Chronological
Ilaah Iyo Sanamyada
10 Dadka Israa'iilow, bal maqla erayga Rabbigu idinkula hadlayo. 2 Rabbigu wuxuu leeyahay, Ha baranina jidka quruumaha, oo hana ka nixina calaamadaha samada, waayo, quruumahaa ka naxa iyaga. 3 Waayo, dadyowga caadooyinkoodu waxtar ma leh, maxaa yeelay, mid baa kaynta geed ka soo jara, waana wax ay nin saanac ah gacmihiisu faas ku sameeyaan. 4 Waxaa lagu sharraxaa lacag iyo dahab, oo waxaa lagu dhuujiyaa musmaarro iyo dubbayaal, si uusan u dhaqdhaqaaqin. 5 Sanamyadaas waa sida geed timireed oo toosan, laakiinse ma ay hadlaan, oo waxay u baahan yihiin in la qaado, maxaa yeelay, ma ay socon karaan. Iyaga ha ka baqina, waayo, wax xun idinkuma samayn karaan, oo weliba innaba wax san ma samayn karaan.
6 Rabbiyow, mid kula mid ahu ma jiro. Adigu waad weyn tahay, oo magacaaguna waa xoog badan yahay. 7 Boqorka quruumahow, kan aan kaa cabsanaynu waa kuma? Waayo, way kugu habboon tahay, maxaa yeelay, kuwa xigmadda leh ee quruumaha iyo boqortooyooyinkooda oo dhanba mid kula mid ahu ma jiro. 8 Laakiinse iyagu dhammaantood waa doqonno iyo nacasyo, cilmigoodu waa wax aan waxtar lahayn, waayo, waa qori uun. 9 Lacag la tumay baa Tarshiish laga keenaa, oo dahabna Uufaas, waana nin saanac ah shuqulkiis, iyo wixii lacagshubuhu uu gacmihiisa ku sameeyey, oo dharkooduna waa buluug iyo guduud, oo dhammaantoodna waa nin saanac ah shuqulkiis. 10 Laakiinse Rabbigu waa Ilaaha runta ah. Isagu waa Ilaaha nool iyo boqorka weligiis ah. Cadhadiisa ayaa dhulku la gariiraa, oo quruumuhuna uma ay adkaysan karaan dhirifkiisa.
11 Waxaad iyaga ku tidhaahdaan, Ilaahyadii aan samooyinka iyo dhulka samayninu way ka wada baabbi'i doonaan dhulka dushiisa iyo samooyinka hoostooda.
12 Isagu dhulka xooggiisuu ku sameeyey, dunidana xigmaddiisuu ku dhisay, oo samooyinkana waxgarashadiisuu ku kala bixiyey. 13 Markuu codkiisa ku hadlo biyo badan guuxooda baa samooyinka laga maqlaa, oo isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara. 14 Nin kastaaba wuxuu noqday doqon aan aqoon lahayn, oo dahabshube kastaaba wuxuu ku ceeboobay sanamkiisii la xardhay, waayo, sanamkiisii la shubay waa been oo innaba neef ma leh. 15 Iyagu waa wax aan waxtar lahayn iyo shuqul lagu majaajilowdo, oo wakhtiga ciqaabiddoodana way wada baabbi'i doonaan. 16 Kan Yacquub qaybta u ah iyaga la mid ma aha, waayo, isagu waa kan wax kasta abuuray, oo reer binu Israa'iilna waa qoladii dhaxalkiisa, oo magiciisuna waa Rabbiga ciidammada.
Baabba'a Imanayaa
17 Tan la weerarayay, alaabtaada dalka ka soo ururso. 18 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, dadka dalka deggan haddeer baan wadhfin doonaa, oo waan dhibi doonaa si ay u dareemaan. 19 Anigaa iska hoogay nabarkayga aawadiis! Dhaawacaygu aad buu u xun yahay, laakiinse waxaan is-idhi, Sida runta ah kanu waa xanuundaran, waase inaan u adkaystaa. 20 Taambuuggaygii waa baabba'ay, oo xadhkahaygii oo dhanna waa la jaray. Carruurtaydii way iga tageen oo ma ay joogaan, oo innaba lama arko cid teendhadayda mar dambe dhisaysa oo daahyadayda kor u taagaysa toona. 21 Waayo, adhijirradii way wada doqonoobeen, oo Rabbigana waxba ma ay weyddiin. Oo sidaas daraaddeed ma ay liibaanin, oo adhyahooda oo dhammuna way kala firidhsan yihiin. 22 Bal maqla qaylada warka iyo rabshadda weyn oo xagga dalka woqooyi ka soo socota, oo markaas waxaa magaalooyinka dalka Yahuudah laga dhigi doonaa baabba' iyo meel ay dawacooyinku ku hoydaan.
Baryadii Yeremyaah
23 Rabbiyow, waan ogahay in binu-aadmiga jidkiisu uusan gacantiisa ku jirin, ninkii socda innaba karti uma leh inuu tallaabooyinkiisa toosiyo. 24 Rabbiyow, i edbi, si caddaalad ah mooyaane xanaaqaaga ha igu edbin, si aadan iiga dhigin wax aan waxba ahayn. 25 Cadhadaada ku soo deji quruumaha aan ku aqoon iyo qolooyinka aan magacaaga kugu baryin, waayo, reer Yacquub way cuneen, hubaal way cuneen oo dhammeeyeen, oo rugtoodiina way baabbi'iyeen.
Axdigii Waa La Jebiyey
11 Kanu waa eraygii Yeremyaah xagga Rabbiga uga yimid, isagoo leh, 2 Axdigan erayadiisa dhegayso, oo dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba la hadal. 3 Oo adigu waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Inkaaru ha ku dhacdo ninkii aan dhegaysan erayada axdigan 4 ee aan awowayaashiin ku amray waagii aan iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar iyo foornadii birta, oo aan ku idhi, Codkayga addeeca, oo wixii aan idinku amro oo dhan yeela, oo sidaasaad dadkaygii ku noqon doontaan, oo aniguna Ilaahiin baan idiin ahaan doonaa, 5 si aan u oofiyo dhaartii aan awowayaashiin ugu dhaartay inaan siin doono dal caano iyo malab la barwaaqaysan, sida ay maantadan tahay. Markaasaan u jawaabay oo waxaan idhi, Aamiin, Rabbiyow.
6 Oo Rabbigu wuxuu igu yidhi, Erayadan oo dhan ka dhex naadi magaalooyinka dalka Yahuudah, iyo jidadka Yeruusaalemba, oo waxaad tidhaahdaa, Axdigan erayadiisa dhegaysta oo yeela. 7 Waayo, si aad ah ayaan awowayaashiin ugu digay tan iyo waagii aan iyaga dalkii Masar ka soo bixiyey iyo ilaa maantadan la joogo inta ka dhex leh, anigoo goor wanaagsan u digaya oo ku leh, Codkayga addeeca. 8 Laakiinse ima ay addeecin oo dhegna iima ay dhigin, laakiinse midkood kastaaba wuxuu daba galay caasinimada qalbigiisa sharka ah. Sidaas daraaddeed waxaan iyaga ku soo dejiyey axdigan erayadiisa oo dhan, kuwaasoo aan ku amray inay sameeyaan, laakiinse ayan samaynin.
9 Oo waxaa Rabbigu igu yidhi, Dadka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganba waxaa laga dhex helay shirqool. 10 Waxay dib ugu noqdeen xumaatooyinkii awowayaashoodii diiday inay erayadayda maqlaan, oo waxay daba galeen ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan aawadeed. Dadka dalka Israa'iil iyo dadka Yahuudahba way jebiyeen axdigaygii aan awowayaashood la dhigtay. 11 Oo sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan iyaga ku soo dayn doonaa masiibo ayan kari doonin inay ka baxsadaan, oo in kastoo ay ii soo qayshadaanna, innaba dheg uma dhigi doono. 12 Oo markaasaa magaalooyinka dalka Yahuudah iyo kuwa Yeruusaalem degganuba waxay u tegi oo u qayshan doonaan ilaahyadii ay fooxa u shidi jireen, laakiinse iyagu innaba ma ay badbaadin doonaan wakhtiga ay dhibaataysan yihiin. 13 Dadka Yahuudah ahow, ilaahyadiinnu waxay tiro le'eg yihiin magaalooyinkiinna, oo jidadka Yeruusaalem intay tiro le'eg yihiin oo kale ayaad meelo allabaryo u qotomiseen waxaas ceebta miidhan ah, waana meelo allabaryo oo aad foox ugu shiddaan Bacal. 14 Sidaas daraaddeed dadkan ha u ducayn, oo iyaga aawadood kor ha ugu qaadin qaylo iyo salaad toona, waayo, anigu dheg uma dhigi doono wakhtigii ay ii soo qayshadaan dhibkooda aawadiis.
15 Taan jeclaa bal maxay gurigayga ku leedahay iyadoo kuwa badan wasakhnimo la samaysay? Ma hilibka quduuska ahu belaayada kaa qaadi kara? Markaad shar samaysid ayaad rayraysaa. 16 Rabbigu wuxuu magacaaga u bixiyey Geed saytuun oo cagaar ah, oo qurxoon, oo midho wanaagsan. Cod buuq weyn ayuu dab kula daayay, oo laamihiisiina way wada jajabeen. 17 Waayo, Rabbiga ciidammada oo adiga ku beeray ayaa masiibo kaaga hadlay, waana xumaanta dadka Israa'iil iyo dadka Yahuudah aawadeed, taasoo ay qudhoodu isku sameeyeen markay igaga cadhaysiiyeen fooxii ay Bacal u shideen.
Yeremyaah Oo La Shirqoolay
18 Oo Rabbiguna taas wuu i ogeysiiyey, waanan ogaaday. Markaasaad falimahooda i tustay. 19 Laakiinse anigu waxaan la mid ahaa neef baraar ah oo loo soo kexeeyo in la gowraco, oo mana aan ogayn inay shirqool ii hindiseen, oo ay yidhaahdeen, Geedka iyo midhihiisaba aynu wada baabbi'inno, oo aynu isaga ka gooyno dalka kuwa nool, si aan magiciisa mar dambe loo soo xusuusan. 20 Laakiinse Rabbiga ciidammadow, adigoo si caddaalad ah wax u xukumow, oo kelyaha iyo qalbigaba imtixaamow, haddaba bal aargoosashadaada iyaga ku kor dhacaysa aan arkee, waayo, dacwadaydii adigaan kuu soo bandhigay. 21 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ka leeyahay dadka Canaatood oo doondoonaya inay naftaada kaa qaadaan, oo kugu yidhaahda, Yaadan gacantayada ku dhimanine Rabbiga magiciisa waxba ha ku sii sheegin, 22 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal ogow, Iyagaan ciqaabi doonaa. Barbaarradu seef bay ku dhiman doonaan, oo wiilashooda iyo gabdhahooduba abaar bay ku dhiman doonaan. 23 Oo innaba iyaga midna kama hadhi doono, waayo, dadka Canaatood masiibaan ku soo dayn doonaa sannadda ciqaabiddooda.
Cabashadii Yeremyaah
12 Rabbiyow, xaq baad tahay markaan kula muddaco, haddaba bal aan xukummadaada kaala hadlo. Sharrowyada jidkoodu bal muxuu u hagaagaa? Oo kuwa khiyaano kula macaamiloodo oo dhammuna bal maxay u nabdoon yihiin? 2 Iyagaad beertay, oo weliba xidid bay yeesheen, way koraan, oo midhay dhalaan. Adigu afkooda waad ku dhow dahay, laakiinse qalbigooda waad ka fog tahay. 3 Laakiinse, Rabbiyow, adigu waad i taqaan, waanad i aragtaa, oo qalbigaygana xaggaagaad u tijaabisaa. Iyaga u soo bixi sida ido la gowracayo, oo u diyaari maalinta gowracidda. 4 Ilaa goormuu dalku sii barooranayaa, oo uu waddanka oo dhan dooggiisu engegayaa? Xumaanta kuwa dhex deggan aawadeed ayaa xayawaankii iyo shimbirrihiiba wada baabbe'een, maxaa yeelay, dadku waxay yidhaahdeen, Isagu ugudambaystayada ma uu arki doono.
Jawaabtii Ilaah
5 Haddaad rag lug ah la orodday oo ay ku daaliyeen, haddaba bal sidee baad fardo ula tartami kartaa? Oo haddii lagugu daaliyo dalkii nabadda ahaa oo aad isku hallaynaysay, haddaba bal maxaad ku dhex samayn doontaa kibirka Webi Urdun? 6 Waayo, xataa walaalaha iyo reerkii aabbahaaba khiyaano bay kugula macaamiloodeen, oo weliba aad bay kaaga soo daba qayliyeen. In kastoo ay erayo wanaagsan kugula hadlaan, ha rumaysan.
7 Anigu gurigaygii waan ka tegey, oo dhaxalkaygiina waan iska xooray, oo tii ay naftaydu aad u jeclaydna waxaan gacanta u geliyey cadaawayaasheedii. 8 Tan dhaxalkaygii ahayd waxay igu noqotay sidii libaax kaynta ku jira oo kale, codkeeday kor iigu qaadday, oo sidaas daraaddeed waan nebcaaday. 9 Tan dhaxalkaygii ahayd waxay igu tahay xaad birdhicyo leh oo kale, oo xaadka hareereheeda ku wareegsan oo dhammuna waa ku col iyada. Taga oo xayawaanka duurka oo dhan soo wada ururiya, oo soo wada kaxeeya ha cuneene. 10 Adhijirro badan ayaa beertaydii canabka ahayd baabbi'iyey, qaybtaydii cagta bay kula tunteen, oo qaybtaydii wanaagsanaydna waxay ka dhigeen lamadegaan cidla ah. 11 Cidla bay ka dhigeen, oo iyadoo cidla ah ayay xaggayga u soo baroorataa. Dalkii oo dhan cidla waa laga dhigay, waayo, ninna dan kama galo. 12 Meelaha dhaadheer oo cidlada ku dhex yaal oo dhan waxaa ku soo kacay baabbi'iyayaashii, waayo, seefta Rabbiga ayaa wax ka baabbi'isa dalka darafkiisan iyo ilaa darafka kale inta ka dhex leh, oo binu-aadmiga oo dhan midnaba nabad ma leh. 13 Iyagu waxay beerteen sarreen, laakiinse qodxan bay soo goosteen, aad bay u daaleen, laakiinse innaba ma ay faa'iidaan. Waxaad ku ceeboobi doontaan midhaha aad goosanaysaan, waana Rabbiga cadhadiisa kulul aawadeed.
14 Derisyadayda sharka ah oo dhan oo taabta dhaxalkii aan dadkayga reer binu Israa'iil dhaxalsiiyey, Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dalka ka rujin doonaa, oo dadka Yahuudahna waan ka rujin doonaa dhexdooda. 15 Oo markaan iyaga rujiyo dabadeed waan soo noqon doonaa oo iyagaan u naxariisan doonaa, oo mar kalaan ku soo celin doonaa nin kasta dhaxalkiisii iyo dhulkiisii. 16 Oo hadday jidadka dadkayga aad u bartaan oo ay magacayga ku dhaartaan iyagoo leh, Rabbiga nool baannu ku dhaaranaynaa, xataa siday dadkayga u bareen inay Bacal ku dhaartaan, markaas iyagaa lagu dhisi doonaa dadkayga dhexdiisa. 17 Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadday i dhegaysan waayaan, quruuntaas waan wada rujin doonaa, oo waan baabbi'in doonaa.
Gunti Maro Ah
13 Rabbigu wuxuu igu yidhi, Tag oo waxaad soo iibsataa gunti maro wanaagsan ah oo dhexda ku xidho, oo marnaba biyo ha dhex gelin. 2 Sidaas daraaddeed gunti baan soo iibsaday sidii erayga Rabbigu ahaa, oo dhexdaan ku xidhay. 3 Oo haddana mar labaad ayaa eraygii Rabbigu ii yimid, oo wuxuu igu yidhi, 4 Waxaad qaadataa guntigii aad soo iibsatay oo haatan dhexda kuugu xidhan, oo kac, oo waxaad tagtaa xagga Webi Yufraad, oo halkaas ku qari dhagaxa weyn godkiisa. 5 Sidaas daraaddeed waan tegey oo waxaan guntigii ku soo qariyey Webi Yufraad agtiisa, sidii Rabbigu igu amray. 6 Oo maalmo badan dabadeed ayaa Rabbigu igu yidhi, Kac oo waxaad tagtaa xagga Webi Yufraad, oo waxaad halkaas ka soo bixisaa guntigii aan kugu amray inaad halkaas ku qariso. 7 Markaasaan Webi Yufraad tegey, oo intaan qoday ayaan guntigii ka soo bixiyey meeshii aan ku qariyey, oo bal eeg, guntigii wuu ba'ay, oo waxba ma taraynin. 8 Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid oo wuxuu igu yidhi, 9 Rabbigu wuxuu leeyahay, Sidaas oo kale ayaan u bi'in doonaa kibirka dadka Yahuudah, iyo kibirka weyn oo Yeruusaalemba. 10 Dadkan sharka ah, oo diida inay erayadayda maqlaan, oo iska daba gala caasinimada qalbigooda, oo raaca ilaahyo kale inay iyaga u adeegaan oo caabudaan, waxay kulligood noqon doonaan sida guntigan aan waxba taraynin oo kale. 11 Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Sida guntigu ugu dhegsan yahay nin dhexdiis, sidaas oo kalaan uga dhigay inay aniga iigu dhegsanaadaan dadka Israa'iil oo dhan iyo dadka Yahuudah oo dhammuba, inay ii ahaadaan dad, iyo magac, iyo ammaan, iyo sharafba, laakiinse iyagu way i maqli waayeen innaba.
Sibraarrada Khamriga
12 Sidaas daraaddeed waxaad iyaga u sheegtaa eraygan, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sibraar kasta waxaa laga buuxin doonaa khamri, iyaguna waxay kugu odhan doonaan, War sida runta ah miyaannan ogayn in sibraar kastaba khamri laga buuxin doono? 13 Oo markaas waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, dadka dalkan deggan oo dhan iyo xataa boqorrada carshigii Daa'uud ku fadhiya, iyo wadaaddada, iyo nebiyada, iyo dadka Yeruusaalem deggan oo dhanba waxaan ka wada buuxin doonaa sakhraannimo. 14 Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Midba mid kalaan ku garaaci doonaa, xataa aabbayaasha iyo wiilashoodaba. Oo innaba uma aan nixi doono, umana aan tudhi doono, umana aan naxariisan doono, waanan wada baabbi'in doonaa.
Digniintii Maxaabiisnimada
15 Maqla, oo dheg u dhiga, hana kibrina, waayo, Rabbigu wuu hadlay. 16 Rabbiga Ilaahiinna ah ammaana intuusan gudcur idinku soo dejin, iyo intaan cagihiinnu ku turunturoon buuraha gudcurka ah, oo intaad iftiin sugaysaan uusan idiinku beddelin hooskii dhimashada iyo gudcur dam ah. 17 Laakiinse haddaad maqli weydaan, naftaydu meel qarsoon bay kibirkiinna aawadiis u ooyi doontaa, oo indhahayguna aad bay u ooyi doonaan, oo ilmaa ka soo daadan doonta, maxaa yeelay, dadkii Rabbiga waa la kaxaystay sida adhi oo kale. 18 Oo boqorka iyo hooyadiisa boqoradda ahba waxaad ku tidhaahdaa, Is-hoosaysiiya, waayo, taajkii sharaftiinnu hoos buu madaxa uga soo dhacay. 19 Magaalooyinkii koonfureed waa la xidhay, oo cid furaysaana ma jirto. Dadka Yahuudah oo dhan maxaabiis ahaan baa loo kaxaystay, oo kulligood maxaabiis ahaan baa loo wada kaxaystay.
20 Indhihiinna kor u qaada, oo bal waxaad fiirisaan kuwa woqooyi ka soo socda, bal meeh adhigii lagu siiyey oo ah xayntaadii quruxda badnayd? 21 Bal maxaad odhan doontaa markii madax lagaaga dhigo kuwaad bartay inay saaxiibbo kuu noqdaan? Sow xanuun kuuma qaban doono sida naag foolanaysa? 22 Oo haddaad qalbigaaga iska tidhaahdid, Bal maxaa waxyaalahanu iigu dheceen? Xumaantaada badatay aawadeed ayaa darfaha dharkaaga loo xayday oo cedhbahaagiina loo qaawiyey. 23 Miyaa Xabashi midabkiisa beddeli karaa, shabeelse miyuu barihiisa beddeli karaa? Markaas idinka xumaanta u bartayba wanaag baad samayn kari doontaan. 24 Sidaas daraaddeed ayaan kala firdhin doonaa sida dabaysha cidladu ay xaab baabba'aya u kala firdhiso oo kale. 25 Rabbigu wuxuu leeyahay, Tanu waa qaybtaada oo ah intii aan kuu qiyaasay, maxaa yeelay, waad i illowday, oo been baad isku hallaysay. 26 Sidaas daraaddeed darfaha dharkaagaan xaydi doonaa ilaa wejigaaga si ay ceebtaadu u muuqato aawadeed. 27 Waan arkay sinadaadii, iyo dananiddaadii, iyo wasakhnimadii dhillanimadaada kuwaasoo ahaa karaahiyadaadii aad kuraha iyo berrinkaba ku samaysay. Yeruusaalemay, adigaa iska hoogay! Ilaa goormaad diidaysaa inaad nadiifsanaato?
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya