Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Semicontinuous)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with sequential stories told across multiple weeks.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 119:49-56

SAYN.

49 Xusuuso eraygii aad anoo addoonkaaga ah igula hadashay,
Oo aad igu rajo gelisay.
50 Oo taasu waa i qalbi qaboojisaa markii aan dhibaataysnahay,
Waayo, eraygaagaa i soo nooleeyey.
51 Kuwa kibirsan aad bay iigu qosleen,
Laakiinse sharcigaaga kama aan leexan.
52 Rabbiyow, tan iyo mar hore waxaan soo xusuusnaa xukummadaada,
Waanan isqalbi qaboojiyey.
53 Aad baan u xanaaqay,
Waana kuwa sharka leh oo sharcigaaga ka tegey aawadood.
54 Qaynuunnadaadu waxay ii ahaayeen heeso
Markaan ku jiray gurigii aan socotada ku ahaa.
55 Rabbiyow, habeenkaan magacaaga soo xusuustay,
Oo sharcigaagaan dhawray.
56 Taasu waa ii ahaatay,
Maxaa yeelay, amarradaadii baan xajiyey.

Sharciga Kunoqoshadiisa 6:10-25

10 Oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu idin geeyo dalkii uu ugu dhaartay inuu siiyo awowayaashiin oo ahaa Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub, oo uu idin siiyo magaalooyin waaweyn oo wanwanaagsan oo aydaan dhisan, 11 iyo guryo waxyaalo wanwanaagsanu ay ka buuxaan oo aydaan buuxin, iyo ceelal qodan oo aydaan qodan, iyo beero canab ah iyo geedo saytuun ah oo aydaan beeran, oo intaad wax ka cuntaan aad dheregtaan, 12 de markaas iska jira oo ha illoobina Rabbigii idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga. 13 Oo waa inaad Rabbiga Ilaahaaga ah ka cabsataa, oo u adeegtaa oo magiciisa ku dhaarataa. 14 Oo idinku waa inaydaan daba gelin ilaahyo kale oo ah ilaahyada dadyowga hareerihiinna ku wareegsan, 15 maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ah oo dhexdiinna joogaa waa Ilaah masayr[a] ah, waaba intaasoo Rabbiga Ilaahiinna ahu intuu aad idiinku cadhoodo uu dhulka idinka wada baabbi'iyaa.

16 Waa inaydaan Rabbiga Ilaahiinna ah u jirrabin sidaad Masaah ugu jirrabteen oo kale. 17 Oo waa inaad aad u xajisaan Rabbiga Ilaahiinna ah amarradiisa iyo markhaatifurkiisa iyo qaynuunnadiisa uu idinku amray. 18 Waa inaad samaysaan wixii Rabbiga hortiisa ku qumman oo ku wanaagsan inaad nabdoonaataan oo aad intaad gashaan hantidaan dalka wanaagsan oo Rabbigu ugu dhaartay awowayaashiin, 19 oo aad cadaawayaashiinna oo dhan hortiinna ka eridaan sidii Rabbigu idiin sheegay.

20 Wakhtiga iman doona markii wiilkaagu wax ku weyddiiyo oo kugu yidhaahdo, Markhaatifurka iyo qaynuunnada iyo xukummada uu Rabbiga Ilaaheenna ahu idinku amray micnahoodu waa maxay? 21 Markaas waxaad wiilkaaga ku tidhaahdaa, Annagu Fircoon baannu addoommo ugu ahaan jirnay dalka Masar, markaasaa Rabbigu Masar nagaga soo bixiyey gacan xoog badan, 22 oo Rabbigu annagoo u jeedna ayuu Masar iyo Fircoon iyo reerkiisii oo dhan ku sameeyey calaamooyin iyo yaabab waaweyn oo adadag. 23 Oo halkaas wuu naga soo bixiyey inuu na keeno oo na siiyo dalkii uu ugu dhaartay awowayaasheen. 24 Oo Rabbigu waa nagu amray inaannu samayno qaynuunnadan oo dhan oo aannu wanaaggayaga aawadiis weligayo uga cabsanno Rabbiga Ilaahayaga ah, inuu nolosha noogu daayo siday maanta tahay. 25 Oo waxay inoo ahaanaysaa xaqnimo haddaynu dhawrno oo aynu amarkan oo dhan ku samayno Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa, siduu inoogu amray.

Yooxanaa 11:45-57

Wadaaddadii Sare Shirqool Bay Ciise U Dhigeen(A)

45 Sidaa aawadeed qaar badan oo Yuhuuddii ah oo Maryan u yimid oo arkay wuxuu sameeyey ayaa rumaystay. 46 Qaarkoodse way u tageen Farrisiintii, oo waxay u sheegeen wuxuu Ciise sameeyey.

47 Sidaa aawadeed wadaaddadii sare iyo Farrisiintii shir bay isugu yimaadeen oo yidhaahdeen, Maxaynu samaynaa? Waayo, ninkanu calaamooyin badan buu sameeyeye. 48 Haddaynu sidaa u dayno, dhammaan way rumaysan doonaan isaga, oo dadka Roomana way iman doonaan, oo waxay qaadan doonaan meesheenna iyo quruunteenna. 49 Midkood Kayafas la odhan jiray, oo wadaadka sare ahaa sannaddaas, wuxuu iyagii ku yidhi, Waxba garan maysaan, 50 oo ka fiirsan maysaan inay idiin roon tahay in nin keli ahu dadka u dhinto oo aan quruunta oo dhammu lumin. 51 Waxaas iskama odhan, laakiin isagoo ah wadaadka sare sannaddaas, wuxuu sii sheegay in Ciise quruunta u dhiman doono, 52 quruuntii oo keliya uma aha, laakiin inuu mid keliya isugu soo ururiyo carruurtii Ilaah oo kala firidhsan. 53 Haddaba maalintaas wixii ka dambeeyey waxay ku tashadeen inay dilaan.

54 Sidaa daraaddeed mar dambe Ciise bayaan uma dhex marin Yuhuudda, wuuse ka tegey meeshaas, ilaa meel u dhowayd cidlada, ilaa magaalo la yidhaahdo Efrayim, halkaasuuna xertii la joogay. 55 Hadda Iidda Yuhuudda ee Kormaridda la yidhaahdaa waa dhowayd, kuwa badanna waxay u kaceen Yeruusaalem iyagoo dalka ka yimid Iiddii Kormaridda horteed inay isdaahiriyaan. 56 Sidaa daraaddeed ayay Ciise doondooneen, oo waxay isku yidhaahdeen, iyagoo macbudka dhex taagan, Maxay idinla tahay? Ma inuusan iidda imanaynin baa? 57 Wadaaddadii sare iyo Farrisiintii waxay amar ku bixiyeen, Hadduu qof ogaado meeshuu joogo waa inuu sheego, ha la qabtee.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya