Chronological
Farriintii Kowaad Ee Balcaam
23 Oo Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, Halkan iiga dhis toddoba meelood oo allabari, oo halkan iigu soo diyaari toddoba dibi iyo toddoba wan. 2 Markaasaa Baalaaq sameeyey sidii Balcaam ku hadlay, oo Baalaaq iyo Balcaam meel kasta oo allabariba waxay ku dul bixiyeen dibi iyo wan. 3 Kolkaasaa Balcaam Baalaaq ku yidhi, Allabarigaaga la gubo ah istaag, oo anna waan tegayaa, mindhaa Rabbigu waa iga hor iman doonaa, oo wax alla wixii uu i tuso waan kuu sheegi doonaa. Markaasuu meel sare oo bannaan tegey. 4 Kolkaasaa Ilaah Balcaam ka hor yimid, oo wuxuu ku yidhi, Waxaan diyaariyey toddobada meelood oo allabari, oo meel kastaba waxaan ku dul bixiyey dibi iyo wan. 5 Markaasaa Rabbigu eray Balcaam afka u geliyey, oo wuxuu ku yidhi, Baalaaq ku noqo oo sidatan ula hadal. 6 Oo isna markaasuu ku noqday, oo wuxuu arkay isagoo ag taagan allabarigiisii la gubo, isagii iyo amiirradii reer Moo'aab oo dhan. 7 Markaasuu hadalkiisii bilaabay oo wuxuu yidhi,
Baalaaq oo ah boqorkii reer Moo'aab oo ka yimid xagga buuraha bariga
Ayaa iga keenay Araam, oo yidhi,
Kaalay oo reer Yacquub ii habaar,
Oo kaalay, cadhadaadu reer binu Israa'iil ha ku dhacdo.
8 Bal sidee baan u habaaraa mid aan Ilaah habaarin?
Oo sidee baan ugu cadhoodaa mid aan Rabbigu ka cadhaysnayn?
9 Waayo, dhagaxyada dushooda ayaan ka arkaa,
Oo xagga buuraha ayaan uga jeedaa,
Oo bal eeg, waa dad gooni u deggan,
Iyagana quruumaha kale laguma tirin doono.
10 Bal yaa qiyaasi kara reer Yacquub oo sida boodhka ah?
Amase yaa tirin kara reer binu Israa'iil rubuciis?
Anigu aan u dhinto sida kuwa xaqa ahu u dhintaan,
Oo ugu dambaystayduna ha ahaato sida tooda oo kale.
11 Kolkaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, War waa maxay waxa aad igu samaysay? Waxaan ku soo watay inaad cadaawayaashayda habaartid, laakiinse bal eeg, waad u wada ducaysay. 12 Kolkaasuu u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Sow waajib iguma aha inaan isjiro si aan ugu hadlo wixii Rabbigu afkayga geliyo?
Farriintii Labaad Ee Balcaam
13 Markaasaa Baalaaq isagii ku yidhi, Waan ku baryayaaye, Kaalay, oo meel kale ii raac inaad halkaas iyaga ka aragtid. Waxaad arki doontaa darafkooda, oo kulligood ma arki doontid; haddaba halkaas iiga habaar. 14 Markaasuu isagii geeyey berrinkii Sofiim xagga Buur Fisgaah dhaladeeda, oo halkaasuu ka dhisay toddoba meelood oo allabari, oo meel kasta wuxuu ku dul bixiyey dibi iyo wan. 15 Oo markaasuu Baalaaq ku yidhi, Halkan allabarigaaga la gubo ag istaag intaan Rabbiga xaggaas shishe kaga hor tegayo. 16 Markaasaa Rabbigu ka hor yimid Balcaam, oo eray buu afka u geliyey, oo wuxuu ku yidhi, Baalaaq ku noqo, oo sidatan ula hadal. 17 Markaasuu isagii u yimid, oo wuxuu arkay isagoo ag taagan allabarigiisii la gubo, oo waxaa isaga la jiray amiirradii reer Moo'aab. Kolkaasaa Baalaaq isagii ku yidhi, War Rabbigu muxuu ku hadlay? 18 Markaasuu hadalkiisii sii watay, oo wuxuu yidhi,
Baalaaq, kac oo maqal,
Bal aniga i dhegayso, ina Sifoorow.
19 Ilaah ma aha nin been sheego;
Mana aha binu-aadmi qoomameeyo.
Ma wuxuu yidhi buusan samaynayn?
Ama ma wuxuu ku hadlay buusan yeelayn?
20 Bal eeg, waxaa laygu amray inaan u duceeyo.
Isagaa barakeeyey, anna barakadaas ma aan beddeli karo.
21 Isagu reer Yacquub dembi kuma uu arag,
Oo reer binu Israa'iil qalloocsanaan ugama uu jeedin.
Rabbiga Ilaahood ah ayaa iyaga la jira,
Oo waxaa dhexdooda ka yeedhaysa boqor qayladiis.
22 Ilaah baa iyaga Masar ka soo bixiyey,
Iyagu waxay leeyihiin xoog gisiyeed oo kale,
23 Hubaal sixir reer Yacquub kuma dhaco,
Oo reer binu Israa'iil innaba fal ma qabto,
Haddaba Yacquub iyo Israa'iil waxaa laga sheegi doonaa,
Bal fiiri waxa Ilaah sameeyey!
24 Bal eeg, dadku wuxuu u kacaa sidii gool oo kale,
Oo sidii aar oo kale ayuu isu qaadaa:
Oo isagu jiifsan maayo jeeruu ugaadh cuno,
Oo uu dhiigga ka cabbo waxa uu dishay.
25 Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, War iyaga hana habaarin, hana u ducayn innaba. 26 Laakiinse Balcaam ayaa jawaabay oo wuxuu Baalaaq ku yidhi, Sow kuuma sheegin oo kuguma odhan, Wixii Rabbigu ku hadlo oo dhan waa inaan sameeyaa?
Farriintii Saddexaad Ee Balcaam
27 Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, Haddaba kaalay, meel kalaan ku geeynayaaye, mindhaa Ilaah waa ku farxi doonaa inaad iyaga halkaas iiga habaartid. 28 Markaasaa Baalaaq wuxuu Balcaam geeyey Buur Fecoor dhaladeeda taasoo lamadegaanka hoos u soo fiirisa. 29 Oo Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, Halkan iiga dhis toddoba meelood oo allabari, oo halkan iigu soo diyaari toddoba dibi iyo toddoba wan. 30 Markaasaa Baalaaq sameeyey sidii Balcaam ku yidhi, oo meel kasta oo allabariba wuxuu ku dul bixiyey dibi iyo wan.
24 Oo Balcaamna markuu arkay in Rabbigu ku farxay inuu reer binu Israa'iil barakeeyo, ma uu tegin sidii mararkii kale inuu sixir doondoono, laakiinse wuxuu wejigiisii u jeediyey xagga cidlada. 2 Markaasaa Balcaam indhaha kor u qaaday, oo wuxuu arkay reer binu Israa'iil oo qabiil qabiil u deggan, kolkaasaa waxaa isagii ku soo degay ruuxii Ilaah. 3 Markaasuu hadalkiisii watay oo wuxuu yidhi,
Balcaam ina Becoor wuxuu leeyahay,
Oo ninkii ishiisu daboolnaan jirtay wuxuu leeyahay,
4 Wuxuu leeyahay kii erayadii Ilaah maqla
Oo tusniintii Ilaaha Qaadirka ah arka,
Oo dhaca isagoo indhihiisu furan yihiin,
5 Teendhooyinkiinnu wanaagsanaa, Reer Yacquubow,
Oo taambuugyadiinnu qurxoonaa, Reer binu Israa'iilow!
6 Waxay u fidsan yihiin sidii dooxooyin,
Iyo sidii beero webiga barbarkiisa ku yaal,
Iyo sidii geedo dacar ah oo Rabbigu beeray,
Iyo sidii geedo kedar ah oo biyo ku ag yaal.
7 Baaldiyadooda waxaa ka daadan doona biyo,
Oo farcankoodu wuxuu ku jiri doonaa biyo badan,
Oo boqorkooduna wuu ka sarrayn doonaa Agag,
Oo boqortooyadoodana waa la sarraysiin doonaa.
8 Ilaah baa iyaga Masar ka soo bixiyey,
Oo iyagu waxay leeyihiin xoog gisiyeed oo kale,
Oo waxay cuni doonaan quruumaha cadaawayaashooda ah,
Oo lafahooda way jejebin doonaan,
Oo waxay iyaga ka mudhbixin doonaan fallaadhahooda.
9 Iyagu hoos bay isu gaabiyeen, oo sida aar bay u jiifsadeen,
Iyo sida gool libaax; haddaba bal yaa kicin doona?
Duco ha ku dhacdo ku alla kii idiin duceeya,
Oo habaarna ha ku dhaco ku alla kii idin habaara.
10 Markaasaa Baalaaq aad ugu cadhooday Balcaam, oo gacmihiisuu isku dhuftay. Oo Baalaaq wuxuu Balcaam ku yidhi, Waxaan kuugu yeedhay inaad cadaawayaashayda ii habaartid, oo bal eeg, saddexdan jeer baad u wada ducaysay. 11 Haddaba meeshaadii ku carar. Anigu waxaan damacsanaa inaan derejo weyn ku siiyo, laakiinse Rabbigu dib buu kaaga celiyey derejadii. 12 Kolkaasaa Balcaam wuxuu Baalaaq ku yidhi, War kuwii farriin kaa waday miyaanan u sheegin oo aanan ku odhan, 13 Haddii Baalaaq i siiyo gurigiisa oo lacag iyo dahab ka buuxo, anigu kama tallaabsan karo erayga Rabbiga inaan maankayga ka sameeyo xumaan iyo samaan toona. Wixii Rabbigu ku hadlo, kaas uun baan ku hadli doonaa. 14 Haddaba waxaan u tegayaa dadkaygii, oo bal kaalay aan kuu sheego waxay dadkanu dadkaaga ku samayn doonaan maalmaha ugu dambaysta.
Farriintii Afraad Ee Balcaam
15 Markaasuu hadalkiisii sii watay oo wuxuu yidhi,
Balcaam ina Becoor wuxuu leeyahay,
Oo ninkii ishiisu daboolnaan jirtay wuxuu leeyahay,
16 Wuxuu leeyahay kii erayadii Ilaah maqla,
Oo yaqaan aqoonta Kan ugu sarreeya,
Oo tusniintii Ilaaha Qaadirka ah arka,
Oo dhaca, isagoo indhihiisu furan yihiin,
17 Isagaan arkaa, haddase ma aha,
Waan u jeedaa, mase dhowa,
Reer Yacquub xiddig baa ka soo bixi doonta,
Reer binu Israa'iil waxaa ka soo kici doonta ul boqortooyo,
Oo waxay burburin doontaa rukummada Moo'aab,
Oo waxay baabbi'in doontaa dadka Sheed oo dhan.
18 Oo dalka Edom wuxuu noqonayaa hantidooda,
Oo Seciir oo isna cadowgooda ahaa hantidooduu noqonayaa.
Oo reer binu Israa'iil way xoogaysan doonaan.
19 Oo mid reer Yacquub ka soo farcamay ayaa xukun yeelan doona,
Oo wuxuu baabbi'in doonaa kuwa magaalada ka hadha.
Farriintii Ugu Dambaysay Ee Balcaam
20 Markaasuu Camaaleq eegay, oo hadalkiisii sii watay oo yidhi,
Camaaleq wuxuu ahaa kan quruumaha ugu horreeya,
Laakiinse ugudambaysta wuu halligmi doonaa.
21 Oo haddana wuxuu eegay reer Qeyn, markaasuu hadalkiisii sii watay oo yidhi,
Meeshaad deggan tihiin waa adag tahay,
Oo buulkiinnana dhagaxaa laga dhisay.
22 Habase yeeshee waa laydin baabbi'in doonaa, reer Qeynow,
Jeer ay reer Ashuur maxaabiis ahaan idiin kaxaystaan.
23 Markaasuu hadalkiisii sii watay oo wuxuu yidhi,
Hoogay, ee bal yaa sii noolaan doona markii Ilaah waxan sameeyo?
24 Laakiinse doonniyo waxay ka iman doonaan xeebta Kitiim,
Oo waxay dhibi doonaan Ashuur, oo waxay dhibi doonaan Ceeber,
Oo isna wuu halligmi doonaa.
25 Markaasaa Balcaam kacay oo ku noqday meeshiisii; Baalaaqna wuu iska tegey.
Reer Moo'aab Oo Dambaajiyay Reer Binu Israa'iil
25 Oo reer binu Israa'iilna waxay iska degeen Shitiim, markaasay dadkii bilaabeen inay ka dhillaystaan gabdhihii reer Moo'aab, 2 waayo, dadkii bay ugu yeedheen allabaryadii ilaahyadooda, markaasay dadkii wax cuneen, oo waxay u sujuudeen ilaahyadoodii. 3 Oo reer binu Israa'iil waxay isku dareen Bacal Fecoor. Markaasaa Rabbiga cadhadiisii aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil. 4 Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Dadka madaxdiisa oo dhan soo wado oo maalin cad ku deldel Rabbiga hortiisa in cadhadii kululayd oo Rabbigu ay ka soo noqoto reer binu Israa'iil. 5 Kolkaasaa Muuse wuxuu xaakinnadii reer binu Israa'iil ku yidhi, Idinka mid waluba ha dilo nimankiisii Bacal Fecoor isku daray. 6 Oo bal eeg, mid reer binu Israa'iil ah ayaa walaalihiis ula yimid naag reer Midyaan ah Muuse hortiisa iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan hortooda iyagoo ku ooyaya iriddii teendhadii shirka horteeda. 7 Oo Fiinexaas ina Elecaasaar oo ahaa wadaadkii Haaruun wiilkiisii markuu taas arkay ayuu shirka dhexdiisii ka kacay oo wuxuu gacanta ku qaatay waran. 8 Oo teendhadii ayuu uga daba galay ninkii reer binu Israa'iil, oo ninkii reer binu Israa'iil iyo naagtii labadiiba calooshuu ka wareemay. Markaasaa belaayadii laga joojiyey reer binu Israa'iil. 9 Oo intii belaayadii u dhimatay waxay ahaayeen afar iyo labaatan kun.
10 Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, 11 Waxaa cadhadaydii reer binu Israa'iil ka celiyey Fiinexaas ina Elecaasaar oo ah wiilkii wadaadka Haaruun ah, waayo, dhexdooda ayuu iiga qiirooday, oo sidaas daraaddeed anigu qiiradaydii kuma aan baabbi'in reer binu Israa'iil. 12 Haddaba sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Bal eeg, anigu waxaan isaga la dhiganayaa axdigaygii nabadda. 13 Oo isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba buu u ahaan doonaa axdiga wadaadnimo weligeed ah, maxaa yeelay, Ilaahiis buu qiiro u qabay, oo reer binu Israa'iil ayuu u kafaaro guday. 14 Haddaba ninkii reer binu Israa'iil oo la dilay, oo naagtii reer Midyaan lala dilay, magiciisu wuxuu ahaa Simrii ina Saaluu oo amiir u ahaa qoladiisa reer Simecoon. 15 Oo naagtii reer Midyaan oo la dilay magaceedu wuxuu ahaa Kaasbii ina Suur, oo aabbeheed wuxuu madax u ahaa qolo ka mid ah reer Midyaan.
16 Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 17 Reer Midyaan dhib oo laa iyaga, 18 waayo, waxay idinku dhibeen khiyaanadooda ay idinku khiyaaneeyeen xagga xaalkii Fecoor iyo xaalkii Kaasbii oo ahayd gabadhii amiirka reer Midyaan oo walaashood ahayd, taasoo maalintii belaayada la dilay xaalkii Fecoor aawadiis.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya