Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 14

Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.

14 Nacasku wuxuu qalbigiisa iska yidhaahdaa, Ilaah ma jiro.
Iyagu way kharriban yihiin, oo waxay sameeyeen shuqullo karaahiyo ah,
Ma jiro mid wanaag sameeya.
Rabbigu samaduu ka soo fiiriyey binu-aadmiga,
Inuu arko haddii ay jiraan kuwo wax garanaya,
Oo Ilaah doondoona.
Dhammaantood gees bay u wada leexdeen, oo way wada nijaasoobeen,
Mid wanaag falaa ma jiro, midnaba.
Xumaanfalayaasha oo dhammu miyaanay aqoon lahayn?
Iyagoo dadkayga cuna, siday kibista u cunaan,
Mana ay baryaan Rabbiga.
Halkaasay aad ugu cabsadeen,
Maxaa yeelay, Ilaah wuxuu la jiraa qarniga xaqa ah.
Idinku waxaad ceebaysaan talada miskiinka,
Laakiin Rabbigu waa magangalkiisa.
Badbaadada reer binu Israa'iil bal may Siyoon ka timaado!
Marka Rabbigu dadkiisa maxaabiisnimada ka soo celiyo,
Ayaa reer Yacquub rayrayn doonaa, oo reer binu Israa'iilna farxi doonaa.

Samuu'eel Labaad 10:6-12

Oo reer Cammoonna markay ogaadeen inay Daa'uud isnacsiiyeen ayay u cid direen oo ka soo kiraysteen reer Suuriyihii Beytrexob degganaa, iyo reer Suuriyihii Soobaah degganaa labaatan kun oo nin oo lug ah, iyo boqorkii Macakaah oo isna wata kun nin, iyo raggii reer Toob oo iyana ahaa laba iyo toban kun oo nin. Oo Daa'uudna markuu taas maqlay ayuu diray Yoo'aab, iyo ciidankii raggii xoogga lahaa oo dhan. Oo reer Cammoonna way soo baxeen, oo waxay dagaal isugu soo diyaariyeen iridda horteeda; oo reer Suuriyihii Soobaah ka yimid, iyo kuwii Rexob ka yimid, iyo raggii reer Toob iyo reer Macakaahna, duurkay keli ahaantood joogeen. Haddaba Yoo'aab markuu arkay in dagaal looga soo kacshay hore iyo dibba ayuu raggii reer binu Israa'iil ka xushay kuwii xuladka ahaa oo dhan, oo wuxuu u soo diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan. 10 Oo dadkii intiisii kalena wuxuu u dhiibay walaalkiis Abiishay, oo isna wuxuu u soo diyaariyey inay reer Cammoon la dagaallamaan. 11 Oo wuxuu yidhi, Haddii reer Suuriya iga xoog bataan, waa inaad i soo caawisaa, laakiinse haddii reer Cammoon kaa xoog bataan, markaasaan kuu iman doonaa oo waan ku soo caawin doonaa. 12 Haddaba si fiican u dhiirranow, oo aynu rag u ahaanno dadkeenna, iyo magaalooyinka Ilaaheen aawadood; oo Rabbiguna ha sameeyo wixii la wanaagsan.

Kolosay 3:12-17

12 Haddaba sidaas daraaddeed idinku sida kuwa Ilaah doortay oo quduuska ah oo la jecel yahay, huwada qalbi leh naxariis iyo roonaan iyo is-hoosaysiin iyo qaboobaan iyo dulqaadasho. 13 Midkiinba midka kale ha u dulqaato oo ha cafiyo, haddii mid ka cabanayo mid kale; xataa sida Rabbiguba idiin cafiyey, idinkuna sidaas oo kale yeela: 14 oo waxyaalahaas oo dhan waxaad ka dul huwataan jacayl, kaas oo ah xidhiidhka kaamilnimada. 15 Oo nabadda Masiixuna ha ku taliso qalbiyadiinna, taas oo laysugu kiin yeedhay isku jidh keliya; oo mahadnaqayaal ahaada. 16 Oo erayga Masiixu ha idiinku jiro si badan xagga xigmadda oo dhan, idinkoo wax isbaraya oo isku waaninaya sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo Ilaah ugu gabyaya nimcada qalbiyadiinna ku jirta. 17 Oo wax alla wixii aad ku samaysaan hadal ama shuqulba, magaca Rabbi Ciise ku wada sameeya oo Ilaaha Aabbaha ah ugu mahadnaqa isaga.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya