Chronological
32 Samooyinkow, dhegaysta waan hadlayaaye,
Oo dhulkuna ha maqlo erayada afkayga.
2 Cilmigaygu wuxuu u soo da'ayaa sida roobka,
Hadalkayguna wuxuu u soo degayaa sida sayaxa,
Sida roob yaru doogga ugu da'o, iyo sida tiixu biqilka ugu tiixo,
3 Waayo, anigu waxaan naadinayaa magicii Rabbiga.
Idinku weyneeya Ilaaheenna.
4 Isagu waa dhagaxa, shuqulkiisuna waa kaamil,
Waayo, jidadkiisa oo dhammu waa caddaalad,
Isagu waa Ilaah aamin ah, oo aan xumaan lahayn,
Isagu waa xaq, waana caaddil.
5 Way iskharribeen, oo carruurtiisii iyagu ma aha, waa ceebtooda,
Iyagu waa qarni qalloocan oo maroorsan.
6 Dadyahow nacaska ah oo aan xigmadda lahaynu
Ma saasaad Rabbiga ugu abaalguddaan?
War isagu sow ma aha Aabbihiinnii idin soo iibsaday?
Isagaa idin uumay oo idin xoogeeyey.
7 Bal xusuuso waagii hore,
Oo soo garwaaqso qarniyo badan sannadahood,
Aabbahaa weyddii oo wuu ku ogeysiin doonaa,
Odayaashaadana weyddii oo way kuu sheegi doonaan.
8 Markii Ilaaha ugu wada sarreeyaa uu quruumaha dhaxalkooda siiyey,
Oo uu kala soocay binu-aadmiga,
Intii tirada reer binu Israa'iil ahayd
Ayuu dadka soohdimaha u dhigay,
9 Waayo, Rabbiga qaybtiisu waa dadkiisa,
Reer Yacquubna waa saamigii dhaxalkiisa.
10 Wuxuu isaga ka dhex helay dhul lamadegaan ah,
Iyo cidlada baabba'a ah oo ay dugaaggu ka dhex ciyaan.
Hareerihiisuu isku wareejiyey, wuuna xannaaneeyey,
Oo wuxuu isaga u dhawray sida ishiisa inankeeda,
11 Sida gorgorku buulkiisii u lulo,
Oo dhashiisa ugu kor ruxmo,
Oo baalashiisa u kala bixiyo, oo uu u qaado,
Oo garbihiisa ugu xambaaro,
12 Ayaa Rabbiga oo keliya isaga hoggaamiyey,
Oo ilaah qalaadna lama joogin.
13 Wuuna fuuliyey meelaha sarsare ee dhulka,
Oo wuxuu cunay wixii beerta ka baxay,
Wuxuuna ka dhigay inuu nuugo malab dhagaxii ka soo baxay,
Iyo saliid dhagax madow ka soo baxday.
14 Wuxuuna quutay subag lo'aad, iyo caano idaad,
Iyo baraarro baruurtood,
Iyo wananka Baashaan, iyo riyaha,
Iyo sarreenka ugu wanaagsan.
Oo dhiiggii canabkana waxaad ka cabtay khamri.
15 Laakiinse Yeshuruun wuu cayilay, oo wax buu harraatiyey.
Adigu waad cayishay, waanad buurnaatay, oo xaydhaysatay.
Markaasuu ka tegey Ilaahii uumay,
Oo quudhsaday Dhagaxii badbaadadiisa.
16 Waxay isaga kaga hinaasiyeen ilaahyo qalaad,
Oo waxay kaga xanaajiyeen waxyaalo karaahiyo ah.
17 Waxay wax u sadaqeeyeen jinniyo aan Ilaah ahayn,
Iyo ilaahyo ayan iyagu aqoon
Oo ah kuwo cusub oo dhowaan soo baxay,
Oo awowayaashiin ayan ka cabsan jirin.
18 Adigu Dhagaxii ku dhalay ma aad xusuusnid,
Oo waad iska illowday Ilaahii ku dhalay.
19 Rabbiguna wuu arkay, oo wuu nacay,
Maxaa yeelay, wiilashiisii iyo gabdhihiisii ayaa isaga ka xanaajiyey.
20 Oo wuxuu yidhi, Wejigayga waan ka qarin doonaa,
Oo waxaan arki doonaa bal wixii ugu dambaystoodu noqon doonto.
Waayo, iyagu waa qarni aad u qalloocan
Iyo carruur aan iimaan lahayn.
21 Wax aan Ilaah ahayn bay igaga hinaasiyeen,
Oo waxay igaga cadhaysiiyeen waxyaalahoodii aan waxtarka lahayn,
Oo anna waxaan iyaga kaga hinaasin doonaa kuwo aan dad ahayn,
Oo waxaan kaga cadhaysiin doonaa quruun nacas ah.
22 Waayo, dab baa ka qaxmay cadhadaydii,
Oo wuxuu gubaa ilaa meesha ugu hoosaysa ee She'ool,
Dhulkana wuu baabbi'iyaa iyo waxa ka baxaba.
Oo wuxuu dab ku dhejiyaa aasaaska buuraha.
23 Waxaan korkooda ku tuuli doonaa belaayooyin,
Oo fallaadhahaygana iyagaan ku gani doonaa.
24 Waxay ku baabbi'i doonaan gaajo, oo waxay ku guban doonaan kulayl qaxmaya
Iyo halligaad qadhaadh,
Oo waxaan ku diri doonaa ilkaha dugaagga,
Iyo waabayda waxyaalaha ciidda ku gurguurta.
25 Dibadda waxaa ku layn doona seef, guryaha gudahoodana cabsi,
Oo barbaar iyo bikrad iyo naasnuug iyo oday cirro lehba way wada baabbi'i doonaan.
26 Waxaan idhi, Iyaga meel fog baan ku kala firdhin lahaa,
Oo xusuustoodana dadka dhexdiisa waan ka joojin lahaa,
27 Haddaanan ka cabsanin cadowga cadhadiisa,
Waaba intaasoo ay cadaawayaashoodu si xun u macaamiloodaan,
Oo ay yidhaahdaan, Gacantayadii waa sarraysaa,
Oo waxyaalahan oo dhan Rabbigu ma uu samayn.
28 Waayo, iyagu waa quruun aan talo lahayn,
Oo innaba waxgarasho kuma jirto.
29 Bal may caqli yeeshaan, oo ay waxan gartaan,
Oo bal may ka fikiraan ugu dambaystooda!
30 Haddaan Dhagaxoodii iyaga iibin,
Oo aan Rabbigu iyaga gacanta u gelin,
Sidee baa nin keliya kun u eryi karaa?
Labase sidee bay toban kun u didin karaan?
31 Dhagaxoodu ma aha sida Dhagaxayaga.
Oo xataa cadaawayaashayada qudhoodu waxaas way kala gartaan.
32 Waayo, geedcanabkoodu wuxuu ka yimid geedcanabkii Sodom,
Iyo kii ku yiil beerihii Gomora.
Canabkoodu waa midho sumeed,
Rucubyadooduna waa qadhaadh.
33 Khamrigoodu waa jebiso waabaydeed,
Iyo mariidka xun ee jilbiska.
34 Tanu sow ilama kaydsana,
Iyadoo shaabadaysan oo khasnadahayga ku dhex jirta?
35 Aarsasho iyo abaalmarinba anigaa iska leh,
Markay cagtoodu simbiriirixan doonto,
Waayo, maalintii masiibadoodu waa dhow dahay,
Oo waxyaalaha iyaga ku soo kor degi doona ayaa deddejin doona.
36 Maxaa yeelay, Rabbigu dadkiisa wuu xukumi doonaa,
Oo addoommadiisana wuu ka nixi doonaa,
Markuu arko in xooggoodii dhammaaday,
Oo aan midna ku hadhin, mid xidhan iyo mid furan toona.
37 Oo wuxuu odhan doonaa, Bal meeye ilaahyadoodii,
Iyo dhagaxii ay isku halleeyeen,
38 Oo cunay baruurtii allabaryadooda,
Oo cabbay khamrigii qurbaankoodii cabniinka ahaa?
Haddaba ha soo kaceen, oo ha idin caawiyeen,
Oo iyagu ha idin daafaceen.
39 Haddaba bal eega inaan aniga qudhuhu ahay isagii,
Oo aniga mooyaane aan ilaah kale jirin.
Wax baan dilaa, waanan soo nooleeyaa.
Wax baan dhaawacaa, waanan bogsiiyaa.
Mana jiro mid gacantayda wax ka samatabbixin karaa.
40 Waayo, gacantayda ayaan xagga samada kor ugu qaadaa,
Oo waxaan leeyahay, Weligay waan noolahay.
41 Haddaan listo seeftayda dhalaalaysa,
Oo gacantayduna xukun qabsato,
Cadaawayaashayda waan ka aarsan doonaa,
Oo kuwa i necebna waan u abaalgudi doonaa.
42 Fallaadhahayga waan ku sakhraamin doonaa
Kuwa la dilay iyo maxaabiista dhiiggooda,
Oo seeftayduna waxay hilib ka cuni doontaa
Madaxa hoggaamiyayaasha cadowga.
43 Quruumahow, dadkiisa la reyreeya,
Waayo, isagu wuu aaran doonaa dhiiggii addoommadiisa,
Oo cadaawayaashiisana wuu ka aarsan doonaa,
Oo dalkiisa iyo dadkiisana buu u kafaaro gudi doonaa.
44 Markaasaa Muuse yimid oo gabaygan erayadiisii oo dhan kula hadlay dhegihii dadka, isaga iyo Yashuuca[a] ina Nuunba. 45 Markaasaa Muuse dhammeeyey hadalkii uu erayadan oo dhan kula hadlayay reer binu Israa'iil oo dhan, 46 oo wuxuu ku yidhi, Qalbigiinna ku qabsada kulli erayadan aan maanta idiin sheegay oo dhan, kuwaasoo aad carruurtiinna ku amri doontaan si ay u dhawraan oo u wada yeelaan sharcigan erayadiisa oo dhan. 47 Waayo, taasu idiinma aha wax aan waxtar lahayn, maxaa yeelay, waaba naftiinnii, oo waxyaalahaas daraaddood ayaa cimrigiinnu ugu dheeraan doonaa dalka aad Webi Urdun uga gudbaysaan inaad hantidaan.
Muuse Oo Ku Dhiman Doona Buur Nebo
48 Oo Rabbigu isla maalintaas qudheeda wuu la hadlay Muuse oo wuxuu ku yidhi, 49 Waxaad fuushaa buurtan Cabaariim, oo ah Buur Nebo oo ku dhex taal dalka reer Moo'aab, oo ka soo hor jeeda Yerixoo, oo bal waxaad fiirisaa dalka reer Kancaan oo aan reer binu Israa'iil hantida u siinayo, 50 oo kolkaas ku dhimo buurta aad fuulaysid, oo dadkaagii la urur, sidii walaalkaa Haaruunba ugu dhintay Buur Xor, oo uu dadkiisii ula ururay, 51 maxaa yeelay, waad igu xadgudubteen idinkoo reer binu Israa'iil dhex jooga markaad joogteen biyihii Meriibaah oo ku taal Qaadeesh, oo cidladii Sin ku dhex taal, waayo, reer binu Israa'iil dhexdooda quduus igagama aydaan dhigin. 52 Haddaba dalka hortaadaad ka arki doontaa, laakiinse geli maysid dalka aan reer binu Israa'iil siinayo.
Muuse Oo Barakeeyey Qabiilooyinka
33 Tanu waa Muuse oo ahaa ninkii Ilaah ducadiisii uu reer binu Israa'iil ugu duceeyey intuusan dhiman. 2 Isagoo leh,
Rabbigu wuxuu ka yimid Siinay,
Oo Seciir ayuu uga soo kacay iyaga,
Wuxuu ka soo iftiimay Buur Faaraan,
Oo ka yimid tobanka kun oo quduuska ah,
Oo gacantiisa midigtana waxaa iyaga ugu jiray sharci dab ah.
3 Haah, isagu dadyowga wuu jecel yahay.
Kuwiisa quduuska ah oo dhammuna gacantaaday ku jiraan,
Oo iyagu waxay fadhiisteen cagahaaga,
Oo waxay qaadanayaan erayadaada.
4 Muuse wuxuu inagu amray sharci,
Dhaxal u ah shirka reer Yacquub.
5 Oo waxaa Yeshuruun ku jiray boqor.
Markii madaxda dadka qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhammu
Ay soo wada urureen.
6 Ruubeen ha noolaado oo yuusan dhiman,
Oo raggiisu yuusan yaraan.
7 Tanuna waa ducadii uu Yahuudah ugu duceeyey, isagoo leh,
Rabbiyow, codka Yahuudah maqal,
Oo isaga dadkiisa soo dhex geli,
Gacmihiisu ha ku filnaadeen,
Oo adiguna ka caawi cadaawayaashiisa.
8 Oo markuu Laawi u ducaynayayna wuxuu yidhi,
Tummiimkaagii iyo Uuriimkaagii waxay la jiraan kaaga aad jeceshahay,
Oo aad Masaah ku tijaabisay,
Oo aad biyihii Meriibaah agtooda kula dirirtay,
9 Kii aabbihiis iyo hooyadiis yidhi, Anigu ma arag,
Oo walaalihiisna aan aqoonsan,
Oo carruurtiisiina aan aqoon,
Waayo, iyagu erayadaadii way xajiyeen,
Oo axdigaagiina way dhawreen.
10 Waxay reer Yacquub bari doonaan xukummadaada,
Reer binu Israa'iilna sharcigaaga.
Hortaada waxay soo dhigi doonaan foox,
Oo meeshaada allabarigana waxay saari doonaan allabari dhan oo la gubo.
11 Haddaba Rabbiyow xoolihiisa barakee,
Oo shuqulka gacmihiisana aqbal,
Oo kuwii isaga ku kaca iyo kuwa necebna
Dhexda ku dhufo si ayan mar dambe u kicin.
12 Oo markuu Benyaamiin u ducaynayayna wuxuu yidhi,
Kan Rabbigu jecel yahay wuxuu ammaan u fadhiyi doonaa meel cagtiisa ah,
Oo maalintii oo dhanna gaashaan buu u yahay,
Oo wuxuu deggan yahay garbihiisa dhexdooda.
13 Oo markuu Yuusuf u ducaynayayna wuxuu yidhi,
Dalkiisu ha ahaado mid Rabbigu ku barakeeyo
Waxyaalaha qaaliga ah oo samada, iyo sayaxa,
Iyo moolka hoos fidsan,
14 Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo ah midhaha qorraxda,
Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo ah waxyaalaha bilaha soo baxa,
15 Iyo waxyaalaha ugu wanaagsan ee buuraha gaboobay,
Iyo waxyaalaha qaaliga ah oo kuraha daa'imiska ah,
16 Iyo dhulka waxyaalihiisa qaaliga ah iyo buuxnaantiisa,
Iyo kii duurka degganaa raallinimadiisa.
Barakadaasu ha ku soo degto madaxa Yuusuf,
Isagoo ahaa kii walaalihiis laga soocay.
17 Sida dibigiisa curadka ah weynaan buu leeyahay,
Oo geesihiisuna waa sidii geeso gisi,
Oo wuxuu ku hardiyi doonaa dadka dunida dhinacyadeeda jooga oo dhan,
Oo iyagu waa tobanka kun oo reer Efrayim,
Iyo kumaanyaalka reer Manaseh.
18 Oo markuu Sebulun u ducaynayayna wuxuu yidhi,
Sebulunow, ku farax baxniintaada,
Adiguna Isaakaarow, ku farax teendhooyinkaaga.
19 Iyagu waxay dadka ugu yeedhi doonaan buurta,
Oo halkaasay ku bixin doonaan allabaryada xaqnimada,
Waayo, waxay nuugi doonaan hodantinimada badaha
Iyo bacaadka qasnadihiisa qarsoon.
20 Oo markuu Gaad u ducaynayayna wuxuu yidhi,
Barako ha ku dhacdo kii reer Gaad ballaadhiya,
Isagu wuxuu u jiifaa sida gool libaax,
Oo wuxuu dillaacsadaa gacanta iyo madaxa dhaladiisa.
21 Isagaa doortay qaybtii kowaad,
Waayo, halkaas qaybtii taliyaha baa lagu kaydiyey,
Wuxuu soo raacay madaxdii dadka,
Oo wuxuu reer binu Israa'iil la sameeyey caddaaladdii Rabbiga iyo xukummadiisiiba.
22 Oo markuu Daan u ducaynayayna wuxuu yidhi,
Daan waa dhal libaax,
Oo ka soo booda Baashaan.
23 Oo markuu Naftaali u ducaynayayna wuxuu yidhi,
Naftaaliyow, kaaga raallinimo ka dhergayow,
Oo barakadii Rabbiga ka buuxsantayow,
Adigu hanti galbeedka iyo koonfurta.
24 Oo markuu Aasheer u ducaynayayna wuxuu yidhi,
Aasheer ku wiilasha ku dhex barakaysan ha ahaado,
Oo hana ahaado kan walaalihiis u bogaan,
Oo cagtiisana saliid ha daro.
25 Kabahaagu waxay ahaan doonaan bir iyo naxaas,
Oo intay maalmahaagu yihiin xooggaaguna ha ahaado.
26 Yeshuruunow, wax Ilaah la mid ah ma jiro,
Kaasoo samada u fuula, inuu ku caawiyo,
Cirkana sharaftiisa u fuula.
27 Ilaaha daa'imka ahu waa hoygaaga,
Oo waxaa kaa hooseeya gacmo weligood jira.
Oo cadowgana hortaaduu ka tuuray,
Oo yidhi, Baabbi'i.
28 Oo Israa'iil oo ah isha Yacquub oo keliya
Ammaan buu ku deggan yahay dal sarreen iyo khamri leh,
Oo waxaa samada uga soo da'a sayax.
29 Reer binu Israa'iilow, waad faraxsan tihiin.
Bal yaa idinla mid ah, oo ah dad uu Rabbigu badbaadiyey,
Kaasoo ah gaashaanka caawimaaddiinna,
Iyo seefta sharaftiinna.
Cadaawayaashiinnu way isu kiin dhiibi doonaan,
Oo waxaad cag marin doontaan meelahooda sarsare.
Dhimashadii Muuse
34 Markaasaa Muuse bannaankii Moo'aab ka tegey oo wuxuu aaday Buur Nebo, oo fuulay dhaladii Buur Fisgaah oo Yerixoo ka soo hor jeedda. Kolkaasaa Rabbigu isagii tusay dalkii Gilecaad oo dhan iyo tan iyo Daan, 2 iyo dalkii reer Naftaali oo dhan, iyo dalkii reer Efrayim iyo reer Manaseh, iyo dalkii reer Yahuudah oo dhan, tan iyo badda galbeed, 3 iyo xagga koonfureed, iyo bannaanka dooxada Yerixoo oo ah magaalada geedaha timireed, iyo tan iyo Socar. 4 Oo Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Waa kaas dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub oo aan midkood kasta ku idhi, Dalkaas waxaan siinayaa farcankaaga. Haddaba waxaan ka dhigay inaad indhahaaga ku aragto, laakiinse xaggaas u gudbi maysid. 5 Sidaas daraaddeed Muuse oo ahaa addoonkii Rabbigu meeshaasoo ahayd dalkii reer Moo'aab ayuu ku dhintay, sida erayga Rabbigu ahaa. 6 Oo wuxuu isagii ku aasay dooxada ku taal dalka Moo'aab oo ka soo hor jeeda Beytfecoor, laakiinse ilaa maantadan la joogo ma jiro nin qabrigiisii yaqaan. 7 Oo Muuse markuu dhintay wuxuu jiray boqol iyo labaatan sannadood, oo haddana indhihiisu ma aragdarnaan, xooggiisiina kama yaraan. 8 Oo reer binu Israa'iilna soddon maalmood ayay Muuse ugu ooyayeen bannaankii Moo'aab, haddaba maalmihii loo barooranayay Muuse way dhammaadeen. 9 Oo Yashuuca ina Nuunna waxaa ka buuxay ruuxa xigmadda, maxaa yeelay, Muusaa gacmihiisa mar hore saaray, oo reer binu Israa'iil isagii way maqleen, oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay sameeyeen. 10 Oo tan iyo waagaasna reer binu Israa'iil kama dhex kicin nebi Muuse la mid ah oo Rabbigu fool ka fool u yaqaan. 11 Oo ma jirin mid sameeyey calaamooyinkii iyo yaababkii uu Rabbigu isaga dalkii Masar ugu diray inuu ku sameeyo Fircoon, iyo addoommadiisii oo dhan, iyo dalkiisii oo dhan, 12 waxyaalahaasoo uu Muuse gacantii xoogga badnayd oo dhan iyo cabsidii weynayd oo dhan kaga sameeyey reer binu Israa'iil oo dhan hortooda.
91 Kan dega Ilaaha ugu sarreeya meeshiisa qarsoon
Wuxuu joogi doonaa hooska Qaadirka.
2 Waxaan Rabbiga ka odhan doonaa,
Isagu waa magangalkayga iyo qalcaddayda
Oo waa Ilaahayga aan isku halleeyo.
3 Waayo, wuxuu kaa samatabbixin doonaa dabinka ugaadhsadaha,
Iyo belaayada aad u xun.
4 Oo wuxuu kugu dedi doonaa baalashiisa,
Oo waxaad magangeli doontaa baadadkiisa,
Runtiisuna waxay tahay gaashaan iyo gabbaad.
5 Waa inaanad ka cabsan naxdinta habeennimada,
Iyo fallaadha dharaarnimada duulaysa toona,
6 Ama belaayada gudcurka ku socota,
Iyo halligaadda duhurka wax baabbi'isa.
7 Dhinacaaga waxaa ku dhici doona kun,
Midigtaadana waxaa ku ag dhici doona toban kun,
Innabase kuuma soo dhowaan doonto.
8 Laakiinse indhaha uun baad ku fiirin doontaa,
Oo waxaad arki doontaa kuwa sharka leh abaalgudkooda.
9 Waayo, waxaad tidhi, Rabbigu waa magangalkayga,
Oo Kan ugu sarreeya ayaa degmadayda ah.
10 Shar kuguma dhici doono,
Belaayona teendhadaada uma soo dhowaan doonto.
11 Waayo, isagu wuxuu malaa'igihiisa ku amri doonaa
Inay jidadkaaga oo dhan kugu ilaaliyaan.
12 Oo iyaguna gacmahooday sare kuugu qaban doonaan
Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.
13 Libaaxa iyo jilbiska ayaad ku joogsan doontaa,
Oo waxaad ku tuman doontaa aaran libaax iyo abeesada.
14 Rabbigu wuxuu yidhi, Isagu aad buu ii jeclaaday, oo sidaas daraaddeed ayaan u samatabbixin doonaa,
Meel sare ayaan ku fadhiisin doonaa, maxaa yeelay, magacayguu yiqiin.
15 Wuu i baryi doonaa, oo waan u jawaabi doonaa,
Oo markuu dhibaataysan yahay, waan la jiri doonaa,
Oo waan samatabbixin doonaa, waanan murwayn doonaa.
16 Cimri dheer ayaan ka dhergin doonaa,
Oo waxaan tusi doonaa badbaadintayda.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya