Old/New Testament
Xisqiyaah Wuxuu U Dabbaaldegay Iiddii Kormaridda
30 Markaasaa Xisqiyaah u cid diray dadka Israa'iil oo dhan iyo dadka Yahuudah, oo haddana wuxuu warqado u qoray reer Efrayim iyo reer Manaseh, inay dhammaantood wada yimaadaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal, si ay Iiddii Kormaridda ugu sameeyaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil. 2 Waayo, boqorka, iyo amiirradiisii, iyo shirkii Yeruusaalem joogay oo dhammu waxay ku arrinsadeen inay Iiddii Kormaridda sameeyaan bishii labaad. 3 Maxaa yeelay, iyagu wakhtigaas ma ay samayn karin, waayo, wadaaddadii tiro hawsha ku filanu isma ay daahirin, oo dadkiina Yeruusaalem kuma ay soo wada ururin. 4 Oo waxaasuna wuu la qummanaa boqorkii iyo shirkii oo dhanba. 5 Sidaas daraaddeed waxay amar ku soo saareen in lagu naadiyo dalka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, inay wada yimaadaan oo ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Iidda Kormaridda Yeruusaalem ugu sameeyaan, waayo, wakhti dheer looma samayn sida qoran. 6 Sidaas daraaddeed niman wargeeys ah ayaa boqorkii iyo amiirradiisii ka qaadeen warqadihii, waxayna dhex marsiiyeen dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah oo dhan, waxayna ku socdeen si waafaqsan boqorka amarkiisii, iyagoo leh, Reer binu Israa'iilow, mar kale ku soo noqda Rabbiga ah Ilaaha Ibraahim iyo Isxaaq iyo Israa'iil, inuu isagu ku soo jeedsado kuwiinna ka baxsaday gacantii boqorradii Ashuur. 7 Oo idinku ha noqonina sidii awowayaashiin oo kale, iyo sidii walaalihiin oo kale, kuwaasoo ku xadgudbay Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood, oo uu isna taas aawadeed iyagii ka dhigay wax laga yaabo, sida aad idinkuba u aragtaan. 8 Haddaba sidii awowayaashiin ahaan jireen, idinkuna ha noqonina dad madax adag, laakiinse idinku Rabbiga isu dhiiba, oo gala meeshiisa quduuska ah oo uu weligiisba quduus ka dhigay, oo u adeega Rabbiga Ilaahiinna ah, si cadhadiisa kululi ay idiinka noqoto. 9 Waayo, haddaad Rabbiga u soo noqotaan, walaalihiin iyo carruurtiinniiba waxay naxariis ka heli doonaan kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystay, oo iyana mar kalay dalkan ku soo noqon doonaan, maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ahu waa roonaan badan yahay, waana naxariis miidhan, oo wejigiisana idinka sii jeedin maayo haddaad isaga u soo noqotaan. 10 Sidaas daraaddeed nimankii wargeeyska ahaa magaaloba magaalay u sii dhex mareen dalkii reer Efrayim iyo kii reer Manaseh oo dhan, iyo xataa ilaa kii reer Sebulun, laakiinse iyaga waa lagu qoslay, waana lagu majaajilooday. 11 Habase yeeshee qaar ah reer Aasheer iyo reer Manaseh iyo reer Sebulun ayaa is-hoosaysiiyey oo Yeruusaalem yimid. 12 Oo weliba dadka Yahuudahna waxaa la jirtay Rabbiga gacantiisii inay isku qalbi ahaadaan oo ay sameeyaan amarkii boqorka iyo kii amiirradiisa oo ahaa Eraygii Rabbiga. 13 Haddaba bishii labaad waxaa Yeruusaalem ku soo shiray oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn sameeyey dad badan oo ah shir aad iyo aad u weyn. 14 Markaasay kaceen oo waxay fogeeyeen meelihii allabariga oo Yeruusaalem dhex yiil iyo girgirayaashii fooxa lagu shidi jiray oo dhan, oo dhammaantood waxay ku dhex tuureen durdurkii Qidroon. 15 Markaasay neefafkii Iiddii Kormaridda qaleen bishii labaad maalinteedii afar iyo tobnaad, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina way yaxyaxeen, oo intay isdaahiriyeen ayay qurbaanno la gubo keeneen gurigii Rabbiga. 16 Markaasay meeshoodii istaageen sidii loogu amray sharcigii Muuse oo ahaa ninkii Ilaah, oo wadaaddadu waxay saydhsaydhi jireen dhiiggii ay ka guddoomeen gacantii reer Laawi. 17 Oo waxaa jiray kuwo badan oo shirka ka mid ahaa oo aan isdaahirin, sidaas daraaddeed reer Laawi shuqulkoodu wuxuu ahaa inay neefafka Kormaridda u gowracaan mid alla midkii aan nadiif ahayn, si ay iyaga Rabbiga ugu daahiriyaan. 18 Maxaa yeelay, dad badan, xataa kuwa badan oo ahaa reer Efrayim iyo reer Manaseh iyo reer Isaakaar iyo reer Sebulun ayan isnadiifin oo weliba waxay wax uga cuneen neefafka Kormaridda si ka duwan sidii qornayd. Waayo, Xisqiyaah ayaa iyaga u duceeyey oo yidhi, Rabbiga wanaagsanu ha cafiyo ku alla kii 19 qalbigiisa u diyaariya inuu doondoono Ilaaha ah Rabbiga oo ah Ilaahii awowayaashiis in kastoo uusan isu nadiifin sidii ay ahayd isdaahirintii meesha quduuska ah. 20 Oo Rabbiguna wuu maqlay Xisqiyaah, dadkiina wuu bogsiiyey. 21 Oo reer binu Israa'iil ee Yeruusaalem joogayna intii toddoba maalmood ah ayay iidayeen Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyagoo aad u faraxsan, oo kuwii reer Laawi iyo wadaaddadiina maalin kasta ayay Rabbiga ammaani jireen, iyagoo Rabbiga ugu gabyaya alaab muusiko oo dhawaaq dheer. 22 Oo Xisqiyaahna wuxuu dhiirrigeliyey kuwii reer Laawi oo hawsha Rabbiga aad u yiqiin. Oo toddobadii maalmood ee iiddu socotayba wax bay cunayeen, iyagoo qurbaanno nabaadiino bixinaya, oo Rabbiga ah Ilaahii awowayaashood u mahadnaqaya. 23 Oo shirkii oo dhammuna waxay ku tashadeen inay toddoba maalmood oo kale sii iidaan, oo haddana toddoba maalmood oo kale ayay sii iidayeen iyagoo faraxsan. 24 Waayo, Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wuxuu shirkii u siiyey inay qurbaan ka dhigtaan kun dibi iyo toddoba kun oo ido ah, oo amiirradiina waxay shirkii siiyeen kun dibi iyo toban kun oo ido ah, oo wadaaddo tiro badanuna way isdaahiriyeen. 25 Oo shirkii dadkii Yahuudah oo dhan iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi, iyo shirkii dalka Israa'iil ka yimid oo dhan, iyo shisheeyayaashii dalka Israa'iil ka yimid oo dalka Yahuudah degganaaba way wada reyreeyeen. 26 Oo Yeruusaalem waxaa jirtay farxad weyn, waayo, taasoo kale kama ay dhicin Yeruusaalem tan iyo wakhtigii Sulaymaan ina Daa'uud uu boqor dalka Israa'iil ka ahaa. 27 Markaasaa wadaaddadii reer Laawi ahaa kaceen oo dadkii u duceeyeen, oo codkoodiina waa la maqlay, oo baryootankoodii wuxuu soo gaadhay samada ee ah Rabbiga rugtiisa quduuska ah.
31 Haddaba markii waxyaalahaasu wada dhammaadeen ayaa reer binu Israa'iilkii joogay oo dhammu tegey magaalooyinkii dalka Yahuudah, oo waxay burburiyeen tiirarkii, geedihii Asheeraahna way jareen, oo meelihii sarsare iyo meelihii allabarigaba way ka dundumiyeen kulli dalkii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin iyo reer Efrayim iyo xataa kii reer Manasehba, ilaa ay wada baabbi'iyeen dhammaantood. Markaasaa reer binu Israa'iil oo dhammu wada noqdeen oo nin kastaaba wuxuu ku laabtay hantidiisii, waxayna galeen magaalooyinkoodii.
Sadaqada La Bixiyo
2 Oo Xisqiyaahna kooxihii wadaaddada iyo kuwii reer Laawiba wuxuu u doortay siday nin walba adeegiddiisu ahayd, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawiba nin kastaba hawshiisii buu amray inay bixiyaan qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiinada, iyo inay adeegaan, oo ay mahadnaqaan, oo ay Ilaah ku ammaanaan xerada Rabbiga irdaheeda. 3 Oo wuxuu kaloo amray qaybtii boqorka maalkiisa kaga bixi lahayd qurbaannada la gubo, kuwaasoo ah qurbaannada la gubi lahaa subaxda iyo fiidka, iyo qurbaannada la gubi lahaa sabtiyada, iyo kuwii la gubi lahaa markay bilaha cusubu dhashaan iyo kuwii iidaha joogtada ah siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga. 4 Oo weliba dadkii Yeruusaalem degganaana wuxuu ku amray inay wadaaddada iyo kuwa reer Laawiba siiyaan qaybtoodii, si ay ugu xoogaystaan sharciga Rabbiga. 5 Oo haddiiba mar alla markii amarkii soo baxay ayaa dadkii Israa'iil bixiyeen wax faro badan oo ah midhihii dhulka ugu horreeyey, oo ah hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo malab, iyo wixii dhulka ka baxay oo dhan, oo wax kasta toban meelood meel ayay si badan u keeneen. 6 Oo dadkii Israa'iil iyo dadkii Yahuudah oo degganaa magaalooyinkii dalka Yahuudah, iyaguna waxay toban meelood meel ka keeneen lo'da iyo idaha, iyo weliba alaabtii la soocay oo quduuska looga dhigay Rabbiga Ilaahooda ah, wayna iskor tuuleen. 7 Oo tuulmooyinka aasaaskoodii waxay bilaabeen bishii saddexaad, waxayna iyaga dhammeeyeen bishii toddobaad. 8 Oo Xisqiyaah iyo amiirradiiba markay yimaadeen oo arkeen tuulmooyinkii, ayay Rabbiga ku mahadnaqeen, dadkiisii reer binu Israa'iilna way u duceeyeen. 9 Markaasaa Xisqiyaah wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi wax ka weyddiiyey tuulmooyinkii. 10 Oo Casaryaah oo ahaa wadaadkii sare oo ahaa reer Saadooq ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Tan iyo markii dadku bilaabay inay qurbaannadii keenaan guriga Rabbiga, waannu cunnay oo dheregnay, oo waxaa naga hadhay wax faro badan, waayo, Rabbigu dadkiisuu barakeeyey, oo wixii hadhayna waa waxan badan.
11 Markaasaa Xisqiyaah amray in guriga Rabbiga qolal laga diyaariyo, waana la diyaariyey. 12 Oo si aaminnimo ah ayaa loo soo keenay qurbaannadii, iyo meeltobnaadyadii, iyo alaabtii quduuska laga dhigay, oo waxaa iyaga u talin jiray Kaananyaah oo ahaa reer Laawi, oo walaalkiis Shimciina wuxuu ahaa kan labaad. 13 Oo Yexii'eel, iyo Casasyaah, iyo Nahad, iyo Casaaheel, iyo Yeriimood, iyo Yoosaabaad, iyo Elii'eel, iyo Yismakyaah, iyo Maxad, iyo Benaayaahna waxay ahaayeen kuwii wax u talin jiray oo ka hooseeyey Kaananyaah iyo walaalkiis Shimcii, oo waxaa doortay Boqor Xisqiyaah iyo Casaryaah oo ahaa taliyihii guriga Ilaah. 14 Oo Qore ina Yimnaah oo ahaa reer Laawi, oo ahaa iridjoogihii joogay iridda bari, isna wuxuu u talin jiray qurbaannada ikhtiyaarka loogu bixiyo Ilaah inuu qaybiyo qurbaannada Rabbiga iyo waxyaalaha ugu wada quduusan. 15 Oo isagana waxaa ka hooseeyey Ceeden, iyo Minyaamin, iyo Yeeshuuca, iyo Shemacyaah, iyo Amaryaah, iyo Shekaanyaah, oo joogay magaalooyinkii wadaaddada iyagoo kala haysta jagooyinkoodii lagu aaminay, inay walaalahood qayb u kala siiyaan siday kooxahoodu ahaayeen, kan ugu weyn iyo kan ugu yaru ayan waxba isdheeraysan, 16 oo weliba waxaa qayb la siiyey kuwii lagu tiriyey abtiriskii laboodka, intii saddex sannadood jirtay ama ka sii weynaydba, iyo xataa mid kasta oo guriga Rabbiga sidii maalin kasta hawsheeda loo doonayay u geli jiray adeegidda loo amray iyaga sidii kooxahoodii ay kala ahaayeen, 17 oo waxaa qayb la siiyey kuwii abtiriskooda lagu tiriyey reerihii wadaaddada ahaa, iyo kuwii reer Laawi oo jiray labaatan sannadood ama ka sii weynaa sidii shuqulkooda loo amray iyo kooxahoodii ay kala ahaayeen, 18 iyo weliba kuwii abtiriskooda lagu tiriyey oo ahaa dhallaankoodii yaryaraa, iyo naagahoodii, iyo wiilashoodii, iyo gabdhahoodiiba oo shirka oo dhan ku dhex jiray, waayo, iyagu jagadoodii lagu aaminay ayay quduus iskaga dhigeen. 19 Oo weliba wadaaddadii ahaa farcanka Haaruun oo joogay beeraha magaalooyinkooda agagaarkoodii, magaalo kasta waxaa ugu jiray niman loo magacaabay inay qayb siiyaan wadaaddada inta lab ku jira oo dhan iyo kuwii reer Laawi oo abtiriskooda lagu tiriyey oo dhan. 20 Oo Xisqiyaah sidaasuu ku dhex yeelay dalkii Yahuudah oo dhan, oo wuxuu sameeyey wax wanaagsan oo ku qumman, daacadna ku ah Rabbiga Ilaahiisa ah hortiisa. 21 Oo shuqul kasta oo uu ku bilaabay hawshii gurigii Rabbiga, iyo sharciga, iyo amarrada, si uu u doondoono Ilaahiisa, wuxuu ku samayn jiray qalbigiisa oo dhan, wuuna ku liibaani jiray.
Ciise Waa La Qabtay(A)
18 Ciise markuu waxyaalahaas yidhi wuu la baxay xertiisii oo kala gudbay Tog Qidroon, meeshay ku tiil beer uu galay, isaga iyo xertiisiiba. 2 Yuudasna, kii gacangeliyey, meeshaas wuu garanayay, waayo, Ciise marar badan ayuu meeshaas xertiisii la tegi jiray. 3 Haddaba Yuudas isagoo askar iyo saraakiil ka wada wadaaddadii sare iyo Farrisiintii ayuu meeshaas la yimid laambado iyo siraaddo iyo hub. 4 Sidaa daraaddeed Ciise isagoo og waxa ku dhici doona oo dhan ayuu baxay oo ku yidhi iyaga, Kumaad doondoonaysaan? 5 Waxay ugu jawaabeen, Ciisihii reer Naasared. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Isagii baan ahay. Waxaana iyaga la taagnaa Yuudas kii gacangeliyey. 6 Sidaa daraaddeed Ciise markuu ku yidhi, Isagii baan ahay, dib bay u socdeen, oo dhulkay ku dhaceen. 7 Mar kale haddaba ayuu weyddiiyey, oo ku yidhi, Kumaad doondoonaysaan? Oo waxay ku yidhaahdeen, Ciisihii reer Naasared. 8 Ciise ayaa ugu jawaabay, Waan idiin sheegay inaan isagii ahay. Haddaba haddaad i doonaysaan, kuwan iska daaya, ha tageene. 9 Wuxuu saas u yidhi inuu dhammaado hadalkii uu ku hadlay oo ahaa, Kuwii aad i siisay, midkoodna ma lumin. 10 Simoon Butros haddaba, isagoo seef haysta, ayuu soo bixiyey, oo wuxuu ku dhuftay wadaadka sare addoonkiisii, oo ka gooyay dhegta midigta. Addoonkii magiciisu wuxuu ahaa Malkos. 11 Sidaa daraaddeed Ciise wuxuu Butros ku yidhi, Seefta galkeeda ku celi. Koobka Aabbuhu i siiyey miyaanan cabbayn?
12 Haddaba askartii iyo ninkii u sarreeyey iyo saraakiishii Yuhuudda ayaa Ciise qabtay, markaasay xidhxidheen, 13 oo markii hore waxay u geeyeen Annas, waayo, wuxuu ahaa soddoggii Kayafas oo ahaa wadaadkii sare sannaddaas. 14 Kayafas wuxuu ahaa kii kula taliyey Yuhuudda inay u roon tahay in nin keliyahu dadka u dhinto.
Butros Baa Dafiray Ciise. Wadaadkii Sarena Wax Buu Ciise Weyddiiyey(B)
15 Waxaa Ciise daba socday Simoon Butros iyo mid kale oo xer ah. Ninkaas xerta ahaa wadaadka sare waa garanayay, wuuna la galay Ciise barxadda wadaadkii sare. 16 Butros se wuxuu taagnaa albaabka agtiisa oo dibadda ah. Sidaa daraaddeed kii kale oo xerta ahaa oo wadaadka sare garanayay ayaa dibadda u soo baxay oo la hadlay tii albaabka ilaalinaysay, oo Butros ayuu soo geliyey. 17 Gabadhii albaabka ilaalinaysay waxay Butros ku tidhi, Adiguna ma waxaad tahay mid ka mid ah ninkan xertiisa? Wuxuu ku yidhi, Ma ihi. 18 Markaasaa waxaa taagnaayeen addoommadii iyo saraakiishii oo dab dhuxul ah sameeyey, maxaa yeelay, dhaxan bay ahayd, wayna kulaalayeen. Butrosna wuu la joogay, isagoo taagan oo dabka kulaalaya.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya