Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Old/New Testament

Each day includes a passage from both the Old Testament and New Testament.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Ayuub 22-24

Eliifas

22 Markaasaa Eliifas oo ahaa reer Teemaan u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi,
Ma nin baa Ilaah wax u tari kara?
Hubaal kii xigmad lahu isagaa wax isu tara.
Balse ma Ilaaha Qaadirka ah baa xaqnimadaada ku farxa?
Mase faa'iido bay u tahay isaga inaad jidkaaga qummaatisid?
War ma cabsidaada daraaddeed buu kuu canaantaa?
Oo saas daraaddeed miyuu dacwad kuula galaa?
Sow sharkaagu ma badna?
Xumaatooyinkaagu dhammaad ma laha.
Waayo, sababla'aan baad walaalkaa rahaamad uga qaadatay,
Oo kuwii arradnaana dharkoodii baad ka mudhuxsatay.
Kii daallanaana ma aadan siin biyo uu cabbo,
Oo kii gaajaysnaana cunto baad ka hagratay.
Laakiinse ninkii xoog badnaa isagaa dhulka haystay;
Oo ninkii sharaf lahaana isagaa dalka degganaa.
Carmallada baad gacan madhnaan ku eriday,
Oo agoonta gacmahoodiina waa la jebiyey.
10 Sidaas daraaddeed waxaa hareerahaaga ku wareegsan dabinno,
Oo waxaa ku dhibaya cabsi kedis ah,
11 Ama gudcur aadan waxba ku arki karin,
Oo waxaa ku qariya biyo aad u badan.
12 War sow Ilaah kuma jiro samada sare?
Oo bal eega xiddigaha dheeraantooda iyo siday u sarreeyaan!
13 Oo adna waxaad leedahay, War Ilaah muxuu yaqaan?
Oo gudcurka qarada leh miyuu wax ku dhex xukumi karaa?
14 Waxaa isaga ku wareegsan daruuro qaro waaweyn, si uusan wax u arag,
Oo isagu wuxuu ku socdaa wareegga samada.
15 War ma waxaad doonaysaa inaad sii haysatid jidkii hore
Ee sharrowyadu ku socon jireen?
16 Iyaba waxaa la dhufsaday wakhtigoodii ka hor,
Oo aasaaskoodiina daad baa baabbi'iyey.
17 Waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag,
Bal maxaa Ilaaha Qaadirka ahu nagu samayn karaa?
18 Laakiin isagu wuxuu guryahooda ka buuxiyey waxyaalo wanwanaagsan;
Talada sharrowguse way iga fog tahay.
19 Kuwa xaqa ahu way arkaan oo way farxaan,
Oo kuwa aan xaqa qabinuna way ku qoslaan oo ku majaajiloodaan,
20 Waxayna yidhaahdaan, Sida xaqiiqada ah kuwii nagu kacay waa la baabbi'iyey,
Oo kuwoodii hadhayna dab baa liqay.
21 Haddaba isaga la heshii, oo iska nabdoonow,
Waayo, sidaasaa wanaag kuugu iman doonaa.
22 Haddaba waan ku baryayaaye, sharciga afkiisa ka aqbal,
Oo erayadiisana qalbigaaga geli.
23 Waa lagu dhisi doonaa haddaad Ilaaha Qaadirka ah u noqotid,
Oo aad xaqdarrada teendhooyinkaaga ka fogaysid.
24 Khasnaddaada waxaad ku xoortaa ciidda,
Oo dahabka Oofirna waxaad ku dhex tuurtaa dhagaxyada durdurka,
25 Oo Ilaaha Qaadirka ahuna wuxuu kuu noqon doonaa khasnad,
Iyo lacag qiime badan.
26 Oo markaasaad Ilaaha Qaadirka ah ku farxi doontaa,
Oo wejigaagana Ilaah baad kor ugu qaadi doontaa.
27 Oo isagaad u tukan doontaa, oo isna wuu ku maqli doonaa,
Oo adna waxaad bixin doontaa waxyaalihii aad nidartay.
28 Adiguna wax baad amri doontaa, oo waa laguu adkayn doonaa;
Oo jidadkaaguna iftiin bay lahaan doonaan.
29 Markii hoos laguu tuuro, waxaad odhan doontaa, Waa lay sarraysiinayaa,
Oo qofkii hooseeyana isagaa badbaadin doona.
30 Oo wuxuu samatabbixin doonaa kii aan xaq qabin;
Hubaal isaga waxaa lagu samatabbixin doonaa nadiifsanaanta gacmahaaga.

Ayuub

23 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
Xataa maantadan guryankayga cabashada ahu waa qadhaadh yahay,
Oo gacanta i saaranuna waa ka sii daran tahay cabashadayda.
Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado meeshaan isaga ka heli karo,
Si aan kursigiisa ugu imaado!
Dacwadayda ayaan hortiisa ku diyaarin lahaa,
Oo afkaygana hadallo dood ah baan ka buuxin lahaa.
Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado erayada uu iigu jawaabayo,
Oo aan garto bal waxa uu igu odhanayo.
Ma wuxuu igula diriri lahaa xooggiisa badan?
Maya, laakiinse wuu i maqli lahaa.
Kii qummanu halkaasuu isaga kula xaajoon kari lahaa,
Oo anna saasaan xaakinkayga uga samatabbixi lahaa weligayba.
Bal eega, hore baan u socdaa, laakiinse isagu halkaas ma joogo,
Oo dib baan u socdaa, laakiinse ma aan heli karo.
Oo waxaan tagaa xagga bidix markuu shaqaynayo, laakiinse uma aan jeedi karo;
Oo wuxuu ku dhuuntaa xagga midig laakiinse kama arki karo.
10 Laakiinse wuu yaqaan jidkaan maro,
Oo markuu i tijaabiyo waxaan u soo bixi doonaa sida dahab oo kale.
11 Cagtaydu waxay ku adkaatay tallaabooyinkiisa,
Jidkiisii waan xajiyey, oo dhanna ugama aan leexan.
12 Dib ugama noqon amarkii bushimihiisa,
Oo erayadii afkiisana waxaan u hayay wax ka qiimo badan cuntada aanan ka maarmin.
13 Laakiinse wax qudha ayuu goostay, bal yaa ka leexin kara?
Oo wixii naftiisu doonaysaba wuu sameeyaa.
14 Waayo, wuxuu oofiyaa wixii la ii amray,
Oo waxyaalo badan oo saasoo kale ah ayuu maankiisa ku hayaa.
15 Sidaas daraaddeed ayaan hortiisa uga naxaa,
Oo markaan ka fikiraba waan ka baqaa isaga.
16 Waayo, Ilaah ayaa qalbigayga itaal darreeyey,
Oo Ilaaha Qaadirka ah ayaa iga nixiyey,
17 Maxaa yeelay, gudcurka hortiis layma baabbi'in,
Oo gudcurkii qarada lahaana wejigayga kama uu daboolin.

24 Ilaaha Qaadirka ahu muxuu wakhtiyo u kaydin waayaa?
Kuwa isaga yaqaanse maxay maalmihiisa u arki waayaan?
Waxaa jira kuwa soohdinta dalka durkiya,
Oo waxay xoog ku dhacaan adhyo, kolkaasay daajiyaan.
Oo waxay iska kaxaystaan dameerka agoonta,
Oo waxay rahaamad u qaataan naag carmal ah dibigeed.
Saboolka baahan ayay jidka ka leexiyaan,
Oo masaakiinta dhulkana dhammaantood way wada dhuuntaan.
Bal eeg, sida dameerdibadeedyo lamadegaanka jooga
Ayay shuqulkooda ugu baxaan, iyagoo cunto aad u doonaya;
Cidladuna carruurtooda cuntay u soo bixisaa.
Cuntadooda waxay ka goostaan berrinka,
Oo waxay xaabxaabaan canabka kuwa sharrowyada ah.
Oo habeenkii oo dhan iyagoo qaawan oo aan dhar lahayn ayay jiifsadaan,
Oo dhaxanta waxay ka huwadaanna ma leh.
Waxaa iyaga qoya roobka buuraha,
Oo gabbaadla'aan daraaddeed ayay dhagaxa u dugsadaan.
Waxaa jira kuwa agoonta naaska ka dhufsada,
Oo masaakiintana rahaamad ka qaata,
10 Sidaas daraaddeed waxay warwareegaan iyagoo qaawan oo aan dhar qabin,
Oo iyagoo gaajaysan ayay xidhmooyinka sidaan.
11 Waxay saliid ku sameeyaan nimankaas derbiyadooda gudahooda,
Macsarooyinkoodana way tuntaan, iyagoo harraadsan.
12 Dadku magaalooyinka way ka cabaadaan,
Oo nafta kuwa dhaawacanuna way qaylisaa,
Laakiinse Ilaah nacasnimadaa ma fiiriyo.
13 Kuwaasu waxay ka mid yihiin kuwa nuurka ku caasiyooba,
Oo jidadkiisa ma ay yaqaaniin,
Oo dhabbayaashiisana ma ay sii hayaan.
14 Gacankudhiigluhu kaaha waaberi wuu la soo kacaa, oo wuxuu dilaa miskiinka iyo saboolka baahan,
Oo habeenkiina isagu waa sida tuug oo kale.
15 Oo isha dhillayguna waxay sugtaa fiidka,
Oo wuxuu isyidhaahdaa, Ninna ima arki doono,
Oo wuu hagoogtaa.
16 Oo goor gudcur ah ayay guryaha dhacaan,
Oo maalinnimadana meel bay isku xidhaan,
Oo iftiinka maba yaqaaniin.
17 Waayo, subaxnimadu dhammaantood waxay u tahay sida hooska dhimashada,
Maxaa yeelay, waxay yaqaaniin cabsida hooska dhimashada.
18 Isagu biyaha dushooda wuu ku dheereeyaa,
Qaybtoodii dhulkaa lagu habaaray,
Isagu uma leexdo xagga jidka beeraha canabka ah.
19 Biyaha barafka waxaa dhammaysta abaar iyo kulayl,
Oo sidaasoo kalaa She'oolna u galaa kuwii dembaabay.
20 Uurkii hooyadiis waa illoobi doonaa isaga; jidhkiisana waxaa cuni doona oo macaansan doona dirxiga,
Oo mar dambena isaga lama xusuusan doono,
Oo kii xaqdaranuna wuxuu u jabi doonaa sida geed oo kale.
21 Isagu wuxuu baabbi'iyaa madhashada aan carruurta dhalin;
Oo carmalkana wax wanaagsan uma sameeyo.
22 Oo weliba kii xoog badanna itaalkiisuu ku jiidaa;
Oo markuu kacana nafta waa laga rajo beelaa.
23 Ilaahna wuxuu iyaga siiyaa meel ammaan ah, oo halkaasay isku halleeyaan,
Jidadkoodana ishuu ku hayaa.
24 Iyaga waa la sarraysiiyaa, laakiin in yar dabadeed way wada baabba'aan;
Hubaal iyaga waa la hoosaysiiyaa, oo jidka ayaa looga tuuraa sida kuwa kale oo dhan,
Oo waxaa loo jaraa sida sabuul hadhuudh oo kale.
25 Oo haddayan saas ahayn, yaa igu caddayn kara inaan beenlow ahay,
Oo hadalkaygase yaa ka dhigi kara wax aan waxtar lahayn?

Falimaha Rasuullada 11

Butros Ayaa Daafacay Wixii Uu Sameeyey

11 Haddaba rasuulladii iyo walaalihii Yahuudiya joogay ayay waxay maqleen in dadka aan Yuhuudda ahaynna ay ereygii Ilaah aqbaleen. Oo markii Butros Yeruusaalem yimid, kuwii ka mid ahaa kuwii gudnaa ayaa la murmay isagii, oo waxay ku yidhaahdeen, Waxaad u tagtay niman aan la gudin, waadna la cuntay. Laakiin Butros wuxuu bilaabay inuu sheekadii ugu sheego siday isugu xigtay, oo wuxuu yidhi.

Anigu waxaan joogay magaalada Yaafaa la yidhaahdo oo waan tukanayay, markaas waxaan khilaawo ku arkay riyo oo ahayd weel soo degaya sida shiraaq weyn oo kale oo afartiisa geesood samada lagaga soo dejinayo; wuuna ii soo dhowaaday, oo markaan aad u fiiriyey, ayaan ka fikiray oo waxaan arkay xayawaankii afarta lugood lahaa oo dhulka, iyo dugaagta, iyo waxa gurguurta, iyo haadda cirka. Oo waxaan maqlay cod igu leh, Kac, Butrosow, gowrac oo cun. Laakiin waxaan idhi, Saas yaanay noqon, Rabbiyow, maxaa yeelay, wax xaaraan ah oo aan nadiif ahayn, weligay afkayga ma gelin. Laakiin markii labaad cod baa samada ka soo jawaabay oo yidhi, Wixii Ilaah nadiifiyey, xaaraan ha ka dhigin. 10 Taasna waxay dhacday saddex goor; markaasaa dhammaantood mar labaad samada kor loogu bixiyey. 11 Oo bal eega, markiiba saddex nin baa istaagtay gurigaannu joognay hortiisa, kuwaasoo la iiga soo diray Kaysariya. 12 Ruuxuna wuxuu ii sheegay inaan raaco iyaga, anoo aan shaki lahayn. Oo lixdatan walaalaha ihina way i raaceen; waxaannan galnay ninkii gurigiisii; 13 markaasuu wuxuu noo sheegay siduu gurigiisa ugu arkay malaa'igta taagan oo ku leh, Yaafaa cid u dir oo uga soo yeedh Simoon kan la yidhaahdo Butros; 14 kaasoo kugula hadli doona hadallo aad ku badbaadi doontid, adiga iyo dadka gurigaaga oo dhammiba. 15 Oo kolkaan bilaabay inaan hadlo ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay iyaga siduu bilowgii inoogu soo degay innagana. 16 Markaasaan xusuustay ereygii Rabbiga, siduu u yidhi, Runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo; laakiin idinka waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah. 17 Haddaba haddii Ilaah iyaga siiyey isku hadiyaddii, siduu inoo siiyey markii aynu Rabbi Ciise Masiix rumaysannay, anigu kumaan ahaa kaygan Ilaah diidi karaa? 18 Oo markay waxyaalahaas maqleen, ayay dooddii ka aamuseen, Ilaah bayna ammaaneen, oo waxay yidhaahdeen, Haddaba xataa dadka aan Yuhuudda ahaynna Ilaah baa siiyey toobadkeen inay nolol helaan.

Kiniisaddii Dadka Aan Yuhuudda Ahayn Oo Antiyokh Ku Tiil

19 Haddaba kuwii u kala firidhsanaa, dhibaatadii kacday Istefanos aawadiis, waxay u sodcaaleen tan iyo Foynike iyo Qubrus iyo Antiyokh, iyagoo aan ereyga kula hadlin ninna, Yuhuudda oo keliya mooyaane. 20 Laakiin waxaa jiray qaar iyaga ka mid ah oo ahaa niman reer Qubrus iyo reer Kuranaya ahaa, kuwaasoo, kolkay Antiyokh yimaadeen, xataa Gariiggiina la hadlay, iyagoo ku wacdiyaya Rabbi Ciise. 21 Gacanta Rabbiguna waa la jirtay iyaga; oo kuwa tiro badan oo rumaystay baa Rabbiga u soo jeestay.

22 Oo warkii iyaga ku saabsanaa baa wuxuu soo gaadhay kiniisaddii Yeruusaalem ku tiil; markaasay Barnabas tan iyo Antiyokh u direen; 23 kaasoo farxay markuu yimid oo arkay nimcada Ilaah; wuxuuna kulligood ku waaniyey inay Rabbiga ku xajistaan niyad qalbiga ka timid, 24 maxaa yeelay, nin wanaagsan buu ahaa oo waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah iyo rumaysad; dad badan baana Rabbiga u kordhay. 25 Markaasuu Tarsos tegey inuu Sawlos ka doono; 26 markuu soo helayna, ayuu Antiyokh keenay. Waxaana dhacday inay sannad dhan kiniisadda la urureen oo ay dad badan wax bareen, oo meeshii ugu horraysay ee xertii loogu yeedhay Masiixiyiin waxay ahayd Antiyokh.

Barnabas Iyo Sawlos Waxaa Loo Diray Yeruusaalem

27 Wakhtigaas waxaa Yeruusaalem ka yimid nebiyo inay Antiyokh tagaan. 28 Markaasaa mid iyaga ka mid ah oo Agabos la odhan jiray ayaa istaagay, oo wuxuu Ruuxa ku sheegay in abaar weyni dunida ku dhici doonto, taas oo dhacday wakhtigii Kalawdiyos. 29 Markaasaa mid kasta oo xertii ka mid ihiba, sidii tabartiisu ahayd, wuxuu goostay inuu caawimaad u diro walaalihii Yahuudiya jooga, 30 oo sidaasay yeeleen, oo waxay waayeelladii ugu sii dhiibeen gacanta Barnabas iyo Sawlos.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya