Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Chronological

Read the Bible in the chronological order in which its stories and events occurred.
Duration: 365 days
Somali Bible (SOM)
Version
Yeremyaah 49-50

Farriin Ku Saabsan Cammoon

49 Rabbigu wuxuu reer Cammoon ka leeyahay, Israa'iil miyuusan wiilal lahayn? Miyuusan mid dhaxla lahayn? Bal maxaa Malkaam u dhaxlay Gaad, oo maxaase dadkiisu u degay magaalooyinkii reer Gaad? Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, waxaa iman doona wakhti aan ka dhigi doono in la maqlo qaylo dagaaleed oo ka gees ah magaalada Rabbaah ee reer Cammoon, oo waxay noqon doontaa taallo burbur ah, oo gabdhaheedana dab baa lagu wada gubi doonaa, oo markaasay dadka Israa'iil dhaxli doonaan kuwii iyaga dhaxli jiray, ayaa Rabbigu leeyahay. Xeshboonay, barooro, waayo, Aacii waa baabba'day. Gabdhaha Rabbaahoy, ooya, dhar joonyad ah guntada, oo baroorta, oo hore iyo dib ugu orda deyrarka dhexdooda, waayo, Malkaam maxaabiis ahaan buu u bixi doonaa, isaga iyo wadaaddadiisa iyo amiirradiisaba. Kaaga dib u noqonayow, bal maxaad dooxooyinkaaga ugu faanaysaa? Waayo, dooxadaadu way sii dhammaanaysaa. Khasnadahaagaad isku hallaysay oo waxaad tidhi, Bal yaa ii iman karaya? Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Waxaan kugu soo dejin doonaa cabsi kaaga timaada kuwa hareerahaaga ku wareegsan oo dhan. Oo midkiin kastaba hor baa loo eryi doonaa, oo cid kuwa warwareega soo ururisaana ma jiri doonto. Laakiin haddana mar kalaan maxaabiista reer Cammoon soo celin doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

Farriin Ku Saabsan Edom

Rabbiga ciidammadu wuxuu reer Edom ka leeyahay, Teemaan miyaan xigmad lagu sii arag innaba? Taladii miyey ka baabba'day kuwii miyirka lahaa? Xigmaddoodii miyey ka wada dhammaatay? Dadka Dedaan degganow, carara, oo dib u noqda, oo meelo hul dheer dega, waayo, reer Ceesaw waxaan ku soo dejin doonaa masiibadiisa oo dhan, waana wakhtiga aan isaga ciqaabi doono. Haddii kuwa canab ururiya ay kuu yimaadaan, sow kaagama ay tageen canab xaaxaab ah? Haddiise tuugag ay habeenkii kuu miraan, sow kama ay tageen markay wax ku filan helaan? 10 Laakiinse anigu reer Ceesaw waan qaawiyey, oo meelihiisii qarsoonaana daahaan ka wada qaaday, oo isna ma uu kari doono inuu isqariyo. Farcankiisii iyo walaalihiis iyo deriskiisiiba way wada baabbe'een oo isagiina innaba ma jiro. 11 Carruurtaada agoonta ah ka tag oo aniguna waan xannaanayn doonaa si ay u sii noolaadaan, oo carmalladaaduna ha isku kay halleeyeen. 12 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, kuwii ayan ku garta ahayn inay koobka cabbaan, xaqiiqa ahaan bay u cabbi doonaan. Haddaba adigu miyaad tahay mid aan la ciqaabi doonin? Adigu ciqaabidla'aan innaba ma sii joogi doontid, laakiinse sida xaqiiqada ah waad cabbi doontaa. 13 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan ku dhaartay nafsaddayda inay Bosraah noqon doonto cidla, iyo cay, iyo burbur, iyo inkaar, oo magaalooyinkeeda oo dhammuna weligoodba cidla bay ahaan doonaan. 14 War baan xagga Rabbiga ka maqlay, oo quruumahana waxaa loo dhex diray wargeeys leh, Isa soo wada urursada, oo iyada ku soo duula, oo dagaalka u soo kaca. 15 Waayo, bal eeg, waxaan kaa dhigay mid quruumaha dhexdooda ku yar, oo dadka dhexdiisana lagu quudhsado. 16 Kaaga qararka dhagaxyadooda deggan oo kurta dhaladeeda sare haystow, belaayonimadaada iyo kibirka qalbigaaga ayaa ku khiyaanay, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, In kastoo aad buulkaaga meel sare ka samaysatid sida kan gorgorka oo kale, anigu halkaas hoos baan kaaga soo dejin doonaa. 17 Oo weliba Edomna waxay noqon doontaa cidla, oo mid kasta oo ag maraaba wuu la yaabi doonaa, wuuna ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan. 18 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidii afgembigii Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii u dhowaa oo kale, ciduna halkaas ma joogi doonto, oo innaba binu-aadmi halkaas ma degganaan doono. 19 Bal eega, isagu wuxuu kibirka Webi Urdun uga soo dhex bixi doonaa sida libaax oo kale, oo wuxuu ku soo kici doonaa rugta xoogga badan, laakiinse anigu waxaan ka dhigi doonaa inuu degdeg uga cararo, oo waxaan madax uga dhigi doonaa kii la doortay, waayo, bal yaa ila mid ah? Oo bal yaa wakhtiga ii sheegi doona? Oo waa ayo adhijirka hortayda soo istaagi doona? 20 Haddaba bal maqla talada uu Rabbigu Edom u goostay, iyo qasdiyadiisa uu dadka Teemaan deggan u qasdiyey. Sida xaqiiqada ah waxaa iyaga kaxayn doona kuwa adhiga ugu yaryar. Sida xaqiiqada ah isagu hoygooda iyo iyagaba cidla buu ka dhigi doonaa. 21 Dhulkii wuxuu la gariiraa sanqadhii dhiciddooda, oo qayladoodana waxaa laga maqlaa tan iyo Badda Cas. 22 Bal ogaada, isagu wuu soo kici doonaa oo wuxuu u soo duuli doonaa sida gorgor oo kale, oo baalashiisana wuxuu ku fidin doonaa Bosraah, oo maalintaas ragga xoogga badan oo reer Edom qalbigoodu wuxuu noqon doonaa sida naag fooli hayso qalbigeed oo kale.

Farriin Ku Saabsan Dimishaq

23 Oo Dimishaqna wuxuu ka leeyahay, Xamaad iyo Arfaad way nexeen, waayo, war xun bay maqleen, wayna qalbi jabeen, oo baddana welwel baa jira, oo innaba ma ay xasilli karto. 24 Dimishaq way taag gabtay, oo waxay u jeesatay inay cararto. Naxdin baa ku dhacday, oo cidhiidhi iyo xanuun baa qabtay sidii naag foolanaysa oo kale. 25 Magaaladii ammaanta lahayd oo aan ku faraxsanaa sidee baan looga tegin! 26 Sidaas daraaddeed barbaarradeedu waxay ku dhex dhici doonaan jidadkeeda, oo raggeeda dagaalka oo dhanna maalintaasaa la wada baabbi'in doonaa, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay. 27 Oo derbiga Dimishaq dab baan ku dayn doonaa, oo daaraha waaweyn ee Benhadad oo dhanna baabba' buu ka dhigi doonaa.

Farriin Ku Saabsan Qedaar Iyo Xaasoor

28 Qedaar iyo boqortooyooyinka Xaasoor oo boqorka Baabuloon oo Nebukadresar ahu uu wax ku dhuftay Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Sara joogsada, oo Qedaar u kaca, oo dadka reer bari baabbi'iya. 29 Teendhooyinkooda iyo adhyahoodaba way wada kaxaysan doonaan, oo waxay iska qaadan doonaan daahyadooda iyo weelashooda oo dhan iyo geeloodaba, oo waxay iyaga ugu qaylin doonaan, Dhinac kasta cabsi baa idinka jirta. 30 Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka Xaasoor degganow, carara, oo aad u sii fogaada, oo meelo hul dheer dega, waayo, Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa idiin tashaday, oo wax xun buu idiin qasdiyey. 31 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sara joogsada, oo ku kaca quruun istareexsan, oo welwella'aan isaga deggan, oo aan albaabbo iyo qataarro midna lahayn, oo keligeed deggan. 32 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Geeloodu wuxuu noqon doonaa booli, oo xoolahooda badanna waa la kala boobi doonaa, oo waxaan dabaylaha oo dhan u kala firdhin doonaa kuwa timaha dhinacyada ka jarta, oo masiibadoodana waxaan kaga soo dayn doonaa dhinac kasta. 33 Oo Xaasoorna waxay noqon doontaa meel dawacooyin ku hoydaan iyo meel weligeed cidla ah, ciduna halkaas ma joogi doonto oo innaba binu-aadmina ma degganaan doono.

Farriin Ku Saabsanaa Ceelaam

34 Kanu waa Eraygii Rabbiga ee Ceelaam ku saabsanaa ee Nebi Yeremyaah u yimid bilowgii boqornimadii Sidqiyaah oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah, isagoo leh, 35 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu waxaan kala jebin doonaa qaansada reer Ceelaam, taasoo ah waxa xooggooda u weyn. 36 Oo waxaan reer Ceelaam ku soo dayn doonaa afarta dabaylood oo samada afarteeda qabladood ka timid, oo iyaga waxaan u kala firdhin doonaa qabladahaas oo dhan, oo innaba ma ay jiri doonto quruun aan reer Ceelaam masaafurisyadoodu geli doonin. 37 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waxaan ka dhigi doonaa in reer Ceelaam ay ku hor naxaan cadaawayaashooda iyo kuwa naftooda doondoonaya, oo masiibo ah cadhadayda kulul ayaan ku soo dejin doonaa, oo seefna waan ka daba diri doonaa, ilaa aan baabba' ka dhigo. 38 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu carshigayga Ceelaam baan dhex qotomin doonaa, oo halkaas boqor iyo amiirroba waan ka wada baabbi'in doonaa. 39 Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Ugudambaysta maxaabiista reer Ceelaam waan soo celin doonaa.

Farriin Ku Saabsan Baabuloon

50 Kanu waa eraygii ku saabsanaa Baabuloon iyo dalka reer Kaldayiin ee uu Rabbigu Nebi Yeremyaah faray.

Quruumaha ka dhex sheega, oo naadiya, oo calan kor u taaga. Naadiya, oo ha qarinina, oo waxaad tidhaahdaan, Baabuloon waa la qabsaday, Beel waa la ceebeeyey, Merodag waa la burburiyey, taswiiraheedii waa la ceebeeyey, oo sanamyadeediina waa la burburiyey. Waayo, quruun baa xagga woqooyi iyada kaga soo kacaysa, taasoo dalkeeda cidla ka dhigi doonta, oo ciduna ma dhex degganaan doonto, oo dad iyo duunyaba way carareen, wayna tageen. Rabbigu wuxuu leeyahay, Maalmahaas iyo wakhtigaas waxaa iman doona dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah oo wada socda oo ooyaya, oo Rabbiga Ilaahooda ahna way doondooni doonaan. Iyagu waxay haybin doonaan jidka Siyoon iyagoo wejigoodu halkan u soo jeedo, oo waxay odhan doonaan, Kaalaya, oo Rabbiga ugu dhowaada axdi weligiis ah oo aan la illoobi doonin.

Dadkaygu wuxuu ahaan jiray sidii ido baadiyoobay, oo adhijirradoodii ayaa ka dhigay inay ambadaan. Waxay u celiyeen oo ku sii daayeen xagga buuraha, oo intay buur ilaa kur uga sii bexeen ayay xeradoodii illoobeen. Ku alla kii iyaga helayba wuu cunay, oo cadaawayaashoodiina waxay yidhaahdeen, Annagu dembi kuma lihin, maxaa yeelay, iyagu waxay ku dembaabeen Rabbiga ah rugtii caddaaladda, kaasoo ah Rabbigii ahaa rajadii awowayaashood. Baabuloon dhexdeeda ka carara, oo dalka reer Kaldayiin ka dhex baxa, oo noqda sida orgiyo adhi hor socda oo kale. Waayo, bal ogaada, waxaan kicin doonaa oo aan Baabuloon ku soo dayn doonaa quruumo waaweyn oo is-urursaday oo xagga dalka woqooyi ka yimid, oo dagaal bay isugu soo diyaarin doonaan oo halkaasaa laga qaadi doonaa. Oo fallaadhahoodu waxay noqon doonaan sida fallaadhaha kan dagaalka aqoonta u leh oo aan middoodna waxtarla'aan ku soo noqonayn. 10 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Dalka Kalday wuxuu noqon doonaa wax la dhaco, oo kuwii isaga dhaca oo dhammuna way wada dhergi doonaan. 11 Kuwiinna dhaxalkayga dhacayow, in kastoo aad faraxdaan oo aad rayraysaan, iyo in kastoo aad u cayishaan sida qaalin lo'aad oo daaqsin fiican dhex joogta, amase aad danantaan sida fardo xoog badan oo kale, 12 kolley hooyadiin si xun bay u ceeboobi doontaa, oo tii idin dhashayna way welweli doontaa, oo bal ogaada, iyadu waxay ahaan doontaa midda quruumaha ugu wada dambaysa, iyo cidla, iyo dhul engegan, iyo lamadegaan. 13 Cadhada Rabbiga daraaddeed ayaan ciduna u degi doonin, laakiinse kulligeed waxay ahaan doontaa baabba'. Mid kasta oo Baabuloon soo ag maraaba wuu yaabi doonaa, oo belaayooyinkeeda oo dhanna wuu ku foodhyi doonaa. 14 Kuwiinna qaansada xoota oo dhammow, Baabuloon hareereheeda dagaal isugu diyaariya. Iyada fallaadhihiinna ku gana, oo fallaadhna ha ka ceshanina, waayo, Rabbigay ku dembaabtay. 15 Hareeraha kaga qayliya, iyadu way isdhiibtay, aasaaskeedii wuu dhacay, derbiyadeediina waa la wada dumiyey, waayo, taasu waa aarsashadii Rabbiga. Iyada ka aarsada, oo sidii ay yeeli jirtay iyada ku sameeya. 16 Baabuloon ka baabbi'iya kan wax beera iyo kan manjada qaada wakhtiga beergoosadka. Seefta dulmaysa cabsi ay ka qabaan aawadeed ayaa midkood kastaaba ku noqon doonaa dadkiisii, oo midkood kastaaba u carari doonaa dalkiisii. 17 Dadka Israa'iil waa sida ido kala firidhsan oo kale. Libaaxyaa kala eryay. Markii hore waxaa baabbi'iyey boqorkii Ashuur, oo markii dambena Nebukadresar oo ah boqorka Baabuloon ayaa lafihiisii burbursaday. 18 Sidaas daraaddeed Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogaada, boqorka Baabuloon iyo dalkiisaba waan u ciqaabi doonaa sidaan boqorkii Ashuur u ciqaabay oo kale. 19 Oo dadka Israa'iilna xeradooda ayaan ku soo celin doonaa, oo waxay daaqi doonaan Karmel iyo Baashaan, oo nafsaddooduna waxay ka dhergi doontaa buuraha Efrayim iyo Gilecaad dhexdiisa. 20 Rabbigu wuxuu leeyahay, Maalmahaas iyo wakhtigaas waxaa la doondooni doonaa xumaantii dadka Israa'iil oo innaba ma ay jiri doonto, iyo dembiyadii dadka Yahuudah oo innaba lama heli doono, waayo, kuwii aan soo reebay waan saamixi doonaa.

21 Rabbigu wuxuu leeyahay, Ku soo kaca dalka Meraatayim, iyo dadka Feqood degganba. Laaya oo wada baabbi'iya oo sidaan idinku amray oo dhan yeela. 22 Dalka waxaa dhex yaal dagaal iyo halligaad weyn sanqadhood. 23 Dubbihii dunida oo dhammu sidee buu u kala jabay oo uu u burburay! Baabuloon sidee bay quruumaha dhexdooda cidla ugu noqotay! 24 Baabuloonay, dabin baan kuu dhigay, oo adna waa lagu qabtay adigoo aan iska ogayn. Waa lagu helay oo lagu qabtay, maxaa yeelay, Rabbigaad la dirirtay. 25 Rabbigu meesha hubkiisuu furay, oo wuxuu soo bixiyey hubkii dhirifkiisa, waayo, Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay shuqul uu ku dhex samayn doono dalka reer Kaldayiin. 26 Quruuntaas kaga soo kaca darafyada dhulka ugu shisheeya, oo bakhaarradeeda fura, oo waxaad iyada u taalaysaan sida wax meel tuunsan oo kale, oo dhammaanteed baabbi'iya, oo innaba waxba ha ka reebina. 27 Dibiyadeeda oo dhan wada gowraca, oo kulligood in la gowraco ha u dhaadheceen. Iyagaa iska hoogay, waayo, waxaa haatan yimid maalintoodii iyo wakhtigii ciqaabiddooda! 28 Waxaa yeedhaya codkii kuwa dalka Baabuloon ka sii cararaya oo ka baxsanaya inay Siyoon ka naadiyaan aarsashadii Rabbiga Ilaahayaga ah, taasoo ah aarsashadii macbudkiisa. 29 Waxaad Baabuloon ugu yeedhaan qaansoley badan, kuwiinna qaansada xoota oo dhammow. Hareereheeda ka dega, oo yaan innaba waxba ka baxsan. U abaalmariya sidii shuqulkeedu ahaa, oo wixii ay samayn jirtay oo dhan ku sameeya, waayo, waxay ku kibirtay Rabbiga ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil. 30 Sidaas daraaddeed barbaarradeedu waxay ku dhex dhici doonaan jidadkeeda, oo raggeeda dagaalka oo dhanna maalintaasaa la wada baabbi'in doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay. 31 Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, kan kibirka badanow, anigu col baan kugu ahay, waayo, waxaa yimid maalintaadii taasoo ah wakhtigii aan ku ciqaabi lahaa. 32 Oo kan kibirka badanuna wuu turunturoon doonaa, wuuna dhici doonaa, oo ciduna ma sara kicin doonto. Oo magaalooyinkiisana dab baan ku dayn doonaa, oo dabkaasuna wuxuu wada baabbi'in doonaa inta hareerihiisa ku wareegsan oo dhan.

33 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba waa la wada dulmay, oo kuwii iyaga maxaabiis ahaanta u kaxaystayna aad bay u xajistaan, wayna diidaan inay iska sii daayaan. 34 Bixiyahoodu waa xoog badan yahay, oo magiciisana waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada. Oo isagu sida xaqiiqada ah dacwadooda wuu u qaadi doonaa, si uu dhulka u nasiyo, oo uu kuwa Baabuloon deggan u gariiriyo. 35 Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer Kaldayiin, iyo kuwa Baabuloon deggan, iyo amiirradeeda, iyo raggeeda xigmadda lehba seef baa u diyaar ah. 36 Oo faanlowyadana seef baa u diyaar ah, wayna nacasoobi doonaan, oo raggeeda xoogga badanna seef baa u diyaar ah, wayna argaggixi doonaan. 37 Oo seef baa u diyaar ah fardahooda, iyo gaadhifardoodyadooda, iyo dadka isku qasan oo dhexdeeda jooga oo dhan, oo waxay noqon doonaan sida naago oo kale. Oo khasnadaheedana seef baa u diyaar ah, oo iyana waa la dhici doonaa. 38 Biyaheedana abaar baa u diyaar ah, wayna wada gudhi doonaan, waayo, kanu waa dal ay taswiiro xardhanu ka buuxaan, oo dadkuna sanamyo bay ka daba waashaan. 39 Sidaas daraaddeed dugaagga lamadegaanku waxay halkaas la degganaan doonaan yeyda, oo weliba gorayooyinka ayaa halkaas ku hoyan doona, oo weligeedna mar dambe lama degi doono, oo tan iyo ab ka abna dhexdeeda innaba laguma hoyan doono. 40 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidii Ilaah u afgembiyey Sodom iyo Gomora iyo magaalooyinkii u dhowaaba ayaan ciduna halkaas u joogi doonin oo uusan innaba binu-aadmina halkaas degganaan doonin. 41 Bal ogaada, dadyow baa xagga woqooyi ka iman doona, oo quruun weyn iyo boqorro badan ayaa dhulka darafyadiisa ka soo kici doona. 42 Oo waxay sitaan qaansooyin iyo warmo, oo waa calool adag yihiin, oo innaba naxariis ma leh. Codkoodana waxaa la moodaa sida bad guuxaysa oo kale, oo farday fuulaan. Baabuloonay, mid kastaaba wuxuu kuugu soo safan yahay sida nin dagaal diyaar u ah oo kale. 43 Boqorkii Baabuloon ayaa warkoodii maqlay, markaasay gacmihiisii taag gabeen, oo cidhiidhi iyo xanuun baa isagii qabtay sida naag foolanaysa oo kale. 44 Bal eega, isagu wuxuu kibirka Webi Urdun uga soo dhex bixi doonaa sida libaax oo kale, oo wuxuu ku soo kici doonaa rugta xoogga badan, laakiinse anigu waxaan ka dhigi doonaa inay degdeg uga cararaan, oo waxaan madax uga dhigi doonaa kii la doortay, waayo, bal yaa ila mid ah? Oo bal yaa wakhtiga ii sheegi doona? Oo waa ayo adhijirka hortayda soo istaagi doona? 45 Haddaba bal maqla talada uu Rabbigu Baabuloon u goostay, iyo qasdiyadiisa uu dalka reer Kaldayiin u qasdiyey. Sida xaqiiqada ah waxaa iyaga kaxayn doona kuwa adhiga ugu yaryar. Sida xaqiiqada ah isagu hoygooda iyo iyagaba cidla buu ka dhigi doonaa. 46 Dhulkii wuxuu la gariiraa sanqadhii qabsashadii Baabuloon, oo qayladeeda waxaa laga maqlaa quruumaha dhexdooda.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya