Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ayuub 3-4

Hadalkii Ayuub

Markaas dabadeed Ayuub intuu afkiisa furay ayuu habaaray maalintii uu dhashay. Oo Ayuub intuu hadal bilaabay ayuu yidhi:

Dharaartii aan dhashay ha baabba'do
Iyo habeenkii la yidhi, Wiil baa calool galay.
Maalintaasu gudcur ha ahaato;
Oo Ilaah yuusan iyada xagga sare kaga fiirsan,
Oo nuurkuna yuusan iftiimin.
Gudcur iyo hooska dhimashadu iyada mulki ha ka dhigteen.
Daruuru ha ku degto,
Oo wixii maalin madoobeeya oo dhammu ha cabsiiyeen.
Oo habeenkaasna gudcur weynu ha qabsado,
Oo ayaamaha sannadda yuusan ka dhex rayrayn.
Oo yuusan soo dhex gelin bilaha tiradooda.
Bal eeg, habeenkaasu cidla ha noqdo;
Oo cod faraxsan yaanu ka dhex yeedhin.
Oo isaga ha habaareen kuwa maalinta habaaraa,
Oo kicin kara bahalka la yidhaahdo Lewiiyaataan.
Fiidka xiddigihiisu gudcur ha noqdeen,
Iftiin ha doondoono oo yuusan helin;
Oo innaba yuusan arkin kaaha waaberiga.
10 Maxaa yeelay, isagu ma uu awdin irdihii maxalka hooyaday,
Oo indhahaygana dhib kama uu qarin.
11 Bal maxaan u dhiman waayay markaan uurka ka soo baxay?
Oo maxaa naftu iiga bixi weyday isla markaan caloosha ka soo baxay?
12 Bal jilbuhu maxay ii aqbaleen?
Amase naasuhu inaan nuugo?
13 Waayo, hadda xasilloonaan baan ku jiifi lahaa;
Oo waan iska seexan lahaa, oo waan nasan lahaa,
14 Aniga iyo boqorrada iyo lataliyayaasha dunida
Oo nafsaddooda taallooyin u dhistay,
15 Iyo amiirradii dahabka lahaan jiray,
Oo guryahooda lacagta ka buuxsaday;
16 Bal dhicis qarsoon maxaan u ahaan waayay?
Ama sida dhallaan aan innaba iftiinka arag?
17 Halkaas kuwa sharka ahu cidna kuma sii dhibaan,
Oo kuwa daallanuna halkaasay ku nastaan.
18 Maxaabiistuna halkaasay dhammaantood ku wada istareexaan,
Mana ay maqlaan kii dulmi jiray codkiisa.
19 Yar iyo weynba halkaasaa la wada joogaa,
Oo addoonkuna sayidkiisa waa ka xor.
20 Bal iftiin maxaa loo siiyaa kan dhibaataysan?
Maxaase loo nooleeyaa kan naftiisu la qadhaadhaatay,
21 Oo dhimasho u xiisooda, oo ayan u imanayn,
Oo daraaddeed dhulka u qodqoda intuu khasnado qarsoon qodi lahaa in ka sii badan,
22 Kuwaasoo aad u reyreeya,
Oo farxa hadday qabriga heli karaan?
23 Bal maxaa iftiin loo siiyaa nin jidkiisu qarsoon yahay,
Oo Ilaah deyr ku wareejiyey?
24 Waayo, intaanan wax cunin ayaan taahaa,
Oo cabaadkayguna wuxuu u shubmaa sida biyo oo kale.
25 Waayo, hadba wixii aan ka cabsado ayaa igu soo dega,
Oo wixii aan ka baqo ayaa ii yimaada.
26 Ma aan istareexsani, mana aan xasillooni, mana aan nasto;
Laakiinse hadba dhibaato baa ii timaada.

Eliifas

Markaasaa Eliifas kii reer Teemaan u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,

Mid hadduu isku dayo inuu kula hadlo, ma ka xumaanaysaa?
Laakiinse bal yaa hadal iska celin kara?
Bal eeg, adigu kuwa badan wax baad bartay,
Oo gacmihii itaalka darnaana waad xoogaysay.
Erayadaadu way tiiriyeen kii sii dhacayay,
Oo jilbihii tabarta yaraana waad adkaysay.
Laakiinse haatan dhibaatadu aday kuu timid, oo waad taag yaraanaysaa,
Wayna ku soo gaadhay, oo waad dhibaataysan tahay.
War kalsoonidaadu sow ma aha cabsida aad Ilaahaaga ka cabsato,
Rajadaaduse sow ma aha daacadnimada jidadkaaga?
Waan ku baryayaaye bal wax xusuuso, bal yaa weligiis halligmay isagoo aan xaq qabin?
Amase xaggee baa mid qumman lagu halaagay?
Sidaan anigu arkay, weligoodba kuwii xumaan tacbadaa,
Oo belaayo beertaa, isla waxaasay goostaan.
Iyagu waxay ku baabba'aan Ilaah neeftiisa,
Oo waxay ku dhammaadaan afuufidda cadhadiisa.
10 Libaaxa cidiisii, iyo aarka cadhaysan codkiisii,
Iyo libaaxyada yaryar miciyahoodiiba waa jajabaan.
11 Libaaxa duqa ahu ugaadhla'aanta buu u bakhtiyaa,
Oo goosha dhasheediina way kala firdhaan.
12 Haddaba war baa qarsoodi la iigu keenay,
Oo dhegtayduna faqiisay qabsatay.
13 Habeenkii markay riyooyinku fikirro kiciyaan,
Oo ay dadku hurdo weyn ku fogaadaan,
14 Ayaa cabsi iyo gariiru igu dhacay,
Oo lafahayga oo dhammuna way wada ruxruxmadeen.
15 Markaasaa ruux wejigayga soo hor maray,
Oo timihii jidhkayguna waa soo wada istaageen.
16 Oo isagii wuu joogsaday, laakiinse muuqashadiisii waan kala saari waayay;
Muuqaal baa indhahayga hortooda joogay;
Intii mudda ah aamusnaan baa jirtay, dabadeedna waxaan maqlay cod leh,
17 War nin dhiman karaa miyuu Ilaah ka sii caaddilsanaan karaa?
Mase nin baa ka sii daahirsanaan kara kii isaga abuuray?
18 Bal eeg, isagu addoommadiisa iskuma halleeyo;
Oo malaa'igihiisana nacasnimuu ku eedeeyaa.
19 Intee ka sii badan buu eedeeyaa kuwa guryaha dhoobada ah deggan,
Oo aasaaskoodii boodhka ku jiro,
Oo sida balanbaallis u burbura!
20 Subaxdii iyo fiidkii inta ka dhex leh ayay baabba'aan;
Weligoodba way halligmaan iyadoo aan ciduna ka fikirayn.
21 Xadhkaha teendhooyinkoodii sow lama siibo?
Way dhintaan iyagoo aan xigmad lahayn.

Falimaha Rasuullada 7:44-60

44 Awowayaasheen waxay cidlada ku hayeen taambuuggii maragga, sidii kii Muuse la hadlay ugu amray isaga inuu u sameeyo sidii qaabkii uu arkay. 45 Kaas ayaa awowayaasheen markoodii la soo qaadeen Yashuuca markay galeen oo qaateen dhulkii quruumihii Ilaah awowayaasheen hortooda ku eryay, ilaa waagii Daa'uud. 46 Daa'uudna Ilaah hortiis ayuu wanaag ka helay, oo wuxuu weyddiistay inuu Ilaahii Yacquub u helo meel uu dego. 47 Laakiinse Sulaymaan baa guri u dhisay.

48 Hase ahaatee Kan ugu sarreeya ma dego guryo gacmo lagu sameeyo; sida nebigu leeyahay,

49 Samadu waa carshigayga,
Dhulkuna waa meeshaan cagaha saarto,
Rabbigu wuxuu leeyahay, Guri caynmaad ii dhisi doontaan?
Ama maxay tahay meeshaan ku nastaa?
50 Miyaan gacantaydu samayn waxyaalahan oo dhan?

51 Idinkan madaxa adag oo aan qalbiga iyo dhegaha laga gudinow, weligiinba Ruuxa Quduuska ah waad hor joogsataan. Sidii awowayaashiin yeeli jireen oo kale ayaad idinna yeeshaan. 52 Bal nebiyada kee baan awowayaashiin silcin? Xataa iyagu waxay dileen kuwii hore u sheegay imaatinka Kan xaqa ah; kan idinku aad haatan gacangeliseen oo disheen. 53 Waxaad sharciga u hesheen sidii wax malaa'igahu hagaajiyeen, laakiinse ma aydnaan xajin.

Dhimashadii Istefanos

54 Haddaba markay waxyaalahaas maqleen way ka xanaaqeen oo u ilka jirriqsadeen isaga. 55 Laakiin isagoo Ruuxa Quduuska ahu ka buuxo ayuu samada aad u fiiriyey, oo wuxuu arkay ammaanta Ilaah iyo Ciise oo midigta Ilaah taagan, 56 oo wuxuu yidhi, Bal eega, waxaan arkayaa samooyinkii oo la furay iyo Wiilkii Aadanaha oo midigta Ilaah taagan. 57 Laakiin markaasay cod weyn ku qayliyeen oo dhegaha furaysteen, oo iyagoo isku wada qalbi ah ku yaaceen isagii. 58 Markaasay intay magaalada ka soo saareen dhagxiyeen; kuwii maragga ahaana dharkoodii waxay ag dhigteen nin dhallinyaro ah oo la odhan jiray Sawlos. 59 Markaasay dhagxiyeen Istefanos oo Rabbiga baryaya oo ku leh, Rabbi Ciisow, ruuxayga qaado. 60 Markaasuu jilba joogsaday oo cod weyn ku qayliyey oo ku yidhi, Rabbiyow, dembigan dushooda ha ka dhigin. Oo markuu sidaas yidhi, ayuu dhintay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya