Book of Common Prayer
Kitaabka Afraad
Sabuurrada 90-106
Kanu waa baryootankii Muuse oo ahaa ninkii Ilaah.
90 Rabbiyow, tan iyo ka ab ka ab
Adigu waxaad noo ahayd meesha aannu degganaanno.
2 Intaan buuruhu dhalan ka hor,
Iyo intaanad samayn dhulka iyo dunida,
Iyo xataa weligeed iyo weligeedba adigu waxaad tahay Ilaah.
3 Dadka waxaad ku soo celisaa baabba',
Oo waxaad ku tidhaahdaa, Noqda, binu-aadmigow.
4 Waayo, kun sannadood waxay hortaada ku yihiin
Sida shalay oo kale markay dhammaadaan.
Oo waxay la mid yihiin sida wakhti la soo jeedo oo habeennimo.
5 Waxaad iyaga u qaaddaa sida daadku wax u qaado, oo iyagu waxa weeye sida hurdo oo kale,
Oo subaxdana waxay u baxaan sida doog oo kale.
6 Subaxda way cagaaraan, wayna soo baxaan,
Oo fiidkana waa la jaraa, wayna engegaan.
7 Waayo, annagu cadhadaadii baannu ku baabba'nay,
Oo waxaan ku dhibtoonnay xanaaqaagii.
8 Xumaatooyinkayagii waxaad dhigtay hortaada,
Oo dembiyadayadii qarsoonaana waxaad dhigtay iftiinka wejigaaga.
9 Waayo, maalmahayagii oo dhammu waxay nagu dhaafeen cadhadaada,
Oo cimrigayagiina wuxuu u dhammaaday sidii sheeko la sheegay.
10 Waayo, wakhtiga cimrigayagu waxa weeye toddobaatan sannadood,
Oo xataa hadduu xoog aawadiis ku sii dheeraado waa siddeetan sannadood,
Laakiinse faankiisu waa hawl iyo caloolxumo miidhan,
Waayo, haddiiba wuu iska dhammaadaa, oo annana waannu duulnaa.
11 Bal yaa yaqaan cadhadaada xooggeeda,
Iyo xanaaqaaga kaas oo waafaqsan cabsida kugu habboon in lagaa cabsado?
12 Haddaba na bar inaannu tirinno maalmaha cimrigayaga,
Si aannu u helno qalbi xigmad leh.
13 Rabbiyow, soo noqo, ilaa goormaad soo noqonaysaa?
Oo raalli ka ahow addoommadaada.
14 Aroorta naxariistaada naga dhergi,
Si aannu u rayrayno oo aannu u faraxsanaano maalmaha cimrigayaga oo dhan.
15 Nooga farxi intii ay ahaayeen maalmihii aad na dhibtay,
Iyo sannadihii aan sharka aragnay in le'eg.
16 Shuqulkaagu ha u muuqdo addoommadaada,
Ammaantaaduna carruurtooda.
17 Oo Rabbiga Ilaahayaga ah nicmadiisu ha na dul joogto,
Oo korkayaga ku adkee shuqulka gacmahayaga,
Haah, shuqulka gacmahayaga adkee.
15 Oo magiciinna ayaad kuwayga aan doortay ugu dayn doontaan, inuu habaar lagu dhaarto u noqdo, oo Sayidka Rabbiga ah ayaa idin layn doona, oo addoommadiisana magac kaluu u bixin doonaa. 16 Kii isagoo dalka jooga isu duceeyaa wuxuu isugu ducayn doonaa Ilaaha runta, oo kii isagoo dalka jooga dhaartaana wuxuu ku dhaaran doonaa Ilaaha runta, waayo, dhibaatooyinkii hore waa la illoobay, indhahaygana way ka qarsoon yihiin.
Samooyin Cusub Iyo Dhul Cusub
17 Waayo, bal eega, waxaan abuuri doonaa samooyin cuscusub iyo dhul cusub, oo waxyaalihii horena lama soo xusuusan doono, oo innaba maanka sooma ay geli doonaan. 18 Laakiinse farxa oo weligiinba waxa aan abuuro ku reyreeya, waayo, bal eega, Yeruusaalem waxaan u abuuraa rayrayn, dadkeedana farxad baan u abuuraa. 19 Oo Yeruusaalem baan ku rayrayn doonaa, oo dadkaygana waan ku farxi doonaa, oo codkii oohinta iyo codkii baroorashadana mar dambe dhexdeeda lagama maqli doono. 20 Oo markaas dabadeedna innaba dhexdeeda ilmo dhawr maalmood jira, amase oday aan cimrigiisa dhammaysan lagama heli doono, waayo, ilmuhu wuxuu dhiman doonaa isagoo boqol sannadood jira, dembilaha boqol sannadood jirase wuxuu ahaan doonaa mid inkaaran. 21 Guryay dhisan doonaan, wayna degi doonaan, oo beero canab ahna way beeran doonaan, midhahoodana way cuni doonaan. 22 Si uu mid kale u dego, guryo ma ay dhisi doonaan, oo si uu mid kale u cuno, beero ma ay beeran doonaan, waayo, dadkayga cimrigiisu wuxuu ahaan doonaa sidii geed cimrigiis, oo kuwayga aan doortayna wakhti dheer ayay shuqulka gacmahooda ku farxi doonaan. 23 Si aan waxba tarin uma ay hawshoon doonaan, oo masiibona carruur uma ay dhali doonaan, waayo, iyagu waa farcankii kuwii Rabbigu barakeeyey, iyaga iyo carruurtoodaba. 24 Intaanay dhawaaqin ayaan u jawaabi doonaa, oo intay weli hadlayaan ayaan maqli doonaa. 25 Yeyda iyo baraarku way isla wada daaqi doonaan, libaaxuna sida dibi oo kale caws buu u cuni doonaa, oo boodhkuna abeesada quudkeeduu ahaan doonaa. Rabbigu wuxuu leeyahay, Buurtayda quduuska ah oo dhan waxba kuma yeeli doonaan, waxna kuma baabbi'in doonaan.
Samada Cusub Iyo Dhulka Cusub
21 Oo waxaan arkay samo cusub iyo dhul cusub; waayo, samadii hore iyo dhulkii hore way dhammaadeen; oo baddiina mar dambe ma ay jirin. 2 Oo haddana waxaan arkay magaalada quduuska ah, taasoo ah Yeruusaalem cusub oo samada ka soo degaysa xagga Ilaah, iyadoo loo diyaariyey sidii aroosad ninkeedii loo sharraxay. 3 Markaasaan maqlay cod weyn oo carshiga ka yeedhaya oo leh, Bal eeg, rugta Ilaah waxay la jirtaa dadka, oo isna wuxuu la degganaan doonaa iyaga, oo iyana waxay ahaan doonaan dadkiisa, oo Ilaah qudhiisuna wuxuu la jiri doonaa iyaga, oo wuxuu ahaan doonaa Ilaahood; 4 oo isna indhahooda ilmo kastuu ka tirtiri doonaa, oo dhimashona mar dambe ma jiri doonto, oo mar dambena ma jiri doonaan murug iyo oohin iyo xanuun toona, waayo, waxyaalihii hore way dhammaadeen. 5 Markaasaa kii carshiga ku fadhiyey wuxuu yidhi, Bal eeg, wax kastaba cusayb baan ka dhigayaa. Oo wuxuu igu yidhi, Qor, waayo, erayadanu waa aamin iyo run. 6 Oo wuxuu igu yidhi, Iyagu way ahaadeen. Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, iyo bilowgii iyo dhammaadka. Oo kii harraadsan waxaan hadiyad ahaan uga waraabin doonaa isha biyaha nolosha.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya