee,
Oo aynu soo aragno bal in canabkii magoolay, oo ay ubixiisii soo muuqdeen,
Oo uu rummaankii ubxiyey iyo in kale;
Oo halkaasaan jacaylkayga kugu siin doonaa.
13 Ubixii duudaygu way soo carfayaan,
Oo albaabbadayada agtooda waxaa yaal midho cayn kasta ah oo cusayb iyo duugba leh,
Oo adigaan kuu kaydiyey, gacaliyahaygiiyow.

Haddaad ahaan lahayd walaalkay
Oo naasihii hooyaday nuugay,
Markaan dibadda kaa helaba waan ku dhunkan lahaa.
Oo innaba layma quudhsadeen.
Waan ku soo kaxayn lahaa oo waxaan ku gelin lahaa guriga hooyaday,
Wax baadna i bari lahayd.
Oo waxaan ku cabsiin lahaa khamriga xawaashka leh
Ee biyaha rummaankayga laga sameeyey.
Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosayn lahayd,
Oo gacantiisa midigna way isku kay duubi lahayd.
Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa
Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin,
Ilaa uu doono.

Saaxiibadaha Hadlayaa

Waa tuma tan cidlada ka soo baxaysa,
Ee gacaliyeheeda ku tiirsanu?

Gacalisada Hadlaysaa

Waxaan kaa soo kiciyey geed tufaax ah hoostiis.
Halkaasaa hooyadaa kugu foolatay,
Oo halkaasay tii ku dhashay kugu foolatay.
Qalbigaaga korkiisa ii dhig sida shaabad oo kale, oo gacantaada korkeeda ii dhig sida shaabad oo kale,
Waayo, jacaylku wuxuu u xoog badan yahay sida geeri oo kale,
Oo masayrkuna wuxuu u nac weyn yahay sidii She'ool oo kale.
Belbelkiisu waa sida belbel dab ah,
Oo waa ololka ugu wada kulul ee Rabbiga.
Biyo badanu jacayl ma demin karaan,
Oo daadadkuna innaba ma qarqin karaan.
Haddii nin damco inuu jacayl soo siisto maalka gurigiisa oo dhan,
Haddana dhammaan waa la quudhsan lahaa.

Saaxiibadaha Hadlayaa

Annagu waxaannu leennahay walaal yar,
Oo aan innaba naaso lahayn.
Haddaba bal maxaannu walaashayo u samayn doonnaa
Maalintii iyada guur loo soo doonto?
Hadday derbi tahay waxaannu korkeeda ka dhisi doonnaa munaarad lacag ah,
Oo hadday albaab tahayna waxaannu iyada ku hareerayn doonnaa alwaaxyo kedar ah.

Gacalisada Hadlaysaa

10 Anigu waxaan ahay derbi, oo naasahayguna waa sida munaaradaha oo kale.
Oo markaas waxaan hortiisa ku ahaa sidii mid nabad heshay.
11 Sulaymaan beercanab buu Bacal Hamoon ku lahaa;
Oo beercanabkii wuxuu ka kireeyey kuwa dhawra,
Oo midkood kastaaba wuxuu midhaheeda uga keeni jiray kun xabbadood oo lacag ah.
12 Beercanabkayga ah kan aan iska leeyahay, hortayduu ku yaal,
Haddaba Sulaymaanow, adigu waxaad heli doontaa kun,
Kuwa midhihiisa dhawraana laba boqol.

Gacaliyaha Hadlayaa

13 Taada beeraha dhexdooda degganay,
Rafiiqyadaadu waxay dhegaystaan codkaaga,
Haddaba, bal i maqashii.

Gacalisada Hadlaysaa

14 Gacaliyahaygow, dhaqso,
Oo waxaad ahaataa sida cawl ama deer qayrab ah
Oo buuraha dhirta udgoon kor jooga.

Galatiya 4

Rumaysad Baa Lagu Noqdaa Carruurta Ilaah

Laakiin waxaan leeyahay, Inta midka dhaxalka lahu ilmo yar yahay, waxba kama duwana addoon in kastuu yahay sayidka wax walba, laakiinse wuxuu ka hooseeyaa kuwa ilaaliya iyo wakiillo ilaa maalintii aabbihiis ka ballamay. Sidaas oo kale innagu markaynu carruur ahayn, waxaa ina addoonsan jiray waxyaalaha aasaaska ah ee dunida; laakiinse markii wakhtigii buuxsamay, Ilaah wuxuu soo diray Wiilkiisii, isagoo naag ka dhashay oo sharciga ku hoos dhashay, inuu furto kuwii sharciga ku hoos jiray inuu carruurtiis inaga dhigo. Oo wiilashiisa aad tihiin daraaddeed ayaa Ilaah u soo diray Ruuxa Wiilkiisa qalbiyadeenna dhexdooda, isagoo dhawaaqaya oo leh, Aabbow. Saasaadan mar dambe addoon u ahayn, laakiinse waxaad tahay wiilkiisa, oo haddaad wiilkiisa tahay, waxaadna tahay mid dhaxal leh xagga Ilaah.

Dibunoqoshada Waa Laga Digay

Laakiinse markii aydnaan Ilaah garanayn, waxaad addoommo u ahaydeen kuwo aan ilaahyo ahayn xagga dabiicadda. Laakiin haatan idinkoo Ilaah gartay ama Ilaah idin gartay, sidee baad mar kale ugu noqotaan waxyaalaha aasaaska oo miskiinnimada ah, tabartana daran, kuwa aad jeceshihiin inaad mar kale addoommo u noqotaan?

10 Waxaad dhawrtaan maalmo, iyo bilo, iyo xilliyo, iyo sannado. 11 Waxaan ka baqayaa inaan waxtarla'aan idinkugu hawshooday.

12 Waxaan idinka baryayaa, walaalayaalow, inaad noqotaan sida aan ahay, waayo, anba waxaan ahay sida aad tihiin. Waxba iguma aydnaan xumayn. 13 Laakiin waad og tihiin in itaaldarrada jidhka aawadeed aan markii ugu horraysay injiilka idinku wacdiyey. 14 Waxa ku saabsan jidhkayga oo idin jirrabay ma aydnaan quudhsan, mana aydnaan nicin, laakiin waxaad ii aqbasheen sidii malaa'ig Ilaah, xataa sidii Ciise Masiix. 15 Haddaba meeday farxaddiinnii? Waayo, waxaan idiinku markhaati furayaa inaad ii bixin lahaydeen indhihiinna oo aad i siin lahaydeen, hadday suurtowbi lahayd. 16 Haddaba cadowgiinnii miyaan noqday runta aan idiin sheego aawadeed? 17 Aad bay idinku doondoonayaan si aan wanaagsanayn, laakiin waxay doonaan inay idinka kaayo xidhaan, si aad idinku iyaga u doondoontaan. 18 Waa wanaagsan tahay in aad loo doondoono wixii wanaagsan had iyo goorba, oo ayan ahayn markaan idinla joogo oo keliya. 19 Carruurtaydiiyey, mar kalaan idin foolanayaa ilaa Masiix idinku dhex abuurmo. 20 Waxaan jeclaan lahaa inaan haatan idinla joogo oo aan codkayga beddelo, waayo, waan idinka shakiyayaa.

Labada Wiil

21 Kuwiinna doonaya inay sharciga ka hooseeyaanow, ii sheega. Sharciga miyeydnaan maqlin? 22 Waayo, waxaa qoran in Ibraahim laba wiil lahaa, kii uu addoonta ka dhalay iyo kii uu naagta xorta ah ka dhalay. 23 Laakiin kii addoontu xagga jidhkuu ka dhashay, naagta xorta ah keediise ballan buu ku dhashay. 24 Waxyaalahanu waa masaal, waayo, dumarkanu waxay ka dhigan yihiin laba axdi, mid Buur Siinay buu ka yimid isagoo u dhalaya addoonnimo, taasu waa Haagaar. 25 Haagaartanu waa Buur Siinay oo Carabiya ku taal, oo waxay ka dhigan tahay Yeruusaalemta haatan joogta; waayo, waa la addoonsaday iyada iyo carruurteedaba. 26 Laakiinse Yeruusaalemta sare waa xor, waana hooyadeen. 27 Waayo, waxaa qoran,

Faraxsanow, madhalaysta aan dhalinay;
Kala bax oo mashxarad, taada aan foolanay;
Waayo, tan cidlowday carruurteedu waa ka badan yihiin tan ninka leh kuweeda.

28 Innaguna, walaalayaalow, waxaynu nahay carruurtii ballanka sida Isxaaq oo kale. 29 Laakiin markaas kii jidhka ka dhashay wuxuu silciyey kii Ruuxa ka dhashay, haatanna waa sidaas oo kale. 30 Laakiin maxaa Qorniinku leeyahay? Addoonta iyo wiilkeedaba eri, waayo, wiilka addoontu dhaxal la wadaagi maayo wiilka naagta xorta ah. 31 Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, innagu ma nihin addoon carruurteed, laakiinse waxaynu nahay naagta xorta ah carruurteed.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya