Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
9 Ilaahow, gabay cusub ayaan kuugu gabyi doonaa,
Oo waxaan ammaan kuugu gabyi doonaa shareerad toban xadhig leh.
10 Waa isaga kan boqorrada badbaadiyaa,
Oo addoonkiisa Daa'uud ka badbaadiya seefta sharka leh.
11 I badbaadi, oo iga samatabbixi gacanta shisheeyayaasha,
Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo,
Gacantooda midigna tahay midig beeneed.
12 Markii wiilashayadu ay noqdaan sidii geedo yaraantoodii ku koray,
Oo gabdhahayaguna ay noqdaan sidii dhagaxyada rukunka oo loo qoray qaabkii guriga boqorka,
13 Markii maqsinnadayadu ay buuxsamaan iyagoo na siinaya alaab cayn kasta ah,
Idahayaguna ay noo dhalaan kumanyaal iyo kumaankun oo berrimmada noo jooga,
14 Markii dibidayadu ay aad u xoogaystaan,
Markaan la arag weerarid iyo qaxid,
Oo aan cabasho jirin jidadkayaga dhexdooda,
15 Waxaa faraxsan dadkii xaalkoodu sidaas yahay,
Haah, oo waxaa faraxsan dadkii Rabbigu Ilaahooda yahay.
6 Waa kuma kan cidlada uga soo baxaya sida tiirar qiiq ah?
Oo ay malmalka, iyo fooxa,
Iyo dhirta udgoon ee baayacmushtariga oo dhammu ka carfayaan?
7 Bal eeg, waa sariirta Sulaymaan lagu qaadee.
Lixdan nin oo xoog badan oo ka mid ah kuwa xoogga badan ee reer binu Israa'iil
Ayaa hareereheeda ku wareegsan.
8 Kulligood seefta aad bay u yaqaaniin, waana wada dagaalyahan.
Ninkood kastaba seeftiisii dhexday ugu xidhan tahay,
Cabsida habeenka aawadeed.
9 Boqor Sulaymaan wuxuu kursi la qaado
Ka samaystay qoryihii Lubnaan.
10 Tiirarkiisii lacag buu ka dhigay,
Hoostiisiina dahab buu ka dhigay, oo meeshuu fadhiistayna guduud buu ka dhigay,
Oo dhexdiisiina gabdhaha reer Yeruusaalem ayaa jacayl ku sharraxay.
11 Gabdhaha reer Siyoonow, bal baxa, oo Boqor Sulaymaan eega,
Isagoo qaba taajkii hooyadiis madaxa u saartay maalintii arooskiisa,
Iyo maalintii qalbigiisu faraxsanaa.
Ciise Masiix Midiidinkiisa Wanaagsan
6 Haddaad walaalaha waxyaalahan xusuusisid waxaad ahaan doontaa Ciise Masiix midiidinkiisa wanaagsan, adigoo hadallada iimaanka iyo cilmiga wanaagsan oo aad raacday ku xoogaysanaya. 7 Laakiin ka fogow sheekooyinka habraha oo nijaasta ah, oo nafsaddaada bar cibaadaysiga, 8 waayo, jidhka waxbariddiisu wax yar bay tartaa, laakiinse cibaadaysigu si walba waxtar buu u leeyahay isagoo ballan u leh nolosha haatan joogta iyo tan imanaysaba. 9 Hadalku waa run, waana mid istaahila in la wada aqbalo. 10 Sababtan daraaddeed waannu u hawshoonnaa oo u dadaalnaa, maxaa yeelay, waxaannu rajo ku leennahay Ilaaha nool oo Badbaadiyaha u ah dadka oo dhan, khusuusan kuwa rumaysan. 11 Waxyaalahan dadka ku amar oo bar. 12 Ninna yuusan quudhsan dhallinyaronimadaada, laakiinse kuwa rumaystay masaal ugu noqo xagga hadalka, iyo xagga dabiicadda, iyo xagga jacaylka, iyo xagga rumaysadka, iyo xagga daahirsanaantaba. 13 Ilaa aan imaado, akhriska iyo waaninta iyo waxbaridda u digtoonow. 14 Ha dayicin hibada aad haysatid oo lagugu siiyey waxyaalihii laguu sii sheegay markii waayeelladu gacmahooda ku saareen. 15 Waxyaalahan ku dadaal, oo nafsaddaada oo dhan u go' in horumarkaagu dadka oo dhan u muuqdo. 16 Nafsaddaada iyo cilmigaagaba u digtoonow. Oo waxyaalahan ku sii soco, waayo, haddaad yeeshid, nafsaddaada iyo kuwa ku dhegaystaba waad badbaadin doontaa.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya