Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 34:9-14

Kuwiinna quduusiintiisa ahow; Rabbiga ka cabsada,
Waayo, kuwa isaga ka cabsadaa waxba uma baahna.
10 Aaranka libaaxa wax baa ka dhimman, wayna gaajoodaan,
Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax wanaagsan uma baahnaan doonaan.
11 Carruurtoy, kaalaya oo i dhegaysta,
Oo anna waxaan idin bari doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa.
12 Bal waa ayo ninka nolol jecel,
Oo cimriga dheer doonayaa,
Si uu wanaag u arko?
13 Carrabkaaga shar ka jooji,
Bushimahaagana inay khiyaano ku hadlaan ka ilaali.
14 Shar ka leexo, oo wanaag samee,
Nabad doondoon, oo raacdayso iyada.

Ayuub 13:1-19

13 Bal eega, waxan oo dhan ishaydu waa aragtay,
Dhegtayduna waa maqashay oo way garatay.
Wixii aad taqaaniin, anna waan aqaan sidoo kale,
Anigu idinkama liito innaba.
Sida xaqiiqada ah waxaan doonayaa inaan Ilaaha Qaadirka ah la hadlo,
Oo waxaan jeclahay inaan Ilaah la xaajoodo.
Laakiinse idinku waxaad tihiin kuwa beenta hindisa,
Oo dhammaantiin waxaad tihiin dhakhtarro aan waxtar lahayn.
Bal maad iska aamustaan!
Taasu xigmad bay idiin ahaan lahayd.
Haddaba bal xaajadayda maqla,
Oo baryootanka bushimahayga dhegaysta.
War ma Ilaah aawadiis baad xaqdarro wax ugu odhanaysaan,
Oo ma isaga aawadiis baad khiyaano ugu hadlaysaan?
War ma isagaad u eexanaysaan?
Oo ma Ilaah aawadiis baad u diriraysaan?
War miyey idiin wanaagsan tahay inuu idin baadho?
Mase sida nin loo khiyaaneeyo ayaad isaga u khiyaanaynaysaan?
10 Sida xaqiiqada ah haddaad qarsoodi dadka ugu kala eexatan
Isagu wuu idin canaanan doonaa.
11 War sow sarraysnaantiisu idin cabsiin mayso?
Oo sow baqdintiisu idinku dhici mayso?
12 Hadalkiinna xusuusta lahu waa maahmaahyo dambas ah,
Oo dhufaysyadiinnuna waa dhufaysyo dhoobo ah.
13 Haddaba iska aamusa, oo iska kay daaya aan iska hadlee,
Oo wixii dhici lahaaba ha igu dheceen.
14 Haddaba hilibkayga ayaan ilkahayga ku qaadayaa,
Oo noloshaydana gacantaydaan ku ridayaa.
15 Oo in kastoo uu i dilo, weli waan rajaynayaa,
Habase yeeshee hortiisaan kula xaajoonayaa.
16 Oo weliba kaasu wuxuu ahaan doonaa badbaadadayda,
Waayo, nin aan cibaado lahaynu hortiisa iman maayo.
17 Hadalkayga aad u dhegaysta,
Oo warramiddaydu dhegihiinna ha gasho.
18 Bal eega, hadda xaalkayga waan soo hagaajiyey,
Oo waan ogahay in xaq layga dhigayo.
19 Bal yuu yahay kan ila doodayaa?
Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa.

Yooxanaa 4:7-26

Markaasaa waxaa timid naag reer Samaariya ah inay biyo dhaansato. Kolkaasaa Ciise wuxuu ku yidhi iyada, I waraabi. Maxaa yeelay, xertiisii magaaladay ku maqnaayeen inay cunto soo iibsadaan. Naagtii reer Samaariya ahayd waxay haddaba ku tidhi isaga, Sidee baad, adigoo Yuhuudi ah, biyo ii weyddiisanaysaa, anigoo naag reer Samaariya ah? (Waayo, dan iskuma leh Yuhuudda iyo reer Samaariya.) 10 Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Haddaad garanaysid hadiyaddii Ilaah iyo kuu yahay kan kugu leh, I waraabi, adigu waad weyddiisan lahayd isaga, oo wuxuu ku siin lahaa biyaha nool. 11 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waxaad biyo ku dhaansato ma haysatid, ceelkuna wuu dheer yahay. Haddaba xaggee baad ka helaysaa biyaha nool? 12 Miyaad ka weyn tahay awowahayagii Yacquub oo ceelka na siiyey oo isaga qudhiisu ka cabbay iyo wiilashiisii iyo xoolihiisuba? 13 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi iyada, Kii kasta oo biyahan ka cabbaa, mar kale wuu harraadi doonaa, 14 laakiin ku alla kii ka cabba biyahaan siin doono, weligiis ma harraadi doono, laakiin biyahaan siin doono waxay gudihiisa ku noqon doonaan il biyo ka duulayaan tan iyo nolosha weligeed ah. 15 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, biyahan i sii inaanan haddana harraadin oo aanan halkan iman inaan ka dhaansado. 16 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Tag oo ninkaagii u soo yeedh, oo halkan kaalay. 17 Naagtii ayaa u jawaabtay oo ku tidhi, Nin ma lihi. Ciise wuxuu ku yidhi, Run baad ku hadashay, Nin ma lihi. 18 Waayo, shan nin baad lahayd, kan aad haddeer haysatidna ninkaagii ma aha. Taas run baad ku sheegtay. 19 Naagtii waxay ku tidhi, Sayidow, waan gartay inaad nebi tahay. 20 Awowayaashayo buurtan ayay ku caabudi jireen, idinkuse waxaad tidhaahdaan, Yeruusaalem waa meeshii la leeyahay in lagu caabudo. 21 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Naag yahay, i rumee, saacaddu waa imanaysaa markii aydnaan Aabbaha ku caabudi doonin ama buurtan ama Yeruusaalem midnaba. 22 Idinku waxaad caabuddaan waxaydnaan oqoon, annaguse waxaannu caabudnaa waxaannu naqaan, waayo, badbaadintu waxay ka timaadaa Yuhuudda. 23 Laakiin saacaddii baa imanaysa, waana joogtaa imminkada, markii caabudayaasha runta ihi ay Aabbaha ku caabudi doonaan ruuxa iyo runta, waayo, Aabbuhu wuxuu doonayaa caabudayaashaas oo kale. 24 Ilaah waa Ruux, kuwa caabudaa isagana waa inay ku caabudaan ruuxa iyo runta. 25 Naagtii waxay ku tidhi, Waa ogahay Masiixu inuu imanayo (kan Kiristoos la yidhaahdo); oo markuu yimaado, wax walba ayuu noo sheegi doonaa. 26 Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Anigoo kula hadlaya ayaa ah isaga.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya