Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 126

Gabayga meelokoridda.

126 Markii Rabbigu soo celiyey maxaabiistii Siyoon,
Waxaynu noqonnay sida kuwa riyooda.
Markaasaa afkeenna waxaa ka buuxsamay qosol,
Carrabkeennana gabay,
Kolkaasaa quruumaha waxaa laga dhex yidhi,
Rabbigu waxyaalo waaweyn ayuu iyaga u sameeyey.
Rabbigu wuxuu inoo sameeyey waxyaalo waaweyn,
Oo aynu ku faraxsan nahay.
Rabbiyow, maxaabiisnimada mar kale nooga soo celi
Sida durdurrada koonfureed.
Kuwa ilmada wax ku abuurtaa, farxad bay ku goosan doonaan.
Kii iska taga isagoo ooyaya oo abuurkiisa sita,
Wuxuu soo noqon doonaa isagoo faraxsan oo xidhmooyinkiisa sita.

Ishacyaah 35:3-7

Gacmaha taagta daran xoogeeya, oo jilbaha tabarta yarna adkeeya. Kuwa qalbigoodu cabsanayo waxaad ku tidhaahdaan, Xoog yeesha oo ha cabsanina, waayo, Ilaahiinnu wuxuu la iman doonaa aarsasho iyo abaalmarintii Ilaah, wuu iman doonaa, wuuna idin badbaadin doonaa. Oo markaasaa kuwa indhaha la' indhahoodu furmi doonaan, oo kuwa dhegaha la' dhegahooda furka laga bixin doonaa. Oo markaasaa ninkii curyaan ahu wuxuu u boodboodi doonaa sida deerada oo kale, oo kii carrab la' carrabkiisuna wuu gabyi doonaa, waayo, cidlada biyaa ka soo burqan doona, oo lamadegaankana durdurraa ka soo bixi doona. Oo dhulkii engegay wuxuu noqon doonaa balli, oo dalkii oommanaha ahaana wuxuu noqon doonaa ilo biyo ah, oo rugtii dawacooyinku jiifsan jireenna waxaa ka soo bixi doona caws iyo gobays iyo dareemo.

Luukos 7:18-30

Yooxanaa Baabtiisaha(A)

18 Yooxanaa xertiisa ayaa waxaas oo dhan uga warrantay. 19 Markaasaa Yooxanaa wuxuu u yeedhay laba xertiisii ah oo Ciise u soo diray, oo ku yidhi, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kalaannu dhawrnaa? 20 Nimankii goortay u yimaadeen, waxay ku yidhaahdeen, Yooxanaa Baabtiisaha ayaa noo soo kaa diray isagoo leh, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kalaannu dhawrnaa? 21 Saacaddaas qudheeda ayuu dad badan ka bogsiiyey bukaankooda iyo cudurradooda iyo jinniyadooda sharka leh. Indhoolayaal badanna wuxuu ugu roonaaday inay wax arkaan. 22 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen. Kuwii indhaha la'aa wax bay arkaan, kuwii lugahala'aana way socdaan, kuwii baraska qabayna waa la nadiifiyey, kuwii dhegahala'aana wax bay maqlaan, kuwii dhintayna waa la kiciyey, masaakiintana injiilka waa lagu wacdiyaa, 23 oo waxaana barakaysan kan aan iga xumaanin.

24 Kuwii Yooxanaa diray goortay tageen, wuxuu bilaabay inuu dadkii badnaa wax uga sheego Yooxanaa. Maxaad cidlada ugu baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan cawsduur dabaylu ruxayso? 25 Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan nin dhar jilicsan qaba? Kuwa dharka wanaagsan qaba oo hodan ku nool waxay joogaan guryaha boqorrada. 26 Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad nebi soo aragtaan? Haah, waxaan idinku leeyahay, Mid nebi ka sarreeya. 27 Kanu waa kii laga qoray,

Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga,
Kan jidkaaga ku sii diyaargarayn doona hortaada.

28 Waxaan idinku leeyahay, Intii dumar ka dhalatay, mid Yooxanaa ka weyn ma jiro, laakiin kan boqortooyada Ilaah ugu yar ayaa ka weyn. 29 Dadkii maqlay oo dhan iyo cashuurqaadayaashiiba waxay caddeeyeen inuu Ilaah yahay xaq, iyagoo ah kuwii lagu baabtiisay baabtiiskii Yooxanaa. 30 Laakiin Farrisiintii iyo kuwii sharciga yiqiin ayaa waanadii Ilaah naftooda darteed u diiday iyagoo aan Yooxanaa baabtiisin.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya