Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 34:9-14

Kuwiinna quduusiintiisa ahow; Rabbiga ka cabsada,
Waayo, kuwa isaga ka cabsadaa waxba uma baahna.
10 Aaranka libaaxa wax baa ka dhimman, wayna gaajoodaan,
Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax wanaagsan uma baahnaan doonaan.
11 Carruurtoy, kaalaya oo i dhegaysta,
Oo anna waxaan idin bari doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa.
12 Bal waa ayo ninka nolol jecel,
Oo cimriga dheer doonayaa,
Si uu wanaag u arko?
13 Carrabkaaga shar ka jooji,
Bushimahaagana inay khiyaano ku hadlaan ka ilaali.
14 Shar ka leexo, oo wanaag samee,
Nabad doondoon, oo raacdayso iyada.

Ayuub 12

Ayuub

12 Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,

Shakila'aan waxaad tihiin dadkii,
Oo xigmad baa idinla dhiman doonta.
Laakiinse aniguba waxgarasho baan leeyahay sidiinna oo kale,
Oo weliba idinkama aan liito.
Bal waxyaalahan oo kale kan aan garanaynu waa ayo?
Waxaan la mid ahay sida mid saaxiibkiisu ku maadaysto,
Anoo Ilaah baryay oo isna uu ii jawaabay,
Ninkii xaq ah oo qumman waa lagu maadaystaa.
Kii istareexsan fikirkiisu waa yaraystaa nasiibdarrada,
Laakiinse diyaar bay u tahay kuwa cagtoodu simbiriirixato.
Kuwa wax dhaca teendhooyinkoodu way barwaaqoobaan,
Oo kuwa Ilaah ka cadhaysiiyaana ammaan bay ku joogaan,
Oo Ilaahna gacmahooduu wax kasta uga buuxshaa.
Laakiinse haatan bal xayawaanka wax weyddii, oo iyana wax bay ku bari doonaan,
Iyo haadka hawada, oo iyana wax bay kuu sheegi doonaan,
Amase bal dhulka la hadal, oo isna wax buu ku bari doonaa,
Oo kalluunka badduna wax buu kuu sheegi doonaa.
Bal yuu yahay kan aan waxyaalahan oo dhan ka garanayn
Inay gacanta Rabbigu waxan samaysay?
10 Kaasoo gacantiisa ku haya nafta wax kasta oo nool
Iyo neefta binu-aadmiga oo dhan.
11 War sow dhegtu erayada ma kala soocdo,
Sida dhanxanagguba cuntadiisa u dhadhamiyo?
12 Odayaashu waxay leeyihiin xigmad,
Oo cimriga dheerna waxaa laga helaa waxgarasho.
13 Isagu wuxuu leeyahay xigmad iyo xoog,
Oo wuxuu leeyahay talo iyo waxgarasho.
14 Bal eeg, isagu wax buu dumiyaa,
Oo wuxuu dumiyana mar dambe lama dhisi karo,
Nin buu xidhaa oo wax furi kara lama arko.
15 Biyuhuu celiyaa, oo way iska gudhaan,
Oo haddana wuu soo daayaa, markaasay dhulka qarqiyaan.
16 Xoog iyo xigmaduba isagay la jiraan,
Oo kan la khiyaaneeyey iyo kan wax khiyaaneeyaba isagaa iska leh.
17 Taliyayaasha wuxuu u kaxaystaa sida booli la dhacay,
Xaakinnadana nacasyo buu ka dhigaa.
18 Wuxuu furaa boqorrada xidhan,
Oo dhex-xidh buuna u xidhaa.
19 Wadaaddadana sida booli la dhacay buu u kaxaystaa,
Oo kuwa xoogga badanna wuu afgembiyaa.
20 Kuwa la aaminayna wuu hadal beeliyaa,
Oo odayaashana waxgarashaduu ka qaadaa.
21 Amiirrada wuxuu ku shubaa quudhsasho,
Kuwa xoogga badanna suunkooduu debciyaa.
22 Wuxuu gudcurka ka soo saaraa waxyaalo mool dheer,
Oo hooska dhimashadana iftiinkuu u soo bixiyaa.
23 Quruumaha wuu badiyaa, oo haddana wuu wada baabbi'iyaa,
Oo quruumaha wuu ballaadhiyaa, oo haddana wuu kexeeyaa,
24 Wuxuu caqliga ka qaadaa madaxda dadyowga dhulka,
Oo wuxuu iyaga ku warwareejiyaa meel cidla ah oo aan jid lahayn.
25 Waxay wax ka haabhaabtaan gudcurka iyagoo aan iftiin lahayn,
Oo wuxuu iyaga ka dhigaa inay u dhacdhacaan sida nin sakhraan ah.

Rooma 16:17-20

17 Haddaba walaalayaalow, waxaan idinka baryayaa inaad fiiro u lahaataan kuwa kicinaya iskala qaybinta iyo xumaatooyinka oo ka geesta ah cilmiga aad barateen, kana leexda iyaga. 18 Kuwa caynkaas ahu Rabbigeenna Masiix uma adeegaan, laakiinse waxay u adeegaan calooshooda; hadalkooda macaan oo wanaagsan bay ku khiyaaneeyaan qalbiyada jaahiliinta. 19 Warkii addeeciddiinnu wuxuu gaadhay dadka oo dhan. Sidaas daraaddeed aad baan idiinku faraxsanahay, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaad garaad u lahaataan waxa wanaagsan, oo aad ka eedla'aataan waxa sharka ah. 20 Oo Ilaaha nabaddu Shayddaan buu haddiiba cagihiinna hoostooda ku burburin doonaa.

Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya