Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 80:1-7

Kanu waa sabuur Aasaaf u tiriyey madaxdii muusikaystayaasha, oo waxaa lagu luuqeeyaa Shoshanniim Ceduud.

80 Na maqal, Adhijirka reer binu Israa'iil jirow,
Kaaga reer Yuusuf sida adhi u hor kacow,
Kaaga Keruubiimta ku dul fadhiyow, soo iftiin.
Reer Efrayim iyo reer Benyaamiin iyo reer Manaseh hortooda xooggaaga ku kici,
Oo kaalay oo na badbaadi.
Ilaahow, mar kale na soo celi,
Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
Rabbiyow Ilaaha ciidammadow,
Ilaa goormaad u cadhaysnaan doontaa baryootanka dadkaaga?
Waxaad ku quudisay kibistii ilmada,
Oo ilmo aad u badanna ayaad cabsiisay.
Waxaad nala dirirsiisay derisyadayada,
Oo cadaawayaashayadiina way nagu qoslaan.
Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi,
Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.

Ishacyaah 66:7-11

Intii ayan foolan ayay dhashay, oo intii ayan xanuunsan ayay wiil umushay. Bal yaa waxaas oo kale maqlay? Yaase waxaas oo kale arkay? Dal miyuu maalin qudha dhashaa? Quruunse miyey haddiiba dhalataa? Waayo, Siyoon mar alla markay foolatay ayay haddiiba carruurteedii dhashay. Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigoo foosha keena miyaanan dhalin doonin? Ilaahaagu wuxuu leeyahay, Anigoo wax dhaliya, miyaan maxalka awdi doonaa?

10 Kuwiinna iyada jecel oo dhammow, Yeruusaalem la reyreeya, oo aawadeed u faraxsanaada, kuwiinna u baroorta oo dhammow, farxad aawadeed ula reyreeya, 11 si aad naaseheeda gargaarka ah u nuugtaan oo aad uga dheregtaan, iyo si aad sharafteeda badan uga maashaan oo aad ugu faraxdaan.

Luukos 13:31-35

Herodos Cadownimadiisii

31 Markaas qudhiisa ayaa waxaa yimid qaar Farrisiin ah iyagoo ku leh, Bax oo ka tag meeshan, waayo, Herodos ayaa doonaya inuu ku dilo. 32 Wuxuu iyaga ku yidhi, Idinku u taga oo dawacaas u sheega, Bal eeg, maanta iyo berriba ayaan jinniyo saarayaa oo dad bogsiinayaa, maalinta saddexaadna ayaan kaamilmayaa. 33 Laakiin waa inaan socdo maanta iyo berri iyo maalinta ku xigtaba, waayo, ma noqon karto nebi inuu ku dhinto Yeruusaalem dibaddeeda.

Ciise Waa U Ooyay Yeruusaalem(A)

34 Yeruusaalemay, Yeruusaalemay, tan nebiyada dishoy, oo kuwa loo soo diray dhagxisoy! Intee baan marar badan jeclaaday inaan carruurtaada u soo ururiyo xataa sida dooradu carruurteeda baalasheeda hoostooda ugu ururiso, laakiin idinku ma aydnaan jeclayn. 35 Ogaada, gurigiinnii waa laydiin daayay, isagoo cidla ah. Waxaan idinku leeyahay, Ima arki doontaan ilaa aad tidhaahdaan, Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya