Print Page Options
Previous Prev Day Next DayNext

Revised Common Lectionary (Complementary)

Daily Bible readings that follow the church liturgical year, with thematically matched Old and New Testament readings.
Duration: 1245 days
Somali Bible (SOM)
Version
Sabuurradii 23

Kanu waa sabuur Daa'uud tiriyey.

23 Rabbigu waa adhijirka i jira; waxba u baahan maayo.
Wuxuu i fadhiisiyaa doog qoyan dhexdiis,
Oo wuxuu ii hoggaamiyaa biyaha deggan dhinacooda.
Naftayda wuu soo celiyaa.
Oo magiciisa aawadiis wuxuu igu hor kacaa waddooyinka xaqnimada.
In kastoo aan ku dhex socdo dooxada hooska dhimashada,
Sharna ka baqi maayo, waayo, waad ila jirtaa,
Ushaada iyo hangoolkaaga ayaa ii raaxeeya.
Cadaawayaashayda hortooda waxaad iigu diyaarisaa miis,
Oo saliid baad madaxayga ku subagtaa, koobkayguna waa buuxdhaafaa.
Hubaal cimrigayga oo dhan waxaa i raaci doona wanaag iyo naxariis,
Oo weligay guriga Rabbiga ayaan degganaan doonaa.

Bilowgii 46:28-47:6

28 Markaasuu wuxuu iska hor mariyey Yahuudah inuu Yuusuf u tago, si uu u tuso jidka loo maro Goshen; oo waxay yimaadeen dalkii Goshen. 29 Yuusufna wuxuu diyaarsaday gaadhifaraskiisii, oo aabbihiis Israa'iil ayuu kaga hor tegey Goshen; oo markuu isagii arkay ayuu qoortiisii dhab yidhi, qoortiisana wuxuu ku dul ooyay wakhti dheer. 30 Israa'iilna wuxuu Yuusuf ku yidhi, Haddaba aan iska dhinto, mar haddaan arkay wejigaaga, oo aad weli nooshahay. 31 Yuusufna wuxuu walaalihiis iyo reerkii aabbihiis ku yidhi, Waan tegi, oo Fircoon baan u sheegi, oo waxaan ku odhan, Walaalahay iyo reerkii aabbahay oo joogi jiray dalka Kancaan ayaa ii yimid. 32 Nimankaasuna waa adhijirro, waayo, waxay ahaan jireen lo'ley; waxayna la yimaadeen adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haysteen oo dhan. 33 Markii Fircoon idiin yeedho, oo idinku yidhaahdo, Shuqulkiinnu waa maxay? 34 waxaad ku tidhaahdaan, Annagoo addoommadaada ah waxaannu tan iyo yaraantayadii ahaan jirnay lo'ley, annaga iyo awowayaashayoba; si aad u degtaan dalka Goshen; waayo, adhijir waluba waa u karaahiyo Masriyiinta.

47 Markaasaa Yuusuf gudaha galay oo uu Fircoon u warramay, wuxuuna ku yidhi, Aabbahay iyo walaalahay, iyo adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haystaan oo dhammu way ka yimaadeen dalkii Kancaan, oo bal eeg, haatan waxay joogaan dalka Goshen. Oo walaalihiisna wuxuu ka kaxeeyey shan nin, oo wuxuu hor taagay Fircoon. Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf walaalihiis ku yidhi, Shuqulkiinnu waa maxay? Markaasay waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Annagoo addoommadaada ah waxaannu nahay adhijirro, annaga iyo awowayaashayoba. Oo waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Inaannu qariib ahaan dhulka u joogno ayaannu u nimid, waayo, adhiga addoommadaadu daaq ma haysto, maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xun tahay dalkii Kancaan; haddaba waxaannu kaa baryaynaa inaannu annagoo addoommadaada ah degno dalka Goshen. Markaasaa Fircoon la hadlay Yuusuf, oo wuxuu ku yidhi, Aabbahaa iyo walaalahaa aday kuu yimaadeen. Dalka Masarna wuu ku hor yaal; haddaba dalka meesha ugu wanaagsan aabbahaa iyo walaalahaa deji, oo dalka Goshen ha degeen. Oo haddaad ku garanaysid rag karti leh, de ka dhig kuwo xoolahayga u taliya.

Falimaha Rasuullada 4:1-4

Butros Iyo Yooxanaa Waxaa La Hor Keenay Shirka

Intay dadkii la hadlayeen ayaa wadaaddadii iyo sirkaalkii macbudka iyo Sadukiintii u yimaadeen, iyagoo ka xumaaday, maxaa yeelay, waxay dadkii bareen oo Ciise ku ogeysiiyeen sarakicidda kuwii dhintay. Markaasay qabqabteen oo xabbiseen ilaa maalintii ku xigtay, maxaa yeelay, durba fiidkii bay ahayd. Laakiin qaar badan oo hadalkii maqlay waa rumaysteen; oo tiradii nimanku waxay noqotay abbaaraha shan kun.

Somali Bible (SOM)

© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya