Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 132:1-12

Gabayga meelokoridda.

132 Rabbiyow, bal xusuuso Daa'uud
Dhibaatooyinkiisii oo dhan,
Iyo siduu Rabbiga ugu dhaartay,
Oo nidar ugu galay Ilaaha Xoogga leh oo Yacquub, isagoo leh,
Hubaal anigu geli maayo teendhada gurigayga,
Sariirtaydana fuuli maayo,
Indhahayga seexasho isugu qaban maayo,
Il iyo baalna isu keeni maayo,
Ilaa aan meel u helo Rabbiga,
Oo aan taambuug u helo Kan Xoogga leh oo Yacquub.
Bal eeg, annagu waxaan ku maqalnay Efraataah,
Oo waxaan ka helnay berrinkii duurka.
Waxaan geli doonnaa taambuugyadiisa,
Oo waxaan ku sujuudi doonnaa meeshuu cagaha saarto.
Rabbiyow, sara joogso, oo meeshaada nasashada gal,
Adiga iyo sanduuqa xooggaaguba.
Wadaaddadaadu xaqnimo ha huwadeen,
Quduusiintaaduna farxad ha la qayliyeen.
10 Addoonkaagii Daa'uud daraaddiis
Ha sii jeedin kaaga subkan wejigiisa.
11 Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay,
Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo,
Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.
12 Carruurtaadu hadday xajiyaan axdigayga
Iyo markhaatifurkayga aan iyaga bari doono,
De markaas carruurtooduna weligood bay ku fadhiisan doonaan carshigaaga.

Sabuurradii 132:13-18

13 Waayo, Rabbigu wuu doortay Siyoon,
Oo wuxuu u jeclaystay inuu rugtiisii ka dhigto.
14 Halkanu waa meeshaydii nasashada weligeedba,
Halkanaan degganaan doonaa, waayo, waan jeclaystay.
15 Waxaan iyada aad iyo aad ugu barakayn doonaa quud,
Oo masaakiinteeda waxaan ka dhergin doonaa cunto.
16 Wadaaddadeedana waxaan huwin doonaa badbaado,
Quduusiinteeduna aad bay ula qaylin doonaan farxad.
17 Halkaas waxaan ka dhigi doonaa in gees Daa'uud u soo baxo,
Waxaan laambad u diyaariyey kii aan subkaday.
18 Cadaawayaashiisa waxaan huwin doonaa ceeb,
Laakiinse taajkiisu madaxiisuu ku waari doonaa.

Boqorradii Labaad 23:1-14

Yoosiyaah Oo Cusboonaysiiyey Axdigii

23 Markaasaa boqorkii cid diray, oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan. Oo boqorkiina wuxuu u kacay gurigii Rabbiga, oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan, iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba; oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo gurigii Rabbiga laga dhex helay. Markaasaa boqorkii istaagay tiirka agtiisii, oo wuxuu Rabbiga hortiisa axdi ugu maray inuu Rabbiga raaco oo uu qalbigiisa oo dhan iyo naftiisa oo dhan ku dhawro amarradiisa, iyo markhaatiyadiisa, iyo qaynuunnadiisa, iyo inuu sii adkeeyo erayadii axdigan oo kitaabkan ku qornaa, oo dadkii oo dhammuna axdigii bay aqbaleen oo u istaageen. Markaasaa boqorkii ku amray wadaadkii sare oo ahaa Xilqiyaah, iyo wadaaddadii lahaa derejada labaad, iyo iridjoogayaashii, inay macbudka Rabbiga ka soo bixiyaan kulli weelashii loo sameeyey Bacal, iyo geedihii Asheeraah, iyo ciidanka samada oo dhan; oo isna wuxuu ku gubay Yeruusaalem dibaddeeda oo ah berrimmadii Qidroon, oo dambaskoodiina Beytel buu u qaaday. Oo wuxuu casilay wadaaddadii sanamyada caabudi jiray oo ay boqorradii dalka Yahuudah u doorteen inay foox ku shidaan meelaha sarsare oo ku yaal magaalooyinka dalka Yahuudah iyo meelaha ku wareegsan Yeruusaalem, iyo weliba kuwii fooxa u shidi jiray Bacal, iyo qorraxda, iyo dayaxa, iyo xiddigaha, iyo ciidanka samada oo dhan. Oo geedihii Asheeraahna gurigii Rabbiga wuu ka soo bixiyey oo wuxuu geeyey Yeruusaalem dibaddeeda ilaa durdurka Qidroon, oo wuxuu ku gubay durdurkii Qidroon agtiisa, oo intuu ku tuntay ayuu budo ka dhigay, oo budadiina ku daadshay qabuurihii dadka. Oo wuxuu dumiyey guryihii makhnuudyada oo ku dhex yiil guriga Rabbiga meeshay naaguhu ku samayn jireen daahyadii geedihii Asheeraah. Oo wadaaddadii oo dhanna wuxuu ka soo kaxeeyey magaalooyinkii dalka Yahuudah, wuuna nijaaseeyey meelihii sarsare oo wadaaddadu fooxa ku shidi jireen, tan iyo Gebac ilaa Bi'ir Shebac; oo haddana wuxuu dumiyey meelihii sarsare oo irdaha, kuwaas oo ku yiil meesha laga soo galo iridda Yashuuca oo ahaa taliyihii magaalada, oo ku yiil xagga bidix ee iridda magaalada. Habase yeeshee wadaaddadii meelaha sarsare ma ay iman meeshii allabariga oo Rabbiga ee Yeruusaalem ku tiil, laakiinse walaalahood way ku dhex cuni jireen kibis aan khamiir lahayn. 10 Oo wuxuu nijaaseeyey Tofed oo ku taal dooxadii reer Xinnom, si uusan ninna wiilkiisa ama gabadhiisa dabkii u dhex marin Moleg. 11 Oo wuxuu fogeeyey fardihii boqorradii dalka Yahuudah ay qorraxda ku siiyeen iridda laga soo galo guriga Rabbiga ee u dhow qolkii Naataan Meleg oo bohon ahaa uu degganaa, oo gaadhifardoodkii qorraxdana buu gubay. 12 Oo meelihii allabariga oo ku yiil qowladda sare ee Aaxaas saqafkeeda oo boqorradii dalka Yahuudah ay sameeyeen, iyo meelihii allabariga oo Manaseh ka sameeyey labada barxadood oo guriga Rabbiga ayuu boqorkii wada dumiyey, oo halkaas intuu ka orday ayuu boodhkoodii ku shubay durdurkii Qidroon. 13 Oo boqorkii wuxuu kaloo nijaaseeyey meelihii sarsare oo Yeruusaalem horteeda ku yiil, kuwaas oo ku yiil midigta buurta baabba'a, kuwaas oo Sulaymaan oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil uu u dhisay Cashtored oo ahayd karaahiyadii reer Siidoon, iyo Kemoosh oo ahaa karaahiyadii reer Moo'aab, iyo Milkom oo ahaa karaahiyadii reer Cammoon. 14 Oo wuxuu burburiyey tiirarkii, geedihii Asheeraahna wuu jaray, oo meelahoodiina wuxuu ka buuxiyey dad lafahood.

Yooxanaa 3:31-36

Kan Jannada Ka Yimid

31 Kii xagga sare ka yimaadaa, dhammaan ayuu ka sarreeyaa; kii dunida ka yimaadaana waa kii dunida, oo wuxuu ka hadlaa dunida. Kii jannada ka yimaadaa, dhammaan ayuu ka sarreeyaa. 32 Wuxuu arkay oo maqlay waxaas ayuu ka marag furaa, ninnana maraggiisa ma aqbalo. 33 Kii maraggiisa aqbalay wuxuu xaqiijiyey in Ilaah run yahay. 34 Waayo, kii Ilaah soo diray ayaa ereygii Ilaah ku hadla, maxaa yeelay, isagu qiyaas kuma siiyo Ruuxa. 35 Aabbuhu wuu jecel yahay Wiilka, oo wax walba ayuu gacanta u geliyey. 36 Kii Wiilka rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, kii aan Wiilka rumaysanse, nolosha ma arki doono, laakiin cadhadii Ilaah ayaa ku taal isaga.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya