Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 26

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

26 Rabbiyow, i xukun, waayo, waxaan ku socday daacadnimadayda,
Oo weliba waxaan Rabbiga isugu halleeyey rogrogmashola'aan.
Rabbiyow, i imtixaan, oo i tijaabi,
Oo uurkayga iyo qalbigaygana baadh.
Waayo, raxmaddaadu waxay taal indhahayga hortooda,
Oo waxaan ku socday runtaada.
Lama aan fadhiisan waxmatarayaal,
Oo kuwa isyeelyeelana gudaha la geli maayo.
Waan necbahay ururka xumaanfalayaasha,
Oo kuwa sharka lehna la fadhiisan maayo.
Gacmahayga waxaan ku maydhan doonaa eedla'aanta,
Markaasaan ku wareegi doonaa meeshaada allabariga, Rabbiyow,
Si aan codka mahadnaqidda dadka u maqashiiyo,
Oo aan uga sheekeeyo shuqulladaada yaabka leh oo dhan.
Rabbiyow, rugta gurigaaga waan jeclahay,
Iyo meesha ammaantaadu joogto.
Naftayda ha la ururin dembilayaal,
Noloshaydana ha la ururin dhiigyocabyada,
10 Gacmahooda belaayadu ku jirto,
Gacantooda midigna laaluush ka buuxo.
11 Laakiinse anigu waxaan ku socon doonaa daacadnimadayda,
Haddaba i madaxfuro, oo ii naxariiso.
12 Cagtaydu waxay ku taagan tahay meel siman,
Oo Rabbigaan ku ammaani doonaa shirarka dhexdooda.

Ayuub 2:11-3:26

Saddexdii Saaxiib Ee Ayuub

11 Haddaba Ayuub saddexdiisii saaxiib markay maqleen xumaantii isaga ku dhacday oo dhan ayuu midkood kastaaba meeshiisii ka yimid. Oo kuwaasu waxay ahaayeen Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii, oo iyana waxay dhammaantood ballan ku dhigteen inay u yimaadaan si ay isaga ugu tacsiyeeyaan oo ay u qalbi qaboojiyaan. 12 Oo markay isagii meel fog ka arkeen oo ay aqoon waayeen ayay codkoodii kor u qaadeen oo ooyeen, oo midkood waluba wuxuu jeexjeexay huwiskiisii, oo intay boodh xagga samada u tuureen ayay madaxa isaga shubeen. 13 Oo toddoba maalmood iyo toddoba habeen ayay isagii dhulka la fadhiyeen, oo midkoodna eray keliya kuma odhan, waayo, waxay arkeen inuu aad iyo aad u xanuunsanayo.

Hadalkii Ayuub

Markaas dabadeed Ayuub intuu afkiisa furay ayuu habaaray maalintii uu dhashay. Oo Ayuub intuu hadal bilaabay ayuu yidhi:

Dharaartii aan dhashay ha baabba'do
Iyo habeenkii la yidhi, Wiil baa calool galay.
Maalintaasu gudcur ha ahaato;
Oo Ilaah yuusan iyada xagga sare kaga fiirsan,
Oo nuurkuna yuusan iftiimin.
Gudcur iyo hooska dhimashadu iyada mulki ha ka dhigteen.
Daruuru ha ku degto,
Oo wixii maalin madoobeeya oo dhammu ha cabsiiyeen.
Oo habeenkaasna gudcur weynu ha qabsado,
Oo ayaamaha sannadda yuusan ka dhex rayrayn.
Oo yuusan soo dhex gelin bilaha tiradooda.
Bal eeg, habeenkaasu cidla ha noqdo;
Oo cod faraxsan yaanu ka dhex yeedhin.
Oo isaga ha habaareen kuwa maalinta habaaraa,
Oo kicin kara bahalka la yidhaahdo Lewiiyaataan.
Fiidka xiddigihiisu gudcur ha noqdeen,
Iftiin ha doondoono oo yuusan helin;
Oo innaba yuusan arkin kaaha waaberiga.
10 Maxaa yeelay, isagu ma uu awdin irdihii maxalka hooyaday,
Oo indhahaygana dhib kama uu qarin.
11 Bal maxaan u dhiman waayay markaan uurka ka soo baxay?
Oo maxaa naftu iiga bixi weyday isla markaan caloosha ka soo baxay?
12 Bal jilbuhu maxay ii aqbaleen?
Amase naasuhu inaan nuugo?
13 Waayo, hadda xasilloonaan baan ku jiifi lahaa;
Oo waan iska seexan lahaa, oo waan nasan lahaa,
14 Aniga iyo boqorrada iyo lataliyayaasha dunida
Oo nafsaddooda taallooyin u dhistay,
15 Iyo amiirradii dahabka lahaan jiray,
Oo guryahooda lacagta ka buuxsaday;
16 Bal dhicis qarsoon maxaan u ahaan waayay?
Ama sida dhallaan aan innaba iftiinka arag?
17 Halkaas kuwa sharka ahu cidna kuma sii dhibaan,
Oo kuwa daallanuna halkaasay ku nastaan.
18 Maxaabiistuna halkaasay dhammaantood ku wada istareexaan,
Mana ay maqlaan kii dulmi jiray codkiisa.
19 Yar iyo weynba halkaasaa la wada joogaa,
Oo addoonkuna sayidkiisa waa ka xor.
20 Bal iftiin maxaa loo siiyaa kan dhibaataysan?
Maxaase loo nooleeyaa kan naftiisu la qadhaadhaatay,
21 Oo dhimasho u xiisooda, oo ayan u imanayn,
Oo daraaddeed dhulka u qodqoda intuu khasnado qarsoon qodi lahaa in ka sii badan,
22 Kuwaasoo aad u reyreeya,
Oo farxa hadday qabriga heli karaan?
23 Bal maxaa iftiin loo siiyaa nin jidkiisu qarsoon yahay,
Oo Ilaah deyr ku wareejiyey?
24 Waayo, intaanan wax cunin ayaan taahaa,
Oo cabaadkayguna wuxuu u shubmaa sida biyo oo kale.
25 Waayo, hadba wixii aan ka cabsado ayaa igu soo dega,
Oo wixii aan ka baqo ayaa ii yimaada.
26 Ma aan istareexsani, mana aan xasillooni, mana aan nasto;
Laakiinse hadba dhibaato baa ii timaada.

Galatiya 3:23-29

23 Laakiinse intaan rumaysadku iman waxaa laynagu hoos hayay sharciga, innagoo xidhan, ilaa rumaysadka la muujiyo. 24 Sidaas daraaddeed sharcigu wuxuu ahaa edbiyeheenna inuu Masiixa inoo geeyo, inaynu xaq ku noqonno rumaysadka.

Waxa Rumaysadka Ka Yimaada

25 Laakiinse rumaysadkii waa yimid, oo taas daraaddeed mar dambe edbiye kama hoosayno. 26 Waayo, kulligiin waxaad wiilashii Ilaah ku tihiin rumaysad idinkoo ku jira Ciise Masiix. 27 In alla intiinna lagu baabtiisay Masiix, waxaad huwateen Masiix. 28 Ma jiro Yuhuud ama Gariig, ma jiro addoon ama xor, ma jiro lab ama dhaddig, waayo, kulligiin mid baad ku wada tihiin Ciise Masiix. 29 Haddaad tihiin Masiixa kuwiisa, waxaad tihiin Ibraahim farcankiisa oo ah kuwa dhaxalka leh sida ballanku leeyahay.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya