Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Maahmaahyadii 1-2

MAAHMAAHYADII

Dulucda Kitaabka

Kuwanu waa maahmaahyadii Sulaymaan ina Daa'uud oo ahaa boqorkii reer Binu Israa'iil,
Wuxuu u qoray si loo ogaado xigmadda iyo edbinta,
Oo loo garto erayada waxgarashada,
In la helo edbinta ku saabsan xigmadda,
Iyo xaqnimada iyo garta iyo caaddilnimada;
Si miyir loo siiyo garaadlaawaha,
Oo aqoon iyo digtoonaanna loo yeelo ninka dhallinyarada ah.
Ninkii caqli lahu wuu maqli doonaa, oo wuxuu korodhsan doonaa waxbarasho,
Oo ninkii garaad lahuna wuxuu qabsan doonaa talada wanaagsan,
Si lagu garto maahmaahda, iyo micnaynta,
Iyo hadallada kuwa caqliga leh iyo xujooyinkooda.
Waxaa aqoonta ugu horreeya Rabbiga ka cabsashadiisa;
Laakiinse nacasyadu waxay quudhsadaan xigmadda iyo edbinta.

Guubaabinta Xigmadda

Ka-digidda Soo Jiidashada Xun

Wiilkaygiiyow, edbinta aabbahaa maqal,
Oo amarka hooyadaana ha ka tegin,
Waayo, waxay madaxaaga u noqon doonaan wax sharraxsan,
Oo waxay kuu noqon doonaan silsilado qoorta kuu sudhan.
10 Wiilkaygiiyow, haddii dembilayaal ku sasabtaan,
Ha oggolaan.
11 Hadday kugu yidhaahdaan, Na soo raac,
Aan gaadno inaynu dhiig daadinno,
Oo aynu sababla'aan kuwa aan eedda lahayn si qarsoon ugu dhuumanno;
12 Oo iyagoo nool aynu u liqno sida qabriga oo kale,
Dhammaantoodna aan juq siinno sida kuwa yamayska ku dhaca;
13 Waxaynu heli doonnaa maal qaali ah oo cayn kasta ah,
Oo guryaheennana waxaynu ka buuxsan doonnaa booli;
14 Nasiibkaaga iskula kaaya soo dar,
Oo kulligeenna aynu kiishad qudha wada lahaanno;
15 Wiilkaygiiyow, iyaga jidka ha la marin;
Oo cagtaadana wadiiqadooda dib uga jooji;
16 Waayo, cagahoodu waxay u ordaan shar,
Oo waxay u degdegaan inay dhiig daadiyaan.
17 Waayo, waa waxtarla'aan dabinka loo dhigaa
Iyadoo ay shimbirtu u jeeddo;
18 Iyagu waxay u gaadaan si dhiiggooda loo daadiyo,
Oo waxay si qarsoon ugu dhuuntaan si naftooda looga qaado.
19 Sidaas oo kalay yihiin jidadka mid kasta oo faa'iido u hunguri weyn,
Oo nafta ka qaada kuwa leh.

Dhiirrigelinta Xigmad-Qaadashada

20 Xigmaddu aad bay uga qaylisaa jidka;
Oo codkeedana waxay kor uga qaaddaa bannaanka;
21 Waxay ka qaylisaa meesha suuqa ugu weyn;
Oo iridda magaalada laga soo galo
Ayay erayadeeda kaga hadashaa, iyadoo leh,
22 Kuwiinna garaadlaawayaasha ahow, ilaa goormaad garaadla'aanta sii jeclaanaysaan?
Oo kuwa wax quudhsadaana, ilaa goormay quudhsashadooda ku sii farxayaan?
Nacasyaduna, ilaa goormay aqoonta sii necbaanayaan?
23 Canaantayda u soo noqda;
Bal eega, anigu waxaan idinku shubi doonaa ruuxayga,
Oo waxaan idin ogeysiin doonaa erayadayda.
24 Anigu waan idiin yeedhay, laakiinse waad i diiddeen;
Oo anigu gacantaydaan soo fidiyey, oo ninnana dan kama yeelan;
25 Laakiinse idinku taladaydii oo dhan waad fududaysateen,
Oo canaantaydiina ma aydin doonaynin;
26 Sidaas daraaddeed aniguna waan idinku qosli doonaa markay belaayo idinku dhacdo;
Waanan idinku majaajiloon doonaa markay cabsiyu idinku soo degto;
27 Markay cabsidiinnu u timaado sida duufaan oo kale,
Oo belaayadiinnuna u timaado sida dabayl cirwareen ah;
Oo dhibaato iyo cidhiidhi idinku yimaadaan.
28 Markaasay ii yeedhan doonaan, laakiinse anigu uma aan jawaabi doono;
Oo horay ii doondooni doonaan, laakiinse ima ay heli doonaan;
29 Waayo, waxay nebcaadeen aqoonta,
Oo Rabbiga ka cabsashadiisana ma ay dooran;
30 Iyagu taladaydii innaba ma ay doonaynin;
Oo canaantaydii oo dhanna way quudhsadeen;
31 Haddaba iyagu waxay cuni doonaan midhihii jidkooda,
Oo waxay ka dhergi doonaan taladoodii.
32 Waayo, garaadlaawayaasha dibunoqoshadooda ayaa iyaga dili doonta,
Oo nacasyadana waxaa baabbi'in doonta barwaaqadooda.
33 Laakiinse ku alla kii aniga i maqlaa, ammaan buu u fadhiyi doonaa,
Wuuna xasilloonaan doonaa, isagoo aan shar ka cabsanaynin.

Faa'iidada Xigmadda

Wiilkaygiiyow, haddaad erayadayda aqbashid,
Oo aad amarradayda qalbigaaga ku haysatid,
Si aad dhegta xigmadda ugu dhigtid,
Oo aad qalbigaagana waxgarashada ugu qabatid;
Haddaad wax-kala-garashada ka daba qaylisid,
Oo aad codkaaga waxgarashada kor ugu qaaddid;
Haddaad iyada u raadisid sida lacagta oo kale,
Oo aad u doondoontid sida maal qarsoon,
Markaas waxaad garan doontaa Rabbiga ka cabsashadiisa,
Oo waxaad heli doontaa aqoonta Ilaah.
Waayo, Rabbigu isagaa bixiya xigmadda,
Oo afkiisa waxaa ka soo baxa aqoonta iyo waxgarashada.
Isagu kuwa xaqa ah xigmad buu u kaydiyaa,
Oo kuwa daacadnimada u socdana waa u gaashaan.
Isagu wuxuu dhawraa waddooyinka garta,
Oo wuxuu xannaaneeyaa jidka quduusiintiisa.
Markaasaad garan doontaa xaqnimada, iyo garta,
Iyo caaddilnimada, iyo jid kasta oo wanaagsan.
10 Waayo, waxaa qalbigaaga soo geli doonta xigmadda,
Oo aqoontuna waxay ka farxin doontaa naftaada;
11 Digtoonaanta baa ku xanaanayn doonta,
Oo waxaa ku dhawri doonta waxgarashada,
12 Si lagaaga samatabbixiyo jidka kan sharka ah,
Iyo dadka waxyaalaha qalloocan ku hadla,
13 Oo qummanaanta waddooyinkeeda ka taga,
Si ay jidadka gudcurka ugu socdaan,
14 Oo ay ku reyreeyaan inay xumaan falaan,
Oo ay qalloocnaanta kan sharkaa ku farxaan;
15 Oo jidadkoodu maroorsan yihiin,
Oo waddooyinkooduna qalloocan yihiin,
16 In lagaa samatabbixiyo naagta qalaad,
Xataa naagta qalaad oo hadalladeeda kugu sasabata,
17 Taasoo ka tagta horseedkii yaraanteeda,
Oo illowda axdigii Ilaaheeda;
18 Waayo, gurigeedu wuxuu ku foororaa dhimasho,
Oo waddooyinkeeduna waxay ku dhaadhacaan kuwii dhintay.
19 Kuwa iyada u gala midkoodna sooma noqdo,
Oo waddooyinka noloshana ma ay helaan.
20 Waa inaad ku socotid jidka dadka wanaagsan,
Oo aad dhawrtid waddooyinka kuwa xaqa ah.
21 Waayo, kuwa qummanu dhulkay fadhiyi doonaan,
Oo kuwa kaamilka ahuna way sii joogi doonaan.
22 Laakiinse kuwa sharkaa waa laga gooyn doonaa dhulka,
Oo khaayinnadana waa laga rujin doonaa.

1 Korintos 16

Wax-u-Ururinta Masaakiinta Yeruusaalem

16 Haddaba sidaan u amray kiniisadihii Galatiya, inay wax u ururshaan quduusiinta, idinkuna sidaas oo kale yeela. Maalinta ugu horraysa ee toddobaadka midkiin kastaa meel wax ha dhigo oo ha hayo wixii lagu barwaaqeeyey, si markaan imaado aan waxba loo ururin. Oo markaan imaado, kuwaad u bogteen ayaan warqado u dhiibi doonaa, oo waxaan u diri doonaa inay hadiyaddiinna Yeruusaalem geeyaan. Oo hadday ila noqoto inaan aniguna tago, way i raaci doonaan.

Bawlos Arrimihiisii Iyo Nabadgelyaynta

Markaan Makedoniya soo maro dabadeed ayaan idiin iman doonaa, waayo, Makedoniya waan soo marayaa. Mindhaa cabbaar baan idinla joogi doonaa, xataa xilliga qabowga oo dhan, si aad iigu ambabbixisaan meel alla meeshaan tegi doono. Waayo, dooni maayo inaan hadda idin arko markaan sii socdo, maxaa yeelay, waxaan rajaynayaa inaan cabbaar idinla joogo, haddii Rabbigu idmo. Laakiin waxaan sii joogayaa Efesos ilaa maalinta Bentekoste. Waayo, waxaa la ii furay albaab weyn oo shuqul ah, cadaawayaal badanina way jiraan.

10 Timoteyos hadduu yimaado, dhawra, oo cabsila'aan ha idinkula joogo, waayo, wuxuu ka shaqeeyaa shuqulka Rabbiga sidayda oo kale. 11 Haddaba ninna yuusan fududaysan isaga. Laakiin nabad ku soo ambabbixiya, ha ii yimaadee, waayo, waxaan filanayaa inuu walaalaha soo raaco. 12 Xagga walaalka Abolloos aad baan u baryay isaga inuu walaalaha sii raaco oo idiin yimaado, laakiin raalli kama uu ahayn inuu haatan yimaado, laakiin wuu iman doonaa markuu nefis helo.

13 Soo jeeda, iimaanka ku adkaada, rag ahaada, xoogooba. 14 Wax kastoo aad samaysaanba, jacayl ku sameeya.

15 Walaalayaalow, waad garanaysaan kuwa guriga Istefanas jooga inay yihiin midhaha ugu horreeyey ee Akhaya iyo inay isu bixiyeen inay quduusiinta u adeegaan. Waxaan idinka baryayaa 16 inaad ka dambaysaan kuwaas oo kale iyo mid kasta oo la shaqeeya oo hawshooda. 17 Waxaan ku faraxsanahay imaatinka Istefanas iyo Fortunatos iyo Akhaykos, maxaa yeelay, wixii xaggiinna ka dhinnaa iyagaa dhammaystiray. 18 Waayo, ruuxayga iyo kiinnaba iyagaa nasiyey. Taa aawadeed aqoonsada kuwaas oo kale.

19 Kiniisadaha Aasiya way idin soo salaamayaan. Akula iyo Bariskillana aad bay idiin soo salaamayaan xagga Rabbiga, iyaga iyo kiniisadda gurigooda ku taalba. 20 Walaalaha oo dhammu way idin soo salaamayaan. Isku salaama dhunkasho quduus ah.

21 Anigoo Bawlos ah ayaan salaantan gacantayda ku qorayaa. 22 Qof uun hadduusan Rabbiga jeclayn, ha inkaarnaado. Rabbigeennu waa imanayaa. 23 Nimcada Rabbi Ciise Masiix ha idinla jirto. 24 Dhammaantiin jacaylkaygu ha idinla jiro xagga Ciise Masiix. Aamiin.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya