Revised Common Lectionary (Complementary)
118 Rabbiga ku mahadnaqa, maxaa yeelay, isagu waa wanaagsan yahay,
Waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.
2 Haddaba reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen,
Naxariistiisu weligeedba way waartaa.
14 Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga,
Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.
15 Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada,
Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
16 Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey,
Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.
17 Anigu ma dhiman doono, laakiinse waan noolaan doonaa,
Oo waxaan sheegi doonaa shuqullada Rabbiga.
18 Rabbigu aad buu ii edbiyey,
Laakiinse dhimasho iima uu dhiibin.
19 Irdaha xaqnimada iga fura,
Oo anna waan geli doonaa, oo Rabbigaan ku mahadnaqi doonaa.
20 Tanu waa iriddii Rabbiga,
Oo waxaa geli doona kuwa xaqa ah.
21 Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay,
Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.
22 Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen,
Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.
23 Tanu xagga Rabbiga bay ka timid,
Oo waa ku yaab indhahayaga.
24 Tanu waa maalinta Rabbigu sameeyey,
Waannu rayrayn doonnaa oo waannu farxi doonnaa.
3 Goor habeennimo ah ayaan sariirtayda ka doondoonay kan naftaydu jeceshahay.
Waan doondoonay, laakiinse ma aanan helin.
2 Haddaba waan kacayaa, oo magaaladaan dhex wareegayaa,
Oo dariiqyada iyo jidadka waaweyn
Ayaan ka dhex goobayaa kan naftaydu jeceshahay.
Waan doondoonay laakiinse ma aanan helin.
3 Waxaa i helay waardiyayaashii magaalada dhex warwareegayay,
Oo anna waxaan ku idhi, Kan naftaydu jeceshahay ma aragteen?
4 Oo kolkaan iyagii in yar sii dhaafay
Ayaan helay kii naftaydu jeceshahay.
Waan qabtay, mana sii dayn,
Ilaa aan isaga gurigii hooyaday keenay,
Oo aan qolladdii tii i uuraysatay geliyey.
5 Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa
Cawsha iyo deerada duurka
Inaydaan jacayl kicin ama aydaan toosin
Ilaa uu doono.
6 Waa kuma kan cidlada uga soo baxaya sida tiirar qiiq ah?
Oo ay malmalka, iyo fooxa,
Iyo dhirta udgoon ee baayacmushtariga oo dhammu ka carfayaan?
7 Bal eeg, waa sariirta Sulaymaan lagu qaadee.
Lixdan nin oo xoog badan oo ka mid ah kuwa xoogga badan ee reer binu Israa'iil
Ayaa hareereheeda ku wareegsan.
8 Kulligood seefta aad bay u yaqaaniin, waana wada dagaalyahan.
Ninkood kastaba seeftiisii dhexday ugu xidhan tahay,
Cabsida habeenka aawadeed.
9 Boqor Sulaymaan wuxuu kursi la qaado
Ka samaystay qoryihii Lubnaan.
10 Tiirarkiisii lacag buu ka dhigay,
Hoostiisiina dahab buu ka dhigay, oo meeshuu fadhiistayna guduud buu ka dhigay,
Oo dhexdiisiina gabdhaha reer Yeruusaalem ayaa jacayl ku sharraxay.
11 Gabdhaha reer Siyoonow, bal baxa, oo Boqor Sulaymaan eega,
Isagoo qaba taajkii hooyadiis madaxa u saartay maalintii arooskiisa,
Iyo maalintii qalbigiisu faraxsanaa.
Ciise Waa Ka Soo Sara Kacay Kuwii Dhintay(A)
16 Goortii sabtidii dhammaatay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadiis, iyo Saloome, waxay iibsadeen dhir udgoon inay u yimaadaan oo mariyaan isaga. 2 Waaberigii maalintii ugu horraysay ee toddobaadka waxay yimaadeen xabaasha goortii qorraxdu soo baxday. 3 Waxay isku yidhaahdeen, Ayaa dhagaxa xabaashii afkeeda inooga giringirinaya? 4 Goortay eegeen waxay arkeen dhagixii oo la giringiriyey; oo aad buu u weynaa. 5 Goortay xabaashii galeen waxay arkeen nin dhallinyar oo midigta fadhiya oo khamiis cad gashan, markaasay aad u nexeen. 6 Wuxuu ku yidhi, Ha nexina. Waxaad doonaysaan Ciisihii reer Naasared, kan iskutallaabta lagu qodbay. Wuu sara kacay, oo halkan ma joogo. Waa taa meeshii la dhigay. 7 Laakiin taga, oo waxaad ku tidhaahdaan xertiisii iyo Butros, Wuu idin hor marayaa ilaa Galili. Halkaasna waad ku arki doontaan, siduu idinku yidhi. 8 Markaasay dhaqso u soo baxeen oo xabaasha ka soo carareen, waayo, way gariireen oo yaabeen. Ninnana waxba kuma ay odhan, maxaa yeelay, way baqeen.
© 1979, 2008 Society for International Ministries-Kenya