Book of Common Prayer
SAYN.
49 Xusuuso eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay,
Oo aad igu rajo gelisay.
50 Oo taasu waa i qalbi qaboojisaa markii aan dhibaataysnahay,
Waayo, eraygaagaa i soo nooleeyey.
51 Kuwa kibirsan aad bay iigu qosleen,
Laakiinse sharcigaaga kama aan leexan.
52 Rabbiyow, tan iyo mar hore waxaan soo xusuusnaa xukummadaada,
Waanan isqalbi qaboojiyey.
53 Aad baan u xanaaqay,
Waana kuwa sharka leh oo sharcigaaga ka tegey aawadood.
54 Qaynuunnadaadu waxay ii ahaayeen heeso
Markaan ku jiray gurigii aan socotada ku ahaa.
55 Rabbiyow, habeenkaan magacaaga soo xusuustay,
Oo sharcigaagaan dhawray.
56 Taasu waa ii ahaatay,
Maxaa yeelay, amarradaadii baan xajiyey.
KHED.
57 Rabbigu waa qaybtayda,
Oo anigu waxaan idhi, Waxaan dhawrayaa erayadaada.
58 Qalbigayga oo dhan ayaan kugu baryay inaad raalli iga ahaato,
Si eraygaaga waafaqsan iigu naxariiso.
59 Waxaan ka fikiray jidadkayga,
Kolkaasaan cagahayga u soo duway xagga markhaatifurkaaga.
60 Waan u degdegay, oo kama aan raagin
Inaan amarradaada dhawro.
61 Waxaa isku kay duudduubay xadhkihii kuwa sharka leh,
Laakiinse sharcigaaga ma aan illoobin.
62 Waxaan kici doonaa habeenbadhka inaan kugu mahadnaqo,
Waana xukummadaada caddaaladda ah daraaddood.
63 Anigu waxaan wehel la ahay kuwa kaa cabsada oo dhan,
Iyo kuwa amarradaada dhawraba.
64 Rabbiyow, dhulka waxaa ka buuxda naxariistaada,
Haddaba qaynuunnadaada i bar.
TET.
65 Rabbiyow, anoo addoonkaaga ah waxaad iila macaamilootay
Si wanaagsan oo eraygaaga waafaqsan.
66 Haddaba i bar kaladoorasho wanaagsan iyo aqoon,
Waayo, waxaan rumaystay amarradaada.
67 Intaan lay dhibin ka hor ayaan ambaday,
Laakiinse haatan eraygaaga waan dhawraa.
68 Waad wanaagsan tahay, oo wanaag baad samaysaa,
Haddaba qaynuunnadaada i bar.
69 Kuwa kibirka lahu been bay iga sheegeen,
Aniguse amarradaada ayaan ku xajin doonaa qalbigayga oo dhan.
70 Qalbigoodu wuu qallafsanaaday,
Aniguse waxaan ku farxaa sharcigaaga.
71 Waa ii wanaagsanayd in lay dhibo,
Si aan qaynuunnadaada u barto.
72 Sharciga afkaagu waa iiga sii fiican yahay
Kumanyaal dahab iyo lacag ah.
Kanu waa sabuur ay reer Qorax u tiriyeen madaxdii muusikaystayaasha.
49 Dadyowga oo dhammow, bal tan maqla,
Dunida kuwiinna degganow, kulligiin dhegta u dhiga,
2 Kuwiinna hoose iyo kuwiinna sare,
Taajirrada iyo masaakiintoy, dhammaantiin wada maqla.
3 Afkaygu wuxuu ku hadli doonaa xigmad,
Qalbigayguna wuxuu ka fikiri doonaa waxgarasho.
4 Dhegtayda waxaan u dhigi doonaa masaal,
Xujadaydana waxaan ku muujin doonaa kataaradda.
5 Haddaba bal maxaan u cabsanayaa wakhtiga shar jiro,
Markii xumaanu cedhbahayga ku wareegsanto?
6 Kuwa maalkooda isku halleeya,
Oo ku faana hodantinimadooda faraha badan,
7 Midkoodna walaalkiis ma furan karo,
Daraaddiisna Ilaah madaxfurasho uma siin karo,
8 (Waayo, furashada naftoodu waa qaali aad iyo aad,
Kumana filna weligeedba,)
9 Inuu isagu weligiis sii noolaado,
Oo aanu halligaad arkin weligiis.
10 Waayo, isagu wuxuu arkaa inay dadka xigmadda lahu wada dhintaan,
Iyo in nacasyada iyo doqonnaduba ay wada baabba'aan,
Oo ay maalkooda kuwa kale uga tagaan.
11 Waxay ismoodsiiyaan inay guryahoodu weligoodba sii jirayaan,
Iyo in meelaha rugtooda ahu ay sii raagayaan tan iyo qarniyada oo dhan,
Oo dhulalkoodana way isku magacaabaan.
12 Laakiinse binu-aadmigu sharaf kuma waaro,
Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.
13 Jidkoodanu waa kalsoonidooda nacasnimada ah,
Laakiinse dadka iyaga ka dambeeya ayaa hadalkoodii u boga. (Selaah)
14 Iyagu waxaa weeye adhi She'ool loo wado,
Oo waxaa sida adhijir u ahaan doona dhimasho,
Oo kuwa qumman ayaa iyaga subaxda u talin doona,
Oo quruxdoodana waxaa baabbi'in doona She'ool, inaanay iyagu rug yeelan innaba.
15 Laakiinse Ilaah naftayda wuu ka soo furan doonaa xoogga She'ool,
Waayo, wuu i aqbali doonaa. (Selaah)
16 Ha baqin markii mid taajiroobo,
Oo ammaanta reerkiisu aad u korodho,
17 Waayo, isagu markuu dhinto waxba sii qaadan maayo,
Oo ammaantiisuna ka daba geli mayso.
18 In kastoo uu naftiisa u duceeyey markuu noolaa,
Oo dad adiga ku ammaana, kolkaad wax wanaagsan isu samaysid,
19 Isagu wuxuu u tegi doonaa qarniyadii awowayaashiis,
Oo iyana weligood iftiinka ma ay arki doonaan.
20 Ninkii sharaf leh oo aan garaad lahaynu
Wuxuu la mid yahay sida xayawaanka iska baabba'a.
Kanu waa gabay Maskiil ah oo Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Mahalad.
53 Nacaskaa qalbigiisa iska yidhi, Ilaah ma jiro.
Iyagu waa qudhun, oo waxay faleen xumaan karaahiyo ah,
Oo mid wanaag falaa ma jiro.
2 Ilaah wuxuu samada hoos uga soo fiiriyey binu-aadmiga,
Bal inuu arko hadday kuwo wax garanaya oo Ilaah doondoonaa jiraan.
3 Midkood kastaaba dib buu u noqday, oo dhammaantood waxay wada noqdeen dad nijaas ah,
Oo mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.
4 Miyaanay aqoon lahayn xumaanfalayaasha dadkaygii u cuna siday kibista u cunaan,
Oo aanay Ilaah baryin?
5 Iyagu halkaasay aad ugu cabsadeen meel aan cabsiyu jirin,
Waayo, kii ku ag degay inuu kugu soo duulo Ilaah baa lafihiisii kala firdhiyey,
Oo iyagaad ceebaysay, maxaa yeelay, Ilaah baa iyaga diiday.
6 Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado!
Marka Ilaah dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo,
Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.
Dharka Nadiifsan Wadaadka Sare
3 Oo wuxuu i tusay Yashuuca oo ah wadaadka sare oo hor taagan malaggii Rabbiga, iyo Shayddaan oo taagan gacantiisa midig si uu u ashtakeeyo. 2 Markaas Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Shayddaanow, Rabbigu ha ku canaanto, Rabbiga Yeruusaalem doortay ha ku canaanto. Sow kanu ma aha qori dab laga dhiftay? 3 Haddaba Yashuuca dhar wasakhaysan buu qabay, oo wuxuu istaagay malagga hortiisii. 4 Isagu wuu jawaabay oo la hadlay kuwii isaga hor taagnaa, oo wuxuu ku yidhi, Dharka wasakhaysan isaga ka fura. Kolkaasuu isagiina ku yidhi, Bal eeg, xumaantaadii waan kaa qaaday oo waxaan kuu xidhi doonaa dhar aad u wanaagsan. 5 Oo anna markaasaan idhi, Duub daahirsan madaxa ha loo saaro. Markaasaa duub daahirsan madaxa loo saaray, oo dhar baa loo xidhay, oo malaggii Rabbiga ayaa ag istaagay. 6 Markaasaa malaggii Rabbigu u caddeeyey Yashuuca, oo wuxuu ku yidhi, 7 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Haddaad jidadkayga ku socotid, oo aad amarkayga xajisid, markaas waxaad xukumi doontaa gurigayga, oo weliba waxaad dhawri doontaa barxadahayga, oo anna kuwa halkan taagan dhexdooda ayaan kaa siin doonaa meel aad soo gashid. 8 Haddaba Yashuuca oo wadaadka sare ahow, maqal, adiga iyo saaxiibbadaada ku hor fadhiya, maxaa yeelay, iyagu waa niman calaamad ah, waayo, bal eeg, anigu waxaan bixin doonaa addoonkayga Biqilka ah. 9 Waayo, bal eeg dhagaxa aan Yashuuca hortiisa dhigay, isku dhagax ayaa waxaa ku yaal toddoba indhood. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waan xardhi doonaa xaradhkiisa, oo dalkaas xumaantiisana maalin qudha baan ku qaadi doonaa. 10 Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas ninkiin kastaaba wuxuu deriskiisa ugu yeedhi doonaa canabka iyo berdaha hoostooda.
Riyadii Jannada Lagu Arkay
4 Waxyaalahaas dabadeed kor baan eegay oo waxaan arkay albaab samada ka furmay, oo codkii ugu horreeyey oo aan maqlay sidii buun ila hadlaya oo kale, wuxuu igu yidhi, Halkan soo fuul oo waxaan ku tusi doonaa waxyaalaha waajibka ah inay hadda ka dib dhacaan. 2 Haddiiba waxaan ku jiray Ruuxa, oo bal eeg, waxaa jiray carshi samada qotoma, oo mid baa carshigii ku fadhiyey, 3 oo kii fadhiyey midabkiisu wuxuu u ekaa dhagax yasbid iyo dhagax sardiyos, oo carshigana waxaa ku wareegsanaa qaansoroobaad midabkeedu u eg yahay dhagax sumurud. 4 Oo carshigii hareerihiisana waxaa yiil afar iyo labaatan carshi oo kale; oo carshiyadii dushoodana waxaan ku arkay afar iyo labaatan oday oo ku fadhiya, oo dhar cad qaba; madaxana waxaa u saarnaa taajaj dahab ah. 5 Oo carshigiina waxaa ka soo baxay hillaac iyo codad iyo onkod. Oo waxaa jiray toddoba laambadood oo dab ah oo carshiga hortiisa ka ololaya, kuwaas oo ah toddobada Ruux oo Ilaah. 6 Oo carshigii hortiisana waxaa yiil wax la mid ah bad muraayad ah oo u eg madarad, oo carshiga badhtankiisa iyo carshiga hareerihiisa waxaa joogay afar xayawaan oo hor iyo dibba indho miidhan ah. 7 Xayawaankii kowaad wuxuu u ekaa libaax, xayawaankii labaadna wuxuu u ekaa weyl, xayawaankii saddexaadna wuxuu lahaa weji u eg weji nin, xayawaankii afraadna wuxuu u ekaa gorgor duulaya. 8 Oo afarta xayawaan mid waluba wuxuu lahaa lix baal, oo hareerahooda iyo gudahooduba waa indho miidhan; oo habeen iyo maalin midna ma nastaan, oo waxay yidhaahdaan, Quduus, quduus, quduus waxaa ah Rabbiga ah Ilaaha Qaadirka ah, oo jiray oo jira oo iman doona.
Masaalka Ku Saabsan Addoommadii Aaminka Ahaa Iyo Kuwii Aan Aaminka Ahayn(A)
45 Haddaba yuu yahay addoonka aaminka ah oo caqliga leh, kan sayidkiisu dadka gurigiisa u sarreeysiiyey inuu cuntada siiyo wakhtigeeda? 46 Waxaa barakaysan addoonkaas kan sayidkiisu goortuu yimaado uu helayo isagoo sidaas samaynaya. 47 Runtii waxaan idinku leeyahay, Wuxuu leeyahay oo dhan ayuu ka sarreeysiin doonaa isaga. 48 Laakiin haddii addoonkaas sharka leh qalbigiisa ka yidhaahdo, Sayidkaygu waa raagay, 49 oo uu bilaabo inuu garaaco kuwii la shaqayn jiray, oo uu wax la cuno oo wax la cabbo kuwa sakhraanka ah, 50 addoonkaas sayidkiisu wuxuu iman doonaa maalin aanu filayn iyo saacad aanu ogayn, 51 oo waa kala jeexi doonaa oo wuxuu ka dhigi doonaa mid qayb la hela labawejiilayaasha. Halkaa waxaa jiri doonta baroor iyo ilko jirriqsi.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya