Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
140 Rabbiyow, ninka sharka leh iga samatabbixi,
Oo iga ilaali ninka dulmiga badan,
2 Kuwaasoo qalbigooda kaga fikira belaayooyin,
Had iyo goorna dagaal bay isu soo urursadaan.
3 Waxay carrabkoodii u afaysteen sidii abeeso oo kale,
Oo bushimahoodana waxaa ku hoos jirta waabaydii jilbiska. (Selaah)
4 Rabbiyow, gacmaha kuwa sharka leh iga dhawr,
Oo iga ilaali ninka dulmiga badan,
Kuwaasoo u qasdiyey inay tallaabooyinkayga dhinac u leexiyaan.
5 Kuwa kibirka badanu waxay ii qariyeen dabin iyo xadhko,
Oo jidka dhinaciisana waxay ii gogleen shabag, oo siriq bay ii qooleen. (Selaah)
6 Waxaan Rabbiga ku idhi, Waxaad tahay Ilaahayga,
Haddaba, Rabbiyow, bal dhegta u dhig codka baryootankayga.
7 Ilaahow Sayidow, xooggii badbaadadaydow,
Maalintii dagaalka madaxaygaad dabooshay.
8 Rabbiyow, kuwa sharka leh ha siin waxay doonayaan,
Oo horay ha u sii wadin xeeladdooda sharka ah, waaba intaasoo ay kor isu qaadaane. (Selaah)
9 Oo kuwa igu wareegsan madaxoodana
Belaayada bushimahooda ka soo baxaysa ha daboosho.
10 Dhuxulo ololaya ha ku soo dul daateen,
Oo iyaga ha lagu dhex tuuro dabka,
Iyo godad aad u dhaadheer, si aanay mar dambe u soo sara kicin.
11 Ninka sharka ku hadlaa yaanu dhulka ku sii waarin,
Sharku wuxuu u ugaadhsan doonaa ninka dulmiga badan inuu afgembiyo aawadeed.
12 Waan ogahay in Rabbigu kuwa dhibban dacwadooda u gar qaadi doono,
Oo uu kuwa baahanna xaqooda siin doono.
13 Hubaal kuwa xaqa ahu waxay ku mahadnaqi doonaan magacaaga,
Oo kuwa qummanuna waxay joogi doonaan hortaada.
Codsigii Esteer Ee Boqorka
5 Haddaba maalintii saddexaad Esteer baa gashatay dharkeedii boqornimada, oo waxay soo istaagtay guriga boqorka barxaddiisa dhexe, taasoo ka soo hor jeedday guriga boqorka; oo boqorkuna wuxuu ku fadhiyey carshigiisii boqornimada oo ku dhex yiil guriga boqornimada, wuxuuna ka soo hor jeeday iridda guriga laga soo galo. 2 Oo markii boqorkii arkay Boqorad Esteer oo barxadda dhex taagan ayuu raalli ka noqday iyada, oo boqorkiina wuxuu Esteer ku soo fidiyey ushii dahabka ahayd oo gacantiisa ku jirtay. Markaasaa Esteer soo dhowaatay oo taabatay usha dusheedii. 3 Kolkaasuu boqorkii ku yidhi, Boqorad Esteeray, maxaad doonaysaa? Oo maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay waa lagu siinayaaye. 4 Kolkaasaa Esteer waxay tidhi, Boqorow, hadday kula wanaagsan tahay, maanta adiga iyo Haamaanba kaalaya martiqaadka aan u diyaariyey. 5 Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Haamaan haddiiba ha dhaqsado, si loo yeelo waxay Esteer tidhi. Oo sidaas daraaddeed boqorkii iyo Haamaanba waxay yimaadeen martiqaadkii ay Esteer u diyaarisay. 6 Oo intii martiqaadkii khamriga la joogay ayuu boqorkii Esteer ku yidhi, Baryadaadu waa maxay? Maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay waa laguu yeelayaaye. 7 Markaasaa Esteer jawaabtay oo tidhi, Baryadayda iyo weyddiisashadaydu waxay tahay, 8 Boqorow, haddaad raalli iga tahay, oo aad ku faraxdid inaad ii samaysid waxaan kaa baryay, oo aad yeeshid waxaan ku weyddiistay, haddaba adiga iyo Haamaan kaalaya martiqaadka aan idiin diyaarin doono, oo aniguna berri baan yeelayaa sidaad tidhi, boqorow.
Cadhadii Haamaan Ee Mordekay
9 Markaasaa Haamaan maalintaas wuxuu dibadda u baxay isagoo faraxsan oo qalbiga ka rayraynaya. Laakiinse Haamaan markuu arkay Mordekay oo jooga boqorka iriddiisa, oo aan isaga u istaagin, una gariirin, ayuu Mordekay aad iyo aad ugu cadhooday. 10 Habase ahaatee Haamaan wuu isceliyey oo gurigiisuu tegey. Markaasuu u cid dirsaday oo u yeedhay saaxiibbadiis iyo naagtiisii Seresh. 11 Markaasaa Haamaan wuxuu iyagii uga sheekeeyey ammaanta maalkiisa, iyo badnaanta carruurtiisa, iyo kulli derejadihii boqorku isaga u dalliciyey oo dhan, iyo sidii boqorku ugu wada sarraysiiyey boqorka amiirradiisa iyo addoommadiisa oo dhan. 12 Oo Haamaan weliba wuxuu kaloo yidhi, Xataa boqoradda Esteer ninna uma ay oggolaan inuu boqorka u soo raaco martiqaadkii ay diyaarisay aniga mooyaane; oo weliba berrina anigoo boqorka la jira ayay i martiqaadday. 13 Laakiinse waxaas oo dhammu waxba ii tari maayaan intaan arkayo Yuhuudiga Mordekay oo boqorka iriddiisa fadhiya. 14 Markaasaa naagtiisii Seresh iyo saaxiibbadiis oo dhammu waxay ku yidhaahdeen, Ha la sameeyo qori wax lagu deldelo oo dhererkiisu konton dhudhun yahay, oo subaxda waxaad boqorka ku tidhaahdaa, Mordekay meeshaas ha lagu deldelo. Oo markaas dabadeed adigoo faraxsan boqorka martiqaadka u raac. Kolkaasaa hadalkaasu ka farxiyey Haamaan; oo wuxuu amray in meeshii deldelaadda la sameeyo.
Ka-digidda Kuwa Masiixa Ka Geesta Ah
18 Carruurtiiyey, waa saacaddii u dambaysay, oo sidaad maqasheen inuu kan Masiixa ka geesta ahi imanayo, weliba imminka kuwa badan oo Masiixa ka gees ah ayaa kacay, taa aawadeed ayaynu ku garanaynaa inay saacaddii u dambaysay tahay. 19 Way inaga baxeen, laakiin kuweennii ma ay ahayn; hadday kuweennii ahaayeen, way inala joogi lahaayeen; laakiin way inaga baxeen oo taasaa caddaynaysa inaanay kulligood inaga mid ahayn. 20 Laakiin idinku waxaad leedihiin subkid ka timid Kan Quduuska ah, oo wax walba waad taqaaniin. 21 Wixii aan idiin soo qoray uma aan soo qorin aqoonla'aantiinna xagga runta aawadeed, laakiin waxaan u soo qoray aqoonta aad runta taqaaniin iyo inaanay beenina runta ka iman aawadood. 22 Waa kuma beenaaluhu, kan dafira inuu Ciise yahay Masiixa mooyaane? Isagu waa kan Masiixa ka geesta ah, waana kan dafira Aabbaha iyo Wiilkaba. 23 Ku alla kii Wiilka inkiraa, ma leh Aabbaha; laakiin kan Wiilka qirtaa Aabbuhuu leeyahay. 24 Haddaba idinku waxaad tan iyo bilowgii maqlayseen ha idinku sii jiro. Haddii wixii aad tan iyo bilowgii maqlayseen idinku sii jiro, idinkuna waxaad ku sii jiri doontaan Wiilka iyo Aabbaha. 25 Oo kanu waa ballankii uu inoogu ballanqaaday oo ah nolosha weligeed ah.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya