Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Book of Common Prayer

Daily Old and New Testament readings based on the Book of Common Prayer.
Duration: 861 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 1-4

SABUURRADII

Kitaabka Kowaad

Sabuurrada 1-41

Waxaa barakaysan ninkii aan ku socon talada kuwa sharka leh,
Oo aan istaagin jidka dembilayaasha,
Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada.
Laakiinse waxaa isaga ka farxiya sharciga Rabbiga,
Oo habeen iyo maalinba sharcigiisuu ka fikiraa.
Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda,
Oo midhihiisa dhala xilligooda,
Oo aan caleentiisuna engegin.
Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa.
Laakiinse kuwa sharka lahu sidaas ma aha,
Iyaguse waxay la mid yihiin buunshaha dabayshu kaxayso.
Sidaas daraaddeed kuwa sharka lahu isma dhex taagi doonaan xukunka,
Dembilayaashuna sooma dhex geli doonaan kuwa xaqa ah ururkooda.
Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda,
Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi'i doonaa.

Bal quruumuhu maxay u cadhoodaan,
Dadkuna maxay ugu fikiraan wax aan waxba ahayn?
Boqorrada dhulku col bay u taagan yihiin,
Taliyayaashuna waxay u wada tashadaan
Rabbiga iyo Masiixiisa, iyagoo leh,
Silsiladahooda aan gooyno
Oo xadhkahoodana aan iska fogayno.
Kan samada fadhiyaa wuu qosli doonaa,
Oo Sayidku iyaga wuu ku majaajiloon doonaa.
Markaasuu isagoo cadhaysan iyaga la hadli doonaa,
Oo wuxuu iyaga ku dhibi doonaa dhirifkiisa isagoo leh,
Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey
Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.
Amarkii ayaan wax ka sheegi doonaa,
Rabbigu wuxuu igu yidhi, Adigu waxaad tahay wiilkayga,
Maantaan ku dhalay.
I bari oo waxaan dhaxal ahaan kuu siin doonaa quruumaha,
Oo dunida meelaha ugu fogfogna hanti ahaan baan kuu siin doonaa.
Waxaad iyaga ku jejebin doontaa ul bir ah,
Oo waxaad u burburin doontaa sida weelka dheryasameeyaha.
10 Haddaba sidaas daraaddeed, Boqorradow, caqli yeesha,
Oo xaakinnada dhulkow, edeb yeesha.
11 Rabbiga cabsi ugu adeega,
Oo reyreeya idinkoo gariiraya.
12 Wiilka dhunkada, waaba intaasoo uu idiin cadhoodaa oo aad jidka ku baabba'daane.
Waayo, cadhadiisu haddiiba way kululaan doontaa.
Waxaa barakaysan kuwa isaga isku halleeya oo dhan.

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey markuu wiilkiisa Absaaloom ka cararay.

Rabbiyow, cadaawayaashaydu fara badanaa!
Kuwa igu kacaa aad bay u badan yihiin.
Way badan yihiin kuwa naftayda wax ka sheegaa, iyagoo leh,
Ilaah isaga caawin maayo. (Selaah)
Laakiinse, Rabbiyow, adigu waxaad tahay gaashaan igu wareegsan,
Iyo sharaftayda, iyo kan madaxayga kor u qaada.
Codkayga ayaan Rabbiga ugu qayliyaa,
Oo isaguna wuxuu iiga jawaabaa buurtiisa quduuska ah. (Selaah)
Anigu waan jiifsaday oo waan iska seexday,
Oo haddana waan soo toosay, waayo, Rabbiga ayaa i xannaaneeya.
Ka baqi maayo dadka kumanyaalkaa,
Oo gees kasta iga hareereeyey.
Kac, Rabbiyow, oo i badbaadi, Ilaahayow,
Waayo, cadaawayaashaydii oo dhan waxaad ku dhufatay dhabanka,
Oo kuwa sharka leh ilkahoodiina waad jejebisay.
Badbaado waxaa leh Rabbiga,
Barakadaadu dadkaaga ha ku soo degto. (Selaah)

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu qaadaa alaab xadhko leh oo muusiko ah.

Ilaaha xaqnimadaydow, markii aan ku baryo i maqal,
Markii aan cidhiidhi ku jirayba meel baad ii bannaysay,
Ii naxariiso oo baryadayda maqal.
Binu-aadmigow, ilaa goormaa sharaftaydu sharafjab u rogmanaysaa?
Ilaa goormaad wax aan micne lahayn jeclaanaysaan?
Oo ilaa goormaad been doondoonaysaan? (Selaah)
Laakiinse ogaada in Rabbigu gooni ahaan isugu soocay kii cibaado leh,
Rabbigu wuu maqli doonaa markii aan u yeedho isaga.
Cadhooda oo ha dembaabina,
Qalbigiinna la hadla markii aad sariirtiinna ku jiiftaan, oo aamusa. (Selaah)

Bixiya allabaryadii xaqnimada,
Oo Rabbiga isku halleeya.
Waxaa jira kuwo badan oo yidhaahda, Bal yaa wanaag na tusaya?
Rabbiyow, iftiinka wejigaaga nagu ifi.
Waxaad qalbigayga gelisay farxad
Ka sii badan tan ay helaan markii hadhuudhkooda iyo khamrigoodu ay kordhaan.
Nabad baan ku jiifsanayaa oo aan ku seexanayaa,
Waayo, Rabbiyow, adigoo keliya ayaa ammaan igu bariiya.

Sabuurradii 7

Kanu waa sabuur Shiggayoon ah oo Daa'uud Rabbiga ugu gabyay, oo ku saabsan Kuush oo ahaa reer Benyaamiin.

Rabbiyow, Ilaahayow, adigaan isku kaa halleeyaa,
Haddaba iga badbaadi kuwa i eryanaya oo dhan, oo iga samatabbixi,
Waaba intaasoo ay naftayda sida libaax oo kale u kala dildillaaciyaane,
Oo ay i kala jeexjeexaan intii aanay jirin cid iga samatabbixisaa.
Rabbiyow, Ilaahayow, haddii aan waxan sameeyey,
Haddii xumaanu gacmahayga ku jirto,
Haddii aan shar ugu abaalguday mid ila nabad ah,
(Haah, oo waxaan samatabbixiyey kii sababla'aan cadowga iigu ahaa,)
De markaas cadowgu naftayda ha eryado, oo ha qabsado,
Oo isagu ha igu tunto,
Oo sharaftaydana ciidda ha ku rido. (Selaah)
Rabbiyow, cadhadaada la kac,
Oo ku kac dhirifka cadaawayaashayda,
Aniga daraadday u sara joogso, waayo, waxaad amartay xukun.
Oo dadyowga ururradoodu ha ku hareereeyeen,
Oo adna iyaga xagga sare uga noqo.
Rabbigu dadyowga buu u garsooraa,
Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay.
Kuwa sharka leh sharkoodu ha dhammaado, laakiinse xoogee kuwa xaqa ah,
Waayo, Ilaaha xaqa ahu wuxuu imtixaamaa qalbiga iyo uurka.
10 Gaashaankaygu wuxuu la jiraa Ilaaha
Badbaadiya kuwa qalbigoodu qumman yahay.
11 Ilaah waa xaakin xaq ah,
Oo waa Ilaah maalin kasta dhirifsan.
12 Haddii aan laga noqon, isagu seeftiisuu afaysan doonaa,
Qaansadiisana wuu xootay, oo wuu diyaarsaday.
13 Oo weliba wuxuu diyaarsaday alaabtii dhimashada,
Oo fallaadhihiisana wuxuu ka dhigtaa kuwo ololaya.
14 Bal eega, ninku wuxuu la dhibtoodaa xumaan,
Oo wuxuu wallacay belaayo, oo wuxuu dhalay been.
15 Booraan buu sameeyey, oo uu qoday,
Oo wuxuu ku dhacay bohoshii uu isagu sameeyey.
16 Belaayadiisu waxay dib ugu noqonaysaa madaxiisa,
Oo dulmigiisuna dhaladiisuu ku soo degayaa.
17 Rabbiga waan ugu mahadnaqayaa sida ay xaqnimadiisu tahay,
Oo waxaan u ammaanayaa magaca Rabbiga ah Ilaaha ugu sarreeya.

Caamoos 2:6-16

Xukunka Israa'iil

Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay dadka Israa'iil sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, kii xaqa ahaa lacag bay ku iibiyeen, oo kii baahnaana waxay ku iibiyeen laba kabood. Aad bay u damacsan yihiin inay arkaan boodhka dhulka ee kor saaran madaxa masaakiinta, wayna qalloociyaan jidka kuwa camalka qabow. Oo nin iyo aabbihiisba waxay u wada galaan isku gabadh, oo sidaasay magacayga quduuska ah ku nijaaseeyaan. Oo meel kasta oo allabariba agteed waxay ku jiifsadaan dhar rahmad loo qaatay, oo guriga Ilaahoodna waxay ku dhex cabbaan khamrigii kuwa la ganaaxay. Laakiin anigu hortoodaan ka baabbi'iyey kii reer Amor oo sarajooggiisu ahaa sida sarajoogga geedaha kedarka la yidhaahdo, oo u xoogga badnaa sida geedaha alloonka la yidhaahdo, oo weliba midhihiisii waan ka baabbi'iyey xagga sare, oo xididdadiisiina waan ka baabbi'iyey xagga hoose. 10 Oo weliba dalkii Masar waan idinka soo bixiyey, oo afartan sannadood ayaan cidladii idinku hor kacayay, si aad u hantidaan dalkii reer Amor. 11 Oo wiilashiinnii waxaan ka kiciyey nebiyo, oo barbaarradiinniina waxaan ka kiciyey kuwa Nadiirrada ah ee Ilaah loo soocay. Dadka Israa'iilow, sow saas ma aha? ayaa Rabbigu leeyahay. 12 Laakiinse idinku Nadiirradii waxaad siiseen khamri ay cabbaan, oo nebiyadiina intaad amarteen ayaad ku tidhaahdeen, Innaba waxba ha sii sheegina. 13 Bal eega, hoostiina baan ugu hoos riixmay sida gaadhiga xidhmooyin bal ah ka buuxan u riixmo. 14 Kan dheereeyaa ma carari kari doono, oo kan xoogga badanuna xooggiisa kuma adkaan doono, oo kan itaalka badanuna isma samatabbixin doono, 15 oo kan qaansada haystaana isma taagi doono, oo kan cagaha ka dheereeyaana isma samatabbixin doono, oo kii faras ku joogaana isma samatabbixin doono, 16 oo kuwa xoogga leh kii ugu geesinimo badanuna maalintaas wuu carari doonaa isagoo qaawan, ayaa Rabbigu leeyahay.

2 Butros 1:1-11

WARQADDII LABAAD EE RASUUL
BUTROS

Salaan

Anigoo ah Simoon Butros, oo addoon iyo rasuulba u ah Ciise Masiix, waxaan warqaddan u qorayaa kuwa helay iimaan qaali ah oo keenna la mid ah, oo ku helay xaqnimada Ilaaheenna iyo Badbaadiyeheenna Ciise Masiix. Nimco iyo nabadu ha idinku bateen xagga aqoonta Ilaah iyo Rabbigeenna Ciise.

Masiixiyiinta Dabiicaddooda

Maxaa yeelay, Ilaah xooggiisu wuxuu ina siiyey wax kasta oo ku saabsan nolosha iyo cibaadadaba, oo wuxuu inagu siiyey aqoonta kan inoogu yeedhay ammaantiisa iyo wanaaggiisa. Wuxuu kuwaas inagu siiyey ballamadiisa qaaliga ah oo aad iyo aad u waaweyn, inaad kuwaas ku noqotaan kuwo ka qayb qaata dabiicadda Ilaah, idinkoo ka baxsaday kharribaadda dunida ku jirta ee ku timid damaca jidhka. Sababtaas daraaddeed idinkuna aad u dadaala, oo rumaysadkiinna waxaad ku dartaan wanaag, wanaaggiinnana aqoon, aqoontiinnana iscelin, iscelintiinnana dulqaadasho, dulqaadashadiinnana cibaado, cibaadadiinnana kalgacayl walaalnimo, kalgacaylkiinna walaalnimona jacayl. Haddii aad waxyaalahaas leedihiin oo ay idinku badan yihiin, iyagu waxay idinka dhigayaan kuwo aan cajisiin ama midhalaawayaal ahayn xagga aqoonta Rabbigeenna Ciise Masiix. Waayo, kii waxyaalahaasu ka maqan yihiin wuu indha la' yahay oo arag gaaban yahay, oo wuxuu illoobay in dembiyadiisii hore laga safeeyey. 10 Sidaas daraaddeed, walaalayaalow, aad ugu dadaala inaad xaqiijisaan in laydiin yeedhay oo laydin doortay, waayo, haddii aad waxyaalahaas samaysaan, weligiin ma turunturoon doontaan. 11 Saas daraaddeed aad baa laydiin siin doonaa gelidda boqortooyada daa'imiska ah oo Rabbigeenna Ciise Masiix oo Badbaadiyeheenna ah.

Matayos 21:1-11

Ciise Guul Buu Ku Galay Yeruusaalem(A)

21 Goortay Yeruusaalem ku soo dhowaadeen oo ay Beytfaage galeen ilaa Buur Saytuun, markaasaa Ciise laba xer ah diray, oo wuxuu ku yidhi, Tuulada idinka soo hor jeedda taga, oo kolkiiba waxaad ka helaysaan dameer xidhan iyo qayl la jooga. Soo fura oo ii keena, oo haddii nin wax idinku yidhaahdo, waxaad ku tidhaahdaan, Sayidkaa u baahan, oo kolkiiba wuu soo diri doonaa. Waxanu waa dhaceen in la arko wixii nebiga lagaga dhex hadlay markuu yidhi,

Gabadha Siyoon u sheega,
Bal eeg, boqorkaagu waa kuu imanayaa,
Isagoo qalbi qabow, oo dameer fuushan
Iyo qayl dameereed.

Markaasaa xertii tagtay, oo sida Ciise ku amray ayay yeeleen. Dameertii iyo qaylkii ayay keeneen, oo dharkoodii bay dusha ka saareen, wuuna ku fadhiistay. Dadka badidooda ayaa dharkoodii jidka ku goglay, qaar kalena laamo ayay geedaha ka soo jareen oo jidka ku gogleen. Dadkii badnaa oo hor socday iyo kuwii daba socday waxay ku qayliyeen, [a]Hoosanna ha u jirto ina Daa'uud. Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya, Hoosanna ha ku jirto meelaha ugu sarreeya. 10 Oo goortuu Yeruusaalem galay, magaalada oo dhan waa kacsanayd, iyagoo leh, Kanu yuu yahay? 11 Dadkii badnaa ayaa yidhi, Kanu waa nebiga Ciise la yidhaahdo oo ka yimid Naasared tii Galili.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya