Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Kanu waa sabuur Daa'uud u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha.
139 Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay.
2 Waad og tahay fadhiisashadayda iyo sara kiciddaydaba,
Oo fikirkaygana meel fog baad ka garataa.
3 Socodkayga iyo seexashadaydaba waad baadhaa,
Oo jidadkayga oo dhanna waad wada taqaan.
4 Waayo, Rabbiyow, eray aanad aqoonu carrabkayga kuma jiro,
Laakiinse adigu waad wada og tahay.
5 Adigu hor iyo dibba waad iga xidhay,
Oo gacantaadaad i saartay.
6 Aqoontaas oo kale aad iyo aad bay iigu yaab badan tahay,
Waa wax sare, oo anigu ma aan gaadhi karo.
13 Waayo, kelyahayga adigaa sameeyey,
Oo adigaa igu daboolay maxalkii hooyaday.
14 Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waxaa la ii sameeyey si cabsi iyo yaab badan,
Shuqulladaadu waa yaab badan yihiin,
Oo naftayduna taas aad bay u taqaan.
15 Lafahaygu kaama qarsoonayn,
Markii laygu sameeyey qarsoodiga,
Oo farsamada yaabka leh laygu sameeyey dhulka meesha ugu hoosaysa.
16 Indhahaagu way i arkeen markaan uurjiifka ahaa,
Oo xubnahaygu kitaabkaagay ku wada qornaayeen,
Kuwaas oo maalin ka maalin la qabanqaabiyey
Intaan midkoodna jirin ka hor.
17 Ilaahow, fikirradaadu ila qiimo badanaa!
Oo tiro badanaa!
18 Haddaan tiriyo, way ka sii tiro badan yihiin ciidda,
Oo markaan tooso weli adigaan kula joogaa.
Tukashadii Xannaah
2 Markaasaa Xannaah tukatay oo waxay tidhi:
Qalbigaygu Ilaah buu ku faraxsan yahay,
Geeskaygana Rabbigu kor buu u qaaday.
Afkayguna wuxuu u faanaa cadaawayaashayda,
Maxaa yeelay, waxaan ku reyreeyaa badbaadintaada.
2 Mid quduus ahu sida Rabbiga ma jiro,
Waayo, adiga mooyee mid kale ma jiro,
Oo dhagax weyn oo Ilaahayaga la mid ahuna ma jiro.
3 Hadal dambe oo saas u kibir badan ha ku hadlina;
Afkiinna yaanu kibir ka soo bixin;
Waayo, Rabbigu waa Ilaah wax walba yaqaan,
Falimahana isagaa miisaama.
4 Raggii xoogga badnaa qaansooyinkoodii waa jajaban yihiin,
Oo kuwii kufkufayayna itaal bay guntan yihiin.
5 Kuwii dhergi jiray waxay naftooda u kiraysteen kibis aawadeed.
Kuwii gaajaysnaana way gaajo baxeen,
Oo madhashadiina waxay dhashay toddoba,
Oo tii carruur badan lahaydna way taag gabtay.
6 Rabbigu wax buu dilaa, wuuna soo nooleeyaa;
Qabriguu wax geliyaa, wuuna ka soo bixiyaa.
7 Rabbigu isagaa wax masaakiin ka dhiga, isagaana taajir ka dhiga.
Wuu hoosaysiiyaa, wuuna sarraysiiyaa haddana.
8 Oo miskiinka ciidduu ka kiciyaa,
Oo ka baahanna tuulmada digada ayuu kor uga qaadaa,
Si uu amiirrada ula fadhiisiyo,
Oo ay carshiga ammaanta u dhaxlaan;
Waayo, tiirarka dhulka Rabbigaa leh,
Oo dunidana iyaguu saaray.
9 Kuwiisa quduuska ah cagahooda isagaa dhawri doona,
Laakiinse kuwa sharka leh waxaa lagu aamusiin doonaa gudcur dhexdiis;
Waayo, ninna xoog kuma adkaan doono.
10 Kuwa Rabbiga la dirira waa la kala jejebin doonaa;
Oo iyaga samaduu kaga soo onkodi doonaa,
Rabbigu wuxuu xukumi doonaa darfaha dunida;
Oo wuxuu xoog u yeeli doonaa boqorkiisa,
Oo wuxuu sarraysiin doonaa geeska kiisa subkan.
19 Miyaan Muuse sharciga idin siin? Midkiinnana sharciga ma yeelo. Maxaad u doonaysaan inaad i dishaan? 20 Dadkii badnaa waxay ugu jawaabeen, Jinni baad qabtaa. Yaa doonaya inuu ku dilo? 21 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Shuqul keliya ayaan sameeyey, kulligiinna waad la yaabteen. 22 Sidaa aawadeed Muuse wuxuu idin siiyey gudniinta (kamana iman Muuse, waxayse ka timid awowayaashii); idinku sabtida ayaad nin guddaan. 23 Haddii sabtida nin la gudo, si aan sharciga Muuse u jabin, ma waxaad iigu cadhoonaysaan nin aan dhammaantiis sabtidii bogsiiyey? 24 Aragtida waxba ha ku xukumina, laakiin ku xukuma xukunka xaqa ah.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya