Revised Common Lectionary (Semicontinuous)
Dhimashadii Muuse
34 Markaasaa Muuse bannaankii Moo'aab ka tegey oo wuxuu aaday Buur Nebo, oo fuulay dhaladii Buur Fisgaah oo Yerixoo ka soo hor jeedda. Kolkaasaa Rabbigu isagii tusay dalkii Gilecaad oo dhan iyo tan iyo Daan, 2 iyo dalkii reer Naftaali oo dhan, iyo dalkii reer Efrayim iyo reer Manaseh, iyo dalkii reer Yahuudah oo dhan, tan iyo badda galbeed, 3 iyo xagga koonfureed, iyo bannaanka dooxada Yerixoo oo ah magaalada geedaha timireed, iyo tan iyo Socar. 4 Oo Rabbigu wuxuu isagii ku yidhi, Waa kaas dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub oo aan midkood kasta ku idhi, Dalkaas waxaan siinayaa farcankaaga. Haddaba waxaan ka dhigay inaad indhahaaga ku aragto, laakiinse xaggaas u gudbi maysid. 5 Sidaas daraaddeed Muuse oo ahaa addoonkii Rabbigu meeshaasoo ahayd dalkii reer Moo'aab ayuu ku dhintay, sida erayga Rabbigu ahaa. 6 Oo wuxuu isagii ku aasay dooxada ku taal dalka Moo'aab oo ka soo hor jeeda Beytfecoor, laakiinse ilaa maantadan la joogo ma jiro nin qabrigiisii yaqaan. 7 Oo Muuse markuu dhintay wuxuu jiray boqol iyo labaatan sannadood, oo haddana indhihiisu ma aragdarnaan, xooggiisiina kama yaraan. 8 Oo reer binu Israa'iilna soddon maalmood ayay Muuse ugu ooyayeen bannaankii Moo'aab, haddaba maalmihii loo barooranayay Muuse way dhammaadeen. 9 Oo Yashuuca ina Nuunna waxaa ka buuxay ruuxa xigmadda, maxaa yeelay, Muusaa gacmihiisa mar hore saaray, oo reer binu Israa'iil isagii way maqleen, oo sidii Rabbigu Muuse ku amray ayay sameeyeen. 10 Oo tan iyo waagaasna reer binu Israa'iil kama dhex kicin nebi Muuse la mid ah oo Rabbigu fool ka fool u yaqaan. 11 Oo ma jirin mid sameeyey calaamooyinkii iyo yaababkii uu Rabbigu isaga dalkii Masar ugu diray inuu ku sameeyo Fircoon, iyo addoommadiisii oo dhan, iyo dalkiisii oo dhan, 12 waxyaalahaasoo uu Muuse gacantii xoogga badnayd oo dhan iyo cabsidii weynayd oo dhan kaga sameeyey reer binu Israa'iil oo dhan hortooda.
Kitaabka Afraad
Sabuurrada 90-106
Kanu waa baryootankii Muuse oo ahaa ninkii Ilaah.
90 Rabbiyow, tan iyo ka ab ka ab
Adigu waxaad noo ahayd meesha aannu degganaanno.
2 Intaan buuruhu dhalan ka hor,
Iyo intaanad samayn dhulka iyo dunida,
Iyo xataa weligeed iyo weligeedba adigu waxaad tahay Ilaah.
3 Dadka waxaad ku soo celisaa baabba',
Oo waxaad ku tidhaahdaa, Noqda, binu-aadmigow.
4 Waayo, kun sannadood waxay hortaada ku yihiin
Sida shalay oo kale markay dhammaadaan.
Oo waxay la mid yihiin sida wakhti la soo jeedo oo habeennimo.
5 Waxaad iyaga u qaaddaa sida daadku wax u qaado, oo iyagu waxa weeye sida hurdo oo kale,
Oo subaxdana waxay u baxaan sida doog oo kale.
6 Subaxda way cagaaraan, wayna soo baxaan,
Oo fiidkana waa la jaraa, wayna engegaan.
13 Rabbiyow, soo noqo, ilaa goormaad soo noqonaysaa?
Oo raalli ka ahow addoommadaada.
14 Aroorta naxariistaada naga dhergi,
Si aannu u rayrayno oo aannu u faraxsanaano maalmaha cimrigayaga oo dhan.
15 Nooga farxi intii ay ahaayeen maalmihii aad na dhibtay,
Iyo sannadihii aan sharka aragnay in le'eg.
16 Shuqulkaagu ha u muuqdo addoommadaada,
Ammaantaaduna carruurtooda.
17 Oo Rabbiga Ilaahayaga ah nicmadiisu ha na dul joogto,
Oo korkayaga ku adkee shuqulka gacmahayaga,
Haah, shuqulka gacmahayaga adkee.
Bawlos Wuxuu Daafacay Shuqulkii Loo Soo Diray
2 Waayo, walaalayaalow, waxaad og tihiin imaatinkayagii aannu idiin nimid inuusan noqon mid aan waxtar lahayn. 2 Laakiinse annagoo awil aad ugu xanuunsannay oo lanagu ceebeeyey Filiboy, sidaad og tihiin, waxaannu ku dhiirranaannay Ilaaheenna inaannu injiilka Ilaah idiin sheegno annagoo dhib badan ku jirna. 3 Waayo, waanadayadu kama iman qalad ama wasakh ama khiyaano, 4 laakiinse siduu Ilaah noogu bogay inuu nagu ammaaneeyo injiilka, sidaasaannu u hadalnaa, mana aha inaannu dadka ka farxinno, laakiinse inaannu ka farxinno Ilaaha qalbigayaga imtixaama. 5 Sidaad og tihiin, marnaba kuma aannu isticmaalin hadal sasabasho ah ama damacnimo qarsoon, oo taas Ilaah baa marag ka ah. 6 Dadka xaggiisana ammaan kama aannu doondoonin, ama xaggiinna ha noqoto, ama xagga dad kale, in kastoo aan culaab idinku noqon kari lahayn, annagoo ah rasuulladii Masiixa. 7 Laakiin dhexdiinna waxaannu idiinku roonayn sida mid carruurteeda nuujisa ay iyaga u dhaqaalayso. 8 Sidaas daraaddeed, annagoo aad idiin jecel, ayaannu ku faraxnay inaannu wax idin siinno, mana aha injiilka Ilaah oo keliya, laakiinse xataa naftayada, maxaa yeelay, waxaad noo noqoteen kuwo aan jecel nahay.
Qaynuunka Ugu Weyn(A)
34 Laakiin Farrisiintii goortay maqleen inuu Sadukiintii aamusiiyey ayay isu yimaadeen. 35 Oo midkood oo sharciga yaqaan ayaa wax weyddiiyey, isagoo jirrabaya, oo wuxuu ku yidhi, 36 Macallimow, qaynuunkee baa sharciga uga weyn? 37 Kolkaasuu ku yidhi isaga, Waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka jeclaataa qalbigaaga oo dhan iyo naftaada oo dhan iyo caqligaaga oo dhan. 38 Kanu waa qaynuunka ugu weyn oo ugu horreeya. 39 Ku labaad oo u ekina waa kan. Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida naftaada. 40 Sharcigii oo dhan iyo nebiyadiiba waxay sudhan yihiin labadan qaynuun.
Wax Masiixa Ku Saabsan(B)
41 Kolkii Farrisiintii isu yimaadeen ayaa Ciise wax weyddiiyey, 42 oo wuxuu ku yidhi, Yuu idinla yahay Masiixu? Waa ina ayo? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Waa ina Daa'uud. 43 Wuxuu ku yidhi, Haddaba Daa'uud sidee buu Ruuxa ugaga yeedhay Rabbi? isagoo leh,
44 Rabbigu wuxuu Sayidkayga ku yidhi,
Midigtayda fadhiiso,
Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo.
45 Haddaba Daa'uud hadduu ugu yeedhay isaga Sayid, sidee buu wiilkiisa u yahay? 46 Ninna hadal uguma jawaabi karin, oo maalintaas dabadeed ninna kuma dhicin inuu mar dambe wax weyddiiyo.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya